Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Dowladda - Somali Government: Dowladda - Somali Government (Current): Abgaalkii xamar ku haray oo talo loo helay.
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Sunday, March 04, 2001 - 12:29 pm
abgaal oo talo cusub loo helay, si looga nadiifiyo xamar ayaa lagu go'aamiyay in qashinka laga soo guro halka ay ku nool yihiin taageerayaasha aidiid,caato,cabdiqaasim,oo kuli ku abtirsada beesha habargidir oo loo raro xaafadaha ay ka degan yihiin maagaalada xamar(kaaraan)beesha abgaal.


Muqdisho, Waxgaradka ku nool degmada Kaaraan ee Gobolka Benaadir ayaa ka cabanaya qashinka qurmay iyo wasaqda ay kooxda Carta amartay in loo soo dhaqaajiyo deegaankooda, iyadoo baabuur looga soo qaadayo xaafadaha Black Sea, Baar Ubax, Shiirkole Officiale, Tareebuunka, Nawaaxiga Dugsiga 21-ka Oktoobar ee deegaanka Afisyooni iyo goobo kale oo ka tirsan Koonfurta Muqdisho.

Qashinkan ayaa dhowr jeer si dhuumaaleysi ah loogu soo dhaqaajiyey duleedka xaafado dad ay deggan yihiin oo ku yaal degmada Kaaraan, hase ahaatee Maliishiyada USC/SSA ee garabka Al Xaaji Muuse Suudi Yalaxow ayaa markii dambe hor istaagtay qashinkaas,sidoo kalena waxgarad kale oo ka tirsan deegaankaas ayaa cabashooyin ay qashinkaas ku diidayaan u soo gudbiyey xarunta midnimo.com.

Maxamuud Afrax Cosoble oo ka mid ah aqoonyahannada deegaankaas ayaa inoo sheegay in dowladdu aysan marnaba eegin sixada dadka ku nool xaafadaha ay qashinka u soo dhaqaajineyso,wuxuuna caqli lala yaabo ku tilmaamay cidda leh fekerka ah in qashin Black Sea iyo Baar Ubax laga soo xaaqay loo soo dhaqaajiyo Kaaraan " War Kaaraan miyeysan ahayn goob dad ku nool yahay" ayuu yiri aqoon yahankaas oo ugu dambeyntiina dhaliil culus u soo jeediey Mas'uuliyiinta Muqdisho oo indhaha ka qabsanaya arrintan.
xaafadaha Black Sea, Baar Ubax, Shiirkole Officiale, Tareebuunka, Nawaaxiga Dugsiga 21-ka Oktoobar ee deegaanka Afisyooni iyo goobo kale oo ka tirsan Koonfurta Muqdisho waxaa ku badan beesha uu ka dhashay Cabdiqaasim Salaad Xasan halka degmada kaaraan ee qaashinka lagu soo qubo ay ku xoogan yihiin Beesha Muuse Suudi.