    Xirsi | Friday, March 09, 2001 - 11:51 am To: Shaati; Marka hore waad ku mahadsantahay fakarkaaga wanaagsan. Midbaadse ku qaldantahay. Cumar Maxamud maaha magac laga faano ee waa magac lugu faano kamana faano. Haddaan isku dayo inaan su'aashaada ka jawaabo, runtii jawaab sax ah majirto baan qabaa waana arin aan anagu dhexdeena is waydiinay marar badan. Jawaabta sida qaalibkaa loo badanyahay, iniguna aan qabaa waa sidan; Ciise Maxamud waa imisa Oday? Cumar Maxamudse waa imisa oday? Sidoo kale C/maxamud? Cumar Maxamudku aad ayuu u tarmay aad bayna u adkaatay in Cumar Maxamud lugu ekaado, is aqoonsho darteed. Haddaad waligaa internetka wax ka raadisay, marar badan waxaad arkaysaa, fartiin qoraysa, waxaad raadinaysaa aadbay u balalaaranyihiine, yar-yaree, sidoo kale, cumar Maxamud baan ahay haddaan ku dhaho nin Ciise Maxamud ah, wuxuu oranayaa, war siyaasad ha ii keenine, yaa tahay baan ku iri ninyahow. Waxaan rajaynayaa inay intaasu ku qanciso. thanks Peace-Puntland |