Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Dowladda - Somali Government: Dowladda - Somali Government (Current): Cusmaan Caato : war Qanyare ! ,,,,xaalka waa sidee?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Guuleed S

Tuesday, February 20, 2001 - 05:09 am
Ayaamahapress oo qortey maqaal-kaan:


Caato iyo Maxamed Qanyare …
Muqdisho, (Apress)- Talaado, Feb 20, 2001
Maxamed Qanyare Afrax oo dhowaan ku soo biiray dowladda ayaa shalay deegaanka Deyniile kulan kula yeeshay Cusmaan Xasan Cali (Caato) oo ka mid ah hoggaamiyaasha ka soo horjeeda shirkii Carta.
Inkastoo aan faahfaahin laga bixin kulankaas haddana waxaa lagu warramay in Qanyare iyo Caato ay ka wada hadleen sidii loo dhammeystiri lahaa dib u heshiisiinta Soomaaliyeed.
Maxamed Qanyare ayaa la sheegay inuu Caato uga warbixiyey heshiiskii dhex maray isaga iyo dowladda ku meel gaarka, waxaana la filayaa inay kulan kale isugu yimaaddaan.

(Ayaamaha)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

koofi-dhuub

Tuesday, February 20, 2001 - 09:02 am
mr.qanyare wuxuu ka xishooday in uu dadkisa iyo shacabkisa isbaaro u dhigto,waana nin ka hanweeyn waxyaabahaas,waanna nin ka xisaab badan rag badan oo warlords ah,inkasta oo qaarkale dhimmanyihiin haddana wuxuu mujiyey in jidka keli ah ee xalsoomaaliyeed lagugaari karo ay tahay in uu ka tanaasulo gees isu sooca kuna soo biiro halka loo batay oo ah in lala shaqeeyo dowladda ku meelgaarka ah si loo gaaro nabad waarta iyo barwaaqo.