    Deeq | Sunday, February 18, 2001 - 03:33 pm Shirka CARTA wuxuu ahaa shirki ugu horeyay ee laga soo qeyb galiyo SOMALI CIVIL SOCIETY, ruux walba oo Soomaali ahna marki uu maqlay in Ugaaskiisa ama Malaaqiisa uu shirka fadhiyo wuxuu u qaatay in la masalayo, xuquqdiisana cid u doodda goobta joogto. Taas baa sababtay in ummaddu ay shirkaas ku ayiddo bananbaxyo waaweyn oo qarkood dad ku naf wayeen. Nasiib xumo waxaa noqotay in shirkaas ay isugu yimadeen: 1. Koox WELL PREPRED AND WELL ORGANISED ah lacag badna sidatay, shirka qaban qabadiisna wax ku laheyd (HABAR GIDIR). 2. DAD DACAD AH, WAR MOOGNA AH UNA BADNAA ODAYAAL TUULO JOGTO AH, AQOONYAHAN DIBADDA KA YIMID,GANACSATO XALAAL QUDATA AH.(Beelaha kale). 3. CADAQATAYAAL KURSI IYO LACAG DOON AHAA lana saftay kooxdi intaas ay ka heli kareen. Waad qiyaasi kartaan waxa meeshaas ka soo bixi kara: H/gidir oo ku guuleysatay in loo XALAALEEYO XOOLAHII UMMADDA SOOMAALIYEED. SABEEN XIRNA LOOGA DHIGO IN MADAXWEYNUHU IYAGA NOQDO.LACAGTA DALKA IN AY DABACAAN.SOMALI AIR LIENS IN LA SIIYO.ABAABULKA CIDAMADDA IN AAN LALA QAYBSAN. Iyo foolxumooyin badan oon muqan hada iyo kuwa soo socda. Dadki daacadda ahaa ee la khiyaanay oo goor danbe wax gartay marki ay arkeen falalka dhacayaa, hadana meel ay wax ka qabtaana garan la'a. Cadaqatayaashii oo helay wixi ay rabeen lakiinse ku qasban in ay ololaha nadaafadda ka qayb qataan ama beelahoodda loo diro si ay uga dhadhiciyaan in dowladda KMG la raaco taas oo halisteed leh. HAL BOOLI AH NIRIG XALAAL AH MA DHASHO. |
    jamac | Monday, February 19, 2001 - 03:09 am aleylehe deeqow runbaad sheegtay laakiin somali waa dad ilowsho badan ee alowsahal umuuraha |
    Anonymous | Monday, February 19, 2001 - 03:33 am Asalamu Calaykum. Deeq ninyahow marar badan ayaan ku arkay adoo dhaleeceynaya DKM, taasna waa rayigaaga oo dhibaato ma leh, laakiin waxaa haboon inaad hubsato waxaad qoreyso, maxaa yeelay lacagtan hada la leeyahay waa la daabacay waxaa wadanka uu keynayey ninka hada lagu eedeynayo from 1998 ila hada, oo uu marba qeyb soo galinayey, mida kale asaga shirkada sameysay ayuu la soo heshiiyay mooyaanee, dhamaan ganacsatada soomali, qabiilkey doonto ha noqoto shirko ayey kula yihiin, marka saas ula soco oo waxaan wey ka horeeyeen shir Jabuuti iyo abaabulkiisaba. Mida kale raga diyaaradaha soo iibsaday waxaa haboon inaad barato reerkooda intaadan reer kale madaxa u surin, Xaaji Abuukar Cumar Cadani ayaa ugu horeeya ragaas, marka fadlan wax badan oo aad meelaha ka maqashay qabiil kale naceybkiis inta ku qaado yuusan dambi kaa soo gaarin. Asalamu Calaykum. |
    Deeq | Monday, February 19, 2001 - 01:20 pm Ku:Anonymous Anigu horta kama dhex sooci karo ANONYMOUS yada Somalinet wax ku qoara,wana ka xumahay oo sharftu waxey ku jiri laheyd sida aad ii taqaan in aan kuu aqaan.Adigaase isugu wacan. Tan xigta: MA WAXAAD DIIDAN TAHAY IN H/GIDIR SABEEN XIR LOOGA DHIGAY MADAXTINIMADDA SOOMAALIYA KA DIB MARKI AY LAYEEN UMMADDI MAATIDDA AHEYD XOOLA HOODINA AY LA WAREEGEEN?. MA BEEN BAA IN RAGGA LA BAXAY GANACSATADDA EE XAMAR AY 90% YIHIIN H/GIDIR SOONA BAXEEN 1991 WIXI KA DANBEYAY,MA CEELAL PATROL YAA U DILAACAY XAGEE XOOLAHA KA KEENEN?. UMMADDA XOOLAHOODA XAMAR LAGU DHACAY MA RIYOODEEN OO MA BEEN BEY SHEEGAYAAN?. MA DIIDNTAHAY, OO MA BEEN BAA IN XARUNTA KMG OO AH CAASIMADDA SOOMAALIYA DADKA SOOMAALIYEED EE KU NOOL KULIGOOD MAGAN H/GIDIR KU JIRAAN? Sidee xaladda noocaas ah loogu tilmami karaa NIDAAM DOWLADEED. Xildhibaan ama Wasiir la soo afdubay magana ku jira hora ma loo arkay maxaase lagu timaami kara?. |