Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Somaliland Politics: Somaliland Politics (Current): Burco iyo Hargeysaay
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Thursday, March 01, 2001 - 07:52 am
Burco iyo hargeysaay
Biddixda iyo midigtaan
Cadawgii I boobiyo
Bidcigii ku jebiyow
Labada isu baahdee
Isu Biirsha xooggow

Talo aan biraysnayn
Ninka kuugu baaqee
Bulshadaada dhaawacay
Booladaada geesmaray
Yaanu been ku taabsiin

Beyd gaab gurracanoo
Booli qaran ku maqan yahay
Barta hawshu taaliyo
Yaanu beytka soo gelin
U badheedha waayaha
Bayr iyo qalloociyo
Iska eega bawd jeex

Boogaha damqanayiyo
Arrimaha bogsiin raba
Ka ilaasha hadal badan
Isu biirsha talo wacan
Barbar qudha u wada wada

Bahalaha dad qaadka ah
Beentu tahay farsamadood
Baydhsani ku caan baxay
Yaaney beesad kugu gadan
Boholaha qarsooniyo
Ha ku dhicina booraan
Ilays daaran beegsada

Burco iyo hargeysaay
Bulshadiinna xalanta ah
Rabta inay badbaadaan
Nabad waa bariistaan
Farxad wada badhaadhaan

Beegsadaan hir dheeriyo
Halka badi adduunyadu
Uberetameysiyo
Barwaaqiyo ammaaniyo
Baradoo hagaagtiyo
Bilikhayr dawladnimo raba

Baadideeda maqaniyo
Baylah tira danteedoo
Xaq ha loogu baaqoo
Barta hawsha qarannimo
Bah-bah iyo qabiil iyo
Baahsanaan ha laga koro
U ballama midnnimadoo
Halla baanto doogtiyo
Burburkii ku soo maray

U banbaxa wax qabadkiyo
Baxsanaanta noloshoo
Garta boogihiinnoo
U bislaada jiritaan
Bilihii kulaylkiyo
Beri nimad jeclaydeen
Hadduu beyd go'aagiyo
Burburkaaga raadsado
Baaruud qarxaysiyo
Bunduq iyo rasaas culus
Badhtankaaga soo dhigo

Hadda waa barkuma taal
Burco iyo hargeysaay
Marka beydku wacan yahay
Barwaaqada la wada qabo
Ama reerku buuxsamo
Burqadaan daruuruhu
Ragga waxa badka u yaal
Bogashada xilkiisiyo
Bisinkuu haleeliyo
Basar inu ku wado oo
Boqorkii abuurtiyo
Allihiisa kaga boqo

Burco iyo hargeysaay
Basarkiyo hufnaantiyo
Bilicsanida muuqiyo
Beeraha qurxooniyo
Jidadkii ballaadhnaa
Biyohoo qolqulayiyo
Daaro baaxad weyniyo
Dugsiyada barbaartiyo
Cusbitaallo badaniyo
Booliskiyo shaqaalaha

Baxsanida magaalada
Bar tilmaan u qaatoo
Ku tartama ayaa badin
Berri waa la noolyahay
Ballanteennu waa maxay
Hawl maxaynnu bogannaa
Waddankeenna baaba'ay
Xaggeen kaga bilawnaa

Beeleheenna oo idil
Bari iyo galbeed keed
Halka talo la bidayaa
Hawl inay bilaabaan
Inta kale u baaqaan
Badi laga sugaayaa
Bi i waaye waa adi

Nabaddaa bqrwaaqiyo
Barashada aqoontiyo
Xilkoo loo bislaadiyo
Sharcigoo la baantiyo
Barakada wanaaggiyo
Cadli boodhka laga tumo
Lagu beegsan karayaa.

Burco iyo hargeysaay
Beeni meel ma gaadhee
Runta iiga baadhoo
Barbarkay ka liicdaa
Waa bakayluhuu qalay.
Bir-mageydadaadii
Beel beel u kala diro
Buus inaad tidhaahdoo
Budhka saarto mooyee
Si kalaan bannaanayn

Carrigaaga bikirka ah
Banankaaga waaweyn
Buurahaaga dhaadheer
Macdantiyo batroolkiyo
Dhagax qiimo badaniyo
Dahabkii ka buuxaad
Garan wedey baanee

Badi xoolahaagii
Dad kalaa biraystoo
Buuxsaday hadhuubkoo
Ku badhaadhay hoogtooy
Inta buuqa muranka ah
Fadhiyada barkuma taal
Barje aan wax soo wadin
Baashaalka caal waa
Waqti kaaga baaba ay
Kolla looma baahnnayn

Cali Aadan Awale 17.2.99.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ceergaabo

Friday, March 02, 2001 - 12:31 am
hooyada u sheeg walaahi isaaq ayaan ahay waxaan ka xanaaqaa mar kasta oo aad burco iyo hargaysa hadl haysaan sidii aydinaan lahayn meel kale oo aad ilowdaan ceergaabo oo ah xaruntii reer sheekh isxaaq ka soo alkumay waxaan ku aasan awowgeen sheekh isxaaq ceergaabo agteeda meesha la yidhaahdo maydh
kolkaa orod dalka soo baro intaad hadal hayso burco iyo hargaysa oo kelioya ilaahay dhul ka balaadhan ayuu duriyada siiyay gobal sanaag 70% isaaq ayaa dega adiguna ku warwareeg laba magaalo oo keliya
wabilahi towfiiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Badhan

Friday, March 02, 2001 - 05:41 am
WOW!!!!!! Erigavo is you city????????. Let me tell you something idiot. Erigavo is a Darood city Paricularly it belongs to Warsangali. Remember idiot, we are not fighting with you guys now does not mean we all ready gave it up.

The end of Sakhraan land is near and keep that in mind dear.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ali

Friday, March 02, 2001 - 07:51 am
badhan mr faqash ceerigaabo rag habar yoonis ah ayaa iska leh waa kuwee awowgaa soo dagiyey ee relax ha kic kicin cause if you wake them up you are going to the lisbian city boossaso where the rest of the daarood monkies live

habar yoonis rules the wave

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, March 02, 2001 - 08:16 am
mr badhan.
go check it out ceerigaabo now if have da guts to go there.Iam sure u will come back with a BULLET in yr skinny ASS(faqash).man u still living with AFWEYNE'S lagecy which was" ceerigaabo and burco belong to harti/warsangali and hargeysa belongs to ogaden" well my friend that was a nice dream but it was over long time ago.to day one da reasons that somali pple can't restore trust and peace or agree each other on one thing is'cuz pple like u who are still carrying AFWEYNE's lagecy are among us.
as they say"WUXUU NA BADAY(afweyne)WUXUU NAGAGA TAGEY BAA NOOGA DARAN"peace and luv.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Badhan

Saturday, March 03, 2001 - 07:27 am
I didn't want argue with you sick people about this issue, because the whole world knows the history of Eragavo and its original owners.As a matter of fact, I just came back from Erigavo, and you know what?.Erigavo is mine and it will always be mine.

And about the bullets, you're the people who need to cover their behind doors, and remember we all know each other very well FAQASH akhraanlanders.

It is also true that Hargeisa used to belong Ogadens and it is still a Ogaden city.INSHA ALLAHU they will come back to their homes very soon, so don't be alarmed if you wake up one morning with your real nightmare, Darood army in evry corner of Sahraanland.Allahu akbar allahu akbar..

Furthermore, you should thank Aweyne, coz he was the one who detroyed Daroods beyond imagination, and now we're back and we will take what is ours.

I feel sorry for you, coz the end of Sakhraanland is near.

Ninkii dhoof ku yimi bay geeridu dhibaysaa.. the natives are back....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

aLi

Saturday, March 03, 2001 - 03:47 pm
BadhAN. SXB who composed that song u just played
"ninkii dhoof ku yimi baa geeridu dhibeysaa'"sxb that song was composed by a s/lander in 1977 when somalia was fighting with Ethiopia and da main reason behind that song was to motivate somali pple inorder to get ogaden back and to send clear message to the Ethiopians that somalis aren't afraid to DIE for their land and that song was also played in 1988 BY SnM rebels to send same message to (FAQAH PPLE).SO sxb B4 u OPEN YR stinky MOUTH do some RESEARCH.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ceergaabo

Wednesday, March 07, 2001 - 08:28 pm
waxaas oo dooda ma timaadeen hadii asaaqa burco iyo hargaysaaqoon lahaayeen ceergaabo waar nimankan warsengeli iyo qurjiile waydiiya dagaaladii kulmiye (meel ceeri ka xigta bari) xingalool sidee laydunku galay dheh markaa ceeri sheekada way ka baxaysaa sheekadii riyada ahayd ee harti iyo ceeri waa dhamaatay beri hore waxaa dhameeyey xoogaga SNM ilaah ha daayo duriyada

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xoogsade

Thursday, March 08, 2001 - 07:58 am
its desert, and a stinking one. man

Idiots. SHUT UP.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

daacad

Thursday, March 08, 2001 - 09:30 am
Erigavo is multi-ethnic, mult-cultural city and it's occupied by many different tribes.

mainly isaaq about 75% and 25% by darood.
isaaq tribes are as follows;

haberjeclo,(biciide, uduruhmiin)
Garhejis, (muse ismail, muse care)
darood,(dulbahnte, warsangeli)

muranku wax ba mataro, kaagana isku sheegaya badhan, u obviously lack the indepth knowledge of the situation in erigavo.
erigavo is part of somaliland and the majority of ppl who are there are isaaq.

now since the SNM chased the faqash the city is almost 100% isaaq.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

REER-BURCO

Wednesday, March 14, 2001 - 03:37 am
ceergabo sidee loo ilaabi karaa waa magaalo sharaf iyo qiima ku leh somaliland, maa meshii sheik isxaaq ku asaan yahey,

waxaana magaalad ceergabo daga 90 percent habar yonis,

dadka kale waa sheegato e amusa oo raga ha shekaysanina naago baad tihiine,
long live burco ceeragabo and mydh

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LIXLE

Wednesday, March 14, 2001 - 03:42 am
SAXIIB HEESAHA LOO QADEY MAGAALADA, FANAANIINTA, AYAA KU HEESEY. DAALO AYNU JOOGNEE EE DAALO AYNU JOOGNEE, DAALO XALKEE BAY KU TAAL,
BURCO KU MA TAAL HARGEISANA KU MA TAAL, CEERGABO BAY KU TAAL WAA MESHA WAQOOYIGA BARI UGU QURUX DA BADANE,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Biciid

Wednesday, March 14, 2001 - 06:40 am
Reer-burco

bal burcaabad ka timii yaa ku yidhi ka hadal ceeri

war yaadhaheen ragaan waligood dhaafin burco ayaa maan doonaya iney dadka uga sheekeeyaan wax dadku og yahay.

adeer burco iska fadhi haku daalin bari iyo dagaanka.

haberyoonis burco waxay ka degtaa dhinaca galbeed ee howdka xiga, haberjeclo waxay burco ka degtaa dhinca bari ilaa erigaabo, laamiga dheer ilaa sool.

markaa wax dadku og yahay ha ku murmin.

labadan nin eer tuurwaa iyo sacad yoonis baad is leedahay in ay mee degaan.
biciide aya meelwalba la dega kana faro iyo dhulbana.

markaa adeer fadhi burco laakiin farah ha la soo gelin arimah yaga

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

reer-burco

Monday, April 02, 2001 - 06:44 am
biciide waxaan u maley nayaa in aad hurudey barigii,daweyto ay tolkaa isa soo qaad qaadeen,garan hadii aad burco nagula dagalami laheydeen ididnka oo ah habar jeclo, laakinse habar awal arab iyo gadabursi baad la modowdeen tii ka danbeysey na waa la ogaaye,

horta tolkaa ma fasax buu u tagey hawd iyo yerowe mise habar yonis baa xalkaa geysey iga soo jawaab,