    Booteeye | Tuesday, February 20, 2001 - 01:01 am Waxaa cad inuu QANYARE yahay ruug cadaa siyaasi ah. Waraysigiisu waxa uu taabanayay meelo badan. 1-waxa uu niyad jabinayay HOGAAMIYE KOOXEEDYADA, waxa uu ku tilmamay kuwo aanan waligood heshiin karin, waxa uu ugu maahmaahay "ADIGUBA CAQLI AYAAD LEEDAHAY, CARAR MAXAA DHAAMA" ayuu yiri sayid maxamad cabdulle xasan, . Taas qanyare waxa uu ula jeeday inuu mucaarad ku cabsiiyo, inaysan dowlada hor istaagi karin. 2-Waxa uu isaga oo hawiyaha la hadlaya yiri "Waxaan ka shakisana Ismaaciil Cumar Geelle inuu dabin noo wado laakiin hadii, Madaxwaynihii Hawiye yahay Xamarna Caasimadi tahay waan isku xishooday, isagoo ula jeeda in Hawiyuhu is-raacaan, oo dowlada taageeraan. 3-Waxa kale oo Qanyare yiri waqtigii Dagaal wuu dhamaaday hadii qof isku daydana, iyadaa ku gubanaysa, anagu waxaan ahayn niman ku caan baxay dagaal, ragga DKMG ahna waa rag nabadayn taasna waa noogala adkaaday, macquulna ma aha inaad idku noqoto GEESI DAGAAL, IYO CAAQIL NABAD DHALIYE. |