Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Dowladda - Somali Government: Dowladda - Somali Government (Current): Inta Suudi Yalaxow Joogo Mindhaa Hoteelada banaanka loogama soo baxo
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Warsheekh

Wednesday, February 21, 2001 - 03:46 pm
Hunu hunu hadal maaha himbiriirsina wax arag maaha heesaayoow hadalka runtiisa iga hoo
Comments: Kooxda Carta laguma tilmaami-karo mid somalidu u dhameyd… taasina kooxda Carta waxay ka dhigaysaa mid maran… shirkii Carta go’aan kasta oo ka soo baxa shirkaas ama ka dhasha wixii uu isagu dhalay, wuxuu noqonayaa mid aan sharci ahayn…

Waxaa Carta ka dhashay oo ah kooxda isku magacowday <> waa mashruuc in yari wadato oo ka qaawan kalsoonida shacabka Soomaaliyeed waxayna isu bahaysteen siday jeebabka uga buuxsan lahaayeen lacago ay ku helaan magaca qaran Soomaaliyeed oo ay si been abuura ula kaashadeen Geellaha Jabuuti iyo Devid Stephen-ka UN-ka Somaliya uga ah wakiilka kuwaas oo laf ahaantoodu qayb wadaag la ah xaga dhaqaalaha lagu helo xukuumada uu Cabdiqaasim sheeganayo...Umalayn maayo qof garasho yari ku jirto inuu aqbalayo nin daacad ahi inuu u ogolaan lahaa in kuway isku qabiilka ahaayeeni ay soo daabacdaan lacago been abuura ka dibna uu isagii yiraahdo dawlad baan ahaayoo anigaa kaga gadanaya lacagta been abuurka ah dolar taasi oo xikmada inoo ka soo baxaysaa tahay markii sariflayaasha Muqdisho diideen anaa suuqa farsamo kale ku galinaya ee ii dhiiba (kolay awalba adigaa lahaaye inoo cadee xaalku soowma aha)kaasi waa tusaale dhacdadii u dambeeyay inta khiyaamo ka horaysay ee shacaka warmoogaha ah lagu falayna ma anaa tirinkara…. . Kuwo u dabacararaya kooxda Cabdiqaasim qabiil dartiiyoow ogaada in ummaddda Soomaaliyeed ay soo dhaaftay xiligii heesaha kooxda onkod iyo halgan lagu dagi jiray maankooda aqoonsi umada Soomaaliyeed aysiiso kooxda Cabdiqaasim inay dawlad u tahay iska ilooba Isla markaasna aan helayn taageerada bulshada caalamiga ah.
Soomali kastaa wuu ogyahay xukuumadda Cabdulqaasim sheeganayo in aan laga rabin Muqdisho iyo in Muqdisho loogu ilaaliyo sidii maxaabbiis oo kale…>>

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Samatar

Wednesday, February 21, 2001 - 06:52 pm
well done warsheikh

nin walba oo damiir wadaniyadeed leh ama ah soomaali daacad ah, si nama u qaadan karimaayo arta project, waa sidaad u sheegtay walaakiis, project-gaan oo ay shirkad ku ahaayeen ismail shuluq david stephen, iyo koox ah haraagii dawladii dhiigya cabka ahayd ayaa isa tusay in magaca shacabka soomaaliyeed ee dawlada u baahan lagu qaraabto, magacooda lagu dhiso dawlad ka dibna jeebadaha laga buuxsado wax kastoo lagu soo helo magaca shacabka, awalba waxaa horay loo yiri hal baadi ah nirig xalaal ahi ma dhasho, bal ka warama meesha ay cabdiqaasim, iyo galaydh, iyo gaani, iyo galaal, iyo bille rafle, iyo intii allle ka furatay ee arta ku jirta ay leeyihiin waxaan nahay wadaniyiin danta shacabka ayaanu wadnaa! xagee wadanimada ka jirtay markay ummada dubaha madaxa kaga garaacayeen, markay hantidii shacabka isdaba marinayeen markay dhiiga shacabka ku naaxayeen markay soomaalida hubka isugu dhiibayeen markay afweyne u ahaayeen kaba qaad, afmiishaaro hooyooyinka ku lug gooya oryanteeshin iyo waxaan la aqoon.
project-gaas waa mid gaboobay waana midkii uu aabihiin afweyne ku shaqaysan jiray ee mid cusub la imaada.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ciise

Thursday, February 22, 2001 - 12:00 am
ninkaagan bogaan furay ee isu jawaabaya oo magacyada bedbedelaya waan ku ogahay warsheekh waxay ku taal marka kaaraan laga boxo c/qaasimna wuxuu degan yahay hodan. dowladu waxay ku tiri qashinka kaaraan yaala baabuur ayaan usoo kireynayaa waan qaadayaa adigoo kale oo xamar qoray la taagan ayaa yiri qashinka lacag haleyga siiyo hadii kale meeshiisa halagu celiyo. ninka aad sheegtay muuse suudina wuu fiirsanayaa. marka kaasoo kale hadii meel loo dhiibo qashin qub ayuu ka dhigayaa sida hada ay kaaraan u tahay qashinka. hadal iyo dhamaantii reer kaaraan iyo abgaal in loo taliyo abaal ayey ku qabaan hadii ay caqli leeyihiin waayo isuma talin karaan annaguna waan ognaya oo ilaa iyo 1990 ayaan derseynay qaab dhaqankooda iyo noloshoodaba. tusaale kalena waan ku siinayaa madaxweynihinii hore cali mahdi sowmaaha kan la jooga c/qaasim, muxuu tarayaa mid jaahil ah oo uu magacaabay isagu sida muuse.