Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Puntland Politics: Puntland Politics (Current): WAA MAXAY SHAQADA ISINKU!!!!!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

XAAFUUN

Wednesday, February 28, 2001 - 02:47 pm
Waxaan had iyo jeer is waydiiyaa waxa ay tahay shaqada isinku? iyo yaa doorta? sideese loo doortaa?
Sida aan wada ogsoonahay isimadeena dhaqimiga ahaa way cadahay inta su'aalood oo aan is waydiiyay lakiin kuwa hadda jira waan kala saari kari la'ahay waxana is waydiiyaa ma hab horimarin ah baa lagu sameeyay oo waxaa la bedelay habkii dhaqamiga ahaa oo adduunka bay meel kala socotaa mise siyaasadan iska daba wareega ah ee ku wareeganaysa goobada 360° ah bay shaqadii iyo habkii loo dooran jirayba ku dhex walaaqantay.
Waxaa jiri jirtay oo aan maqli jirnay isin la yiraahdo isin bin isin bin isin bin.....lakiin hadda waxaan aragnaa isin aan isin dhalin isin kalena ku abtirsan!!!! marka maxaa iska bedelay?
ma doorasho demoqraadiya baa lugu doortaa oo habkii dhaqamiga ahaa ee iska dhaxalka ee wiil iyo aabihii ama walaalkii baa wax laga bedelay oo ninkii raba baa loo dootaa.
Tan kale isimadu siyaasada ma geli karaan? Xataa hadaysan aqoon u lahayn?
Waxaa walaalaheyow jiclaanlahaa bal in aad ila fiirisaan mowduucan innagoo xaq dhowrayna xushmada ay nagu lee yihiin isimadu.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DUUFAAN

Wednesday, February 28, 2001 - 11:51 pm
Saxiib XAAFUUN su'aashaan waa su'aal wanaagsan waxaan kuu sheegi lahaa in Isin markaad noqonaysid maaha in uu Isin kaleya ku dhalay oo wax yaabo kale baa la fiirshaa sida Akhlaaqda, Maskaxdiisa, Dhaqankiisa, Diintiisa, Habkuu dadka uladhaqmo. Marka waa laga yaabaa adoo Isin ku dhalay Inaad noqonwaydo Isin markii ay soogaart dhaxlitaankaan, sababtoo ah hadaadan soo buuxin arrima aan kor ku soo sheegay iyo kuwa kaleba waxaa lagayaabaa inaan Isin lagaa dhigin.

Sida kadhacday Puntland Qabiil kamid ah oo aan halkaan ka sheegayn ayaa Isinkoodii dhintay isla markaa wiil kiisii lagama dhigin Isin oo mid Ina Adeerkiis ah baa laga dhigay, sababtoo ah wuxuu soo buuxin waayay arrimaha oo aan kor kusoo xusay oo waxaa la ogaa inuu yahay nin Xanaaq badan oo Argoosi jecel. Sidaas daraadeed beesha uu kadhashay way tashadeen oo waxay go'aan ku gaareen inaan Isin laga dhigin. Ina Adeerkiis oo nin aad udagan ah oo buuxiyay dhamaan shuruudaha ayaa Isin laga dhigay kulina waa lagu qancay xataa wiilkii laga wareejiyay wuu ku qancay in Ina Adeerkiis uu noqdo Isin.

Marka walaal waxaa jira siyaabo badan oo Isin lagu noqdo oo maaha kaliya in aabahaa uu ahaan Jiray Isin.
Maadaama hada Soomaaliya qabaa'il loo kala baxay waxaa Quwadii dib ugu soo noqotay Isimada gaar ahaan ISIMADA PUNTLAND oo aan dhihi karno waa Isimada maanta Soomaaliya ugu awood badan oo yaxay gooyaan uun baa socda, marka waxaa muhiim ah mar hadii aad Isin noqoneysid in baaritaan dheer lagugu sameeyo ileen Reer dhan baad Oday ama hogaamiye u noqonaysaa.

Tankale oo ah Isimada siyaasada faraha mala soo galikaraan, aniga waxaan qabaa (HAA), sabatoo ah Isimada waxay ahaayeen Dadkii ka danbeeyay dhisitaanka PUNTLAND oo intii Puntland aysan jirin ayagaa dadka isku hayay oo waxay ku guulaysteen in nabad iyo wadda daganaansho loogu wada noolaado Puntland, Ayagaana GUUSHAAN ku gaarnay. Taasi waa wax Illahay loogu mahadnoqo sababtoo ah waad aragtaan walaaleheen soomalida kale oo Isimadooda aan wax quwad ah aan lahayn oo horkacaan ragg calooshood u shaqaysta yaal ah dhibaatada haysata bal u fiirso waxa kataagan XAMAR.!!!!!!!

Marka aniga waxaan qabaa in Isimada yihiin cududeena iyo maskaxdeena waxayna yihiin dad nadiif ah oo la aamini karo waana dad aan danohooda gaarka ah aan ka hormarin danta guud.
CAHDIGA PUNTLAND u yaal wuxuu qoraayaa inay ISIMADA yihiin HEERKA ugu sareeyay PUNTLAND awood badana ay leeyihiin.

Saxiibkaa Duufaan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wiil-Qardhood

Thursday, March 01, 2001 - 01:18 am
To: Xaafuun iyo Duufaan

Walaal Xaafuun horta aniga laftigaygu ita aanan arag mawduucan ayaan isweydiinayay waxa shaqada isimadu tahay?

Sida Duufaan sheegay waxaa Alle mahaddiis ah in Puntland isimadeedu ay yihiin kuwa ugu awooda badan soomaaliya taasna runtii faaiidadeeda lama soo koobi karo.
Isimadu waxay u kala baxaan dhowr nooc

-"Isimadii Khadiija" oo Ina Siyaad dhoobdhoobay kuwaasoo xukuumaddii Ina Siyaad/Ina Salaad Boy ay u samaysatay inay kudanaysato laakiin kadib qaarba sibuu noqday kuwo xun iyo kuwo fiicanba

-Isimo ay lafo hoose samaysteen oo dadbadani goobjoog u ahaa markii lacaleema saarayay iyadoo isimada dhaqankuna goobjoog u ahaa
- Isimo dhaqameed oo isimnimadooda dhaxal uhelay kuwaas oo intabadani ku abtirsado Isim hebel... isim hebel... Ilaa Harti ama Daarood

hawsha isimadu waa in ay dadkooda wanaag u hogaamiyaan islamarkaana ay ka sheqeeyaan hagaajinta xiriira iyo kalsoonida dawladda iyo dadweynaha, iyagoo aan ninjeclaysanayn ama nin necbaysanayn.
Laakiin wax ay "isimada" qaarkood kasamaynayaan Puntland waxaan u arkaa in ay kala dilayso kalsoonida dadweynaha iyo dawladda. Iyadoo aan ogahay in iyagu mudanyihiin awooda iyo tix galinta.

Waxyaaba isimadu aysan jagooyinka u qabankarinna waxaa kamid in Isimada sharaftooda aysan siyaasadu wax u dhimin sida aanu lasoconana dawladu marmarka qaarkood waxay ku khasbantahay in ay qado tilaabooyin aan qurux badnayn sababo siyaasadeed awgeed.

runtii anigu waan kasoo horjedaa in dawladu keento Caato iyo ina caydiid Garawe Waxaanse qabaa in dawladu ay ku xumaynayso Ina Salaad Boy oo Xamar la dhex fadhiya waxaan ahay "madaxweyne Soomaaliyeed" isagoo diidan jiritaankeena. marka dawladu way ku khasbantahay in ay tilaabo qaado si ay utusto in Ina Salaad Boy uusan xattaa Xamar xukumid isla markaana aduunweynaha latuso in Puntland tahay xubin jirta oo soomaaliya wax weyna ka ah oo aan laàanteed waxba kala soconayn.

Ogaadana in kuwii shalay bayaanka soo saaray ay awood uleeyihiin in ay maamulka tusaan ula jeedadooda iyo mucaaradnimadooda iyagoo aan BBC(ama raadiyaha reer Carta qofba suu uyaqaan) u qayla dhaamin!
Waana wax runtii aan fiicnayn in nimankii soomaaliya ugu qaabka daraa ay maanta Garawe Yimaadaan laakiin Ina Salaad Boy baa maanta Inooka Xun iyo kuwa Qaybdiid balamaanka lafadhiya
Marka Garaase kuwa Qanyare iyo Cali Mahdi iyo Qaybdiid dawlada ladhistay baa u ekayd inuu bayaanka soo saaro ee dhowr maalmood oo ay garawe joogaan darteed uma eka inuu afka qayla kushubto!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

XAAFUUN

Thursday, March 01, 2001 - 01:19 am
TO: duufaan
Walaal waad salaamantahay waana ku farxay marka aad dooda ku soo laabatahay, waxaana kaa codsanayaa in aadan naga xanaaqin( waa iga kaftan)

Walaal waxaan rabnaa in aan dhisno maamul la socon kara adduunka aan maanta joogno innaga oo ka duulayna habka daqan dhaqaale iyo diineed ee wadankeena.

Hadaba waxaa tiri isimadu waa awooda ugu sareysa ee P/L, lakiin bal ii sharax xeer kala nidaamiya iyaga iyo maamulka? ma aqalka odayaasha baa? MA AQAL U GAAR BAY LEE YIHIIN ?
Tan kale aqoonta isinku ma samayn kartaa hab dowladeed cusub oo casri ah, hadayse samayn karaan, maxay u samayn waayeen ilaa intaa soo sano bay soo talinayeen oo maynu arag dowlad soomaaliyeed oo ay sameeyeen ka hor tii xormimada ee lixdankii oo aynu naqaano raggii sameeyay oo ah siyaasiyiin faro ku tiris leh(iska jir ma tirin boqartooyinkii yaryaraa iyo daraawiishtii toona),maxaynuse isaga lugoynayna jaamacadaha oo aan waqtiga isaga luminaynaa haddiiba cilmiga maamulka, dhaqaalaha iyo siyaasadda looga soo baxo baadiyaha saxaraha u dhow ee soomaaliya, waad ogtahay in ay 80%aysan isimadu wax qorin waxna akhrin, marka walaal soo ma qumanayn in ay ku ekaadaan habkooda dhaqamiga ah in ay siyaasad oo ah cilmi la barto ay ku luminayaan waqtigooda.
TUSAALE:
shirkii isimada ee garowe ku dhamaaday waxay ka hadleen sicir bararka maanta jira, ilaa in leg bay wax ka qaban karaan, sow ma qumana in loo dhaafo ragga cilmigan soo bartay( political economy) ee wasaaradda maaliyada ee maamulka p/l oo iyagu samaysteen.
Xagga siyaasada kamaba hadli karo oo waxaad tiri waa siyaasiyiinba.

WALAALKAA XAAFUUN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

XAAFUUN

Thursday, March 01, 2001 - 01:53 am
to: W.Q
Walaal waad salaamantahay

Walaal innaga daa magaca islaanta waa ceebah dhaqan inooma ah in ay dumarka soo hadal qaadno xataa haday wax samaysay.

Waxaad tiri waan ka xumahay in shir lugu qabto garoowe oo ay ka soo qayb galaan caato iyo ina caydiid, walaal maxaa ku jaban in shir soomaaliyeed lugu qabto garowe intii lugu qaban lahaa wadanka dibadiise,tan kale hadaysan ku xumayn maamulka maanta jira ahayn soonagii ogolayn shirkii boosaaso ee lugu soo diyaaray SODEERA sanadadii la soo dhaafay ee aan hergelin oo ay ka soo qayb geli lahaayeen ragga aad sheegtay iyo kuwo ka badanba, mise maamulkii waagaa jiray baa kan ka fiicnaa, kaase wuxuuba raadinayay dhaqaale uu ku qabto shiraas kanise waxba kuma waydiisan.
Mid kale mayaysan maamulku u madax banaaayn siyaasadiisa ku salysan soomaaliya, sow ma ogid in uu ninkii rabano soo dhowaysan karo kuu rabana fogayn karo ilayn waa siyaasade.

TUSAAALE:

Siyaad baa maalin ku aasay qabiil garoonka istadum koona oo dadkii ugu sheekayay waan aasnay wixii maanta ka bilawda lakiin ma aasine wuxuu ku xereeyay xerada maletiriga ee dugsiga shanaad halkaas oo ku tababeri jiray qabiilkii markaas bay dad yiraahdeen war ka daa qabiilka aad hubaynaysid adiga buu kugu soo noqan doonaaye, waynu wada ognahay wixii ka dembeeyay waana tan soomaali haysata maanta. Hadaba maaynu boowayaalow ka dayno isimada siyaasada loo tababarayo oo ku ekayno isimada hab dhaqankoodii wanaagsanaa oo ay haybada iyo sharafta ku lahaan jireen, hadii kale tii siyaad ku dhacday mid ka daran baa ina soo maraysa(OGOW SIYAASADU WAY KA DARANTAHAY QORIGA)
walaakaa XAAFUUN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kacaan-diid

Thursday, March 01, 2001 - 06:07 am
Allaylehe waa su'aal meesha ku jirta in la iswaydiiyo, YAA ISSIM AH, YAANSE AHAYN? MAXAY TAHAY SHAQADA ISSIMKU, MAXAASE KA REEBBAN?

Marka XAAFUUN hadda ka hor ku lahaa war aniga adigu meel ma kala jirno, ee ha inakala kaxayn, waxaan ogaa inaan waxyaalo badan isku meel ka aragno. Waxaan kugu raacsanahay in qaabka ISSIMADA Puntland ku socdaan uu haddaan rabbu faraj u furin uu yahay qaab aan looga baran Issimo.

Waxaan xusuustaa early 90's kii, iyadoo Issimada Waqooyi Bari (Mudug, Nugal, & Bari), la yiraahdo G-7. Haddaan xusuusto waxay kala ahaayeen:

Boqorka, Labada Islan, Labada Beeldaaje, Ugaaska, iyo issim kale.

Hadda marka Sool iyo Sanaag laga reebo, immisa isin baa ka jirta 3-dii gobol oo W/Bari la oran jiray. Kolna anigu tiradooda saxdaa ma hayo, waxaanse hubaa inay aad iyo aad u bateen. Waxaa la oran karaa waxaa ku dhacay magacii Issimada inflation. Taasina dhibkeeday leedahay, oo marba haddi isimada qaar la question gareeynayo isinimadooda, waxay dhib u geysanayaan kuwii la qaddarin lahaa.

Su'aasha qaybta ah, maxay shaqada Issimadu tahay, anigu waxaan u arkaa ina ahayd xallinta khilaafadka qoyska uu matalo dhexdiisa, iyo dadka iyo daaqsinta wadaagaan wixii dhex mara, aysanse ahayn siyaasad iyo policy making.

Issimo shir siyaasadeed qabanqaabinay, ama ka faalloonaya, waxaan arkaa inay khalad tahay.

Waxaa kaloo ii muuqatay in inta badan issimada siyaasadda ku jiraa ay yihiin, Issimada Cusub, ama first generation Issims. Waxaan filayaa inay taasi ugu wacan tahay, iyadoo aysan Issimadaani helin tababarka ay Issimada dhaqanka ee soo jireenka ahi ka helaan, aabbayashood iyo awoowayaashoodii issimnimada uga horreeyey.

For example, intii Puntland la sameeyey, ama intii Arta faction la sameeyey, wali ma maqal Boqor Mahammud, baa siyaasad ka hadlay, ama aragtidaas ka qaba Arta, ama Puntland leader. Sababta uu Boqor Mahammud oo ah the highest traditional leader in the region, uusan shirna uga qayb galin siyaasadna uga hadlin, Issimada cusubna ay full time basis siyaasad ugu jiraan baa iga yaabisay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdi-salah

Thursday, March 01, 2001 - 06:12 am
Salaan dhammaan dhalinyarada sharafta leh, salaan dabadeed waxaan jeclaystay inaan aragtidayda ka dhiibto doorka isimada Puntland kaga jiraan maamulka iyo guud ahaanba jiritaanka gobolka.
Anta aan ogahay aas-aaska iyo gundhigga maamulka puntlandh waxaa Illaahay ka sokow sabab u ahaa odayaasha dhaqanka waxay ahaayeen kuwii ku guulaystay in goboladda waqooyi bari ka gedisnaadaan waddanka intiisa kale, waxay ahaayeen kuwii dhabarka u dhigtay herdankii sanadaha qaatay ee u dhexeeyey ururkii SSDF, waxay ahaayeen kuwii dhagax dhigay maamulka sharafta iyo cisiga mudan ee Puntland, sidaa si la mid ah ayay mar walba xaq u leeyihiin inay ka ilaaliyaan turunturooyinka ku imaan kara maamulka waana hawsha lagu amaanayo ayna kaga gedisnaadeen isimada kale ee waddanka ka jira. waxaan jeclahay inaan iftiimiyo wanaagga ama guushu waxay ku noqonaysaa shacabka reer Puntland oo iyagu ah kuwa ciseeya waxna ka maqla dadka ay doorteen, mana aha xalka ay gaarayaan isimadu inay mucjiso tahay oo ay iyagu leeyihiin wax dheeraad ka ah isimadda kale ee waddanka ee waa keliya in shacbiga ay xukumaan yihiin mid qadariya qiimeeya ka tala dalbada kuna dhaqaaqa waxa ay soo jeediyaan isimadoodu taas ayaana sharaf ah taas ayaana wanaag ah taas ayaa ah midda laga doonayo umaddaha doonaya inay horumar gaaraan. Waxaan leeyahay waxaa inoo dhisan Puntland saddex awoodood oo kala ah dawladii, baarlamaankii iyo xeer-ilaalintii - isimadduna waxay qadarin ku leeyihiin dhammaan 3daas maamul iyo shacabka oo ku kalsoon ogna inaysan isimadu ka tashanayn shacabkooda.

Marka waxay u baahanay inaynu qiimaha aynu u hayno isimadeena weynayno, aqoonta iyo garashadana aynu ku kabno aynuna isu diyaarino inay mar walba ahaadaan madaxdeenna kama danbaysta ah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DUUFAAN

Thursday, March 01, 2001 - 06:21 am
ABDI-SALAH

afkaada caano lagu qabay. Sifiican baa arinta uga hadashay. thanx

To: Xaafuun

saxiib aniga macaroon kolkii hore laakiin yara waxaan is iri raggaan isma afgaraneysaan ee Vacation kala qaata. (kaftan)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

XAAFUUN

Thursday, March 01, 2001 - 10:57 am
to: k/D
Walaal waa runtaa oo haddii aad ku ogayd 1 isin reerkiina 20 sanno ka hor maanta waa 5 iyo ka badan, waxanse u malaynayaa in ay sababtu tahahay tirada dadka oo badanaysa oo hadii ay reerkiinu ahaayeen 20 000 maanta labo jibaar marka xaq bay u leeyihiin in ay kuwa kale magacowdaan.

To:A/SALAH

Walaal waa runtaa oo isimada waa in la xushmeeyo oo kugumana diidani waxay qabteen, lakiin walaal fikradi waxay ka timaadaa hal nin oo kaliya dhisamaha iyo mabaadiida p/l ku dhisan tahay dad aqoonteeda leh baa dejiyay isimaduna qayb wayn bay ka qaateen oo ma diidanin lakiin waa in ay sharaxnaa shaqadooda iyo halka ay kaga jiraan maamulka tan kale qabiil iyo qaran casri ah meel ma wada geli karaan.
MEESHA OO KA SOO JEEDO AMA KA TELIN JIRAY ISINKU WAA:

1 meesha uu ku nool yahay: oo ah (ecologie spécifique) dhulka badiyaha ah ee aynu degno, marka habkan magaalaysiga ee innagu cusub way ku adag tahay si uu wax uga qabto

2 bayska dhaqaale( base économique): waa xoolo dhaqato sida ay soomaalidu u badan tahay,marka kama hadli karo sicir barar iyo waxa keenay iyo doolarkii baa cirka isku shareerey oo shilinkiibaa hoos u dhacay.

3 hab nolol bulshadeedka(organisation social): waa qabiil, oo maanta looma fadhiyo in uu shaqeeyo

4 institution: qabyaalad(tribalisme)kaasna warkiiba dhaaf.

Marka xagee baad ka soo gelin lahayd isinku in uu wax ka qabto, waad sheegtay oo waxaad tiri 3 dii hayadood ee maamul way dhisan yihiin, lakiin mid intaba ka wayn baa jira oo ah isimada muxuu yahay kaasi ma galaha sare ee kacaankaa, ma aqalka (lords) lorarkaa, ma kan odayaashaa (sinetka, A/SALAH IYO DUUFAAN bal noo sharxa oo noo cadeeya xeer nidaamiyahooda??? haddii kale annigu waxaan qabaa in isimada laga daayo lugooyada iyo ceebta lala doonayo oo maalin kasta raadiyaasha la keenayo oo interfiyuuga lala yeelanayo, oo weliba qaarkood ay iska soo horjeedaan. HADAASE DOOR BIDEEN WAA WUXUU ILAAH INNAGA SIIYAA.
WALAALKIIN XAAFUUN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DUUFAAN

Thursday, March 01, 2001 - 11:18 pm
Walaal Xaafuun

Marka hore arin baan kuu sheegayaa, oo kuu furfuraysa su'aalaha aad halkaan ka soo jeedisay.
Marka hore Isimada howsha ay hayaan waxaa raali uga ah Ummadda inteeda badan kuna qanacsan, Isimadu waa meesha kaliya ay dadku u arkaan inay tahay codka Bulshada ama Shicibka.
Sababtoo ah majiro Baarlamaan kalsooni buuxda ka haysta shicibka, oo taa waxaan ugula jeedaa shicibka waxay mar walba ka jeclyihiin inay raacaan ama aaminaan Isimada oo la og yahay inay dano gaar ah aysan waddan, laakiinse dadku waa soomaali waana taqaan aaminaad majirto oo dad badan baa wax walba oo lasameeyo shaki uga jiraa.
Maadaama uu sharciyan Baarlamaanka yahay mid codka shicibka ku hadla sida aduunyada inteeda kale, laakiinse dadka Baarlamanka ku jira waa dad Siyaasiyiin ah, dadka siyaasiyiinta ah ee soomaaliyeed aaminaad looma ahayo.
Waxaa kaloo jirta in dad badan ay aamin san yihiin in Baarlamaanka uu san ka madax banaanayn Maamulka meesha jooga, taasna sababo badan baa keentay laakiin waa arinkaloo faraha lagali maayo.

Sidaas daraadeed ayaa ummadda waxay aaminaadoodii gashay Isimada, sidaas daraadeed waxay culays saartay Isimada inay ka hadlaan arimaha sida ECONOMICS iwm, laakiinse waxaa fiican inaad la socotid in Isimada ay lee yihiin XOKAYN u qaabilsan wax yaalaha cilmiga ku dhisan sida DHAQAALAHA iwm.
XOKAYN taas oo ka madax banaan maamulka iyo Baarlamaanka waxay hoos timaadaa ISIMADA.
Wixii cilmi u baahan waxaa Isimada kala taliya rag cilm u leh wax yaabahaas oo aad iyo aad loo yaqaan, hadaan kuu soo qaado waxaa af hayeen xagga arimaha Bulshada ugu ah ninka la yiraahdo CAYDRUUS OSMAN ahna nin mashruucyo fara badan ka fuliyay Puntland wuxuuna ahaa nin madax u a haa mashruucii lagu dhisaayay jidka isku xira BOOSAASO IYO GAALKACYO wuxuuna horay u ahaan jiray aqoon yahan caan ka ah soomaaliya.
kuumana soo koobi karo ragga la taliyaasha ISIMADA, marka walaal Isimada maka dhaga la'a arrimahaan ay ka hadlaayaan oo waxaa jira dad kala taliya oo KHUBORO ah.

Walaal waxaa fiican inaadan marnaba aadan soomaaliya ama Puntland aadan barbar dhigin wadamada horumaray sababtoo ah xaalada aanu ku jirno iyo xaalda ay maryaan isku mid maaha.
Waxaan la socotaa in dadka Soomaalida ah aysan u bislayn Siyaasada iyo aaminaada maamul, sidaas daraadeed Isimada waa laga maar maan maaha in ay ayagga taas doorteen ee dadka ayaa dusha ka saaray oo aaminaadoodii baa halkaa gashay.

Aniga waan fah maayaa waxaad ka had laysid lakiin walaal heerkaas maanan gaarin dadkana diyaar uma aha wakhti bay uun qaadan doontaa waxwalbana waa in lasiiyaay wakhtigooda hadaad isku daydi in aad wax walba halmar badashid waxbaa khaldamaaya.

Waxaa tiri bal barbar dhiga Isimada waxay yihiin ama kaalinta ay maamulka uga jiraa sida HOUSE OF LORDS, SENET ka iwm. Walaal waxaan oo dhan ma la barbar dhigi karno sababtoo ah soomaaliya lamid maaha wadamada USA iyo UK etc,
isku mid manihin dhanka:
SIYAASAD
DHAQAN
SHARCI iwm
sidaas daraadeed waa khalad inaan is barbar dhigno ileen wixii isku heer ama isu dhigma ayaa la is barbar dhigaa.

Boowe waa inaad ka soo dag taa jaran jaradaan dheeraatay aad isku taagtay (GUUXAADI BAAD KA DHEERAYSEE) aduunka waanu ka danbeynaayee (Kaftan)

walaalkaa DUUFAAN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wiil-Qardhood

Friday, March 02, 2001 - 01:00 am
to: Xaafuun
Walaale horta in Caato iyo Caydiid ay yimaadaan Garawe waa wax aad u khaldan baan qabaa, laakiin waa fikrad anigu aan qabo ee ma aaminsani in isimadu ama parlamaanka ay hor istaagaan waxyaabaha ay dawladdu xaqa u leedahay.

Midda kale walaale Boosaaso shirka lagu qaban lahaa anigu waanba ka soo horjeeday oo waligay baan waxaan aaminsanaa in qolowaba ay maamulkeeda soo dhisato markaas kadib laysu yimado ee maahan mid igudhashay intii sheekada Carto ay timid.

Anigu waxaan qabaa intii shir soomaaliyed oo soomaali oo dhan laysugu yeeri lahaa in marka hore dadka Hawiyaha ahi ay tashadaan oo maamulkooda gaarka ah samaystaan markaas kadib ama Garawe ama qardho ama meeshiilkale oo larabo halagu qabto. Haddiise maamulka Puntland uu rabo in uu caawiyo hawiye si ay udhistaan maamulkooda gaarka ah waa fikrad fiican laakiin wixii shir ah oo ama hawiye ama Raxanweyn ama reer Juba khuseeya in dhulkooda lagu qabto ayaan qabaa ee aan meelkale lala aadin, Intii Garawe lagu qaban laha halagu qabto Balcad ama Hobyo ama Baydhabo ama Kismaanyo....

Arinta Isimada, walaal isimadu waa xubinta dadweynuhu ay ku qabaan kalsoonida ugu balaaran. marka waa lagama maarmaan in ay ka hadlaan arimaha siyaasadeed ee kuwajahan bulshada.
Waxaase khalad ah in sida g.... in talaabo kasta oo dawladu ay kula dagaalamayso ururad ay siyaasada isaga soo horjeedaan la dhaliilo oo hadba bayaan lasoo saaro.

Middakale walaal sida K-D sheegayba magicii Isim baa macnihiisii labadalay, oo dadkii baa waxay isku khaldayaan macnaha NABADOON iyo ISIM.
kuwo badan oo nabadoono ahaa ayaa waagaan danbe waxay isugu yeeraan isim waana beentood ee waa nabadoono.
S/C

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdirizak

Friday, March 02, 2001 - 01:03 am
TO:w,q/duufaan/Xaafuun iyo asaxaabta kale ee sharafta leh.
Saaxiibayaal mawduucaani waa mawduuc aad iyo aad u fiican in lays weydiiyo, tan kale anigu waxaan qabaa in isimadaan iyo isimadii horey u jiri jiray ay kala duwan yihiin,waayo?kuwaan waxay u badan yihiin dad yaryar oo mutacalimiin ah oo aad qaarkood ka arki karto in ay aqoon u leeyihiin arimaha siyaasada meeshii kuwii hore ay ku xiraayeen oo kaliya arimaha reer miyiga,
tan kale waan la qabaa isimada in ay diidaan qab qab la yaashaas in ay ku shiraan garoowe,isimadu waxay xasuusan yihiin cismaan caato wixii uu sameeyay xiligii soodara iyo qaahira marka nacayb kasta oo uu u qabo ina salaad boy waxaa ka weyn kan uu anaga noo qabo hadii uu is cadeeyo iyo hadii uu is madoobeeyaba nin aaminayaa ma jiro,
kooxda cartana reer puntland mawqif cad ee siyaasadeed ayay ka taaganyihiin,baaqaan isimadana ha u arkina in ay tahay wax yeelo ee waa wax isu sheegid amarkana waxaa iska leh maamulka puntland.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

XAAFUUN

Friday, March 02, 2001 - 09:54 am
TO: dhamaan
Waad salaamantihiin
Meesha iskuma hayno in ay shacabku ku kalsoon yihiin isimada iyo in uu maamulku ka kasban waayay shacabkiisa kalsooni taa la mid ah ee tan meesha taal waa shaqada isinka, waxaana meesha ka muuqata oo aan qarsoodi ku jirin is dhex yaac ay isku walaaqmeen awoodaha meesha ka jira.
TO: duufaan

Isma barbardhigin reer galbeedka iyo soomaaliya ee waxaan kaliya oo ku waydiiyay ii sharax aqalka odayaasha ee leh la taliyayaasha aad sheegtay iyo maamulka jira xeerka kala ilaaliya??? waxaan u jeeda in aad ka jawaabi wayday, laakiin waxaa ogataa oo aad qirataa in meesha isku walaaqan tahay oo awoodo fara badan ay ka jiraan kuwaas oo aan lahayn wax kala haga, sidaasna maamul kuma socon karo ee waa in la helaa wax meesha kala wada.
TUSAALE:
si fiican oo aysan ku jirin caadifadi u dheeho DASTUURKA somaliland QODOBADA 83 ilaa 95 ee ku saabsan GOLAHA GUURTIDA OO AH KAN ODAYAASHA(isimada) waxay awood u leeyihiin in dejiyaan iyo waxa kale.
Walaal sidaas iyo si ka fiican baan larabaa P/L ee kuuma soo dhoofinayo DAAWO GAALAAD aan reer galbeedka kaaga keenay.
TO:W.Q
Walaal waan kula qabaa in reer walba isa soo dhiso
ka bacdina laysu yimaado laakiin waa ka soo horjeedaa WAAN DHISTAY SOO DHISO, mase ogtahay in dad badani ay ka soo horjeedaan habkaas aan kor ku soo sheegnay, hadaba si aad ku higaliso habkan miyaysan qumanayn in aad adigu hormood u noqoto siduu uga hergeli lahaa qaybaha kale ee soomaaliya adigoo u huraaya maskaxdaada iyo maalkaagaba, si aad u soo jiidato kan aan rabin isla markaana aad la dhisto kan raba ee aan awoodu u saamaxin, marka haddi aad saa ila qabtid waa in aynu u yeerna oo tusinaa wax aan samaysanay iska daa shiraad u qabatid oo ah mid nogu waajib ah inaynu gargaarno walaalheena dulman oo ay aqoondaro ama awood daro u gaysay dulanka, walaal islaanimada iyo soomaalinimadu inagama dhamaan, reerka aad magacowdayna waa walaalaheen ee waa in aynu garab istaagnaa inaga oon fiirin wixii dhacay isla markaana ku xisaabtamayna taariikhda.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sharmarke

Friday, March 02, 2001 - 11:25 am
sharmarke:*Isimadda afkiina ka daaya qurunka inayey taabacsan*waxa la yaab ah in ragga sheeganaaya iney reer Puntland yihiin ay wax ka yeeshaan maanta isimadda puntland.
Sababta ugu weyna tahay maan sax iyo qalad ku raacno maamulka Puntland, walaalayaal Puntland ma qabto runtii wax lagu tilmaamo baarlamaan oo waa rag aan wax awood ah la heyn goortuu maamulku u baahdana waxuu rabo u saxiixa ,goortii kalena la kala diro tan kale maamulka aad sheegteen ee Puntland ma aheyn ujeedadii loo dhisay inuu nin kaliya siduu ka damco ka yeelo reer Puntlandna ma yeelayaan haddeyn jiraan dad ku raacsan wax walba oo qalad ah oo uu madaxweynaha sameeyo waan raacey
dadkaas waa dad tiro yar lagana yaabo iney u taageeraan badankood reer ahaan.
Garoowe imaan mayaan mar dambe rag dambiilayaal ah ama ina yeey ha rabo amase yuu rabin Cabdulaahi Yuuisuf nooma aha isin hadduu reerkiisa u yahay isin sidda hawiya idinkey idin quseysaa haddii kale wax la qeybsadda walaalahiin oo c/laahi yuusuf yaanu idinka saarin majeerteen iyo guryahiina sababtoo ah waxaa idiin waddo oo kaliya ugu dambeyntii waa inaad ka qaxdaan Gaalkacayo hadeydaan dhibka dhaafina taas ayaa idin sugeysa ee ogaada.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdirizak

Friday, March 02, 2001 - 07:06 pm
TO:XAAFUUN: sxb.su"aashaasi waa mid meesha ku jirta una baahan in lays weydiiyo:
aniga waxay ila tahay shaqada isimadu waa in ay
ka shaqeeyaan nabada beesha ay u yihiin isin,xiliyaashii hore sida aad ogtihiin isimadu waxay qaban jireen,1)markii colaadi dhacdo in ay
duub xirtaan si tolkood u dagaalamo oo cadawga ay isaga ceshaan,2)in ay beelaha dagaalamaya ka dhex dhaliyaan nabad si dagaalka loo joojo,3)in ay xaliyaan khilaafaadka dhex gala qabiilkooda,4)in ay xaliyaan is afgaran waaga ka dhaca qabiilada deegaankaas ku nool iyo arimo dhaqameed farabadan oo kale,marka aynu isku af garano in isinku uu u qabto bulshada arimahaas.hadii aynu u soo noqono dhinaca puntland waa in lays weydiiyaa markii maamulka la sameynayey maxay ku heshiiyeen in ay isimadu qabtaan?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ugaas

Friday, March 02, 2001 - 08:48 pm
waan idin salaamay Giddigiinba.

Isimka shaqadiisu waa Madaxweynaha Beesha.
Taariikh ahaan qabiil kastaa wuxuu lahaa madaxweyne (Isim)kaas oo u xilsaarraa xallinta Khilaafdka beesha,abaabulka dagaalka,la xisaabtnka beelaha kale.wuxuuna lahaa la taliyeyaal iyo hawl fuliyeyaal.waxaana jiray dad isga hoos yimaada oo jilbada sii xukuma(Nabadoonno).calaa kulli xaal wuxuu ahaa dawlad.
Hase yeeshee maanta bulshada casriga ah maanta oo dawlad qabaa'il badani hoos yimaado madaxweyne iyo barlamaan la doortay leh,waxaan filayaa in hawshii Isinku ay soo kooban tay amaba aan idhaahdee aan loo baahnayn. waxa kaliya oo uu u jiri karaa maamuus ahaan ama xallinta khilaafka dhaqamiga ah laakiin Masiirka siyaasiga ah wax shaqo ah kuma laha.

Waxaan shaksiyan qabaa inksatoo aan aad uga soo horjeedo Dawladda maanta in isimada Puntland ay xadkoodii ka tallaabeen arrimo aan shaqadoodii ahynna faraha lagaleen ayna habboonayd in ayan dawladda hawsheeda faraha la gelin. waayo ilaa xad waxa la odhan karaa maamulka gobolka qaab ahaan waa mid cuntami kara. waxaa jira barlamaan, madaxweyne baarlamaan Maxkamad oo intuba awood u leh in dawladda iyo madaxweynaha kala diraan.


Inaaga daarood ahaan waxynutaariikh ahaan lahaan jirneyhal isim,hase yeeshee taranka beelaha iyo degaanka kale dheeraday ayaa keenay in reer walba isim/n ugaar ah yeesho.hayeeshee waxaa jiray Protocool iyo xeer lagu kala dambeeyo marka meel la isugu yimaado.

ka iamw daarood bal Tusaale u soo qado Harti Koombe.
Boqor(waa kii asalka ahaa)Suldaan,Garaad,Ugaas. sida ay ukala horreyaan ayay ukala sarreeyaan.
markaa haddii reer boqorka leh ay jilib ka mid ahi doonayaan in ay isimHoosaad samaystaan lama bixi jirin magacayada sare ee title kale ayuu qaadan jirey sida islaan ama Beeldaaje oo kale.

Haddaba meel kasta oo la isugu yimaado oo degaannada dadkaas ka mid ah waxaa shir guddoomin jirey boqorka haddii uu maqan yahay kan ku xiga ........
Haddaba beryahaan dambe waxaa soo baxday in magacyadii la fududaystay ixtiraamkii iyo Protocoolkiina laga tegey.

((Bal Eeg Kacaan diid sida uu u dhigay)).

Qaabka isimka lagu doortaana waxay ahayd Dhaxaltooyo,iydoo ay mar mar dhif ah ay dhici jirtey in dad lakala baddelo duruufo markaa soo gudboonaaday dartood sida wiil iyo adeerkii ama labo walaalo ah. hase yeeshee ma dhici jirin in nin faamilka reer isim ahayn uu isim noqdo oo reerkiiba laga wareejiyo.
waxuu ahaa isim bin isim bin isim......


baalade15@hotmail.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

wadani

Saturday, March 03, 2001 - 02:04 am
war waxaan idin waydiiyay siciid garaasse yuu suldaan u yahay , taariikhdiisi maxay ahayd?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DANGOROYO

Saturday, March 03, 2001 - 02:10 am
WAXBA HA ISDAALININA NIMAN YAHOW ARINTU WAXAY TAAGAN TAHAY MAANTA YAA MAALI JIRAY,HAYBADII IYO SHARAFTII ISAMADA PUNTLAND DHAMAATAY,WAXAA TAA DALIIL U AH,HALKA AY TAAGAN TAHAY ISINIMADII AYNU GARANEYNAY,MARIN HABAABINTAANA WAXAA SABAB U AH RAGII ISIMADA INOO AHAA QEYBNA WAA DHALINYARO YAR YAR QAYBNA WAA DA',HADII AAN TUSAALE YAR KA BIXIYO
BOQORKA ISLAAN MAXAMED IYO BELDAAJAHA CALI SALEEBAANBA DA', WAA TUU DHOWAAN GEERYOODAY UGAAS YAASIIN JANADII ALAHA KA WARAABIYEE,MAXAA SOO HARAY ISIMADII GARAAD C/QANI OO AAN WAX WAR AH U HAYN IYO NIMAN DHALINYARO AH IYO NIMAN ISCALEEMA SAARAY OO KUWA DHAQANKA AH HOR BOODA,HADABA C/LAAHI DHALIILO BADAN AYUU MAAMULKIISU LEEYAHAY
CID ISWEYDIINEYSANA MA JIRTO WAXAASE LA YAAB AH HADII JIRITAANKA PUNTLAND MUQADIS YAHAY SULDAAN GARAASE NINKA LA BAXAY EE MAANTA SHEEGANAYA INUU YAHAY GUDOONKA ISIMADEENA SOW MA AHA NINKII SHALAY KA SOO JEEDAY SHIRKII LAGU DOONAYAY IN LAGU MAJO XAABIYO JIRITAANKEENA,SOW MA AHAYN SHAKHSI HAREER MARAY RABITAANKII BULSHADIISA,
XASILOONIDA PUNTLAND SHIRKA CARTA KA HOR WEYNU
OGEYN MAANTA IS DHEXYAACA BILOWMAYNA WAYNU ARAGNAA
WAXAASE LEEYAHAY HADII UU DOONAYO GARAASE INUU IIBGEEYO UMADIISA,HORE AYUU U SAMEEYAY,NINKAN MAAMULKA XUNA MAALIN BUU BANEYN KURSIGAN.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kacaan-diid

Saturday, March 03, 2001 - 06:34 am
Waxaad mooddaa in dooddu si habsami ah u socoto. Bal horta aan su'aal idin wadiiyee, ma runbaa in Garowe looga muddaharaaday Issimadii ku shiray oo Abdullahi ay is hayeen?. Haddii uu mudaharaadkasi dhab yahay, allaylehe meel ka dhac weyn bay ku tahay magaca Issimada Puntland. Issim lagu mudaharaadayo ma aynu maqal hadda ka hor. Haddana su'aashu waxay kusoo noqonaysaa, yaa Issim ah, yaanse ahayn. Immisa issim dhab ah, baa ka qayb galay shirkii Garowe?.

Issim dhab ah, waxaan ka wadaa, Issim aan hadal la galin sheegasiida Issimnimo, iyo karaamadiisa.
Sidaynu ognahay waxaa jira part time Issims, oo marna shaqadii issimada wada, marna siyaasad qoorta kula jira, oo Abdullahi Yusuf iyo siyaasiyiinta kale ee Puntland dhex boodaya.

Puntland aad iyo aad bay uga faa'iidday, tixgalinta la siiyo issimada, waana waxa isku keen haya, marka laga reebo jiritaanka Puntland. Waxaase soo baxaysa in awoodda siyaadada ah oo issimadu la siiyay, ay culays kusoo kordhisay siyaasiyiinta Puntland, oo iyagu raba in issimadu dhexdhexaad ahaadaan, kuna ekaadaan traditional roles-koodii ahaa maslaxadda beelaha. Mar haddii issimadii lagu mudahaaradayo, meel kastana looga hadlayo inay galeen waxaan loo dirsan, waxay dhabar jab ku tahay awooddoodii iyo qaddarantii ay ku lahaayeen bulshada.

Dhibka meesha ka jira waxaa weeye, sidii nin hore xusay, issimku waa madaxa ugu sarreeya beeshiisa, marka wuxuu matalaa kuna hadlaa magac beeled, saasaana lagu qaddirayaa. Haddii laba siyaasi oo u kala dhashay beelaha Puntland ay kursi ama siyaasad isku qabtaan, dadku waxay u arkaan laba nin oo is haya waana caadi, haddiise sheekadu ay noqoto Issim beel magaceed ku hadlaya, laguna sharfo, haddana nin siyaasi ah ku haya loollan iyo mucaarad joogta ah, isago siyaasi kale u xaglinaya, tolow sidee lagu xalliyaa. Ninkii magac beeleed buu wataa, siyaasigiina magac shakhsi buu wataa. Kee gar leh?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DUUFAAN

Monday, March 05, 2001 - 10:03 am
To: Kacaandiid
boowe Isim waa Isim taasna wax ka qaadi kara majiro, Illaahay kasa kow. Waxayna dadka iyo shicbka reer Puntland u hayaan hawl lagamaarmaan ah, taas oo ina inta badan ay dadku ku qanacsan yihiin.

Wax isbadal ahna kuma imaandoono Insha Allah.
Ninkii ka xanaaqaaya asaga ayay jirtaa.

Mudaharaadka aad sheegaysid anagaa dhulka joogna waana la soconaa inuu ahaa mudaharaad dad la isku soo aruurshay oo xitaa aan gaarayn 100 qof, mataas baad mu daharaad u taqaan????
Waxay ahayd wax iska cad oo loo wada jeeday maantana Puntland laga wada og yahay in uu mudaharaad kaas maamulka ka danbeeyay, taasina waxay ceeb iyo magaca xumo usoo jiiday Maamulka iyo ragii lacagta ku baxshay ee ceeb kuma ah Isimada howshooda gudanaaya.
Waana lala wada socdaa xataa walayaqaan labadii gaari oo CABDI BILAYAASHA ahaa oo dadkaas lagu soo qaaday dadka leh iyo dadkii lahaa qaban qaabinta mudahraad ku sheega.

Marka walaal waxaan kuu sheegayaa in Isimada puntland 100 kiiba 99% la taageersan yahay ama KANAX ama hakanixin waxay soo saarayna dhamaan waxay ahaayeen wax dan u ah ummadda reer Puntland.
Maantadan waxaa magaalada Boosaaso laga soo dajiyaya lacag BILLIONS ah oo shilin soomaali lasoo daabacay, daraadna laba diyaaradood oo kale ayaa lacagtaas keenay, marka Isimada waxaan bay u jeedaan in maamulk uu yahay waxa meesha qalalaasaha iyo sicir bararka dadka ku ridaaya.

Majiro maamul ka fakaraaya danaha shicibka sidaas daraadeed ISIMADA ayay howshu ku soo laabatay ayagaana xal u heli doona Insha Allah.

DIID AMA HADIIDIN
the majority rules.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DUUFAAN

Monday, March 05, 2001 - 10:10 am
Waxaana walaalayaal isku daydaan inaad ka tanaa su shaan Magacyada Isimada meesha lagu soo qorayo oo aflagaadenayo taasi waa CEEB iyo wax aanan dhaqan ulahayn ee isku xishooda waa hadaad tihiin dad Reer Puntland u dhashay!!!!!!

Isimadu Ixtiraam iyo xushmad ayey inaga mutaysteen ee maaha in Internet aad ku aflagaadeysaan. Waxaas waa ceeb iyo edebdaro bay katahay dhulka aanu joogno ee ha umaleenina in hadaa qurbe aadeen uu xilkii idinka saarnaa Isimada uu idinka haray!!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wiil-Qardhood

Monday, March 05, 2001 - 11:52 am
To: Duufaan
Walaal maxaad cadyn ah oo aad haysaa maadaama aad tiri waxa mudaaharaadayay waxay ahaayeen dad maamulku lacag siiyay. Waana khalad in aad dawladda ku eedaysid inay dad lacag siiso, haddii aadan wax cadayn ah hayn.
Waxaadse ogaataa in xisbiga ama dadka dawladda hayaa ay xaq uleeyihiin in ay abaabulaan mudaaharaad, taasi waa wax aduunkoo dhan kadhaca ee maaha wax dawladdu puntland gaar u ah!

Midda kale walaal ka nax ama kufarax waxaa jira dad isimo sheeganaaya ama ah oo si khalad ah u isticmaala ixtiraamka dadweynuhu u hayo isimada.
Maadaama dadku isimada ixtiraam uhayo ayaa cadawga puntland maadaama ay sikale nooga caal waayeen waxay ku soo gabadaan isim mana rabo in aan dad si gaar ah u maga caabo.
waxaase wanaagsanaan lahayd in isimada loo sameeyo gole awoodoodana laysku raaco, hadii saas lasameeyo waxaan kabadbaadaynaa in maalinkasta aan ka doodno list ay soo saareen odayaal nabadoono ahaan jiray oo hadda "isimo" sheegta.


To: Xaafuun

Walaale waxaan qabaa in marka la qabanayo shir soomaaliyeed in dadka isugu imaanayaa shirkaas ay yihiin dad ka socda maamulo goboleed dadweynuhu dhistay. In Caydiid iyo Caato ay yimaadaan Garawe iyogoo aan cidna masuul ka ahayn ayaa khalad ah baan qabaa. Marka hore hasoo dhistaan maamul goboleed markaas ka dib ha lagu qabto shirka soomaaliyeed meeshii larabo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kacaan-diid

Monday, March 05, 2001 - 02:17 pm
Duufaan,

Haddaad Bossaso joogtana waxaad tahay baan u malaynayaa inta iyagoo waddanka jooga haddana BBC-da iyo journalada xamar warka ka qaadata, oo xaqiiqda Puntland ama aan u warhayn, ama iska indha saabta.

Majority Rules, Yes. Remember how many people elected the president, back in 1998, if you want to respect the majority.

Duufaan, Issimadu inay taliyaan, kama naxayo hana igu bajin, waxaanse shaki ku jirin in ayaamahan danbe issimadii iyo siyaasiyiintii isku khaldameen. 100 qofba ha ahaatee, taariikhda waa markii koowaad oo dad magac issim wata lagu muddaharaado.

Duufaan, haddii doorasho iyo Demoqradiyad la isku xukumayona, ina Yey baa alla ku baday, saa isagaa la doortaye. Haddiise aad rabtid in talada issimada loo celiyona, oo magac issim Puntland lagu xukumo, markaasna Boqor-kaa talada loo dhiibayaa siday ahaan jirtay, ee qolyaha cusub dadkooday dhinaca ka raacayaan.

Armay fiicnaan lahayd in siyaasadda siyaasiyinta loo daayo, isimaduna ay dhexdhexaad ka ahaadaan. Haddii kale waxaa imanaysa in nin issim sheeganaya la faalleeyo markuu siyaasad galo, taasoo aan caado u ahaan jirin issim beeleed.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Keyse

Tuesday, March 06, 2001 - 03:56 am
Asalaamu calaykum.
Walaalayaal horta kuligiin waan idiwada salaamay maxaayeelay waaydaan waqti ayaan meelahaan u waayay.
Walaalayaal Doodiina maan akhrin kuligeed, laakiin waa dood fiican hal dhinac ayaan ka abaarayaa anigu taas oo ah shaqada isimka maanta jooga maaha kii hore.

Walaalayaal waxaad ogtihiin hadaan tusaale u sooqaato Boqortooyada UK waxay leeyihiin hab siyaasadeed oo ay ku maamushaan wadankooda kaas oo ah
Goalah Braalamaanka oo uu madax kayahay PrimeMinsreku iyo aqal kaa ka koreeya lana yiraahdo LORD HOUSE hadaan wax laga bedelin ogaalkaygi aqalkaas maaha mid shacabku soo doorto waa mid lakala dhaxlo.

Waana madaxa u sareeya ee wadankaas markii laysmari wayo kala furdaamiya.

Waxaan hubaa in hadaan nahay reer Puntland soomaalida kale qarniyaal kahorayno maxaayeelay nidaamkaan waxaan haysanay waqti aan dhawayn.

Marka dawladi waxay ka koobantahay waa sadex qaybood

Golaha sharci dejinta(baarlamaanka)
Golaha Fulinta(dawlada)
Golaha Xaqsoorka (maxkamadaha)

Marka sidaan oganahay Dawladeenu wax kala baxsan maleh tusaale hadii wasiir oo sameeyo boob iyo dhac ma dhacdo in golohu intuu fariisto kala noqdo kalsoonida shaksigaas isla markaasna ku khasnbaan in uu is casilo, ee waxaa dhacda in madaxweynuhu casilo.
Sidoo kale dhinaca maxkamadaha ayaan ahayn mid madaxbanaan oo dabageli karta qof alaale iyo qofkii ayrabto alow muu ahaado madaxweynaha.

Marka waxaan arkaa Lord houskeenu waa isimadee in ay yihii kuwa xakamayn kara hadii dawladii aan dooranay majaro habaabto waana shaqadooda soo jireenka ah, awala afweyne iyo bakhtigiisi ayaa baabiyay nidaamkaas hadana wuus oolaabtay.

TO:Wiil-Qardhood marka hore waan ku salaamay salaan kadib ma iisheegi kartaa kuwa kamida isimadeena kuwaas oo habar Khadiijo intay inoo keentay hadana aan weli wanaagsan oo ku shaqeeya siyaasadii afweyne iyo khadiijo, haadadan sheegi karin ina adeer maxaad u qoraysaa waxaadan afka soo marinkarin.

Nabadeey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Keyse

Tuesday, March 06, 2001 - 04:10 am
Salaan kadib:
Intaas aan kasoo hadlay gadaasheed, Kuligiin aan su,aal u jeediyo gaar ahaana Wiil_qardhood maadama uu yiri maqabo in baarlamaanku iyo odayaashu ay hor istaagaan waxay dawladu rabto!

Ok C/laahi waa madaxweyneheeni ok Dawlada uu soo dhisayna waa teeni haday marin haabto yaa kajoojin kara khaladka mashacabkaa inay dhagaxtuuraan oo nabdeeni ku cayaaraan mise waa isimada iyo waxgaradku in ay ina ka qabtaan haday hada gudcur ina ku hogaamiyaan mise macquulba maaha in ay marin habaabaan oo ka talaabsadaan wixii loodoortay oo waa madhacdo! haday dhacdo war toloow yaa ka masuula oo qaban kara.

Wadamdan aan kunoolnahay wax walba wax xakameeya ayay leeyihiin yaa weeye inaga kuweeni.

Nabadeey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wiil-Qardhood

Tuesday, March 06, 2001 - 04:18 am
To: Keyse
Horta walaale waxaan rabay in aan ku baafiyo maadaama aanan waayahn ku arag saaxiibkayna aad ahayd walow aan mucaarad isku ahayn!

Walaalow waa jiraan "ismo khadiijo" laakiin afkaan soo mari karin waayo hadda kuligood waa dad ixtiraam loo hayo oo ceeb bay ahaan lahayd in aan sheegsheego waxaana iska wanaagsan in ay isimadooda isaga dhexjiraan!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kacaan-diid

Tuesday, March 06, 2001 - 04:57 am
Kayse,

Waayeel Afkaaga duuh looga roone, issimada kuwo badan oo la xanto baa ku jira, reer Puntland waa yaqaaniin kuway yihiin. Ee maxaad Wiil-Qardhood ka shiddaynaysaa ina odoow.

Midda ah yaa qabanaya haddii maamulka Abdullahi khaldamo. Taas jawaabteeda adaa baxshay, oo saddexda waaxood oo maamulka Puntland ka kooban yahay, baa loogu talagalay inay midba mid ilaaliso. Balance and check. Parlammanku xaq buu u leeyahay inuu madaxwaynaha impeachmeant ku sameeyo, sidoo kalena judiciary branch-gu awood bay u leedahay inay investigation ku samayso any wrong doing within the government, dabadeedna tallabo qaaddo.

Issimadu waa mas'uuliyiin ka mid ah qaybaha shacabka, mase aha branch ka mid ah dawladda, period. Issimkii Abdullahi siyaasad uga soo horjeeda waxaa fiicnaan lahayd inuu doorashada soo socota la tartamo, isagoo beesha uu magaceeda watona u oggolanaya inay doortaan mid ku eg hawlaha issimada looga bartay oo kaliya.

Enough is enough, walaalayaal. Abdullahi iyo siyaasi kale oo reer Puntland ah baa is haya, waa qaadan karnaa, laakiin maalin walba issimkii reer hebel baa Abdullahi diiddan, iyo hebel buu ku xiran yahay, wax la qaadan karo ma aha, dawladnimona ma aha taasu, ee ama boqortooyadii hala soo celiyo, ama siyaasiyiinta hawsha ha loo daayo. No more is dhexyaac.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ahmed

Tuesday, March 06, 2001 - 11:37 am
To: Sharmaarke;
Layaab malaha inaad Cor. Cabdullahi Yusuf Ahmed kasoo horjeedo iyo maamulkiisa kaligaana kuma tihid arintaa iyada ah. Laakiin waxbaa isaga kaa qaldan. Marka hore C/laahi Yusuf reerkiisa iyo reerkale midna isin uma aha ee waa nin Reer Puntland ay kusoo doorteen doorasho xor iyo cadaalad ku dhacday oo aan looga baran Africa iska daa Somaliyee.
Tan labaad, maaha in raga taagersan maamulka Puntland aysan taagersanayn Isimida. Laakiin su'aasha la iswaydiinayaa waa, doorkee isimadu ku leeyihiin arimaha xassaasigaa ee ka jira Puntland?
Rag badan oo isimo sheeganaya oo aan matalin go aamada caalamigaa ee reer Puntland baa jira. Taas macnaheedu maaha inay dadkii ka baxeen ama magacii Isinnimada laga xayuubiyay. Waxaa macneheedu yahay, waxaysan matalin rabitaanka mujtamaca ku dhaqan Puntland intiisa badan. Xitaa haddii ay reerkoodoo dhan raacsanyihiin, awood uma laha inay go'aamo ku soo rogaan maamul ay kasoo horjeedaan iyagoo wata dano gaara balse bulshada inteeda badani raacsantahay.
Waxaa kaloo is waydiin leh, yay ahaayeen isimada ka soo qayb galay shirkii dhawaan ka dhacay Garowe? Haday ahaayeen kuwo lagu yaqaan inay maamulka Puntland kasoo horjeedaan iyo haddii ay ahaayeen kuwo lagu yaqiinay inay maamulka taagersanaanba, anigu waxaan qabaa in ay mudan yihiin in ladhagaysto waxa meesha kasoo baxay laakiin maamulku uu xor u yahay inuu raaco wixii uu aaminsanyahay inay u soo jiidayso wadanka xal iyo guul muhiim ah. Markii maamul ladoorto, waxaa la fiiriyaa sida maamulkaasi wax u qabtay kadibna dib baa loo eegaa markii uu maamulkaasi isu soo taago doorasho labaad. Haddii maamulka C/laahi yusuf uu ku guuldaraystay hogaaminta mujtamaca reer Puntland, doorashadaa looga adkaanayaa. Haddii dadka badankiisu ay raali ka yihiin, horaa loo yiri, Majority Rules dib baana loo dooran doonaa.
Marka walaalayaal aan iska ilowno isimadaa saan yiri iyo saanay sheegeen. Isimadu waa mudanyihiin ixtiraam iyo qadarin badanba, laakiin miyaanay u muuqan inay tahay, kuwa ku shiray Garowe inay ka soo horjeedaan waxa la oran karo Political victory against the Arta Group oo uu gaari lahaa maamulka Puntland mase soo saareen wax xal ah oo ay kubadalayaan kan ay dhaliisha u soo jeediyeen. Horaa loo yiri, rag waxaa ugu liita nimaan isagu talana keenin cidii tala keentana aan ku raacin.
Arintu Xabad ma taagna waxay taagantahay Xulufaysi iyo groupaysi, haddii shirkaanu ka dhici lahaa Puntland iyadoo ay ka soo qayb galaan ugu yaraan labo hogaamiye kooxeed oo xamar ka timid (Caato iyo ina Caydiid) iyo hogaamiyayaal kale oo xoog leh oo koonfur ka socdaa, arintaasi waxay ku noqon lahayd moral jab wayn kooxda carta iyadoo siin lahayd inta kasoo horjeedana (Moral Victory) amaba guul iyo rayn-rayn siyaasadeed oo ah, intaad nugu maqantahay, anguna waa kugu maqantahay. Haddase maxay wanaagoo isimadu soo saareen, C/laahi Yusuf iyo maamulka Puntland midna awood maleh ee odayaal qabiil baa meesha haysta. Waxaan filayaa inaan adi iyo aniguba isku raacsanahay, inaysan isimadu ka soo qayb galayn shir looga wada hadlayo Arimo caalamiya iyo mustaqbal umadeed oo kabaxsan tan beesha ay iyagu matalaan. Arinta isimadu ku dhawaaqeen waxaan u arkaa inay tahay siyaasad xumo iyo ceeb wayn oo loo gaystay maamul dadku soo wada doortay. Waxaad fiirisaan coverageka uu shirkaani ka helay laamaha war saxaafadeedka kooxda carta taagera, Unbelievable. Maxaa yeelay wadnahay farta ku hayeen si cad bayna u fashilmi lahaayeen.
Si kastaba ha ahaatee, isimadu naftirkoodu arinta kuma wada dhamayn baan maqlay oo waxay u badnaayeen koox lagu yaqaaney inay waligoodba carta ku xirnaayeen taasina waxay hoos u dhac ku ridaysaa Quwada uu lahaan karo warsoosaarkoodu.
Horay ninka mid ah, dadka kor ku hadlay ayaa sheegay sida ay isimadii intay siyaasada galeenba sharaf dhac u noqdeen. Waxaa lawada ogyahay, in dhawaan koox dhalinyaro ahayd oo ka xumaatay ragii lugugu xirxiray mudaharaadkii Boosaaso ay xabad ku rideen Boqor Maxamud iyo rag uu lasocday ka dib markay isku dayeen inay qoryihii ka dhigaan. Maxay ku tusaysaa taasi?

Note: Shirmaarke ninka la baxayoow, cidna ha uga digin qatarta Gaalkacyo iyo meel kale oo puntland ka tirsani ku sugantahay. Waxaa hubaal ah, inaan kaalmo lugu soo waydiisandoonin oo lagaa maarmo.
thanks
ahmed

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

bulale

Tuesday, March 06, 2001 - 07:26 pm
isin, suldaan, ugaas iyo wixii la mid ahba waa kuwii dalka gubey, nacalad tii ilaahey baa ku taal. koley, dhalin yarada wax u dan ah u hayaan ma jirto ee ha laga tashado dhalin yaro. rag aan qaarkood waxba qori karin baa rabo ilaah baa idinku dhaarshee inaad dhageesataan, cajib?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Keyse

Tuesday, March 06, 2001 - 10:02 pm
Salaan kadib walaal Kacaan-diid, Dastuurka Puntland waxaa kuqoran in aaya katalinta ugu danbaysa Punland ay leeyihiin isimadu marka hadadan weligaa akhriyin waa gar inaad dacalka qabsato isimda kulaabo qodobka 30aad hadaadan irumaysanayn.

Nin isaguba ku dhisay wuxuu kuu dhiibtay hadaad gudan weydo oo marna Caato iyo caydiid lakorto marna shaqo aad shaqo ka dhigato ina Salaad boy iyo wixii la halmaala adiga oo moog wixii laguuba dhiibtay adeer garweeya inay xaajada kala furdaamiyaan.

Su,aalkale hadiiba dastuurku u ogolaanayo ma dastuurkaan jiirnaa mise siduu yahay ayaan ufulinaa?????.

Nbadeey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DUUFAAN

Wednesday, March 07, 2001 - 12:25 am
Kancaandiid

waxaad kaloo fiirisaa qodobka 28 iyo 30 Cahdiga Puntland kuwaas oo sheegaya isimada ay go'aanka ugu danbeeyo leeyihiin siduu KEYSE usheegay, qodobka 28 oo asagana kuu sheegaya in arinta hadii ay wax ka khaldamaan maamulka in ay Isimadu lawareegaan Go'aana laga gaaro. Marka garan maayo waxaad Isimada uga soo horjeedid hadii uuba cahdiga Puntland uyaal uu qaroyo awooda iyo Isimada kaalinta ee leeyihiin marka walaal Isimadu waxna madhimin ee howshooda ayay gudanayaan.

Waxaa kaloo guu weyn ah in shirkii larabay lagu dhigo Garoowe loo wareejiyay ADDIS ABABA oo halkaas lagu qabankaro, marka hadii ayan isimada awood laheen waa hore baa shirkaas lagu qaban lahaa Garoowe laakiin waxaa meeshaas ka cadaatay awooda isimad aad ku sheegtay Odayaal aan wax kala garanayn.

DUUFAAN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DUUFAAN

Wednesday, March 07, 2001 - 12:33 am
Kacaandiid

boowe waxaad igu sheegtay nin BBC iyo jornaalda Xamar ka shidaalqaata!!!!!
Boowe waxaan kuu sheegi lahaa inaad adiga tahay ninka u baahan BBC si uu ulasocdo soomaliya anigase anaa jooga wixii dhacana in dhahayga ku arka ee baahi uma qabo BBC iwm.

Ee boowe intaad ka baxadid darbiyo xagxagashada bal sifiican u dood>:O

balka soo jawaaba su'aalaha aan kor kugu soo weediiyay iyo kuwii uu KEYSE ku soo weediiyay>:O

Boowahaa DUUFAAN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wiil-Qardhood

Wednesday, March 07, 2001 - 01:56 am
To: Keyse & Duufaan

Warniman yohow sheekada dhinac kale ha u qaloocinina waayo cid ka soo hor jeeda isimada maan arag ama Kacaandiid ama Xaafuun ama qof kale ha ahaadee.

Waxaa kale oo yaableh aaway isimaddii layaqaanay sida Boqor Maxmuud iyo Islaan Maxamed iyo Islaan Bashiir iyo beeldaajiya yaashii iyo ugaaskii iyo garaadkii iyo kuwii kale oo waligood loo ogaa inay isimo yihiin oo Kacaandiid uguyeeray G-7.
Kolba anigu kuma arag wax listooyinkaas ah mindhaa isimadaa kala dabakhado ah oo qaar bay u banaantahay inay isku qoraan listkay rabaan, anigu kolay ma garan waxa Kuwii hore iyo kuwaan cusub kala reebay, haddii aad ogtihiina iiga soo jawaaba.
Masse kuwii hore waa dad iska hurda? masse waa dad aan kala jeclayn waxa Garaase ka danqaday? Masse iyagu xaq uma laha in ay ka hadlaan arimaha siyaasadda. Masse waa dad la laaluushay oo maamulkaa laaluushay oo way ka aamusaan ? Masse iyagi ISIMO maaha? Maase isku isimaanaa sheegayn. Markaa walaalayaalow bal iiga soo jawaaba, waayo anigu waxa aan dadka Puntland jooga ugu kalsoonahay Boqor Maxamuud iyo kuwa kale ee G-7 loo yaqaan kumana arag wax list ah oo ay qoreen ee meelkasta adeekay Garaase iyo qaar kale oo aanan magacyadood horay u maqli jirin baa ku saxiixan oo hor boodaaya.

Midda kale waa alle mahaddii in Garawe laga dhaafay shirkii lagu qaban lahaa, laakiin umalayn maayo in adeerkay G..... iyo saaxiibadii ay sabab u ahaayeen.
S/C

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdirizak

Wednesday, March 07, 2001 - 04:52 am
Waxaad moodaa in loo soo dhaadhacay isimadu kaalinta ay kaga jiraan puntland,
sida aad ogtihiinba markii gobolada puntland ay ka wada hadlayeen iskaashiga maamulkaan ergooyinkii ka socday gobolada waxaa hogaaminayey isimada oo markaas u muuqday amaseba matalayey
hay ada ugu sareysa gobolka,kadibna markii laysku raacay iskaashiga gobolada puntland waxay isku
raaceen in isimadu yihiin hay ada ugu sareysa
maamulka puntland isla markaana ay awood u leeyihiin hor istaagaana wax kasta oo ay u arkaan in ay keeni karaan iska hor imaad ka dhasha deegaanka puntland,TUSAALE:waad ogtihiin markii maalin dhaweyd la xiray dhawr qof oo loo eedeeyey in ay ka dembeeyeen banaanbixii ka dhacay magaalada boosaaso,ay si toosa uga codsadeen ilaa 25 isin in la soo daayo dadkaas ayaga ah ayagoo gundhig uga dhigay in ay ku jirto xasiloonida gobolka maamulkuna waa soo daayey,ama ha horeeyo ama ha dambeeyee waxaan laysku hayn in qabiilada puntland hay ada ugu saraysaa ay tahay isimada,hadii isinkastaa amar ku siiyo qabiilkiisa in ay ka soo baxaan maamulka waa uu awoodaa sidaas ayaa kuu cadaynaysa in isinku yahay hay ada u saraysa.isimadu waxay ka hadli karaan oo ay qodob adag ka istaagi karaan markii xaaladu tagto xasilooni daro,laakiin arimaha siyaasada waa awood maamulku leeyahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

keyse

Wednesday, March 07, 2001 - 05:11 am
Wiil-Qardhood alla doodaada jecliyaa hadaan waqti u helo war ninyohow hadal maan qaloocin ee idnkaad axaad tiraahdeenlaba arimood
1- ee ma aaminsani in isimadu ama parlamaanka ay hor istaagaan waxyaabaha ay dawladdu xaqa u leedahay. waa hadlii Wiil-qardhood isga oo aan kala cadayn waxay xaq uleeyihiin iyo wixii kale.
2-Iyo isimdii Khadiijo.

Marka halkaas ayaan kawadnay.

Hadaan usoo noqdo su,aalahaagi.

1-markii qadiyadani dhacaysay Boqor maxamuud wuxuu u dhoofay Dubai arimo caafimaad awgeed.

2-Waxaad lasocotaa in Islaam Maxamed Muuse caafimaad kiisu yara xumaaday markii qadiyadahakni dhacyeena uu kumaqnaa Dubai, mar aan lahadlay Qardho ayaamihii dhibaatadu taagneeyd waxaa la ii sheegay in Suldaan Saciid Garaase uu yiri Islaam maxamed aniga ayaa ka wakiila.

3- Ugaas Yaasiin Allaah hau naxariisto hadaad qof aakhiro aaday aad wax ka sugaysidna waa adi iyo yeelkaa wiilkiisi Xasan ugaas goobjoog ayuu ahaa

3-Labada Beeeldaaje nina goobjoog ayaa ahaa midna siga oo cad ah ayaa igu danbaysay mahubo in uu dhintay iyo in kale,yaakuusooharay
Marka manimankii khadiijo inoo keentaa sidaad tiraahdid alla af adakidaa.

Tusaale yar ayaan ku siin ugu danbaytii waayo kacaandiidna waa is waydiiyay su,ashaas.
Boqor maxamuud waa nin ehelu diin ah lehna wixii lagu yiqiin Isim waxaanse goobjoog u ahaa hadii C/laahi uu isim ixtiraamyao magaalada boosaaso oo rabshadi ka aloosantay oo jidadkii go,een oo hoteelkii uu deganaa C/laahi yuusuf dumar iyo caruur ku xoomeen oo magaalada looga cabsaday inay ka dhacdo Bililiqo ayaa boqorku yimi ana goobjoog ayaan ahaa hoteelkii uu deganaa ayuu ugu tegay dabaq kore ayuu saarna boqorkuna lugaha waa ka xanuunsanyahay islamrka kumaanuu sharfin inuu isagu soodego ee boqorka ayaa luguhiisa ugu koray, kadib arinkii nabadgelyada qasay ee uu ugu tegay boqorku wuxuu kala soo laabtay hungo!!!! iyo gacmo furan iyo boqor mayeelayo.

Marka Boqor maxamuud he knows who is ina yeey.
Nabadeey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kacaan-diid

Wednesday, March 07, 2001 - 05:51 am
To: Kayse

Ama laba Dastuur baynu kala aragnay, ama isku si baynaan wax u akhrin. Qodobka 30-aad ee dastuurku waa ka hadlay Issimada, waana kan ee bal ila arag,

Qodobka 30-aad,

30.1

Axdigani wuxuu aqoonsan yahay oo xaqiijinayaa jiritaanka iyo xilka hoggaamiye-dhaqameedyada bulshada ( Isimada).

30.2

Wixii muran iyo is-afgaranwaa ka dhex dhasha beelaha oo xal kale loo waayo, iyadoo la raacayo Axdigan iyo xeerarkiisa, waxaa loola noqonayaa Isimada si ay talo uga soo jeediyaan ama go'aan kama dambays ah uga gaaraan.

30.3

Muddada kala guurka ah xulka Golaha Wakiillada waxaa soo ansixinaya soona gudbinaya Isimadooda, sida ku qeexan Qod. 8.6 ee Axdigan.

30.4
Dastuurka cusub ee loo dejinayo Puntland ayaa qeexi doona xilalka iyo dawrka Isimadu yeelan doonaan, si loo xaqiijiyo haybaddooda.

*********End*********

Kayse, wixii aadan fahmin dadka waydii, laakiin wixii aad horey uga qortay qodobka 30-aad meesha kuma jirto.

Markii aan horey uga hadlayey qaybaha awoodda dawladda, waa kan qodobkaan soo xiganayey:

Qodobka 7aad :
Saddexda Qaybood ee Awoodda Dawladda.

7.1
Saddexda qaybood ee awoodaha Dawladda waxay u kala baxaan sidan:-

b) Golaha Wakiillada,

t) Golaha Xukuumadda, iyo

j) Garsoorka.

*****End******

Kayse meelna maka aragtay issimada.

Finally, Kayse bal hoos ka fiiri qaar ka mid ah awoodda madaxweynaha, iyo cidda iska leh shaqada adiga iyo issimada qaarkood isaga khaldan, sida siyaasadda.

Qodobka 12-aad,

12.5
Awoodaha iyo xilalka Madaxweynaha waxaa ka mid ah:-

-Waa madaxa Dawladda iyo Gudoomiyaha Golaha Xukuumadda;

-WUXUU MS'UUL KA YAHAY HOGAAMINTA SIYAASADDA GUUD EE PUNTLAND;

-uxuu leeyahay awoodda saxiixidda heshiisyada caalamiga ah, iyo heshiisyada looga jeedo dhismaha Dawlad Federaali ah ee Soomaaliyeed, iyadoo heshiisyadaas laga ansixinayo Golaha Wakiillada;

*********END********

To: Duufaan,

Adiga wax weyn baa isaga kaa khaldan, sidaan horey u sheegayna Puntland adoo joogadan wax badan ka ogayn. Guddigii dastuurkoo dhawaan Bossaso joogay inaad ka qayb gashid shirarkiisii bay ahayd, waxbaa kaaga kordhi lahaaye.

Sidaad tiri, Qodobka 28-aad ee Dastuurku Issimo kama hadlin. Wuxuu ka hadlayaa Guddiga Dajinta Dastuurka Puntland.

Kayse and Duufaan, let us stick to the facts, and let us not fabricate lies about the constitution, OK.

To: Inta kale,

Arrinta Issimadii dhaqanka (G-7), iyo issimada siyaasadda wixii aan ka qabo gadaal baan kasoo sheegayaa.

Raalli ahaada haddaan dheereeyey, su'aalaha jawaabtoodii baa sidaas ahaaye>

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Keyse

Wednesday, March 07, 2001 - 07:50 am
Kacaandiid horta adoon waxba aflagaadayn siwanaagsan u hadal arinkan ah in lagu qabto shir garoowe oo ay yimaadaan Caydiid iyo Caato hade khilaaf beeleed ayuu lugta ku hayaa hadii dawlada iyo beeli isqabato arinku caga juglayn ku dhamaan maayo iyo dagaal waa in la dhex-dhexaadiyaa sidii Garaase.

Marka walaal fahamkaagu ha dheeraado.
Nabadeey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kacaan-diid

Wednesday, March 07, 2001 - 09:22 am
Kayse, xaasha e ma caytamin, caadona iima aha inaan caytamo. Waxaase somalidu tiraahdaa fallaari gilgalasho kaagama hadho, ee adigoon bus iyo qiiq isku qarin, cay aan meesha ka dhicinna keenin, walaal iska qiro inaad rabtay inaad khalad sheegtid, anna aan ku tuseeyey. That is the proper way.

Adduunka waxaa ugu daran qof aan khaladkiisa loo sheegi karin, haddii loo sheegana aan qaadan. Bal fiiri waxaad rabtid inaad naga dhaadhicisid, iyo xaajada aad madaxa isu gelinaysid.
Shirkii siyaasadeed oo lagu casumayey ina Caydiid, Caato, Shaati-gudud, Morgan, and so on, wuxuu ahaa khilaaf beeleed, issimada dhexgaliddooda u baahan miyaan kaa rumaysannaa. Sow ma ogid inaynaan meesha labadeenna kaliya ku hadlayn, oo dad kale akhrisanayo doodda, haddaanba anigu kaa yeeli lahaa taas.

Waxaan kuu bidhaaminayey adiga iyo ciddii shaki kaga jiro, ina role-ka issimadu yahay kii lagu ogaa oo ahaa sama ka talis iyo xallinta khilaafaadka beelaha, ee aysan ahayn inay dhex boodaan policy making decisions-ka Puntland. Adna meel kalaad ka buskicisay oo waxaad rabtaa inaad naga dhaadhicisid shirkii Garowe ka dhici lahaa, khilaaf beeleed buu ahaa. Waxaad tiri dawladda iyo beel baa is qabtay. Warkaas annagu ma haynee, noo faahfaahi. Waa beeshee.


Allow run u hiili, Keyse..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

XAAFUUN

Wednesday, March 07, 2001 - 10:28 am
TO:dhamaan
ciid wanaagsan
raali iga ahaada maalmahan waxaan ku maqnaa ciid,intaa ka bacdi waxaan u malaynayaa in in aan meesha laysku haysan awooda iyo sharafta ay leeyihiin isimadu, hadiise ragga qaarkii uusan fahmay waxaan idiin sheegayaa in aysan taas laysku haysan ee meesha waxaa laga doodayay waa maxay shaqada isinku?

Waxaa iska cad in taa jawaabteeda ay kor rag badani ku sharxeen ninkii qaadanaya iyo kii diidayaba(waana tii dhaqamiga ahayd ee lugu wada yaqiinay).
Tan maanta P/Land ka taagan waxaa isku haya annigu sidaan qabo waa maamulka ka jira iyo rag mucaarad ku ah oo ku soo gabanaya magacyo kale huwanna busteyaal wata derajo ay dadku qiimaayaan
marka waxay anniga ila tahay in qof walba uu xor u yahay in uu difaaco ama raaco ciduu doonayo iyada oon laga tageen midnimada reer P/L iyo nabad gelyadeeda.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kacaan-diid

Wednesday, March 07, 2001 - 02:03 pm
To: Wiil-Qardhood,

Walaal su'aashadii ahayd maxaa ku dhacay Issimadii la yaqaannay (G-7), jawaabteedu waa iska caddahay. Wixii dhintay, dhinte allena ha u naxariisto, waxaase la ogyahay in kii dhinta ama tabardarreeya, ay jiraan cid bedesha ama wakiil uga noqota madalaha looga baahan yahay inay goob joog ka ahaadaan. Waxaa kaloo cad in intoodii badnayd ka maqnaayeen, loollankii siyaasadeed ee dhawaan Garowe ka dhacay.

Waxaase ceeb ku ah, issimada ku abtirsada ilmo issim, inay goob aan magacooda u qalmin soo fariistaan, ama lagu muddaharaado. Waxaad ogaataa, inta badan issimadani, intaysan issim noqon bay muddo ag fadhiyaan, wax badanna kaga daydaan, aabbahoodii issimka ahaa. Marka they are well prepared when their time comes. Waxaase dhibku ka taagan yahay ninkii issimnimada isagu ugu horreeyey, ama sheegtay, intuusan issim noqonna laga yaabo inuu meherad kale lahaa ama si kale u dhaqmi jirin, ninkaas waa ku adkaanaysaa inuu u dhaqmo sidii issimada dhaxaltooyada ku hela.

Boqor-ka iyo Islan Mahammed-ba waxay ka qayb qaadanayeen xuskii sannad guurada labaad ee dhisitaanka Puntland, halka issimada cusub qaarkoodna ay ka qayb galayeen shirkii ka dhanka ahaa jiritaanka Putnland. Marka bal intaas kaliya kaga qanac, difference-ka u dhexeeya labada nooc oo issimada.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Keyse

Wednesday, March 07, 2001 - 09:54 pm
Salaan kadib:
Anigu weli waxaan taaganahay inuu yahay khulaaf beeleed maxaayeelay sheetiguduud iyo gabyoow way yimaadeen garoowe laba Calina isma waydiin dhowr jeer ayuuna shir ugu qabtay C/laahi. Dadka reer Puntland ma arka ay maqlaan ina caydiid iyo Caato soo dhawayn kama mudna ina caydiid oo waagii kismaayo ay qabsadeen habargidrta iyo Mareexaanku sheegay inuu yahay ninka qabsaday ama Cayr iyo ina salaadboy ha ahaadeen ama ina caydiid iyo Caato ha ahaadeen waa khilaaf beeleed oo una baahan marka hore in lasooxaliyo.

Nabadeey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kacaan-diid

Thursday, March 08, 2001 - 04:53 am
Kayse,

Sidii horeba Xaafuun u sheegay, Caato iyo ina Caydiid waxay ka mid ahaayeen, dadkii lagu casumay Bossaso 1997-kii, shirkii baaqday. In fact, Caato wuxuu ka mid ahaa dadkii loo haystay inay shirkaas baajiyeen, oo diidanaa in Bossaso shir somaliyeed lagu qabto.

Shalay markii xaaladda somaliya sidan ka xumaydna waa la marti qaaday, maanta oo raggeenni qaar Xamar jiraanna, nimankaani ma iman karaan Puntland. I didn't get it.

Marna ma iswaydiisay xiriirka ka dhexeeya arrintan iyo Arta faction. Armaa issimada qaarkood ka duulayaan fikirka ah, ninkii dawladda Arta ka soo horjeeda Puntland ma iman karo. Waxaa shiddo ahaan lahayd haddii issimada warkooda la maqlo ay sidaan dhihi lahaayeen. Haddana issimadaasi sidaynu wada ogsoonnahay, waxay wali ku danbeeyaan dhaqankii issimnimo, oo isdhexyaaca iyo sharaf xumo uma bareeri karaan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wiil-Qardhood

Thursday, March 08, 2001 - 07:13 am
Umalaunmaayo waxkale oo kalifay "ismada Cusub" inay Jiraan waayo waxay rabaan in "dawlada" Carta ay hanaqaaddo taas oo ay wax kadhiseen ama goob joog ka ahaayeen markii la dhisaayay.
Waxaase ceeb ku ah isimada qaarkood (waa haddii ceebi wax kadhinto) in ay Qaybdiid, Cali Mahdi, iyo Ina Salaad Boyna ay Dawladd la soo dhisaan iyagoo waliba ay safar dheer u dheeraa isla markaana aana maamulkii dhulkooda ka jiray waxba laga soo qaadin, iyagoo aan waliba dawladda ay rabeen in ay wax kadhisaan aan waxba laga waydiin Garaase laftigiisaa laga hayaa "Gashaanti aamuskaa lagu meheriyaa" ayna caydiid iyo Catona ku eedeeyaan dad danbi dheeraad ah kagalay, waxaase isweydiin leh Qaybdiid iyo Cali Mahdi miyaa Caato iyo Ina Caydiid ka fiican masse isimadii jabuuti "inoo joogay" dhexdhexaad baysan ahayn Misse?
Anigu runtii majecli in Caato walaa Qaybdiid ay
Puntland yimaadaan sabab too ah waxaan qabaa in marka hore ay maamul soo dhistaan markaas kadib ha yimaadaan, Garawe ama Qardho ama... ama...
Laakiin isimadii Carta fadhiyay iyagoo aamusan waxaan hubaa inaysan hadal dheheen haddii dawladdeenu ay casumi lahayd Qaybdiid ama Cali Mahdi
ama Ina Salaad Boy.
S/C

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Thursday, March 08, 2001 - 07:50 am
excellent discussion. keep it up

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

XAAFUUN

Thursday, March 08, 2001 - 10:33 am
TO:kayse

salaan ka bacdi

walaal marke hore in aynu murano maaha ee waa in ay wax isu sheegno ilamana qumana in waxaan jirin iyo been aan iska dhaadhicino, bal u fiirso waxaad meesha ku qortay: waxaad gaartay heer aad dastuurka P/L aad ka been sheegto, wixii aan kaa oron lahaa k/d baa kaa yiri oo kuuba soo qoray qodabadii ku saabsanaa, hadana waxaad doonaysaa in aad naga dhaadhiciso beel iyo maamulka baa is hayaa ama dhibi dhextaal, bal cadee beesha ay maamulka dhibi dhextaal???.

TO:W.Q IYO K/D

Waxaad lawada socotaan in sheekadani aysan hadda bilaaban ee waa mid in muddo ahba soo jiitamaysay ilaa iyo shirkii carta, mudaahiraadkii boosaaso, jidgooyadii iyo tan shirkaan garowe,welibana wax kale baa soosocda,waana dhacdooyin is dabayaal oo loogu talagalay P/L, ragga ka dambeeya oo maal gelin iyo wacyi gelinba la dabataagan waa reer carta, marka haddii uu maamulka P/L uu marba talaabo deb u qaado isaga iyo wuxuu ka helo,lakiin waxaa ila quman in uusan isu debcin ee ka guto wixii maamul ka gudan jiray uuna ka qaado talaabada ku haboon haddii kale, kala dembayn iyo istixgalinta baa meesha ka baxaysa waxayna ku dembayn doontaa xamar siday hadda tahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cabdihakim-wiilQardhö

Thursday, March 08, 2001 - 10:57 am
shaqada isimada:

inay ururiyaan lacago ayna ugu talo galaan in lagu bixiyo wixii dhibaato ah oo tolka soo food saara,

in lacagtaas ay jeebka ku shubtaan.

yaa arkay:

nin: boqor, suldaan, islaan, beeldaajiye, ugaas etc. ah oo hadana lacag la'aani hayso. !!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!? ma jiro, anigaa hortaa baaray. waa yaab see bay taa ku dhacday!!!?

ka jwaabideeda idinkaa idiin daayay inaad ka fikirtaan.
waxaase la yaab leh tolka lacag uunbay ka aruurshaan, mana arko cid la caawino: yaa arkay isin ma oday reer madax u ah oo reerkuu madaxda u ahaa masaakiintoodii ama agoontoodii ama kuwoodii dhibaateesnaa ee u baahnaa caawimada caawinaya.

anigu kolba ma arag lacagse tan iyo intaan garaadsaday iyo haatan oon 30kii galay waan bixinayay. mar dhowse waan joojin baada odoy ku sheegyda.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

C/H wiil-qardhö

Thursday, March 08, 2001 - 11:04 am
iyadoo ay taa jidhay ayaa hadana qolodii carta ay u yeereen jaahiliintii tuugada ahaa oo masaakinta lacagta aya u uruuriyeen ayay l shirtageen, ayagoo waliba ku gorgortamaya inay masuul ka yihiin reerkaa.

war aniga waxaan leeyahay nagu kala wada meesha: caalo qaadasho nimadoodii hadayba soo baxday markay galeen barlement ku sheegii. war yaanan war idiinku daalin e reer puntland now tashada oo keensad rag mutacalimiin ah ee naga daaya odayaashaan tuugada ah oo waligood ku qaraaban jiray habar ayaa shil gashay iyo nin baa isha laga qabtay iyo ceel baan dhisaynaa.
howshoodii ha ku ekaadeen, waanu siinaynaa baadoodii laakiin ha joojiyaan siyaasad ay faraha lasoo galeen.