Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Dowladda - Somali Government: Dowladda - Somali Government (Current): MD. QALINLE: "Kuwa Hoteelada Muqdisho ku jira maahee waxa ka soo horjeeda RRA ma arag…"
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Muudey

Wednesday, February 21, 2001 - 10:02 pm
Guddoomiyaha gobolka Bay isla markaana afhayeenka jabhadda RRA Maxamed Cali Aadan (Qalinle) ayaa shaaca ka qaaday in gobolada Bay iyo Bakool ay xilligan marayaan heerkoodii ugu fiicnaa ee nabadgelyo.

Md. Qalinle oo xalay khadka Isgaarsiinta ugu waramayay wargeyskan ayaa sheegay in magaalada Baydhaba ay dhowaanahanba ka socdeen howlo aad loogu bogay oo ay ka wadaan hay'adaha samafalka, iyadoo lagu qabtay seminaaro kala duwan oo ay ka soo qeybgaleen Soomaali iyo ajnabi, taasina waxay muuhjinaysaa ayuu yiri nabadgelyada iyo xasiloonida ka jirta gobolkan, isagoo intaas raaciyay in beerihii dadka degaankaas ay ku noolaayeen qaarkood soo go'een.

Md. Qalinle oo wax laga weydiiyay khilaaf ka dhex taagan jabhadda RRA oo saraakiil ka mida iyo maleeshiyo ay taageersan yihiin dowladda KMG ah, waxa uu sheegay in ay jireen saraakiil saddex sarkaal ka kooban iyo odayaal dhowr ah oo Xamar tegay balse markii dambe is dhiibay oo ka tanaasulay, kuwaasoo uu sheegay in la cafiyay.

"Waxaa ka mid ahaa Col. Shiino, Suul-baraar iyo mid kale hadana wax dhibaato ah ma qabaan" ayuu yiri isagoo ka jawaabayay su'aal ku saabsan magacyada saraakiishaas, "Kuwa Hoteelada Muqdisho ku jira maahee waxa ka soo horjeeda RRA ma jiraan, cid danbe oo aad weydiisana ma laha" ayuu intaas raaciyay Md. Qalinle oo cadeeyay inaysan wax khilaaf ah ka dhex jirin hoggaanka RRA, "Waxaa fiicnaan lahayd inaad joogto sidii loogu soo dhoweeyay Guddoomiyaha Col. Shaatigaduud magaalada Baydhaba" ayuuna sii raaciyay.

Afhayeenka jabhadda RRA waxa uu ku eedeeyay kooxda Carta dhibaato ay ka dhex wado bulshada Soomaaliyeed, "Kooxda Carta iyo Jabuut iayaa shirko ku ah lacagaha been abuurka ah ee dalka la soo gelinayo" ayuu yiri Md. Qalinle oo dhinaca kale sheegay in aysan aqbali doonin wax waanwaan ah oo ay la galaan koox dowlad sheeganeysa.

Guddoomiyaha gobolka Bay waxa uu Soomaalida ugu baaqay inay iska ilaaliyaan shirqoolada kooxda Carta, isagoo sheegay in qaabka kaliya ee nabad lagu heli karo ay tahay in beel kasta ay deegaankeeda ka taliso ee aysan dulsaar ku noqon beelo kale.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

nuur

Thursday, February 22, 2001 - 12:07 am
eelaay eelaay dhalay adigoo kale netka looguma tala gelin ee orod oo tuugsigii ha ka habsaamin
maxaa dowlad kaa galay c/qaasim ayaad diiday waxaadna u ordeysaa c/laahi yuusuf. indhaha ayaad isku haysaa adigaase kala qaadi doona mar ay talo fara ka baxday.nacas nacas nacas. kaalmeeya iikaalmeya megan c/qaasin megan deeroow...

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

samatar

Thursday, February 22, 2001 - 10:15 pm
hawiye anigu adiga maahi!

ma caay bay maraysaa, muudey bro well done wax kale ma ahan hawiye waa ku foorartaa, waad u jeedaa siday isku lahaayeen xamar ha la idinku yimaado ayay u jeedaan in ummadihii kale horay u socdeen,ayagiina qurinkii xamar ayay dhex fadhiyaan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

nuur

Thursday, February 22, 2001 - 11:44 pm
to. samatar
horta cayda halega raali noqdo ninkaan wuxuu rabo soo qoraaya ayaa iga careysiiyay. hadiise aan xaqiiqda usoo noqdo runtu waa lama huraan xamar oo aan hagaagin baydhabo iska daaye waxaa dhib haystaa wadama deriskeena ha reer waqooyina cid la hadleysaa ma jirto inta xamar dhibaateysan yahay. hadii dhaqaale la yiraahdan xamar ninkii tegay ayaa runta ka sheegi kara gaar ahaan suuqya waaweyn sida kaaraan bakaaraha suuqbacaad iyo siinaay oo hada sidiisii kusoo noqonaya, marka kama sheekeyn karo waxa xamar ma socda ee waxaad ogaataan "budo qabe iyo biyo qabe waa isu baahan yihiin",,,,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

samatar

Friday, February 23, 2001 - 08:25 pm
qurunkaaga iyo basaaskaaga wax u baahan malahan ee kaligaa isku tasho, haddii xamar ay barwaaqo kuu tahay ku imaanso oo bani'aadam uga ekoow, mise sidii lagugu yiqiin waligaa fawdo ku dhex jir. maxaad isaga nabaysaa dad aan kuu bahnayn oo iskala ka weyn maad dad iska dhigtid oo la tartantid oo dawlada goboleed dhisatid, mise kartidaa iyo tayadaa ayaadan lahayn.ilaah ha kuu gargaaro.
Hawiye anigu adiga maahi!.