    DAAUUD | Friday, February 23, 2001 - 02:35 am Midnimo Information Center Maxaa kalifay inuu Qanyare la heshiiyo Dowlada KMG. MIC-22-02-2001,Sida aad lasocataan Qanyare wuxuu ahaa mucaarad ka soo horjeedo shirkii Carte iyo Dowladii KMG aheyd ee lagu soo dhisay Jabuuti. Muddoo ayaa lagu howlanaa in uu la heshiiyo Dowlada KMG wuuna diidanaa isagoo sheegaya ineysan xal u noqon karin dhibaatada ka jirto Soomaliya, laakiin dhawaan ayaa jilbaha loo dhigay inuu ku soo biiro Dowlada KMG. Maxaa kalifay inuu taageero Dowlada KMG, haddan dib ugu noqono wareysigii ay BBCda la yeelatay Qanyare waxaa halkaas ka muuqda wixii kalifay inuu taageero Dowlada KMG ah, haddalkiisa waxaa ka mid ahaa "Aniga Isbaaro danbo ma dhiganaayo", haddaan fasirno arintaas waxey tahay, Isbaaro macnaheeda waa jidgooyo waxaana sameeyo koox ama qof waxaana loo yaqaan Mooryaan oo macnaheeda ah burcad ama tuugo, si ay u dhacaan, dilaan ugana qataan waxa ay wataan dadka waxa meeshaas maraayo. Sida wararka ku soo garaaya midnimo waxaa jiro inuu Qanyare soo gatay makiinad sameyso lacagta, waxeyna bilowday iney sameyso lacag been abuurah mana aha keligiis oo koox kale ayaa leh makiinado noocaas ah, wuxuu kaloo muddo ku mashquulsanaa dhisida garoon dayuuradeed oo wuxuu ka sameyay xaafada Dayniile oo ah meelihii xeryaha melitariga horay u degenayeen, welina waa socdaa dhisida garoonka. Haddan hadalkiisa dib ugu noqono oo ahaa "Aniga isbaaro danbe ma dhiganaayo" macnaheeda waxey tahay, wuxuu isbaradii ugu danbeysay u dhigtay Dowlada KMG wuxuuna kula heshiiyay iney lacagtiisa u ogoladaan in suuqa ay gasho, mustaqbalkana la isticmaalo garoonkiisa si uu daqli uga heli, taas ayaa keentay inuu la heshiisyo Dowlada KMG isagoo wato danahiisa gaarka ah. Wagtigaan wuxuu u baahan yahay Qanyare inuu heli meeshii uu u iibgeyn lahaa lacagtiisa been abuurka ah iyo sidii uu ugu heli lahaa Garoonkiisa maalgelin iyo iney Dowlda KMG isticmaasho,dhawaana wuxuu ku soo biiri dona garoonada la isticmaalo, waxaana jiro koox kale oo sameyso lacagtaas been abuurka ah waxeyna garab xoog leh ka heystaan Dowlada KMG, hadda kadibna looma baahna in dibadda lacag lagu soo sameeyo madaama makiinadahii lacagta lagu sameynaayay lakeenay muqdisho, waxeyna lacagtaasi u keentay shacabka Soomaliyeed sicir barar ku dhacay ascaartii iyo Dollarkiiba , waxaan laga dareemay sicir bararkaas Goboladda oo dhan. Shacabka masaakiinta ah dhibaatadaas waxaa u keenay Dowlada KMG oo gabaad iyo difaac u noqotay burcadka is aruursatay ee isku sheegaya ganacsato iyo siyasiyiin, waxay hal qabsi ka dhigteen " Dowlada ayaan ku maal gelineynaa", taas oo macnaheeda ay tahay Dowlda KMG ayaa lug ku leh waxaan kuu cadeyn kara arintaas markey shacabka maskiinka ah kaceen oo aay rabeen iney iska tuuraan kooxda u tashatay ayaa waxaa soo dhexgalay Dowlada KMG iyadoo ka baqeyso in la rido, taasna waxaa ka sii cad in ganacsatada iney Dowlada u hanjabeen hadeysan aamusin kacdoon masaakiinta. Waxaa nasiib daro ah in Dadweynaha Soomaliyeed gaar ahaa kuwa ku nool Banadir,Shabeladda Dhexe iyo Shabeladda hoos iney dhibaato cusu ku habsatay taas oo sii dhalindoonto inuu wadanku sii barburo gacantana u galo kooxo wadato dano gaar ah. Haddab waxaa habboon inaan ka foojignaano arimaha ay wadaan kooxaha u tashtay Ummadda Soomaliyeed lana socodsiino aduun weynaha si ay wax uga qabtaan madaama Kooxda Carte ay noqotay koox ka qaadato tageero kooxaha aan soo sheegnay. Waxaan kaloo ka codsanaynaa dhamaan aqristayaasha Midnimo iney u soo gudbiya wixii dhibaato u keeni karo ama dhibaato ku haayo shacabka Soomaliyeed ee gudaha Dalka ku dhiban, dulman iyo kuwa lagu xadgudbo si caalamka aan ula socod siino wax yabaha dhabta ah ee ka jira Dalka gudahiisa, waxaa kaloo noo suu gudbin kartiin arimaha ka dhaco caalamka ee ku saabsan Soomalida, arimahaas oo dhan waxaan u bandhigi doonaa caalamka. Waxaa warbixintaas soo diyaariyay Midnimo.com Waxii warbixin ah waxaad ku soo hagaajin kartaan |
    HERIDIID | Friday, March 09, 2001 - 06:23 am war majeerteen maxaad kunacdeen Maxamad Qanyare, ma-ogtihiin 1992 qanyare waxa uu caawinayey maxaabiista daarood ee uu Maruusaduhu soo qabqabtay runtii anigoon been idiin sheegeynin waxa uu yiri maxaabiista lagu qabtey dagaalka sokeeye halagu xareeyoi xerada askarta ee dugsi shanaad asagoo yiri dadkaan Daarood halaga ilaaliyo dadka kale ilaa ay dowlad kadhalato yaanan ladilin, Qanyare waxuu marwalba ku dadaali jirey midnimada Soomaali waxa uuna marwalba aadaa dhinaca ay u muuqato inuu wadanku ku Hagaagayo waadna u jeedaan markii uu soo raacay dowlada KMG waxa uu ogaadey in Dowlada KMG ay u wada siman yihiin Somalida oo dhan dowaladana ay ku wada jiraan dhamaan qabiilada Soomaaliyeed, wuuna iskala weenaa inuu lamid noqdo sida INA CEYDIID, ina ceydiid waxaa weli ku jirto figradii aabihii oo aheed Daroood naceeb iyo daneysi iyo inaan wadanku ahaan dimoqraaadi sababtaa buu wali inaceydiid u diidanyahay dolada KMG |