Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Puntland Politics: Puntland Politics (Current): ADDIS ABABA FACTION FACE'S CARTA FACTION MAY THE BEST GROUP WIN!!!!!>:O
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

QOSLAAYE

Thursday, March 22, 2001 - 09:37 am
>:O>:O>:O>:O>:O>:O>:O>:O>:O>:O>:O>:O>:O(>:O>:O>:O>:O>:O>:O>:O>:O
SEDDEX QOF AYAA KU DHIMATAY WEERAR LAGU QAADAY HOTEELKA RAMADAAN OO XARUN U AH KOOXDA CARTA.
by PL HOME
Forum Owner

Seddex qof ayaa ku dhintay weerar maanta lagu soo qaaday hudheel ku yaalla woqooyiga magaalada Muqdisho, kaasoo ay ku nool yihiin ra’iisal wasaaraha kooxda Carta Cali Khaliif Gallaydh iyo qaar ka mid xubnaha baarlamaanka kooxda Carta, sidaas waxaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay dad goobjoog ahaa markii uu weerarkani dhacay.

Gallaydh hudheelka kuma aanuu sugnayn markii weerarkan loo gaystay, xubnihii baarlamaanka kooxda Carta ee halkaas ku sugnaana wax dhaawac ah ma aanuu soo gaadhin sida la sheegay iyagoo markii xabaduhu bilaabmeen isku soo xiray qolalkay ka daganaayeen hoteelkaas.
Weerarkan oo ka dhacay Hutel Ramadaan waxaa gaystay niman dhawr ah oo watay baabuur la sheegay inuu leeyahay Maxamed Cumar Xabeeb oo ka mida hogaamiyayaasha Waqooyiga Muqdisho isla markaana ka mid ahaa xubnihii baarlamaanka kooxda Carta ee loogu soo dhisay degmada Carta ee dalka Jabuuti. Dhawaan ayuu Maxamed dheere kalsoonidiisii kala noqday kooxda Carta.

Weerar kale ayaa isagan maanta lagu soo qaaday xaruun uu booliska kooxda Carta leeyahay oo magaalada Muqdisho ku taalla, halkaasoo ay ku dhinteen laba qof, waxana la rumaysan yahay in taageerayaasha gudoomiyaha USC/SAA Muuse Suudi Yalaxow ay weerarkan ka denbeeyeen.
Weerarkaan ayaa waxaa ku dhintay laba qof. sida la sheegay.