Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Puntland Politics: Puntland Politics (Current): Doorasho Isimo Cussub
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, March 05, 2001 - 09:30 am
maadaama qofkii raba uu isim sheegan karo sida muu qata waayahan danbe ayaan damcay in dadkeena netkuna isimo samaysano
bal kawarama

Ugaas Xaafuun
Boqor Wiil-Qardhood
Islaan Kacaandiid
Suldaan Duufaan
Kaysar Keyse
Ugaas Ugaaska
Beldaje Sharmaarke
Garaad Badhan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Jimcaale

Tuesday, March 06, 2001 - 01:55 am
Saaxiib, arrinta aad soo jeedisay waa arrin sax ah. maxaad iiga reebtay liiska cusub.

Suldaan JImcaale.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ina libaax

Tuesday, March 06, 2001 - 03:08 am
sxb waa arin fican laakiin waxaa ka reebteen

Caaqil oo doodiisa iyo sheekadiisa na cajabisay e ku dara Mr. Caaqil

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Tuesday, March 06, 2001 - 04:09 am
Jimcaale
Jimaacle magaacaagu hadduu ahaan lahaa Jaamac kuma aanan ilaween waligay ma maqal suldaan Jimcaale layiraahdo., waase kuu ogolahay.

Ina libaax
Caaqil waa nin yaableh oo waa ogahay marka haddii aan ku daro waxaan ka cabsaday inuu list yaab leh soo saaro kadibna aan madaxa isdarsano isagoo reer kiisa watta

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Badhan

Tuesday, March 06, 2001 - 04:20 am
Salan Anon.

Waar ninyahow ineer aniga iga reeb ragan kuu sharaxan waayo shuruudaha laga doonayo shakhsiga noocan oo kale ah gabi ahaantoodba waa iga maqan yihiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Badhan

Tuesday, March 06, 2001 - 04:20 am
Salan Anon.

Waar ninyahow ineer aniga iga reeb ragan kuu sharaxan waayo shuruudaha laga doonayo shakhsiga noocan oo kale ah gabi ahaantoodba waa iga maqan yihiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DUUFAAN

Tuesday, March 06, 2001 - 04:43 am
sxb iga reeb meesha waxaan u daayay JImacaale oo u kulul TITLEka SULDAAN. (kaftan)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Shaxshaxle

Tuesday, March 06, 2001 - 05:49 am
To: Anonymous

sxb saas ma aha Caaqil waa nin aftahan ah waayo waxuu inta kali ku dhaahaa hadalada lama baqo waxuu ka hadlaa waxa jira iyo xaqiqda, sida kale aad leedahay waxuu soo qaadanayaa dadkiisa taas been ayaa ku sheektay Caaqil waa nin ka hadla mar walba qadiyada Puntland

hanoolaado Caaqil

Aniga waxaan dooranayaa Caaqil

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Juxaa

Tuesday, March 06, 2001 - 05:55 am
waxaan Isimo u dooranay hadaa nahay beesha reer Norway Ninka la yiraahdo "Caaqil" waxaan kaalinta labaad galinaynaa "Wiil-qardhood" oo isagana mar walba ka hadla qadigada puntland kaalinta 3 waxaan galiyay "Garaad Badhan" oo isagana kaalin wayn ku leh goobtaan.
wa bilaahi towfiiq.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wiil-Qardhood

Tuesday, March 06, 2001 - 06:37 am
ninka bogan furayow horta fikradadu waa iga qoslisay, waadna ku mahadsantahay in aad iigu yeertid Boqor laakiin walaale uma qalmo boqornimo oo umadd oo dhan baan ishaysannaa ee qofkale u raadso jagada aad isiisay
Reer Norge waa mahadsantihiin codka aad isiiseen, laakiin sidaan sheegay nin u qalma maahi isimnimo oo markata siyaasad dadkale baan kafaaloodaa.
laakiin aniga laftigaygu sida Duufaan baan Jimcaale siinayaa codkayga
Suldaan Jimcaale
S/C

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Shigshigow

Tuesday, March 06, 2001 - 11:46 pm
Waxaan doortay si niyad ah Caaqil waa nin u qalma in uu Suldaan noqdo ma aha mida saxda ah waa mita internetka ah waayo waa nin codkar ah.

waxaan duurtay Suldaan Caaqil.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Jimcaale

Thursday, March 08, 2001 - 09:41 am
Haddiiba wiilqardhood codkii Suldaanimada, faanka Duufaanna aanan dhagjalaq u siin, waxaanba isku sharaxay Boqornimo, sababtoo, ogow boqor Cali Yusuf qaraaban ahayne. raggii in kabada u goglay baan ahayne, haddiiba aduunkii maanta isbedelay, iga daa Suldaanimada ee ha la i dhaho-

Boqor- Jimcaale

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Sunday, March 11, 2001 - 03:51 am
Haddan nahay isimada soo socda aad ugu faraxnay in aad nala aragtaan sicir bararka ku dhacay Titlekayagii oo mid waliba isaga sheeganayo
1.Boqor Maxamuud,of Osman Maxamuud Boqorka Harti.
2Garaad C/Qani, Of Baharasame,Garaadka Dhulbahante
3Garaad Sulaiman of Ugaadhyahan,Garaadka M.Garaad
4Garaad ina Cabdisalaan of reer garaad garaadka Warsangeli
5 Islaan Maxamed of Ciise Maxamuud

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Caaqil

Monday, March 12, 2001 - 11:24 pm
Walaalayaal waxaan idinku salaamay salaan qaali ah.

Runtii wa aku mahadsan tihiin doorashada aa dii doorateen laakiin waxaan u dhiibay Wiil-qardhood waayo asagaa Boqortinimada iga xiga hadaan ahay reer Galkacyo waa ku mahad san tihiin doorashadiina qiima badan

nabadeey walaalayaal.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

WIIL-BURTIÑLE

Tuesday, March 13, 2001 - 04:44 am
hahaha hahahaha hahahaha

waa yaab, awoowe ANONYMOW, maxaad hadaad sheegatay boqor harti, u magacowday ugaasyada iyo saldanadaha:
dhulbahante, warsangeli, ciise maxamuud iwm.

waase yaabe maxaad uga reebtay CUMAR MAXAMUUD, waan ku ogaa inaad CALISALEEBAAN ka reebayso e.

lol, lol, lol.

wiil qardheedow isdaba qabo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wiil-Qardhood

Tuesday, March 13, 2001 - 06:57 am
To: wiil burtinle
walaal wiil qardheed maanaa iga waddaa, maxaadse ula jeedaa "isdaba qabo"

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MAGABADE

Tuesday, March 13, 2001 - 09:58 pm
War isinimo waa loo dhashaa ee kala taga meesha naac naacda aad ku heesaan.
Isin meelna idinkama soo galo ee orodoo shaqayeesha, waaba yaab maanta nin walba wuxuuu isku soo sharaxay isin??????Yaab iyo Isatacjib!!!!

Warheede orodoo magacyo kale labaxa ee afka kala baxa Isinmada sharfta leh.

Orodoo labax MALAAKH, KOOFIYADWEENE, JAQJAQLE, DIIQWEENE, IWM laakiin isakadaa Boqorada iyo Salaadiinta aad magacooda isticmaalaysaan.>:O

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

keyse

Wednesday, March 14, 2001 - 02:54 am
Salaan kadib:Warmaxaan meehsaan u furi waayay maanta ka hor war ninyohow waad iga qoslisay waa ninka boga furay.laakiin aniga dhinaca kaysarnimada iyo boqortooyada waxaan ka xigaa dhianaca sulaadnimada waa tii hobyo hade
nabadeey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kacaan-diid

Wednesday, March 14, 2001 - 05:26 am
Magabade,

Issimnimadii loo dhalan jiray dhammaatay, miyaadan la socon in sannadkiiba intaas oo Issim ay ku darsanto tirada issimada Puntland. War heedhe haddaad tiraahdid waa loo dhashaa, sow ma ogid in ay taasi meesha ka saarayso qolyo badan oo aan u dhalan issimnimo, haddana sheegta oo laga fadhin la'yahay.

Maxaa laga rabaa qolyahagan internet-ka ka sheeganaya, marba haddii qolyo aan ab iyo isir toona u lahayn issimnimo, astaanteedna ka muuqan, ay Puntland faro kulul ku hayaan.

War iska kaaya daa aan kaa qaraabannee, kollayba taayadu naf saasa ma leh, oo nafac nalaku siin mayee.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

keyse

Wednesday, March 14, 2001 - 06:30 am
Salaan kadib:TO:kacaandiid.

Walaal waa runtaa oo waagii hore dadka dega Puntland waxay lahaayeen dhowr isim sida taariikhda lagu hayo.

Boqorkuna wuxuu ahaa mid daarood oo dhan ka dhexeeya ama soomaali oo dhan waayo sida Suldaan iyo Islaan loo qaybsaday iyada looma qaybsan.

Tusaale ahaan Bari waxaa joogi jiray Boqor Muuse(muuse waxabax)ilaahay ha u naxariistee iyo laba beeldaaje iyo ugaaska oo kaliya iyada oo ay deganyihiin qabaail badan laakiin ehela oo wada dhashay,Qabaailkii badnaa wxay maanta wada samaysteen Isimo maxaayeelay wuxuu noqday shayga ugu sareeya ee matali kara dhinac kasta oo nolosha ah sidaas ayay ugu qanci wayeen kuwii ay lahaayeen oo waxay samaysteen kuwo cusub.

Marka anigu waxaan arkaa maadaama ay samaysteen oo ay caanaha kuwada shubteen in loogu ixtiraamo sisimnimadooda iyada oo aan waxba layasaynin ushana lagu qaloocinayn.

Waxaa kaloo jirta arin aan xasuusto nin Odaya oo kamida Cuqaasha loogu ixtiraam badanyahay Gobalada Puntland oo layiraahdo Caaqil Saciid Aw-musse ayaa waxa u yimi nin at tolkiis u garteen in uu noqdo Suldaankoodi markaas ayuu ku yiri war hebel maxay kaa dhigeen markaas ayuu yiri Suldaan hebel markaas ayuu ku yiri waxaad ku fiicnayd Hebelkaagi meel lanoo sito garanmayno aduunku kii hore maaha oo xanbaaro gudub ayaa naloo sitaa siday doonto ha ahatee Suldaan waan ku dhihi.

Marka yaan waxba lala yaabin hadii lawaayay G7kii aad sheegtay.

nabadeey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Garoowe

Wednesday, March 14, 2001 - 06:57 am
War meesha kaftanbaa lagu hayayee maxaad kala saarka iyo cayda u keenteen, mase og tihiin in ismada qaarkood ayan u dhalan isinimada, Islaanka ciise Maxamuud ayaa tusaale idiinkugu filan oo waa doorasho ee dhalasho ma aha.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kacaan-diid

Wednesday, March 14, 2001 - 08:42 am
Kayse,

In kastoo aad si fiican u sharaxday fikraddaada, haddana kulama qabo. Qaar ka mid ah Issimada cusub kuma iman doorasho ay doorteen reerkiisu, ee dushaa looga keenay sidii Wiil-Qardhood horey u sheegay. Reer Issim horey u lahaa, oo mid cusub samaysanay, waxaan kala qaybin iyo is nac dadka dhexdiisa ah soo kordhin mayaan. Markaad tiraahdid sow issim hebel reerkaas uma issimnayn waxay ku dhihi dadkii baa batay. Taasina ma aha, ee waxaa is badalay sida Said Aw-Musse aad ka warisay waqtigii.

Waxaa la gaaray heer ay dadka isaga khaldamaan qofka Issimnimada u dhashay iyo kan geestiisa ka sheegay. Waad u jeeddaa in Garoowe leeyahay Islan-ka Ciise Mahammud uma dhalan issimnimo, markaynu ognahay in Islaanku 7 abtirsiinyo issim ku abtirsado. Wixiiba is dhexyaace oo waxaa la kala garan la'yahay G7-kii, iyo suubiskii danbe.

Annagu kolleyba issimnimada Somalinet nalaka siiyay cidi naga furfuri mayso, ama booda ama dhaca. Sow kolley qaar na raacsani meesha kuma jiraan, sida kii noo magacaabay, oo aananba aqoon!!. Hadday noqoto in nalaku qabsado, umaad dhalan oo kuma abtirsataan, hadde ogaada in rag badan oo carradii jira, issimnimona sheegtay ay na raaci doonaan. War hooy ka jooga, oo ha naloo daayo, aannu iska sheegannee.


Kacaan-diid
Afhayeenka Issimada Cusub ee Somalinet.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wiil-Qardhood

Wednesday, March 14, 2001 - 10:01 am
To: Keyse
walaal mahadsanid hadal fiican baad waxaad ka soo warisay Said Aw-Muuse, Kolay waan uun isaga yeeraynaa Suldaan Jumcaale ama Suldaan Caaqil.

To:Kacaandiid
kacaandiidow waxaan kaa codsanayaa niyohow maadaama aad afayeenka isimada netka aad noqotay in aadan Listooyin badan soo ururin, taas kaliya baan kaa codsanayaa, laakiin waxkasta oo kale waad nagala qayb qaadankartaa, sida isimada cusub lagu yaqaan(kaftan)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Keyse

Thursday, March 15, 2001 - 02:18 am
Salaan kadib
Hanablyo ayaan usoo jeedin afhayeenka Isimada (Soamalinet)
War nimanyohow sharafkii uu lahaa isim inaguna yaanan ku kharibin netka ee ina karida sheekadaan.

Kacaan diid goortaan caano indhaha kaaga rido ayaad ka fuqaysaa(kaftan).


Nabadeey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

XAAFUUN

Thursday, March 15, 2001 - 10:39 am
TO: dhamaan
aad baan ugu qoslay marka aan furay meeshan, waana wax macquul ah haddii cid walba ay isin isu magacaabayso,hadda ka hor ayaa gabar buraan burtay waxay tiri iyadoo la yaaban sida nin walba uu u doonayao in uu dibitaati naqdo waa xiligii dowladii shicibka ahayd:
DADOW DIBITAATI UUNKOO DHAN BAA DALBADAY; HADAAN LOO DIIDIN DAANYEERNA WUU RABAA INTA DUGAAG DIBADDA JOOGTA BAA LA DUUBAN!!!!
tanina waa tii oo kale ee ciddii is sharaxda haloo doorto( kolay anigu kuma jiro) waana aqbalay af khayeenimada K/D hadaysan buur naga tuurayn.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ilkacase

Thursday, March 15, 2001 - 11:57 am
war waxaa laga tagay
malaaq carfaaye iyo suldaan ilkacase loooool

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kacaan-diid

Friday, March 16, 2001 - 03:29 am
Kayse,

Caanuhu sow kuwaan geed dheer iyo mid gaabanba u fuulnay in nalaku rogo maha. Waxaase kuwaagii kasoo hormaray ninkan page-ka furay, "Anonymous" oo aan magaciisa la garanayn. Hadda issimnimoda iyo awliyonimadu ma kala haraane la socda.

Wiil-Qardhood, ha ka yaabin inaan list iska qoro aan la garanayn, waadse ujeeddaa in issimadii soo badanayaan, kii aan ka tagana anuu tayda khatar galinayaa, illeyn anba jirrid adag ma haystato issimnidayduna waa liiqliiqanaysaaye.

Waxaan dadwaynaha ka codsanaynaa in nalala socodsiiyo wixii shirar ah oo Somalinet forums-keeda lagu qabanayo, wax kasta ha ku saabsanaadeene. Bayaanana waa soo saaraynaa, haddii wax noo qora aan helno. Shirka Ethopia ka socdana cid baan u dirsanaynaa dhowaan.