Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Dowladda - Somali Government: Dowladda - Somali Government (Current): JABHAD CUSUB OO KU KACSAN KOOXDA CARTA OO LAGAGA DHAWAAQAY LONDON
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AXMED WARSHEEKH

Friday, March 02, 2001 - 03:10 am
Bayaan ay soo saareen Beesha Mudulood


Shir ay isugu yimaadeen beesha Mudulood oo ka dhacay magaalada London taariikhdu markay ahayd 24-25/02/2001, oo ay ka soo qayb galeen dad fara badan oo isugu jira aqoonyahano, indheergarad, culumaa-udiin iyo dad weyne fara badan oo ku abtirsada bulshada Mudulood kuwaasoo ka kala yimid Yurub, Waqooyiga America iyo meelo kale oo dunida ka mida ah. Intuu shirkaasi socdey mudadaa labada maalmood aheyd waxaa leysla soo qaadey arimo faro badan oo ey kamid yihiin:

1- In ay jiraan dowlada ku sheegyo iyo ururo fara badan oo ujeedoodu yihiin awood-doon oo aan ka turjimi karin baahida bulshada Soomaaliyeed, iyagoo kari waayey in ay wax xal ah u keenaan oo looga baxo dhibaatoyinka dalku uu ku sugan yahay guud ahaan, gaar ahaan Banaadir iyo Gobolada ku hareereysan.

2- Dhibatoyinka siyasadeed iyo bulsho oo keenay khilaafaad iyo kala fogaansho beesha Mudulood dhaxdeeda.

3- Beesha Mudulood oo aan lahayn hogaan siyasadeed iyo maamul ay ku midaysan tahay.

4- Iyadoo la waayey dowrkii ay lahaayeen hogaan dhaqameedyada beesha Mudulood.

5- Dhibaatoyinka dhaqaale, bulshadeed iyo deegaaneed ee loo gaystay beesha Mudulood, oo gaartay heer aan indhaha laga qabsan karin.

6- Lacagta been abuurka ah oo loogu tala galay in lagu bara kiciyo dadkii deegaanka lahaa iyo qalabka warbaahinta oo loo adeegsado in lagu marin habaabiyo loogana jeediyo dadka xaqiiqada jirta.

Hadaba si xal loogu helo dhibatoyinka aan kor kusoo sheegnay, shirwaynuhu wuxuu go,aan saday in la abuuro Hay'ad siyaasadeed oo ujeedooyinkeedu yihiin:

1- Mideynta iyo xal uraadinta dhibatoyinka haysta beesha Mudulood ee xaga siyaasada, dhaqaalaha, bulshada iyo dhismo maamul Gobleed oo ey yeelato beeshu.

2- Wacyi galinta dadweynaha iyo ladagaalanka baro kicinta beesha Mudulood.

3- In loo howlgalo soo celinta hogaan siyasadeed oo mideysan oo ey ee beeshu yeelato, iyo soo celinta sharaftii iyo dowrkii ay lahaayeen hogaan dhaqameedyada.

4- hagaajinta xiriirka beesha Mudulood la leedahay beelaha kale ee ay isku deegaanka yihiin.

5- Shirweynuhu waxuu ugu baaqey dhamaan beesha Mudullod iney iska ilaaliyaan wax ala iyo waxii keeni karo iska horimaad ama isku dhac oo beesha dhexdeeda ah.

6-Sidoo kale shirweynuhu waxuu ka codsanayaa dhamaan qeybaha bulshada ey ka kooban tahey sida aqoonyahanka, culumaa'udiinka, odeyaasha dhaqanka iyo ururada bulshada iney ku soo biiraan gacana ka geystaan jiritaanka JABHADA XOREYNTA MUDULOOD "MUDULOOD LIBERATION FRONT, si loo meel mariyo ahdaafta ku xusan baaqaan.

7- In uu ka shaqeeyo midaynta ummadda, si loo soo celiyo sharaftii iyo qaranimadii ummadda Soomaaliyeed. Gudoomiyaha Xisbiga ayaa waxaa loo magacaabey Dr Cabdulqaadir Wehliye Afrax.

Saxiixa Gudoomiyaha

Dr Cabdulqaadir Wehliye Afrax

Walaahu waliyu al-toofiiq

Mudadii uu shirkaas socdey ayaa waxaa la'aas'aasey Xisbi u adeega ahdaafta siyaasadeed ee lagaga damacsanyahey in beesha Mudullood gaarto, waxaana la doortey Gudoomiye, G/ku xigeen, Xoghayn, Afhayeen, Gudi dhaqaale, xubnahii gudiga fulinta iyo wakiilo u matalo xisbiga wadamada caalamka.

Xubnaha la doortey magacyadooduna waa kuwa hoos ku qoran:

1- Dr Cabdulqaadir Wehliye Afrax Guddoomiye
2- Yaasiin Maaxi Macalin Gudoomiye ku xigeen
3- Cabdullaahi Axmad Maalin Xoghaye
4- Prof. Cumar Maxamed Xassan(Gaala guul) Afhayeen
5- Dr. Maxamed Axmad Maxamuud Gud/ Dhaqaalaha
6- Cabdullaahi Ibraahim Caseyr Xubin
7- Axmad Maxamed Gacal " "
8- Dr. Axmad Calas Cali " "
9- Axmad Cali Daahir " "
10- Abuukar Cali Geedi " "
11- Maxamuud Xassan Cali(gaaboow) " "
12- Eng. Maryan Cumar Axmad " "
13- Dr. Maxamad Xassan Tiffoow " "
14- Dr. Maxamed Macalin(Marooco) " "
15- Daahir Abuukar " "
16- Cabdiraxmaan Sheekh Xassan " "
17- Nuur Cali Xassan " "
18- Abuukar Carraaye " "
19- Xuseen Sheekh Cusmaan " "
20- Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan " "
21- Cawil Xassan Xuseen " "
22- Eng.Cabdullaahi A. Xaaji Cabdi(Biikolo) " "
23- Dr. Maxamuud Xassan(Dr. Ingiriis) " "
24- Dr. Maxamuud Maxamed Jimcaale " "
25- Axmed-Nuur Faarax " "
26- Cabdullahi Cali Maxamed(C.Community) " "
27- Maxamed Abuukar Nuur(Jhon) " "
28- Faarax Cali Nuur(Scotland) " "
29- Cabdullahi Cumar Wardheere " "
30- Dayax Guutaale Maalin " "
31- Dr. Sacdi Xuseen Rooble " "
32- Dr. Saalax Maxamuud Maalin " "
33- Maxamed Cali Xuseen(Eeboow) " "
34- Axmed Muxudiin Macalin(Nuune) " "
35- Abuukar Maxamuud Boor


FEEL FREE TO CONTACT US ON benaadir@yahoo.com