Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Arimaha Qabiilada - Clan Politics: Arimaha Qabiilada - Clan Politics (Current): Go'aanka Qanyare maku wada raacsantihiin HABARCEENO
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MAHAD

Thursday, February 22, 2001 - 06:15 am
HABARCEENO MAKU WADA RAACDEEN GO'AANKA QANYARE ANIGU UMALEENMAAYO INEY SHEEKADAAS SOCONEYSO IYO DOWLADA KMG.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Codweyne abakar

Thursday, February 22, 2001 - 07:58 am
TO= MAHAD

walaal go´aankaada adaa leh oo hadaad doonto waxaa noqon kartaa mucaarad laakiin xaq uma lihid in aad tiraahdid HABARCAYNU ma ku raac santihiin
QANYRE go´aankiis sababtoo ah Qanyare waa walaalkeen waana ku farax sanahay weax alaa wixii uu u arko in tahay xal

Murusade waa hal iloow waxa aa ka hadlaysid
waxaana filayaa in aadan xumaan u qaadan mahadsanid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Habar/maxamad

Friday, February 23, 2001 - 03:04 pm
--aan mid ku iraahdo mahad Qanyare goaankiis ilama xumeen haduu ogaadey iney u tahay xal Hawiye iyo wadanka waana gesi figrad dheer oo ah maskaxdii Hawiye mida kale xagee ukaljiidee Murusade maxaadse gees isugu riixdaan Habarceno murusade waa mid.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Muqtaar

Friday, February 23, 2001 - 06:20 pm
Wwaa xaa dhihi lahaa haduu Marusade iyo qanyare hubka wada dhigaan oo bari kamaalin talo faro kabaxdo sow maqaldana qanyare>inuu dhiibay hubkii Murusade miyeeysan Habbarceno xaq ulaheen iney hubka heestaan intii ay wax ween iska badalayaan. waan kugu racay mahad qalad weyne waa qanyare.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NALEEY

Sunday, February 25, 2001 - 06:27 am
Waxaam umaleeyanaayaa mar in uu khaldamay walaalkeey khanyare.taas oo aan uga jeedo.Ha kamid nokhado DKG laakiin mha aheyan in uu hubaka geeyo waxu waa habar gidir lama aaminikaro DHINACA KALE MURUSADE WAA HAL MID runtii waxaa nagu jiro khaar nakala saaro mana nihin dad is kal khaad khaado KHANYARESE WAXAAN LEEYAHAY U FIIRSO KARANLE OO IDIL ALAHA NAGUULEEYO MEELKASTO OO AAN JOOGANO

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CODAWEYANE ABAKAR

Sunday, February 25, 2001 - 06:29 am
MAR LABAAD WAA NALEEY

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wabxo

Wednesday, February 28, 2001 - 02:43 am
Waalaalayaal marka hoos loo dhaahdaco Qanyare waa Habar-Maxamed ee ma aha Habar-ceeno taas waxaan ku saxayaa ninka mowduuca billaabay Aniguse waxaan uga kaaftoomayaa inuu Nin Murusade yahay
tan labaad Qanyare hub ma dhiibin ee wuxuu dowladda kula heshiiyey in malliishiyada uu xakumo ay dawladda la shaqeeyaan hubkoodana heystaan intaas ka sokow ninku waa rag oo wuxuu qalinka ku duugay inaanan afarta degmo (Wardhiigley Hodon Howl-wadaag iyo Daayniille) ay yihiin dhul Murusade Xaqna u leeyihiin in wax aanan murusade ahayn guddoomiye ka noqon arrintaas waa la ansixiyey afar nin oo cidda ah ayaana loo doortay golaha baarlamaanka ayuu beeshiisa dad ugu siyaadiyey wasiir ku xigeen iyo asigoo wasiir noqdayna wuu ka ansixiyey intaas waxaa dheer jagooyinka uu kordhiyey sida Gaafow iyo dad badan oo meelo muhiim ah loo dhiibay.

Waxaa la yiri.

Doqon baa halkii lagu qatali qoorta soo dhigane
Ma anigaa lay qarshaa middiyo laygu qali doono

Murusade hubkiisa Habar gidir uma gacan gelinayo hadii aysan iyadu keeda na weydaarsaneyn laakiin dowlad haa waase marka kalsoonidaasi muuqato

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

deeq

Wednesday, February 28, 2001 - 04:17 am
Qanyare waa sida dadka oo kale, laakiin ha halmaamina in qanyare uu fahamsanyahay in marka aay .DKM. aay qasab kunoqoto inaay qoray caaradiis wax kuraadiso in aay ka sii xumaaneeyso tii hore.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sh

Wednesday, February 28, 2001 - 05:06 am
Waar midgaanka maad inaga deyn

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ina-Ugaas

Thursday, March 01, 2001 - 03:21 am
SH.

Nacasyahow midgaanku adiga wuu kaa sharaf badanyahay waana dad soomaaliyeed ee caqliga gurracan meesha kala tag,

Dhalliyarada Karanle yaanan Ninkaan lala hadlin maaddaama uusan u qalmin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ISR-abakar

Friday, March 02, 2001 - 01:00 am
wabxo
ayaan ku raacsanahay fikradiisa, dhibka na haysta ma aha, mid ku saabsan iskala saarsaarid, ee waxay ahayd hogaamiye la,aan, laakiin QANYARE waxa uu noo furay dariiq wanaagsan, waana ku faraxsanahay.
Tan kale heshiisku waxu uu ahaa in uusan qanyare dhiibayn hubka inta hogaamiye kooxeedyada xamar ay hubka haystaan.

Yaaa hub loo dhiibaa Cabdiqaasim jufada uu ka dhashay ee CABSIIYE CAYR, waad aragteen in xitaa Balidoogle laga qaadi la,yahaye.
By the way, i am suppoting our leader`s agreement with TNG.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ina-Ugaas

Friday, March 02, 2001 - 02:20 am
Qanyare wuu la heshiiyey DKM ah, danaha soomaaliyeed iyo tan beeshiisana kama uusan gaabin wuxuuna kusoo beegmay waqti munaasib ah, Habar-ceeno Habar-maxamed Habar-yaabiye Habar.... intaas marka laga gudbana guud ahaan Karanle ayaa taageersan qaabka arrintu u dhacday

intaas keddib walaalayaal bal ARRINTAAN wax ka dhaha.

Garoonka diyaaradaha ee Dayniille

*Mardhow waxaa ebyoomi raba garoonkii diyaaradaha oo waayadaanba uu Qanyare ku howlanaa, haddaba garoonkaan dhameystirka ah mallaga yaabaa maaddaama ay DKM ahi la heshiisay Qanyare inuu garoonka-diyaaradaha ee Daayniille noqdo mid ay dowladdu uga maaranto Gegida balli-doogle oo 90-Km u jirta Muqdisho mise waxaa laga yaabaa inay dowladdu ka maagto si ay usii socoto naasnuujinta Reer-hebel,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

israa

Friday, March 02, 2001 - 02:48 am
Ina ugaas
Dabcan waa fikrad fiican, laakiin waa in uu garoonku noqdaa, mid soomaali oo dhan ay wada isticmaali karto, oo aan cidna lagu wax yeelin sharaftiisa , naftiisa iyo xoolahiisaba.
Taas waxaan ula jeedaa, garoomada xamar oo aan dhowaan anigu ka degay, kana soo duulay waxaad moodaa dadka haysta inaysan isku shaqo ahayn.
kan no:50 iyo BALIDOOGLE waxaa jooga dad isuma taliso ah, laakiin kan cisaleey waxaad moodaa inuu xooga dadka joogaahi ka reer magaalsan yihiin kuwa kale.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ina-Ugaas

Wednesday, March 07, 2001 - 02:57 am
Israa


Dhamaan dhallinyarooy Ciid wanaagsa


Sx howl kasta ee dowlad ama dadweyne loogu qidmeynayo ama aad naftaada ugu daneyneysidba waa inay caddaaladdu asaas u ahaataa waana falsafad aanan ka daahneyn qof kasta ee wax garad ah ee Ilaahey Qanyare iyo Dadkiisa ha garansiiyo,
Doonista Ilaahey waxaan rajeynayaa inuu Garoonku dhaqso u ebyoomo DMG ahuna garato faa'iidada weyn ee ugu jirto Garoonkaan muqdisho gudaheeda ku yaallo isla markaana aanan ka yareyn garoonkii hore ee caalamiga ahaa,

haddii ay arrintaanu hirgasho faa'iido ayey u tahay DMG ah iyo 3+9, haddii kalana ololeheeda ayaa laga gaabiyey.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

h/ceeno

Friday, March 09, 2001 - 05:13 pm
ASALAAMU CALAYKUM AQIYAARTA 3/9 WAA IDIN SALAAMEY, BAL AAN IDINKU TALODARSADO HADII AY DHACDO IN QOLA WALBA GOOSATO GOBOL WAXAAN DHIHI LAHAA HANOQOTO GOBOLKEENA GALGADUUD,MICNAHEEDU WAA XATAA AYADOO AH GOBOL MURUSADE CEELDHEER CEELBUUR DHUUSAMAREEB BALSE WAXAA JIRO SADEX BOQOL OO MAREEXAAN AH OO XOOLA DHAQATO AH OO UU SIYAAD BARE DAJIYEY MEESHAAS OO NALA DAGAN MAGAALADA DHUUSAMAREEB, CEELDHEERNA WAXAA NALA DAGAN XOOGAA CEYR AH MIYEYSAN HABOONEEN INAAN KU SII TASHANO DHULKEENA LABAAD.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ina ugaas

Saturday, March 10, 2001 - 02:59 am
Habarceeno

Sx Murusade waa qabiilka keliya ee saani u wada dega Gobalka Galgaduud kuna fadhiya baaxadda gobalka Kolley figraddaada waxaa ku jira qalad yar oo xagga qoraalka ah, malaha waxaad isku qaladday Ceeldheer iyo Ceelbuur,
Ceelbuur waa magaalo lawada ogyahay xadaaraddeeda iyo waayaha dheer ay soo jirtay iyo kaalintii ay ka cayaartay kacdoonnadii waaweynaa sida gobannima-doonkii iyo kuwii kale ee ka sokeeyaba waxaana iska leh Murusade haddii uu qabiil kale soo raacana waa Duduble ee Cayr meesha ka saar tanlabaad marreexaanka baaddiyaha dega ama kuwa magaalada dega ma aha dad uu Maxamed Siyaad keenay ee wey ka horreeyeen, dabcan dano dhaqan ama dhaqaale la xariiray ayey dhulkeenna ugu soo hayaameen waana dad wanaagsan oonan jebin xeerkii ay awoowayaasheen la galeen, Balse magaalada kale ee Dhuusa marreeb ah waa laga kala guuray oo waa cidlo ilaa haddana waxaa isku heysta oo qolaba markeeda sheegataa Marreexaan iyo Ceyr, taas ka sokow waxaad boqootaa bogga Ceeldheer iyagaaba caddeynaya in degmada laga kala guuray ilaa haddana ay tahay meel'isku dilo oo goob dagaaleed ah.
sidaa daraadeed Murusade iyagoo awalba deegaanka ugu badnaa ayey haddana Degmadoodu tahay tan keliya ee horumar gaartay,
Sx waxaan ku weydiiyey meesha aad leedahay dhulkeenna labaad waa halkee?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

H/ceeno

Saturday, March 10, 2001 - 06:34 am
marka hore iga rali noqda ceyrbaan ku qaldey duduble, Galgaduud anigu waxaan joogey labo bilood waxaana tegay meelo faro badan sida Ceelbuur Ceeldheer Mareeg iyo tulooyin kale oo yar-yar meelahaas waxaan ku arkey waa Murusade, mareexaan reer miyi ahna way jogen halkaas iyo sidoo kale duduble sida aan kuu sheegey Galgaduud waa dhul Murusade waxaana ogaadey dadka ugu badani yihiin Murusade markii uu dhacay dagaalkii sokeeye kahor, adigu ugaas ma Galgaduud baad leedahay Murusade baa looga badanyahay?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

H/ceeno

Saturday, March 10, 2001 - 06:39 am
To: ina Ugaas Banadir and Galgaduud waa deegaanka Murusade

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ina-Ugaas

Sunday, March 11, 2001 - 11:00 pm
Habarceeno

Walaal kuma dhihin Galgaduud ayaa Murusade looga badanyahay balse waxaan iri "Murusade waa qabiilka keliya ee saani u dega Galgaduud" taasna waxaan ula jeedaa inaysan jirin qolo nooga badan Murusadana uusan ku kala firirsaneyn deegaanno kala duwan, tusaale ahaan
Cayr wuxuu u qeybsamaa Galgaduud Mudug iyo Soomaali galbeed, Abgaalna wuxuu u badanyahay Shabeellada dhexe iyo banaadir galgaduudna waxaa ka dega qaar Waceyslaha ka mid ah ma garatay.
tan labaad Gobalka banaadir waax baan ku leennahay laakiin Abgaal ayaa nooga badan oo ma wada sheegan karno.


Sheekada noo wada.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ISR-ABA

Monday, March 12, 2001 - 01:57 am
H/CEENO
Saaxiib waa lagu gartay sida aad u hadlayso inaadan ahayn H/CENO, iyo 3/9 toona

DUDUBLE , MAREEXAAN, CEYR WACAYSLE iwm, waa dad dhalasho iyo dhul naga dhexeeyo ee isku dirka jooji.

CEELDHEER iyo DHUUSAMAREEB murusade ma dego ee sidaa ula soco.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

H/ceeno

Monday, March 12, 2001 - 10:07 am
hadii la iimaleyey inaan isku dir wado Hawiya dhexdisa waa qalad arintina waan kabaxay sababtoo ah marabo in la-ii arko isku diraale,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qoslaaye

Monday, March 12, 2001 - 11:57 pm
walaalayaal dowlad baa dhalatay ee Ilaahey haka dhigo tii soomaali isu keenta hana naga badbaadiyo tafaraaruq iyo dabinnada uu cadowgu noo qoolayo ee ah maamul-gobaleedyo aanan awood fiican lahayn, bal nimanyahow yaanan halaag la saadsan waa maxay goosashada galgduud iyo waxa laga hadlayo.

TO: israa
Sx ma waxaad tahay biisaay-yare,wiilkii aan isla wadnay bogga Ceelbuur sidee u taallaa?


TO:Ina-ugaas
SX waxaan ku farxay meesha wanaagsan eed hadalka uga cabbirtay Ninka Habar-ceeno isku magacaabay,
waadna ku mahadsantahay Geeraarka cajiibka leh eed kusoo qortay bogga Ceelbuur-sidee u taallaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Tuesday, March 13, 2001 - 12:51 am
ceelbuur waxaa kadhacay dagaal ku dhintey sideeten ruux oo ah shicib dhaxdoda bey iskudagaaleen,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ugaas Muumin

Tuesday, March 13, 2001 - 11:09 am
Ha lasoo booqdo guriga cusub ee Deyniile.
http://www.deyniile.bizland.com

Waxaad weliba halkaas ka heleysaan wargeyska Qaran oo bilaash ah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ugaas-Muumin2

Tuesday, March 13, 2001 - 10:14 pm
Ugaas-Muumin

Sx ma Cabdi-naasir baa tahay mise Shire.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

biisaay-yare

Sunday, April 01, 2001 - 08:39 pm
to qoslaaye
sxb waan ku salaamay anigoo ah biisaay-yare
saaxii ma'ihi ninkaan halkaan isku qoray
mana ihi nin sidaas u hadla
oo kala ququba 3/9 toona
waxaan la yaabanahay nimankaan waxa ay doonaan iska qoraaya oo aan aaan garaneynin dagaanka oow dago 3/9 waxaan dhaliil u soo jeedinaayaa nimanka bogaan wax ku soo qoray waxaan leeyaha ugaada in bogaan uu yahay bog dadka oo dhan ay soo booqanayaan marka ka fiirsada waxa aad aqoonta aadan u laheeynina oo aad qoreysaan taas oo sumcad daro u keenikarta 3/9 dhamaantood
waanad mahadsantihiin dhamaan