Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Soomaalinimo - Nationalism : Walwalka iyo Walaaca Dawladda KMG ee Soomaaliya
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Samakatalis soomaaliyeed

Wednesday, February 28, 2001 - 04:29 am
Waxaan dhammaan wada ogsoonahay in dawladda carte lagu soo dhisay ay ee KMG ah ay horumuud u yihiin dadkii horey loola dagaalamay ee rajiimkii Siyaad Barre.
Hadaba xaqiiqdu waxay tahay ardaygu wuxuu bartaa wuxuu macallinkiisa ka bartay. Cabdi Qaasim oo madaxa dawladda lagu soo dhisay carte iyo kooxdiisu, ma waxay noqon doonaan kuwo lagu tilmaamo kadar oo dibi dhal mise waxay noqon doono kuwo soo celiya qaranimadii soomaaliyeed iyo cadaaladii faraha ka baxday.

waa arrin ubaahan in aad loogu kuur galo hadba talaabaday ay qaadayaan.

Waxaam hadda ogsoonahay durbadii inay galeen khald badan oo xadgudub ku ah ummadda Soomaaliyeed. Iyadooy tahay midda ugu horeeysa axdi qareemeedkii oo la jabiyey. Iyadoo ood moodo inuu u iishay qabiilkasa iyo qabyaalad.

Jawaabtu waa faanoole fari kama qodna!