Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Dowladda - Somali Government: Dowladda - Somali Government (Current): Barre's gangs are back, only this time with the co-operation of the Warlords
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hannad

Monday, February 26, 2001 - 01:58 pm
Waxaan moodaayey in Jabuuti lagu dhisay dawlad xaq u dooneysa Soomali oo dhan. Waxaan moodaayey in dadka Soomaliyeed ay ka xooreebeen tuugadii Siyaad Barre, Waxaan kaloo filaayey in dadka Soomaliyeed loo soo celin doono sharaftoodii iyadoo ninmanka Warlordiska ah ee dhigay wadanka meesha uu yaal lagu qaadayo dagaal kama danbeys oo ummada lagu xoreynaayo.

Doorashadii Qanyare loo doortay wasiirka qayraadka iyop badda ayaa ah mid ka marqqati kaceysa siyaasadaha qarsoon oo ay DKM ah wadatay. kadib kow iyo toban sanood oo dagaal sokeeye oo ay dad badan oo Soomaliyeed ku dhinteen hantidii ummada iyo tii dawladuba ku burburtay, iyo 21 sanadood oo xarig iyo burbur iyo ciqqab xad dhaafah oo ay dawladii milaterigu u geysatay dadka Soomaliyeed, waxaa muuqata inaan dib u soo bilownay kow. Bal ii sheega tuuga kaliya ah ee ka maqan dawlada C/qaasin?

Waxaa taa ka daran in warlordiskii abaal marintoodu ay noqotay in laga dhigo wasiiro. Haddii qanyare, oo aan wax xirfad ah u laheyn wasiir oo runtii daba ka fuul ka ahaan jiray East Africa, laga dhigay wasiir, maxaa laga dhigayaa ina Caydiid, Muuse Suudi, iyo Caato markay dawlada soo raacaan? Dawlada Soomaliyeed meeqa Wasiirood ayey yeelaneysaa markii qaf walba oo maleeshiyo leh wasiir laga dhigo?

Tan kale dadkii Soomaliyeed ee u kacay Carta maxaa abaalmarin looga dhigay? Sharaftoodii ma waxay noqotay in namiinkii intaa dhuunta hayey wasiiro looga dhigo?

People get up and smell the coffee Siad barre's gangs are back?