Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Soomaalinimo - Nationalism : MAXEY SOMALI DU ILAA IYO HADA U HESHIIN LA DAHAY
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LIBAN:

Sunday, March 11, 2001 - 10:57 am
ASALAAMU CALEYKUM YA UMADUL MUSLIMIIN. WALAALA YAAL WAAD SALAAMAN TIHIIN SALAAN TAAS OO QIIMO IYO QAAYO LEH. WAXAA LA YAALEH OO ILAA IYO HADA LA FAHMI LA YAHAY. MAXEY UMADA SOMALIYEED ILAA HADA U HESHIIN LA DAHAY. MAXAANA SABABAY HESHIIS LA AANTAA YAA PEOPLE. MARKA WALAALA YAAL WAXAAN RABO IN AAN OGAADO MAXAA KEENAY HESHIIS LA'AANTA. KAJA WAAB HADII AATAHAY NIN/MARWO WAXGARAT AH HADII KALE IS KAGA TAG HAKA JAWAABIN.
BY LIBAN:

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Wednesday, March 14, 2001 - 02:21 pm
To: Liibaan sxb maxaad kawadaa maxay umada wali u wada heshiin ladahay, mida 1aad Somalida wey heshiisey sababtaas oo kaliftey inaan maanta helney Dowladii ugu horeysey oo isku dhafan qabiil kasto mida 2aad waxaa wali jiro kuwii worlordiska oo wali Ethiopia ay shirar intey u qabato hadana hoos kasiiso hub iyo lacag ninmankan worlordiska ah waa niman daneesato ah mana kala jeclo hadii uu wadankoodu baaba'o iyo hadii kale, aan iraahdo Ethiopia ama Tigreey ayaa caawiso worlordiska si ay Somalia unoqoto ama ukala jabjabto magaalooyin yar-yar. balse anigu waxa ay ilatahay iney somali ogtahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Governo

Wednesday, March 14, 2001 - 07:59 pm
liiban
laga soo bilaabo xukuumaddii Afwayne ilaa iyo kuwa hadda waddanka qasaya cudur la yiraahdo qabiil oo loo badelay qabyaalad ,,ilaa aan daawo u helno jiritaanka Somaali dhibaato ayuu ku jiri doona waxba yaan indhaha laga qabsan ,Quraanka Kariimka ah Ilaahay waxuu ku yiri waxaa idika sameeyey shacuubo iyo Qabaa'il in aad isku aqoonsataan...ee somaliddu waxay u isticmaaleen in ay isku dhibaateeyaan kuwa siyaasada Somaliyeed horkacana badenkoodu ,,dadkii ayey isku direen oo u tuseen in qabyaaladdu ka mid tahay Qabiilka''''marka aan daawo u helno cudurkaa ...taas ayaana ugu wayn sababta Somali u heshiin la'dahay.

Governo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

runsheeg

Sunday, March 18, 2001 - 11:31 am
Soomaali way heshiisay lakiin ee waxaa diiday qab qable dagaal oo malaha ka helay hoteel sexadka addis- abeba iyo canjelada ethiopia marka ay ethiopia yimaadan taxi ayaa loo diraa ka dibna huteel ayaa la geeyaa canjeelo ayaa lo soo dhigaa intaas ayey nolol modeen anigu ilaahay waxaan ka baryayaa inuu dhulka la gooyo oo ay dhintaan wayo umadii ayey dhibeen garaadna malaha waxna ma maqlayaan badan koodu waxay yihiin dad jahiliina qaarna dirawaliin xitaa jiho loogu hagaago malha malinba waxay doonaan bay ku hadla"aan ee walaalayaal kuwaasi ha dhintaan... maxaad tidhaahdeen?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdi

Saturday, March 24, 2001 - 12:30 pm
I did not understand your question which you have said why there is not peace in somalia. My friend if you have make mistake now you will definitly learn it in order not to do it again. To answer your question, somali people have made political mistakes but they did not learne them yet and until they recognise that political problems they will never find a silution.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cadaado

Sunday, March 25, 2001 - 04:59 am
Waxa Soomaalidu u heshiin la'dahay saaxiib waxaa weeye dhaqan soo jireen ah oo ku saleysan inaan la heshiin bay Soomaalidu la heshiin la'dahay.

Waxaan ognahay Soomaalidu taariikh aan "miyi ama baadiye" aheyn ma laha, noloshooda dhaqan dhaqaale waxay ku dhisnayd oo kaliya "miyiga" miyiguna wax kale maaha waa meel cidla ah oo baadiye ah oo ugaar, dugaag, xoolo iyo dadba ku wada nool yihiin. Noloshoodu waxay ku dhisnayd ilaa labadii kun ee sano ee la soo dhaafay waxay aheyd xoolaha iyo ugaarta.

Xoolaha ay dhaqan jireen ilaa haddana ay dhaqdaan sidaad og tahay waa geel, lo iyo ari. Siday xoolaha u dhaqdaan waa sidii ay qarniyaal badan hortood xoolaha u dhaqan jireen wax iska baddalay ma jiraan.

Qofka ugu reer magaalsan ee Soomaaliga ah waa qof awowgi aabbihi dhalay soo ahaan jiray askari gumeystihii dalka qabsaday: Ingiriis, Talyaani, Faransiis iyo Xabashi oo dhulka ay naga haysato ingiriisku siiyay una sharciyeeyay. Gumeystuhu waa tuu arliga Soomaalida degto u kala qeybiyay: British Somaliland (Northern Somalia), Italian Somaliland (Southern Somalia), French Somaliland (Djibouti) iyo Reserve Area (dhulka Xabashidu naga heysato).

Qofka ugu reer magaalsan waa qof isticmaarka askari u ahaan jiray ama civil servant u ahaa carruurtii uu dhalay oo magaalo ku dhalatay, hase yeeshee inta kale waa dad baadiyaha ku noolaa.

Habka xoolaha Soomaalidu u dhaqdaan waa guur guurid ah (reer guuraa) sababta loo guurayana waxay tahay hadba meeshii roob ka da'o oo naq iyo doog leh xooluhu cunaan bay u guuraan. Hab wanaagsan oo aan guur guurid aheyn oo xoolahooda ay ku dhaqdaan sida tusaale ahaan in cawska iyo doogga la abuuro oo beero waaweyn loo sameeyo iyo ceelal laga waraabiyo iyo meelo cawska lagu kaydiyo oo waqtiga aan roobka jirin (jiilaalka) xoolaha la siiyo xoolaha beero iyo xerooyin loo sameeyo oo cilmiyaysan amase aan cilmiyaysneyn laakiin macquul iska ah maadaama cilmi fara badan aysan u baahneyn, ma garanayaan mana tijaabin hadda ka hor. Kaliya waxay ku tiirsan Soomaali oo dhan, qabiil aan ku jirin ma jiro, xilliga roobku da'o dhirta iyo cawska roobkaas ku soo baxa in xoolahoodu ku nool yihiin.

Maadaama dadkaas reer miyiga ah (oo aad iyo aad jahligu u saameeyay) yihiin Soomaalidu, waxaa dhaqankooda baadiyaha ka mid ah in la is dilo, la is dhaco, ninba ninkuu ka xoog badan yahay cabburiyo xoolihiisana dhaco, markuu dhaco kaddibna ku faano siduu u dhacay iyo boolida uu la tagay asagoo u arka inay tahay ragannimo siyaadaa oo uu sameeyay qabiilkaas, waxaa dhacaysa in lafaha laga tiro badan yahay oo hal qabiil isku ah in la yaso ama haddii qayb qabiilku qeybsayo timaaddo iyaga la xaqiro, amaba maadaama dad yar ay yihiin la gumeysto oo kuwa ka tirada badan oo ay isku qabiilka yihiin gumeystaan.

Marka xooluhu ceelka biyo ka cabayaan illaa xooluhu waa naflay mar walba biyo ay cabaan u baahan, waxaa dhacaysa in ceelka la isku dilo lagu diriro, dirirtaasuna sababto dagaal weyn oo laba qabiil u dhexeeya dad badan iyo xoolo badannna meeshaas ku nafwaayaan sida dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya ka dhacayba ee qabiilka ku saleysnaaba tiro malyan ka badan ugu dhimatay ama baddu cuntay ama gaajo u le'deen colaadda darteed.


Maanta dadka Soomaalida boqolkiiba intee noloshaas baadiyaha ku nool?! waxay ila tahay boqolkiiba in aad u badan oo ugu yaraan gaareysa 60% inay yihiin dad Reer Baadiye ah noloshaas aad iyo aad u hooseysa ku nool inay yihiin.

Kuwa magaalada jooga ninkii isaga magaalo ku dhashay ee Soomaaliyeed waxaa xaqiiqa ah in aabbihiis ama awowgiis reer baadiye sax ah oo aan magaalo aqoon uu ahaa, ninkastoo Soomaali ah waxaad is weydiisaa haddii adigu aad magaalo ku dhalatay, aabbahaa ama awowgaa sow reer baadiye ma aheyn.

Runtii baadiyaha iyo dhaqankiisa iyo dadka reer baadiyaha ah siday u fakaraan iyo noloshooda runta ah waxay ku dhisan tahay waa wax aad iyo aad looga naxo, waxa aan u heshiin la nahay ama dawladdeennii calanka laheyd ee caalamka laga yiqiin riday oo aan toban sano ka badan meel iyo wax xal ah aan u keeni la' nahay waa dhaqankeennii ku dhisnaa baadiyaha iyo is xaqdhowrid la'aanta iyo dhaca (tuugo iyo bililiqo: waa dhacii geela la dhacayay ee baadiyaha ka jiray ee magac kale loo bixiyay) horumar la'aanta, garasho iyo garwaaqsi la'aanta xaaladda shacabkeennu marayo iyo khaladaadka la soo galay, waxaasoo dhan waxay ku saleysan yihiin oo salka ku hayaan dhaqankeennii soo jireenka ahaa ee labada kun ee sano ee la yiraahdo Soomaalidu waxay ku nooleyd Geeska Afrika aan ku soo noolayn kuna soo dhaqmeynay.

Waxaad arkeysaa adduunyadii oo tagtay oo manta dhinac kastaba ka hormartay in maanta wax nalaku tilmaamo la la yahay, ma dad baan nahay mise dugaag. Maya dugaag ma nihin, dad baan nahay, laakiin si sahlan markaan uga jawaabo uguna fiirsaday waa dhaqankayagii soo jireenka ahaa.

Waxaad arkeysaa markay Soomaaliya 1960 xornimada ka qaadaneysay Britain iyo Italy in maadaama aan Reer Baadiye nahay, qabyaalad iyo jahli noloshoodu ku dhisan tahay, in Europians-kii soo booqday waddanka baadiyahiisa yiraahdeen: xornimada markay qaataan oo kaligood Soomaali isu soo haraan, sanad ama laba kabacdi, waxaan ka baqeynaa amase aan hubnaa bay oran jireen in dagaal sokeeye ee faraha laysaga gubto dalkaan Soomaaliya ololin doono maxaa yeelay qabiil waliba qabiilka deriska la ah buu col la yahay una arkaa inuu yahay cadawgiisa koowaad.

Ilaa aan qabyaaladdaas ka gudubno jahliga ku saleysan, iyo noloshii baadiyaha, waqti aad u dheer inay qaadaneyso ayaan u maleynayaa in Soomaaliya degganaan, horumar, dhaqaale saldhig leh hesho.

Waad mahadsan tihiin.