    Alaaleh | Wednesday, March 14, 2001 - 01:46 pm Shirweyn oo lagu qabtay Guriga Mire Indhayare OO soo qabgaleen dhamaan ururada bulshada murusade ugaaska odayaal sarakiil dumark iyo dhalinyaro waxay ku doorteen Mohamed Qanyare Afrah Kudoomiye |
    Adam | Wednesday, March 14, 2001 - 06:20 pm To:Alaaleh sxb waa salaaman tahay, waan kufaraxsanahay ineey karanle midoobeen oo ay meel kasoo wada jeesteen gudoomiyana uu unoqdey Mahamad Qanyare, aan ku weydiiyee su'aal majirtaa in shir ka dhacay Afgooye isbuucii hore ay isku afgaranwaayeen, |
    Qoslaaye | Wednesday, March 14, 2001 - 10:14 pm Ma jirto wax is afgaran-waa ah ee meeshaas ka dhacay, ula-jeeddadii shirka laga lahaana waa la gaaray waana ilaahey mahaddii, waxaana u rajeynayaa horumar iyaga iyo walaalahooda soomaaliyeed. |
    wacaysle | Thursday, March 15, 2001 - 06:30 pm arwaa la dhacayay day four wheel drive xaa ku orod ah........hal fayow hasha cadhaysan cunta hasiine gaar u hooy ....arwaa Nageeye foolfool daya..........igaar Murarsade xaa ku madax wayn waa boqortoosha Hawiye ..arka leexdha........ |
    Cigal | Friday, March 16, 2001 - 08:24 am Iska hor imaad isgoyska Bakaaraha ku dhexmaray Booliska iyo Maliishiyo Beeleed mic-16-03-2001, Iska hor imaad hub leysu adeegsaday ayaa shalay ( 15-3-2001 ) ku dhexmaray isgoyska Bakaaraha Booliska dowladda KMG ah iyo Maliishiyo beeleed ka amar qaadata hoggaamiye kooxeedka hore Maxamed Qanyare Afrax oo hadda ah Wasiirka Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda. Iska hor imaadkan ayaa la xaqiijiyey inay ku dhaawacmeen saddex qof, wuxuuna ka billowday sida wararku sheegayaan booliska oo doonayey inay si ku meel gaar ah ula wareegaan isgoyskaas oo la filayey in uu daqiiqado kadib soo maro Madaxweynaha KMG ah Cabdiqaasim Salaad Xasan, hase ahaatee Maliishiyada halkaas joogta ayaa rasaas ku billowday booliskii taasoo keentay in muddo gaaban uu xayirmo isu socodka gaadiidka iyo dadka ee waddadaas oo ah mid muhiim u ah Bulshada. Saddex iyo tobankii bishan sidoo kale waxay boolisku howlgal hubeysan ku soo aadeen degmada Shingaani ee gobolka Benaadir, halkaas oo ay ku nafwaayeen laba askari oo boolis ah. aaway heshiiska ......... |
    Anonymous | Saturday, March 17, 2001 - 10:41 am TO: KARANLE dhamaan su'aal, maxaa ka jira in magaalada deeyniile ay ku taalo (chemical factory) warshadaas oo sameyso biological weapon ayadoo ay jiraan in si qarsoodi ah loogu sameeyo hubka sunta leh siiba xabada afkeeda hore oo ay ka badalaan oo ay ku daraan sun taasoo markii ay qofku dhacdo aysan dhaawac laheen oo uu qofku dhinto xataa hadii ay xabadu sarto ama xataa ay taabato. mase jirtaa iney ku sameeyaan meeshaas waxyaalo kale oo ah chemical weapon. |
    xaaji k | Sunday, March 18, 2001 - 08:22 pm SALAMU CALAYKUM anigu waxaan maqley ineey deyniile ku taalo warshada baaruuda warshadaas oo sameeso bullet iyo Garaaska alxanka kaas oo ku rakibo qoryaha waaweeyn ku rakibo baabuurta ma'aan maqalin iney sameeyaan kiimico ku ah qatar caafimaadka dadka deganka xamar, macsalama |