    Caalin Yuusuf | Saturday, March 17, 2001 - 08:28 am Ummad waliba waa sida ay iyadu isyeesho. Quraanka Ilaahey ayeye ku caddahay. Soomaali haddii aad tihiin cadawgiina ayaa inku farxay. Waayo, sidii ay idiin rabeen ayaad u yeesheen. Illeyn doqon daawo ma leh!!! |
    Caalin Yuusuf | Saturday, March 17, 2001 - 08:48 am Waxaa mararka qaarkood is iraahdaa, mujtamaca Soomaaliyeed nabsi ayuu galay oo Ilaahey ka gudayaa. Bal ka warran, dadka isku sheegaya indheergarad oo Ethiopia iyo Kenya oo weligood ku mashquulsanaa sidey Soomaaliya u burburin lahaayeen haddeer talo iyo dheef weydiisanaya! Ma madaxay ka bukaan? Ilaahey Subxaanahu Wa Tacaalaa, wuxuu Quraankiisa Kariimka ah ku sheegay in haddii ummad ay dulloobeyso ku kacdo fidno. Fidnooyinkaas oo ay u arkaan wax naftooda u wanaagsan. Waa waxa Soomaalida hadda haysta. Ma waxaad garan la'dihiin in waxa ay ummadaha deriskiina ah ka baqayaan ay tahay isku taggiina oo kala taggiina ay tahay dantooda!!! |
    Garoowe | Saturday, March 17, 2001 - 09:24 am Ka waran ku carab iyo Qadaafe ku xiran. |
    Anonymous | Sunday, March 18, 2001 - 09:37 am Mr Garoowe, Carab iyo Qadaafe waa laga yaabaa in ay dan siyaasad guud ah kaa leeyihiin, laakinse, jabka ummadda Soomaaliyeed si qarsoodi ah ugama shirin. Sidaas awgeed, aragtidaada ama wacyigaada siyaasiga ah kor u yera qaad. Sheekadii "dibi madoobe" bal dib u falanqey. |
    Amina Said | Tuesday, March 20, 2001 - 12:15 am Amina Said Talada ummadda Soomaliyeed marka hore waxay saarantahay illah, marka kale sida uu sheegay Cali Yusuf waa sax marka aad u fiirsatid marxalada ay maanta Soomaliya ku sugantahay. Ma dad shisheeyaha ayaa idin heshiisiin karo markaad idinka oo si kasta iskula dhashay (Soomalidu waa hal qora)aad heshiin weeydeen. Sahcbiga Soomaliyeed mid dibad jooga iyo ku guda joogabah waan idinku daalay ee meel kale farj alaha ka furo.Toban sana ka badan intaad iska daba wareegeysaan. Ubadkii Soomaliyeed waxay ku abaadeen gaajo iyo jahli.Ragga qab-qabla yaasha ah caruurtoodu Soomaliya ma joogaan ee bal taas u fiirso.Waxaan ku dhiiri galinhayaa dumarka Soomaliyeed in ay waa jiifane ay door weeyn ka cayaaraan sidii loo sugi laha nabad.Ilaa intee ayaa ragga la sugayaa, 1000 sano?. |
    Anonymous | Tuesday, March 20, 2001 - 08:09 am To Aamina Saciid, Aamina, waxaan ku leeyhay muraadkaada Ilaahey ha sahlo, waxaa tahay qof Soomaaliyeed oo quman, aragtayna wixii ummadda Soomaaliyeed ku dhacay ama ay isku dhigtay. Haddaba waxaa loo baahan yahay dadka adigoo kale ah in la xariiriyo si ay wax magaradka wax ugu sheegaan. Aamino, halkaas ka sii wad dadaalka. Salaamu-Allaha Calaiki. |
    Anonymous | Thursday, March 22, 2001 - 01:02 pm Aamina hadalkaagu waa toosan yahay laakiin been ayaad ilaahay usheegtay markaad leedahay soomaalidu waa isku dad. |
    Anonymous | Friday, March 23, 2001 - 03:01 am War malahubaa in Somali isku dad iyo dhaqan tahay? Diin waan ogolahay laakiin inta kale been baad ka sheegteen saaxiibayaal |
    Caalin Yuusuf | Monday, March 26, 2001 - 06:58 am Mar haddii aad diinta ay Soomaalidu wadaagto oggolaatay, waxaad ku dartaa midibka ay wadaagaan. Waxaa intaas ku dartaa deegaanka (geographical area) ay wadaagaan. Intaas marka aad isku jimcisid waxaa kuu soo baxaya in Soomaalidu isku dad, isku diin, isku dhaqan iyo isku af tahay. Lahjooyinka waxba ha eegin, saa magaalooyinka Rooma iyo Milaano ama New York iyo California, ama London iyo Lancashire ay dhammaantood kuwada hadlaan lahjooyin kala duwan. Labadii magaalaba ee aan kor ku soo sheegay dadka deggani waa isku dad. Sidaas awgeed, Soomaalidu waa isku dad, isku dhaqan ah, isku diin ah, isla markaana wadaaga deegaan. |
    Anonymous | Monday, March 26, 2001 - 08:22 am sxb intaad lameel dhigeyso HAWIYE dadka wadanka kula nool ee midgaanta ah wax nabad ah oo kadhalanayaa ma ay jirto somali diin iyo midab madoow uun baa ka dhexooyo ee inta kale ma sina alena masimin HAWIYE IYO daarood waxaan u aragnaa iney yihiin daarood kansar, waana inaan ka gooynaa kansarka wadanka. VIVA SAMAALE |
    Anonymous | Friday, March 30, 2001 - 11:12 am Mr Samaale, Ma og-tahay in Daarood Samaale kugula jiro. Haddaba, haddii aad Daarood caysid, soo kama dhigna adigoo naftigaadu is caayey? Daaroodse wuxuu si wanaagsan kaaga badiyaa aqoonta xukun dawladeed oo muddo dhowriyo toban sano Hawiiye la dhadhacayey oo meel uu ka qabto garan waayey. Daarood u yeerta haddii aad dooneysaan inaad dawlad dhisataan oo sharaftiina soo ceshataan. |
    Mahad2001 | Saturday, March 31, 2001 - 02:48 am Waxaan maqli jirey uun, dad buu caqligu dabada kaga jira. Caalin Yuusuf; Sxb cadawgan aad sheegaysaa aad meesha la or-ordeysaa talow waa kee? Anagu Somaliland ahaan, cadowgayagu wuu qeexanyahay, waana qofkasta oo dooneyn jiritaanka iyo Qaranimoda Somaliland. Cadowgayaga koowaad waa kuwii dalkaya iyo dadkayagaba xaasuuqay ayagoo ciyaal iyo ciroole, maagaalo iyo tuulo, ceel iyo haro midna u aaboo yeelin. Waa kuuwi, shiisheeye noo soo kireystey siday noo xaasuuqi lahaayeen. Markaas sxb, Ethiopiankan aad cadowga ku sheegaysaa miyaanu aheyn kuwii nasoo dhaweeyey markaanu u baahneyn cid nasoo dhaweysa, ee waliba noo soo dhaweeyey si aad dhulkaagii hooyo joogto oo kale. Markey Djabouti (oo jinsi iskugu xigno) Qaxootigayagii dib ugu dhiibaysay Afweyne si uu laayo. Cadawgeygu waa kuwa doonaya markale inay na gumadaan, laakiin waxaan ugu bushaareynayaa inaaney taasi dhiceyn, dhici doonina. |
    Caalin Yuusuf | Saturday, March 31, 2001 - 06:49 am Mr Mahad2001, In dad Soomaaliyeed dabaabado iyo diyaarado lagu duqeeyo waa Khalad, waana dembi weyn. Ciddii dembigaas gashayna waa in laga gudaa. Dhibaatada aad sheegatay adiga keligaa kuma haysato oo waa arrin Soomaali oo dhan u taal. Waa runtaa in Itoobyaanku soo dhoweeyeen dadkii Soomaaliyeed ee ka qaxayey xaq-darrada xukuumaddii Maxamed Siyaad Barre, laakinse, xushmad bani aadam ka sokow, ma ii sheegi kartaa ujeeddada ugu weyneyd oo ay Itoobyaanku u soo dhoweynayeen Soomaalida? Mr Mahad2001, haddii jawaabta su'aashan aysan kuu caddeyn, dadka uu aqligu dabada uga jiro adigaa u kow ah. |
    Mahad2001 | Monday, April 02, 2001 - 02:42 am Caalin Yuusuf; Waxaad tidhi "Soomaali in dabaabado iyo diyaarado lagu duqeeyo waa Khalad, waana dembi weyn. Ciddii dembigaas gashayna waa in laga gudaa. Dhibaatada aad sheegatay adiga keligaa kuma haysato oo waa arrin Soomaali oo dhan u taal" Waxay somalidu tidha "Sakaaro, xaar muuqmuuqda ay aasta", waxba sxb ereyada ha ku ladhin Somaliweyne, dadkii rayidka ahaa e Dabaabado, Ciidanka bada, kii dhulka iyo waliba kii cirka oo gaalo ma naxayaal ahi wadaan lagu dalbaday si loogu gumaado waa cadaan oo kuu sheegimaayo. Ta kale, sxb hadaad u ogtahay inay khalad aheyd in dad rayid ah sidaa loo'galo, talow maxaad ugu sacabo tumeysay shaley markii sidaa loogalaayey? mise markaad aragtay inaan ka soo kabaney baad maanta innocent iska soo dhigeysaan? Ethiopianku ama siyaasad gaar'ah haka lahaadeen ama yeyney ka lahaanine, mid baa laakin xaqiiqah, wey nasoo dhaweeyen, oo waliba si sharafleh. Sxb, may ahayn Ethiopian kii aabahay dilay, waalkay dilay, walaashay/xaaskeygii igu hor fara xumeeyey, inankeygii igu hor gawracay, gurigeygii gubay, hantidaydii dhacay, wadooyinka miinooyinka iigu aasey aanoo qalin iyo book mooyaane wax kale aqoon, meelihii dadkii qaxay biyaha ka cabaayeen sunta ku shubay, kii igu sameeyey wax kasta oo aad ku sameyn lahayd dad aad sinji, af, diin, diir iyo dhaqanba aanad wadaagin. Sxb kii waxaas igu sameeyey oo aad u sacabo tumeysay waad garaneynsaa. Hana ilaabin sxb, Nabiyulaahi Muxamed (PBUH) markii Qureyshtu faraha baas ku heysey isaga iyo asxaabtisiiba, sxb Xabashi (oo gaalo ah) ayay magan weydiisteen. Anaguna, markii Faqashtu na guumaadeysay, waxaan magan weydiisaney Ethiopianka weyna na soo dhaweeyeen sidii Nabiyulaahi Muxamed (PBUH) u soo dhaweeyen. Caalin Yuusuf, mid iga hoo: Kol hadaad tidhi waa in wax laga qabtaa ku wii sidaas dadka rayidka ah u galay, bal Magacyadii kuwii u horseeday gumaadkaas hoos ku soo qor. Waa hadii aad garaneynsid oo aad wakhtigaa wixii dhacaayey aad la socotay, hadii kale dee qiro oo kuwii ku faraxsanaa ee waxba ka galin baan ahay dheh hana wareerine. |
    Caalin Yuusuf | Tuesday, April 03, 2001 - 06:47 am Salaamu-Allaaha Calaykum! Mahad2001, Wax badan ayaad ka hadashay. Intaas oo dhan waa wax jira. Taariikhda Nebiyu-Allaha Muxamed oo aad wax ka taabatay aan wax ka iraahdo. Wafdigii Nebiga (SCWS) ee uu hoggaaminayey Khaliif Cusmaan bin Cafaan waxay tageen xarunta boqortooyada Egew ee waagaas jirtay oo ahayd Aksuum (Axiome) oo ku taal dhulka ay degaan Tigreyada iyo Eritereyda. Tigreyda iyo Eritereyda asalkoodu waa isku dad. Taariikhdu waxay kaloo tilmaamaysaa in wafdigii Khaliif Cusmaan bin Cafaan ay tageen xarunta boqortooyada Harar oo waagaas jirtay. Sida aad la socotid, xabashadu waxay xoog ku qabsatay boqortooyadii Harar taariikhdu markay ahayd 1887. Boqorkii Amxaarada oo la oran jiray Menelik I ayaa ku soo duulay boqortooyadii Harar oo halkaa ku baabi'iyey ciidamadii Amiir Cabdillaahi. Menelik waxaa tahniyad u soo dirtay boqoradda Ingriiska ee markaas jirtay - Queen Victoria. Sidaas darteed, Mahadow xabashada aad haatan dooneysid inaad la dhaqanto iyo dadkii ay wafdigii Nebigu ay u tageen isma laha. Waxaad isoo weydiisay inaan halkan ku soo qoro magacyada dadka godobta ka galay mujtamaca Soomaaliyeed. Mahadow anigu waxaan Soomaaliya ka tegey 1979kii anigoo kurey yar ah. Waxaan maqli jirey talo xumo iyo toddoba sanoo abaar ah, toddoba sanoo abaar ayaa la qaataa, saa toddobada sano dhammaad bay leedahaye. Waxaa hadalkan ulajeedaa (you are putting the cart before the horse). Maxkamado adduunka laga aqoonsan yahay kuuma dhisna, oo ciidan aad ku soo qabato kuuma dhisna, oo magac dawladeed oo adduunka laga aqoonsan yahay kuuma dhisna, waa su'aale, helitaanka magacyada dembiilayaasha maxay faa'iido kuu leedahay? Mise waxaad sugeysaa in Itoobya kuu dhisto ciidan, dawlad, maxkamado isla markaasna ay adduunku ku amarto inay dhegeystaan? Ka kac dhalanteedka ee walaalahaaga wax la qabso oo sharaftaada soo cesho. |
    Mahad2001 | Tuesday, April 03, 2001 - 03:46 pm Caalin Yuusuf; Sxb, hadaanad mushkiladihii dhacay wax ka ogeyn, wax lagama sheego, maxaa yeelay waxaad ka sheegtaaba waa kugu danbi. Ta kale ee aan ku idhi magacyadii ku soo qor, wax kale igama ahayn, waxaan eegayey inaad xog-ogaal u aheyd mushkiladihii dhacaayey, ee Dadka rayidka ah Gaaloda Xabashida maganta u waydiisteen. Ninkastaaba, abaalku kuu galo ayaa loo gudaa. Dowladihii Ethiopiankuna abaal weyn ayay u galeen dadka reer Somaliland. Dadkey ka badbaadiyeen Faqashta aniga ayaaba ka mid ah. Hana ilaabin sxb, ayana danbey nagu leeyihiin, anana danbaanu ka leenahay. Laakin, cadawgeyagu, mid weeyaan, kaasna waa kaan hore u sharxay. |