Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Jabhadaha - Somali Factions: TO INA CAYDIID WAR DOWLADA SOOMAALIYEED SOO RAAC INTAA N TRAIN KU KAA TAGIN!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DAADIOOW

Monday, February 19, 2001 - 01:50 pm
Waxaan u soo jeedin lahaa ina caydiid inuu ku soo biiro dowlada cusub ee soomaaliyeed oo uu iska dhaafo isbaaro dhigashada soo ma oga saaxiibkii qanyaro inuu ku soo biiray dowlada isagoo dantiisa ka hormarinaya danta shacabiga soomaaliyeed halka ina caydiid uu taagan yahay halgankii abaahay ayaan wadayaa. sidii aabihii oo jihaad ku jiray , aabihii wuxuu ahaa munaafaq aan diin wax ka garanayan qabiilkiisii ayuun baa dilay markii ay fahmi waayeen . huseen aydiid waxuu ku socdaa dariiqii aabihiigiisii isbaaroolaha ahaa . dhaalim mujrim ah ayuu ahaa waxaan leeyahay ina caydiidoow ilaahay u toobad keen , oo isbaarada iska dhaaf . WABILAAHI TOWFIIQ!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HAWIYO

Monday, February 19, 2001 - 07:47 pm
waa runtaa oo inacaydiid waxa uu umaleeyaa inuu aabihiis ku jiray jihaad sidaas aawadeed ayuu u maleeyaa ama u arkaa Soomaalida qaarkood iney ku tahay cadow, maxaayeelay somalidu waxay ku maahmaahdaa caruurtu waxay noqdaan waalidkood. aduunyadu waxay noo arkeyaan inaan nahay dad aan sharaf laheen maxaa yeelay anagii baanba iska diloono qof soomaali ah maalin walba waxaan dhihi lahaa waxwalba waa laga weynaadaa ee may ka weynaadaan mucaaradnimada qabiilka ku dhisan sida ay uusameeyey Qanyare. mida kale alaha u naxariisto caydiid janada alaha ka waraabiyo marxuumka. marka Daadiow Alle u toobad keen maxaa yeelay ruux dhintay qalad iyo sax lama xanto saaxiib

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Parlaman

Wednesday, February 21, 2001 - 01:44 pm
To: Akhyaarta

Walaalayaal Hussien wixii dicaayada waa ninkeeda iyo afkiisa. balse waxaan wax ka oran lahaa dhinaca siyaasada.

Hussien waa nin qadyad iyo mabda haysta somalina intabadana ay aaminsan tahay waa inta gobanimadoonka jecelka.

Kuwiina amaanaya kuwa caado qaatayaasha iyo kuwii dalka iyo dadka liqay kuna faanaya wixii ay sameeyeen welibana sheeganayana in ay Somalia oo idil in ay matalaan suaashu waa yay matalaan magaaladee bay horta ka taliyaan waxaa is waydiin mudan caasimadii iskaba dhaaf bay bakool, kismaayo,Puntland. iyo Somalilandba ? war xagee dawladani ka jirta ma mida madaxtooyada u ah Guriga C/qaasim baa dawlada.

War niman yahow hurdada halaga ka kaco.
Hussien waa nin ogol in xalka Somalia ay tahay arin muqadas ah loona baahan yahay in la helo dhamaan inta metasho maamulada ururada dalka oo idil si loo helo wax ama maamul ma teli kara shacabka Somalia.

Marka hadii walaalayaal aad u aragteen qawlaysatayaashan beenta iyo propogandada tuugada ah in ay wadaan nabad, iyo horumar dalka Somalia waxaan u arkaa inaadan war u haynina raga aqoona aadana u lahayn hadii kale waxaad tihiin xaasidiin.