Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Dowladda - Somali Government: Dowladda - Somali Government (Current): Geesiga dhulkiisa guusha u horseeda geerida dishaay geedkaa ha ba'o(alle iyo raxmo kormeere labaad yarrow)
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ahmed

Tuesday, March 13, 2001 - 02:55 am
Askari ka tirsanaa ciidamada Booliiska Gobolka Benaadir, Kormeere Labaad Cali Cabdulaahi Yaroow, ayaa saakay la dilay laba kalena waa la dhaawacay kadib markii ay agagaarka Bangiga Ganacsiga iyo Kaydka ee u dhow Hoteel Al Curuuba ee magaalada Muqdisho ay isku haleeleen ciidamada booliiska iyo koox dabley ah oo ay isbaaro halkaasi u taalay.

Taliyaha ciidamad booliiska Gobolka Benaadir, Cabdi Xasan Cawaale ayaa idaacadda HornAfrik u sheegay in ciidamada booliisku ay gacanta ku dhigeen 14 ka mida dableydii halkaasi joogtay. Waxaa kale oo uu sheegay in goobtiii ay daganaayeen uu boolisku degi doono.

Taliyuhu wuxuu intaasi ku daray in aan loo sii adkaysan doonin kooxaha caadaystay isbaarada ee lacagta baada ah ka qaata gaadiidka dadweynaha. Howlgalkaan iska hor imaadku ka dhacay ayaa ah kii labaad ee ay xubno uga dhintaan ciidamada booliiska Gobolka Benaadir, iyadoo kal hore howlgal laga sameeyey isgoyska fagax booliiska looga dilay hal askari.

Ma ahan howlgalkaani mid sahlan waxaana jira maleeshiyooyin madax banaan iyo kooxo siyaasadeed oo hubeysan oon ogolayn in nabad waarta ay ka dhalato Mogadishu.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Tuesday, March 13, 2001 - 04:31 pm
And They told us there was a goverment in Mogdisho. What a mess.

Saxiib maxaad heesta noogu dhameyn weysay, Hawie rajo ma lehee?