Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Dowladda - Somali Government: Dowladda - Somali Government (Current): D- KMG iyo Golaha dib u Hishiin-siinta Qaranka Soomaaliyeed : maxaa kala haysta odayaasha Soomaaliyeed ????
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Guuleed S

Wednesday, March 21, 2001 - 01:27 pm
Gudoomiyaha urur-kaan oo ah marka hore waa nin Abgaal ah- macnaheedo waa deegaanka Xamar oo la dagi doono; marka labaad waa nin Biyamaal ah- macnaheedo waa deegaanka Marka Caddeey; marka seddexaad waa nin Raxanweyn ah- macnaheedo waa Baydhabo; and so on so forth,,,,

Alloow maxaa shacabka Soomaaliyeed haysta iyo odayaashaan ama ha ahaadeen kuwa D-KMG ama kuwaan kale waa arrin murug leh.

Information Age iyo noloshaan aan ku jirno - waa dadkeena Soomaaliyeedee- waa kaaf iyo kala dheeri.

--------------------------------------------------

Ayaamahapress.com oo qoray maqaalkaan maanta:


Shirkii Itoobiya uga socday Hogaamiye kooxeedka oo lagu dhisay Gole leh 5-Guddoomiye & Guddi Fulin.
Addis Ababa, (Apress)- Arbaco, March 21, 2001
Warar lagu kalsoon yahay oo aynu ka helnay Saraakiil taageersan Hogaamiyeyaasha Kooxaha Soomaalida ee ku shiraya Degmada Hawaash ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya in Shirkaasi la filayo in la soo gabagabeeyo maanta. Shirkaas ayaa waxaa lagu dhisay sida ay inoo sheegeen saraakiishaas Gole la magac baxay GOLAHA DIB U HESHIISIINTA QARANKA SO-OMAALIYEED oo leh 5-Gudd-oomiye oo wareeg ah & 9-xubnood oo Guddi Fulin ah.
Sida warku sheegayo Guddoomiye kasta waxa uu Xilka heynayaa muddo 6-bilood ah, iyadoo 6-da bilood ee ugu horeysay uu Xilkaasi heynayo Muuse Suudi Yalaxow, 6-da kale waxaa xilka qabanaya Danjire C/llaahi Sh.Ismaaciil, Shaatiguduud ayaa ku sii xigaya, Xuseen Caydiid ayaa sidoo kale ku xigsanaya, Aadan Gabyow ayaa ku xigaya.
Guddiga fulinta ee Golahaas waxaa ka mid ah Cumar Xaaji Masale, Cusmaan Caato, Morgan, Sh.Aadan Madoobe, Maxamed Ibraahin Xaabsey, Col. C/risaaq Isaaq Biixi, Xasan C/lle Qalaad, Hilowle Imaam Cumar & Mowliid Macaane.
Golahan ayaa la filayaa in Maalinta Berri ah Magaalada Addis Ababa uu ka soo saaro Warsaxaafadeed, iyadoo qodobada heshiiska ay gaareen ay ku jiraan in muddo sanad gudihiis ah la qabto shirweyne dalka gudihiisa ka dhaca, wuxuuna Golahaasi guud ahaan ka soo horjeedaa Dowladda KMG
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Col. C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa lagu soo waramayaa in uu diiday ka mid noqoshada Golahaas, balse wuxuu balan qaadayo in uu taageerayo, warar hordhac ahina waxay sheegayaan in Cusmaan Caato uusan ku qanacsanayn sida wax loo dhisay lagana yaabo inuusan la shaqeyn Golaha,
Golahan ayaa weli la isku hayaa in Xarun looga dhigo Baydhabo ama Deegaanka Madiina ee Muqdisho.
Habka golahan loo dhisay oo eg kii Soodarre ee kal hore ee itoobiyaanku dhiseen. Ma noqon doonaa mid itoobiya farxad geliya, golahanse wax maqaban doonaa, haddiiba hogaamiyeyaashu is fahamkoodu meel marro.