    Wiil-Qardhood | Thursday, March 22, 2001 - 02:14 am Kooxda Carto xattaa afsoomaaligii uma aysan arxan yeelin waayo ereyaddii qaar badan bay marin habaabiyeen,oo macne kale u sameeyeen. Ereyada ay marin habaabiyeen waxaa kamid ah: Qabiiliiste= reer Carta waxay qabiiliiste u yaqaanaan qofkii aaminsan inuu dhulkiisa ama gobolada uu u dhashay maamul kasoo dhisto. qofkaas waa qabiiliiste haddii latixraaco siday u hadlaan "reer" Carta Boolis= "Reer" Carta boolis waxay u yaqaanaan kuwii shalay fasleetiyada dafaayay oo dumarka soomaaliyeed (qabiilkasta halahaadeene)dariiqyada ku kufsanaayay. Waxaase taas ka siidaran in WAXA Kooxda Carto ay booliska ugu yeertaa ay u badanyihiin dadkii gobolada dhexe uga tagay in ay Xamar wax ku soo kharibaan, Waa yaab in tuugii loogu yeero boolis- boolisow xaal qaado. Milatari= Kooxda Carta waxay Milatari u yaqaanan waxa afsoomaaliga lagu yiraahdo Mooryaanta. waayo milatariga soomaaliya waa ciidanka soomaalida oo dhan ay wada leedahay oo gobolada wadanka oo dhan ka kala yimid. Laakiin "reer" Carta waxaa milatari u ah "Ciidankii" Mooryaanta ama USC-da (qofba siduu u yaqaan)loogu jeeri jiray. Waxaase yaableh in kuwii shalay caruurta biraynaay in layiraahdo waa milatariga soomaaliyeed -milatariga soomaaliyeedow xaalqaado. Xabashi= Kooxda Carta waxay xabashi ugu yeeraan qofkasta oo ka horyimaada ama aan u aqoonsan dawlad in ay yihiin. tusaale markii kooxda carto ay weerareen magaalada balcad waxay sheegeen in ay weerareen "xabashi" daggan Balcad, Markii laga soo cayriyay gobolada Bakool iyo Gedo waxay yiraahdeen amxaaraa nasoocayrsatay. taas waxay ku tusaysaa in cidkasta oo ka hor timaada ay u yaqaanan Amxaar. ama Abgaal ha ahaadeen ama Mareexaan, wixii uun ka baxsan hotelada ay daganyihiin. Dawlad= Dawlad waxaa layiraahdaa maamul leh degaan iyo dad. marka "reer" Carto iyagoo aan degaana lahayn dadna lahayn bay waxay leeyihiin dawlad baan nahay. Taasi waxay ku tusaysaa in ay macanha dawlad si kale u yaqaanaan. Xildhibaan= Xildhibaan waxaa layirahdaa qof laga soo doorto degaan oo ay soo doortaan dad si uu kurisaga barlamaanka ee dadkaas ama degaankaas u fariisto. Laakiin "Xildhibaanada" reer Carta cid soo dooratayna majiraan taas oo ay daliil u tahay in badankood aysan ku noqonkarin degaanka ay u dhasheen iskadhaaf in la soo doortay e. Arimahaas ayaa marmarbadan waxay keenaan doodo aan dhamaanayn waayo afsoomaaligii baan isku si loo aqoon. |
    Badhan | Thursday, March 22, 2001 - 05:11 am W.Q; Ineer waar ninyahow murti badnidaa..Waxaad qortay oo idili waa xaqiiqda jirta oon horay ula yaabanaa..Waxa kaliya eed ka tagtay waa erayga madaxweyne...Bal Ilaah ban kugu dhaarshaye eeg waxay madaxweyne ugu yeereen.. Iminka laga bilaabo magacaagu waa Gaashanle/Sare, Mu'alif, Maareyaha Golaha Murtida iyo madadaalada, Dr. Shareeco I mean Dr. Wiil Qardhood... |
    Guuleed S | Thursday, March 22, 2001 - 07:52 am Wiil- Qardhood, marka hore waa ku salaamay, nin-yahoo mid waa ku fiican tahay, in aad tahay qof fikrado badan oo kala duwan qora inkastoo aan, aad iyo aad uga soo horjeedo moowduucyadaada; haddana taas macnaheedu ma ahan in aad qof xun ama caqli yar ama ra`yi garashado yar aa tahay,,,,, or simply si kala hadaan u iraahdo; kuma xumid xaaladda maanta bulshadda Soomaaliyeed guud ahaan, in aad ka noqotid kuwa afka-qalaad lagu magacaabo- Think Tank- gaar ahaan arimaha bulshada. Erayadda ah: Boolis; militari iyo erayga Carabiga ah ee "dowlad" intaba af-soomaali ilama aha qof walbana siduu rabuu u fasiran karaa bacdamaa aan suurto-gal aheyn, wiil-qardhood iyo mid Aadan-Yabaale mid Looyacadde ka soo jeedo, ey isku hal-si u wada fasirtaan. Kooxda Carto, iyo adiga Wiil-Qardhood ahba in aad si kala duwan wax u fahantaan waa CAADI, awalba isku si uma hadashaan xagga luqadda. |
    patriot | Thursday, March 22, 2001 - 07:27 pm carta Galbatayee allow sahal. waa tageen carta iyo qurunkeeda, awalba horaa loo yiri hal booli ah nirig xalaal ahi ma dhasho ama doofaar ma daahirmo. kii shalay tuuga ahaa ummadeena oo dhaqan oo nabad la joogta dabka qabadsiiya, oo caado qaate ahaa, daba qaad afweyne ahaa, maantayna waa isla intii ilayn dadnimada waa loo dhashaa. cabdi qaasim, galaydh, cusmaan kaluun xassan abshir, gaani,galaal,culusoow dhamaantood waa doofaaro, ma doofaar baa daahirmo ninkii ka sugoo inaad doofaaro daahirisid kolay waa arin dhamaystir kaaga baahan iyo inaad u soo daadihisid(doofaaradaa) ummmada soomaaliyeed ee horay u socotay. |
    Cisman | Friday, March 23, 2001 - 12:32 am saaxiib marakan meel layaqaan baad uga soo hartay carta. wax badan baana ka faaiiday runtii meeshaan. mahadsanid wiil qardhood |
    Magool | Friday, March 23, 2001 - 01:02 am I love you wiil-qardhood for the telling the thrue we need more guys like you... |
    aneexo | Friday, March 23, 2001 - 04:00 am to/wiil qar dhood walaal hoo salaan qaali ah alylehee runtaa maxaadse ka rabtaa amaa maa mulkoodu iyo mooryaantooduba hal xaafad macno ka yihiin |
    Anonymous | Saturday, March 24, 2001 - 12:37 am Wiil-Qardhood= Wacal-Qurmood |
    Wiil-Qardhood | Saturday, March 24, 2001 - 08:56 am To: Badhan, Guuleed s, Cismaan, Patriot iyo Aneexo Dhamaantiin waad salaamantihiin waadna mahadsantihiin. waxaadna ogaataan in cidkasta oo kooxda Carta u aqoonsatta ama ugu yeerta "Dawlad" oo ciidamadooda ugu yeera booliskii ama Milatarigii soomaaliya ama xildhibaanadooda ugu yeera xildhibaano Parlamanka soomaaliya ay DANBI Wayn ka galeen Soomalida isla markaana ay galeen khalad wayn oo xaga luqadda soomaalida ah. Kuwaas waxaa kamid ah somalinet.com iyo BBC-da(ama idaacadda kooxda Carta qofba siduu u yaqaan) To: Guuleed s. Walaal horta ereyga "Dawlad" ee carabiga (iyo soomaaligaba)ah macne soomaaliya looga yaqaan baa jira kaas oo dadka soomaaliya maamulaaya ay ku khasbanyihiin in ay bartaan inta aysan sheegan dawladnimo soomaaliyeed. Haddiise "reer" Carta ay yihiin dad gaar ah sida reer Aadanyabaal ama reer Baargaal ama Bakool oo lahjad gaar ah leh oo aan soomaalidoo dhan koobin waxaaba la orankaraa maba ahan dad soomaalidoo dhan kooba ee waa reer gaar ama koox gaar ah oo lahjad gaar ah leh. Haddii ay yihiin dad sidaas ah waxaaba la orankaraa waa koox gaar ah oo adaaba afkaaga ka qirtay in aysan soomaalida oo dhan soo koobin oo dawlad u ahayn. Dawladda soomaaliyeed waa dawlad Ciidankeeda booliska iyo kan milatariguba uu soomaalidoo dhan ka kooban yahay,isla markaana ka howlgala soomaaliyoo dhan. Baarlamaanka soomaliyeed waa midka dadka fadhiyaa la soo doorto isla markaana ay tagi karaan meelihii laga soo doortay. To "magool" Walaal waan ogahay qofkaad tahay baan qiyaasaayaa ee maad naynaas kale qaadatid. sheekadii Magool iyo Faaruuqna mar aan firaaqo hayo ayaan soo qori doonaa. S/C |
    Guuleed S | Saturday, March 24, 2001 - 01:55 pm Wiil-Qardhood, hadaan mowduuca aad kor ku qortey oo kaliya hadalkeeyga ku soo koobo, waxaan u arkaa in sharaxaadaada ah eray-bixinta: boolis; milateri iyo dowlad aad noo sharxin meesha ey naga soo galeen hadaan nahay Soomaali, sidaan horeyba kuugu sheegay " 3 "-daas eray af- soomaali- ma - aha. Sidaas darteed wiil Qardho ka soo jeeda; mid Aadan-yabaal ka soo jeeda; mid Looyacadde ka soo jeeda iyo mid kaloo degmo kale ka soo jeedaba in ey isku si u fahmaan wey adagtahay, sidaasna waa sidaan aniga qof ahaan u arko. Midse waa fahmi karaa, ujeedada aad ka leedahay qoraalkaada; in aan kugu raaco iyo in aan kugu diido ujeedadaada waa arin kale. Tusaale ahaan, erayga BOOLIS in la laga isticmaalo wadanka Ruushka waxaa laga joojiyey 1917- 22 inta u dhaxeeysay, ka dibna mardanbe taariikhdooda waa laga saaray shacabka ruusha in eraygaa lagu macaabo ciidanka booliska, sababtana hadaan mid ka soo qaado, boqortooyadii booliska ayaa MOORYAAN aheyd waa siday u arkeen waqtigaas. |
    Anonymous | Saturday, March 24, 2001 - 04:21 pm waxuu ku meereystaa uun anaga daarood ah baa fiican waa yahaye emotion uun laguma fiicnaadee keen siyaasad aad dadkan carta ku diidan tahay oo aad meleteri,boliis,ama dowlad ku sameeyso intaan puntland oo afsoomaaliba aheen la soo baxayso.alternative kiina maanta sow ma noqon xuseen ceydiin ha na hogaamiyo kaas oo la doonayo in uu dagaal ku qaado dadka ka feker gedisan kana soo horjeeda ma cigaalbaa taas u sheegay adeer qaldaan mar i degey alah dego xuseen ceydiid in uu neceb yahy dadka arta fekr ahaan keenay waa la ogyahy laakiin adeerkaa abdulahi biijo ayaa ma daahire ah oo beer eyle ugu jiraa oo aan boliisna heeyn,meleterina heyn,drawiisna heen,dowladna waxba ka ogeen taasna waa mid iska cad jaahil emotion ku qaraabanaya waxaa iska cad tartanka ummada soomaaliyeed ee siyaasada in la rabbo in leysku jebiyo dad wadda dhashay ka dib markii aad (la soco in ethiopia dhexdeeda gadood ka jiro belaayoland sidoo kale) markii aad waxba ka qaadi weyseen ka dibna magaca soomaaliyeed ku tuugsataan oo sidaa u hesheen income in ay dekeda muqdisho kuu xirnaato oo kuu xiro caato oo aad canshuurteena aan ka bixin jirnay meesha sidii koob hoosta ka duleela oo kale ah ee boosaaso ee musuqmaasuqa iyo laaluushka iyo lesbianisamkacaadiga ka tahay(do get me wrong iam not homophopic)taasna waxaa watta waxa waaye cigaal abdiqasin meel uu wax ku waddo iyo meel kale la kala garan la yahay oo uu magacabanyao ilmo adeerkii ayaa rajo kuu ah in laga caraado oo coalitionkii arta sidaasku burburo uuna door bidey in uu wadanka lacag been abuur ku waddo balse dadka ma noqonayaan waxba isma dhaanto waxaad tihiina kuwiina siyaasad baanu wadanaa ku haaya ineysan jiri waa la ogyahay ileen kuli cid walba tuugsi ayeey u kal ordeysaa iyo canshuurteena iyo dhiigeena oo isku daata xaqiiqda shacabka dan yarta soomaaliyeed hadaad adiga super intelegent noo heyso bal waa kaasee qardhada lacagaha been abuurak ah la kala xadayo ka dibna leysku dilayo oo ka dibna leeysku tuuryeynayo wax ka qabo... intaadan afkaaga uraaya aadan dad kale oo aadan shaqo ab iyo isir midna la waadaagin kaana xoog badan oo banaan cidla ah kaana nasabsan oo samaale ah dadkii dhulka soomaaliyeed lahaa ah ku soo taageyso si aadan afkaad ku taagin oo uu qooqoku jiro waxaan kuu sheegayaa up yours mar danbe in uu xamar dagaal ka dhaco ma dhici doonta in lacag been abuur ah laga hirgaliyo ma dhici doonta shacabka soomaaliyeed ayaa awooda leh sidaas ula soco . |
    Badhan | Saturday, March 24, 2001 - 09:46 pm Wagar! Waar horta ineer Samaale maxay tahay????Waaban kugu wareernaye xagaad wax u wadaa xagaadse wax ka wadaa??. Yaad ka soo horjeedaa yaadse la socotaa?. Walee intaan wadankii ka soo maqnaa qawmiyado cusub baa ka soo baxay.Waar meeshu ku noqosho maleh ee dantiina ka qabsada Somalidii la yaqaanayey. Bal iminka eega naftan yari waxa ay akhrinayso. |
    Wiil-Qardhood | Sunday, March 25, 2001 - 02:26 am To:Anon.. Haddii aad tahay qof jawaab mudan ismaad qariseen. Wixii magacleh baa jawaab mudan! |
    Wiil-Qardhood | Sunday, March 25, 2001 - 06:50 am To: Guuleed s Horta ninyohow anigu waxaan sheegay wixii ahaa macnaha ereyadda aan sheegay waxaana idin waydiinayaa adiga iyo "reer" Carta maxaad u aragtaan macnaha ereyadaas maadaama "dawladdiinu" ay inta hotelada Xamar fariisatay aytiri soomaaliyoodhan |
    Guuleed S | Sunday, March 25, 2001 - 06:03 pm Reer Carta- group-ka aad u taqaanid, ama dowladda ku meel gaar; dowladda Puntland iyo midda Somaliland iyo hadaan ku daro Maamulka Baydhabo, kuligood aniga waa dad ka soo jeeda qoomiyadda soomaaliyeed, sidaas darteed waa isku key mid. Mark hadeey u adeegaan dadweynaha ey la joogaan ama ey ka tirsanyihiin. Xaaladda ey soomaalidu mareey-sana maanta la joogo, kuligood mid xun ma jiro. Waxeey sameeystaana waa sax. Eray-bixinna, adiga Wiil-Qardhood ah iyo anigaba uguma ey baahna maamuladaas jira oo dhan, waxeey sameeystaanna waa ku saxsanyihiin kuligood. Neceebna- qofkiisaa ku baaba, mar haduu tabar iyo taag u hayn waxa uu nacaayo wax-ka-qabadkeed. Ninyahoo hadalka to-ro-ro-ta iska yareey, dhulka qoomiyadda Soomaalidu degtanna- Qardho- ka weyn. Intaasna adigu xayeeysiin bey kuu tahay, anigana kuligood: waa deegaannadda soomaaliyeede waa ii qiimo badan-yihiin. |
    Wiil-Qardhood | Sunday, March 25, 2001 - 10:11 pm To: Guuleed s Waa sax oo soomaaliya Qardho kawayn taas kugumaba diidin. Dawlad goboleedka soomaaliyeed ee Puntland iyo kan goonida isumagacaabay ee Somaliland iyo Midda ka soosocota koonfurtuba waxay uga duwanyihiin Kooxda Carta midna kuma tuugsado magaca Soomaaliya oo masheegtaan in ay soomaaliyoodhan dawlad u yihiin, halka kooxda carto ay meelkasta lataaganyihiin soomaaliyoo dhan baan masuul kanahay, iyagoo aanba xattaa Xamar kuligeed dawlad ka ahayn. S/C |
    Guuleed S | Monday, March 26, 2001 - 08:03 am Wiil-Qardhood, waa isla garanay u -jeedada, waana iga intaas aniga maqaalka faaladiisan. Nabadeey |
    Cismaan | Sunday, April 08, 2001 - 09:16 am Maqaalkaan waa midka ka caraysiiyay dadka taageersan kooxda Carta |
    alif la kordhabey | Sunday, April 08, 2001 - 10:46 am hadaad tahay nin damiir leh u baqaaya dadkiisa ma dhahteen kooxdii carta dowladda soomaaliyeed leading by Abdikasim and galayd waa badbaadinta ummada soomaaliyeed aasaaska u ah salka dowladu waa 1 in loo helo aasaas nabadeed ummada soomaaliyeed qoladay rabto ha ahaateen isaaq , daarood, dogs, hawiye , cats , eelaay and whatever it called. 2 in dib loo furo isbidaaladii,iskuuladii iyo koobihii bulshada si hooyada soomaaliyeed u hesho wxa haweenka kale oo aduunku helaan. |
    Wiil-Qardhood | Monday, April 09, 2001 - 11:29 am layskuma hayo in loo baahanyahay dawlad soomaaliyeed, laakiin kooxna xaq uma leh in ay isu magacawdo Dowladdii soomaalida oo ay ku tuugsato. |
    Kaliyan | Monday, April 09, 2001 - 01:10 pm Ama Kooxda Carta dheh ama ha-dhihin, laakiin aduunka oo dhan baa la ga aqoonsaday. Waqti bey qaadataa in ey wax ka hagaagaan, laakiin waan u sabreynaa. 10 sano oo dagaal iyo dowlad la'aan waxaa noo dhaanto dowladdan aad dhahdo "Kooxda Carta." Waxaa ciil ah in ey aduunka jiraan rag sidaada oo kala ah oo Europe ama N. America iska fadhiyaan waxna aan weligood u sameynin Soomaaliya, wixii dadka kalena ey isku dayaan in ey sameeyaan caaya, wax xunna ka sheega! Qabiil waa wax aad u fool-xun, waa cudur dadka ka dhiga bahalo, adigana qabiil maa ku maan-dooriyay. Qabiil waa wax uu Alle(SWT) kaga hadlay Qur'an-ka, yowmul-qiyaama, cid kuma weydiineyso "Qabiilkaada waa maxay?" ama "Maxaad Majeerteen u sameysay?" Waxaa lagu weydiinaya camalkaaga, iyo maxaad ummadaada u qabatay? P-land waa taas wax ey ummada Soomaaliya u qabatay ma lahan. Waa "Dowlad" hal qabiil kaliya ka taliso, waa dowlad uu u taliyo nin Alle(SWT) aanan ka cabsan, waa dowlad Ethiopia hoos-timaada, waa dowlad u taliyo nin xukun-jecel ah dadkiisana xiraya, badda Soomaaliya ka gaday gaalo sun ku shubeyso har iyo habeen. Waa nin dadkiisa neceen, dictator 80 jir ah oo markii loo baahnaa in uu Alle(SWT) u soo noqdo, xukun ka daba ordaayo. S-land waa xukun hal qabiil oo kaliya u talisa. Iyadana waxaa afka u dhigtay nin xukun-jeceel ah, Soomaaliya waagii ey dooneysay independence ka soo horjeeday! Wuxuu dabada u dhaqaayay Ingiriiska. Yaa kale ey qabaan dadka Soomaaliya ku dhaqan? Xamar waan tagay mar dhow waana soo arkay waxa meesha ka socda. Run hadii aad rabto waa tan, hadii kalena qabiilkaaga ha ku sii maan-dooriyo. Xamar wuu ka fiicanyahay siduu ahaa. Security aad bey u wanaagsantahay meelaha qaarkood. Iskuulaad badan baa laga furay, subixii waxaan arkay ilmo yar-yar uu iskuulaad u socdaan. Suuqa waan tagay, wax aanan oolin malaha. Koronto baa guryahay badankood ku jirto. 5+3 channel oo TV ah bey qabaan oo af-Soomaali ku hadlaan. Internet baa guryaha qaar ku jiraan. Cell phones bey dadka qaar wataan. Jaamacado baa furun, computer programming baa la barta. "Boolis" labisan baa jidadka wada socdaan, hal xabad ah ma'aanan maqlin. Dad Daarood ah oo fara badan baa ku soo noqday xaafadahooda. Baabuur cusub baa jidad-ka qaar ku arkay. Dadka waa labisanyihiin. Noloshu waa raqiis. Hawadu waa macaan. Bada liido baan tagay, xaafada C/assis waxaa ku soo noqday daaroodkii degenaa jiray. Dowlada wey dadaashay. C/Qassim ramadaankii dhawaa gurigiisa waxaa ka afuri jiray malaaha boqolaalo qof oo masaakiin ah. Maalintii ciida waxaan ku soo dugatay stadium Muqdisho, waxaa na dujiyay C/Qassim. Maxkamadaha islaamiga ah aad bey u shaqeynayaan, radio stations fara badan bey Muqdisho leedahay. Wax ka maqan dadka oo nan aheyn shaqo la'aan ma lahan. Waa dad 100% taageerayo Dowlada, wax ey uga baahan-yihiin dad sidaada u hadlaya baa iska yar. Hadii aad har & habeen-ba caayso dowlada, wax aad ka badaleysid baa iska yar, dambi kaliya baa kuu socda, beentaada waxba kama badaleyso waxa dadka Soomaaliyeed ey ku fikiraan! Waxaad mar kasta caaysaa dowladan dhalatay, qaladkeeda ma yara, laakiin maxaa ka wanaagsan? Ma waxaa ka wanaagsan siday aheyd 1 sano ka hor? Ma waxaad u maleysaa Soomaaliya oo dhan in ey Qardho tahay? Ummada kala duwan baa ku dhaqan Soomaaliya, kuligeed-na C/llahi Yusuf uma taliyo. Ee maxaad ka suubineysaa? Caay waxaa ka wanaagsan wax qabasho, ee maad wax ka qabatid dowladan aa caaysid? Waxaad tiri ma raacsani, waa tahay, maxaad ka qabaneysaa? Goormee kuugu dambeysay in aad tagto Soomaaliya? Ma araktay dowlada waxay qabatay? Ma la hadashay qof Xamar ama Marka ama C/Bur jooga, mana weydiisay "Dowlada maxay qabatay inta ey joogta?" ama "Ma wax baa iska bedeley meesha aad joogto inta ey dowlada imaatay?" Waxaa wanaagsan in aad runta indhahaada ku arakto, ka dib-na waxaad rabto sheegato. Aniga laftirkey waan ka soo horjeeday dowladan, waan qoslay kow markii aan maqlay dowlad baa dhalatay. Laakiin waan tagay, waana soo arkay waxa ey sameysay. Adigana Research suubi ee runta soo ogow! |
    patriot | Monday, April 09, 2001 - 09:27 pm waa mid adi kuu taal inaad u samirto ama ku samirto kooxdaas ismail shuluq kuu soo sameeyay, cid wax u og se ma jirto, mooryaantaa iyo doofaaradaas labada hoteel ku jirta cid dooratay iyo meel ay tagi karaan ma jirto, abdulqaasim ma hadduu wali kuu noqday soo ma ahan kii alkolada cabi jiray, oo afweyne kaba qaadka u ahaa, diinta iyo personality-ga waa hibo ilaah nina iskama yeeli karo, anigu mooryaankaas waa ii mooryaan. waa doofaar, doofaarna ma daahirmo. |
    Wiil-Qardhood | Monday, April 09, 2001 - 10:34 pm wixii wanaag ah oo xamar ka jira waa wax lagu farxo waayo waxaan wada raadinaynaa (badankeen) waa wanaag soomaaliyeed, Xamarna waa maagalo kamid ah magaalooyinka soomaaliyeed inkastoo ay ahaan jirtay caasimad, aniguna manebci xamar ee waxaan meshaan uga hadlaayay waa Kooxda Carto inaysan ahayn dowlad soomaaliyeed ee ay yihiin koox soomaaliyeed oo dagan hotelada Xamar. |
    Unpatriot dhabe | Tuesday, April 10, 2001 - 02:00 am alkolada aad baad u jeceshahay ma isla cabtaan adiga iyo c/la yusuf asagaa shuuci ah oo aan diin aaminsaneen beerka aalkolada sow ma googoyn |
    Kaliyan | Tuesday, April 10, 2001 - 01:06 pm Patriot, sidaad doonto u caytan laakiin runta waxaa waaye in dowlad ey Soomaaliya u dhalatay, rag yar oo sidaada kale ahna arintaa wax kama bedili karaan. Dowladan wey shaqeyn sababtoo ah dowlad kale ma jirto, dowlad la'aanna waxaa markasta ka wanaagsan dowlad. Tan kale, dowladan waxay haysataa Support-ka aduunka oo dhan, deeq badan baana la wada siinayaa, laakiin P-land ama kooxda Ethiopia cidna ma aqoonsan cidna wax ma ugu deeqeyso! Waxaad la caytameyso ood dad dhan doofaaro ugu waceyso adiga & Ilaahaaga bey u dhaxeysaa. Dadka caaytama waa dad maan-gaab ah, hadal waxaad rabtana sheego laakiin sharafta ha iska tuurin ee caayda fara badan sii daa! Waxaan kale oo rabaa in aan ku dhaho cid dowlada ka mid ah oo hotel ku jirta ma lahan ee beenta iska daa nin weyn baad tahayee. Aniga baa Xamar tagay oo soo arkay, bal ma adigaa arkay cid hotel degen? Tan kale, C/Qassim wax aad ka taqaano baa iska yar ee dambiga iska daa. Soomaalida baa lagu yaqaanaa markii ey qof nacaan in ey wax kasta ka sheegaan. Wax aadan adigu arkin been haka sheegin. Si Muslim nima ah u hadal ee beenta iyo caayda faraha badan iska daa ninyahow! |
    Wiil-Qardhood | Thursday, April 12, 2001 - 07:20 am Maanta waxaa magaaladda muqdisho ka dhacay dabaaldag ay sameeyeen ciidan mooryaan ah iyagoo iska dhigayay in ay yihiin Ciidankii Qaranka Soomaaliyeed iyadoo ayhayd maalinkii CIIDANKA XOOGA DALKA SOOMAALIYEED, dabbaaldagaas waxaa joogay madaxweynaha mooryaanta ama hogaamiyaha kooxda carta Ina Salaad Boy. Waxaa idaacadda reer Carta ama BBC-du sheegtay in Ciidankii Milatariga soomaaliya ay dabbaaldag ka sameeyeen Muqdisho. Warka dhabtiisuna waxa uu ahaa in Moorayaani Muqdisho ka dabaaldagtay, laakiin "REER" carta waxay leeyihiin Agsoomaaligooda gaarka ah |