Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Dowladda - Somali Government: Dowladda - Somali Government (Current): Greating from mogadishu(ciida)
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ahmed

Wednesday, March 07, 2001 - 03:49 pm
abaarihii 7:00 Am 5 march ayay hayd markii Idaacada
madaxa banaan ee ka jira Magaalada Muqdisho ay bilaabeen in
ay sii daayaan barnaamijyo ay ugu tala galeen Munaasabada
Ciida, waqti yar kadib dadka waaweyn waxay u qulqulayeen
Masaajidadda, iyaga oo watay dhar aad u bilicsan. Salaaddii ciida
kadddib magaalada oo dhan ayey isaga gooshayeen
dadweynuhu, gaaadiidka dadweynaha qaada ayaa ku yaraaday
dadka oo aad u tiri badatay awgeed waxayna sababtay in gaadiidleyda
ay badiyaan lacagta halkii markii hore ka qaadan jireen 500
Sh.So ay ka qaataan qofkii 1500 Sh.So. waxaa sidoo kale la
arkayay caruur aad u tiribadan oo ku labisan dhar aad u qurux
badan oo wadooyinka waayeyn ee Magaalada Muqdisho. Mar
aan tagay xeebta Liido ayaan waayay meel aan ugu qubeysto/dabaasho
bada kadib marki ay halkaas buux dhaafiyeen dadweyno aad u
tiro bada oo isugu jira dhalinyaro, caruur, gabdho iyo
dadwaayeel ah oo ka kala yimid degmooyinka magaalada
Muqdisho oo ku qadeeyey kuna raaxeysaneyey xeebta bilicda san ee liido waxaa kale oo sadaqo aad u badan la siinayey dadka qaxootiga iyo saboolka ee magaalda ku faraha badan waxaa kaloo ciyaaro hidiha iyo dhaqanka ee gobalda dhexe sida walisaqada iyo ciyaaraha gobalda shabeelah hoose sida beereyda lagu tumanyey staadiyum mogadishu oo ay dhalin yarro gaareysay boqlaal isugu soo baxeen kuna soo bandhigeen ciyaarahaas halkaas... madxweynaha ku meel gaarka iyo riisal baarlamaanka kmg ayaa ku tukuday salaada ciida masaajidka muqdishu ee sheekh cali suufi ....waxeyna ummada soomaaliyeed ilaah uga baryeen in ay ciidan ciideeda kale ku gaaraan caafimaad iyo nabad waxuuna uga baaqay mucaaridiinta in ay iska dhafaan kala qoqobka dalka iyo isticmaar u adeegida oo ay ka dhex raadsadaan waxey rabaan soomalida dhexdeeda.. haweenka ku jira baarlamaanka ayaa iyaguna munaasabad wacyigelin ah ka dhigay xaflad ween magaalada muqdisho oo uu ka hadlay riisal baarlamaanka soomaaliyeed cabdal deeroow oo yirri nabad hadaan la helin gaajo,dagaal,iyo qaxootinimo lagama baxayo ..waxaa kaloo ka hadlay idaacada hor n afrik riisal wasaraha kmg oo tahniyad u diray dhamaan soomalida meel kasta oo ay joogaan shegayna in ciidan tahay mid ku soo beegan tay ayadoo dowlad la aqoonsahay shacabkuna taageersan yahy ay ka dhalaty dalkeena in muddo ku dhaw toban sanno...mogadishu ciid wanaagsan