Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Puntland Politics: Puntland Politics (Current): Qandala, Caluula , Iskushuban iyo Bayla maamuladooda oo soo jeediyey in ku biirayaan dowladda KMG hadii ,,,,,,
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Jaciir

Wednesday, February 21, 2001 - 05:39 am
Guddoomiyaasha degmooyinka…
Qandala, (Apress)- Arbaco, Feb 21, 2001
Guddoomiyaasha deegaannada Qandala, Caluula, Iskushuban iyo Bayla ee ka tirsan magaalada Boosaaso ayaa sheegay in haddii la fulin waayo codsi ay u gudbiyeen maamulka Puntland ay xilka tirin doonaan, isla markaana ay ku biiri doonaan dowladda ku meel gaarka.
Ereyadaan waxay ka hor sheegeen guddoomiyaasha afarta ah kulan ay la yeesheen taliyaha qaybta bari ee booliska Boosaaso C/rasaaq Afgaduud oo u sheegay guddoomiyaasha in deegaannada ay ka taliyaan uu u soo diri doono ciidamo boolis ah oo nabadda suga, taasoo ay guddoomiyaashaasi ka soo horjeesteen waxayna taliyaha u sheegeen inay horey maamulka Puntland ugu gudbiyeen codsi ah in haddii degmooyinkaasi loo soo dirayo boolis in booliskaasi laga qoro dhalinta u dhalatay deegaannadaas.
Taliyaha qaybta bari isagoo ka jawaab celinaya ereyada guddoomiyaasha wuxuu ku yiri "amar baan haystaa, ciddii ka hor timaadana cagta ayaan marinaynaa", guddoomiyaha deegaanka Caluula Yuusuf Muumin Bide oo isaga magaca saddexda guddoomiye kale ku hadlayey ayaa isna ugu war celiyey taliyaha "haddii maamulku uusan ka soo jawaabin codsigooda in kheyr iyo qasaaro waxay ka helaanba ay caddeyn doonaan inay ku biirayaan dowladda Soomaaliya ee iminka".
Dhinaca kale weriyeheenna C/fataax Jaamac wuxuu kaloo soo sheegay in degmada Qardho maamulkii ku sugnaa ay cabasho u soo gudbiyeen magaalada Boosaaso iyagoo sheegaya in inta badan dhaqdhaqaaqa iyo maamulka deegaanka ay shacabku la wareegeen.