Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Dowladda - Somali Government: Dowladda - Somali Government (Current): Abgaal- garabka Cali Mahdi taabacsanan jiray oo " 3 " qof ka dilay ilaaladii Cali Khaliif Galeyr
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Guuleed S

Friday, March 23, 2001 - 06:04 am
Three killed in attack on Somali PM
MOGADISHU, March 22 (AFP) -
Three people were killed Thursday in an attack on a north Mogadishu hotel where transitional Prime Minister Ali Khalif Galaydh and other MPs are living, a witness said.

Somalia-unrest,lead

Galaydh and other members of the transitional government were unhurt in the attack on the Ramadan Hotel, carried out by men riding in a vehicle identified as belonging to MP Mohamed Omar Habeb, who has withdrawn his support for the transitional government.

Two men and a woman were killed, said the witness, a businessman who asked not to be named.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Guuleed S

Friday, March 23, 2001 - 06:08 am
Hiiraan.com oo qortey maqaalkaan

Maxamed Xaaji (Ingiriis)
Muqdisho, Soomaaliya

Mar 22 (HOL) - Koox dabley ah oo hubeysan oo sida la sheegay daacad u ah xildhibaan Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa saakay subax rasaas la beegsaday hoteelka ay dowladdu deggan tahay ee Ramadaan ee magaalada Muqdisho. Hal qof ayaa ku dhintay rasaastaas oo lagu
liishaamay dabaqa sare ee hoteelka.

Hadal rasmi ah kama soo saarin dowladda KMG ah arrintani, hase ahaatee xubno ka tirsan dowladdu waxa ay ku warrameen in weerarkan uu ahaa mid kama' ah oo
aan ku tala gal ahayn, halka dhinaca Maxamed Dheerena uu sheegay inuu isagu lahaa gaarigii tiknikada ahaa ee rasaasta ku furay hoteelka oo uu saarnaa qori noociisu yahay kuwa lidka diyaaradaha.


Qaar ka mid ah ciidammada u xareysan Dowladda KMG ah iyo kuwo boolis ah ayaa goobjoog ka ahaa barxadda hoteelka markii uu gaarigaasi tiknikada ah rasaasta
furay saakay barqadii. Ma jirin wax iska hor imaad ah oo goobta ka dhacay, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ahaa.


Ciidanka boolisku, waxa ay hadda isku dayayaan inay ammaanka adkeeyaan, mana ahan dhacdadani tii ugu horreysay ee lagu weeraro hoteel dowladdu deggen
tahay. Waxaa bishii Oktoobar ee dhoweyd weerar lagu qaaday hoteelka Kaah oo ay deggenaayeen xildhibaanno ka tirsan Golaha Baarlamaanka, weerarkaas oo ay
geysteen maliishiyo doonayey inay ka mid noqdaan kuwa loo xareeyey dowladda.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Guuleed S

Friday, March 23, 2001 - 06:14 am
bbc.co.uk oo daabacdey maqaalkaan


Somali MP condemns government

A member of Somalia's new parliament has declared his opposition to the transitional government and left the capital, Mogadishu, escorted by a heavily armed convoy.

Mohamed Omar Habeb, who's known as Mohamed Dhereh, arrived in Jowhar town, ninety kilometres north of the capital, after several gunbattles along the route.

In a telephone interview with the BBC, Mohamed Dhereh said he was now opposed to the transitional government because it had failed to work in the interests of the people.

The BBC correspondent in Mogadishu says the move could prove a serious setback for the government.

Meanwhile, talks between Somali faction leaders opposed to the interim administration are reported to be drawing to a close in the Ethiopian capital, Addis Ababa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Guuleed S

Friday, March 23, 2001 - 06:24 am
Hiiraan.com oo qortey maqaalkaan


Maxamed Xaaji (Ingiriis)
Muqdisho, Soomaaliya
E-mail: Ingiriis@yahoo.com



Mar 20 (HOL) - Hadal qoraal ah oo ay soo saareen xubnaha ku jira dowladda KMG ah ee beesha uu ka dhashay Xildhibaan Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere), waxa ay ku cambaareeyeen booqashada uu ku joogo gobolka Shabeellaha Dhexe isaga iyo gawaari uu wato oo gaaraya 11 tikniko oo kuwa dagaalka ah.

Waxa ay sheegeen xubnahaasi in booqashada Maxamed Dheere ee gobolka Shabeellaha Dhexe aanay ahayn mid howleed, balse ay tahay booqasho hubeysan. Waxaa qoraalka ku saxiixan ilaa 23 xubnood oo kala ah;
Xildhibaan Cali Mahdi Maxamed,
Xildhibaan Ismaaciil Macallin Muuse
Xildhibaan C/raxmaan Ibraahim Cali (Shiraar),
Xildhibaan Ruqiyo Cali Cabdulle
Xildhibaan Ibraahim Sheekh Cali (Jeebo)
Xildhibaan Muxiddiin Xasan Afrax,
Xildhibaan Xasan Saney,
Xidlhibaan Cumar Islow Maxamed,
Wasiirka Arrimaha Gudaha Daahir MaxamedSheekh Axmed (Dayax),
Wasiirka Sayniska iyo Technology C/qaadir Maxamed Cabdulle (Madexey),
Wasiiru Dowlaha xafiiska Ra'iisal Wasaaraha Khadiijo Cosoble Cali,
Wasiiru Dowlaha Beeraha Cabdi Maxamed Fiidow Joon,
Wasiir ku xigeenka Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Maxamuud Sheekh (Suufi),
Wasiir ku xigeenka Tacliinta Sare Xuseen Dheere,
Wasiir ku xigeenka Horumarinta Iskaashiga gobollada Ibraahim Axmed Gaabow,
Wasiir ku xigeenka Warshadaha Carabow Cali Gacal,
Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Cusmaan Xaaji Maxamed (Dufle),
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Ilyaas Xaaji Maxamuud,
Taliyaha ciidammada dhulka Jen. Cusmaan Sheekh Axmed (Badmaceeye),
Abbaanduulaha ciidanka Jen. Maxamed Cabdi iyo Jen. Axmed Jilicow Caddow Guddiga
nabadgelyada gudaha.

Qabsashada Maxamed Dheere ee magaalada Jowhar, waxa ay qalqal ku abuurtay hay'adihii samafalka caalamiga ee ka howlgeli jiray magaaladaas, taas oo ka dambaysay
cabsi la soo gudboonaatay ammaankooda markii xildhibaan Maxamed Dheere oo u caraysan dowladda KMG ah uu dul degay deegaanka.


Maxamed Dheere oo muddooyinkanba lagu xamanayey inuu xiriir la leeyahay hoggaamiye kooxeedyada ku shiraya Itoobiya, waxa uu si buuxda carrabka ula raacay inuu ku koox yahay hoggaamiye kooxeedka Muuse Suudi, waxaana uu ku hanjabay inuu ka tanaasuli doono xilka
xildhibaannimo. "Xilka iima magacaabin Cabdiqaasim ee waxaa ii magacaabay bulshada" ayuu ku adkeystay.
Waxa uu ka gaabsaday Maxamed Cumar Xabeeb inuu sheegan doono xilka Guddoomiyenimada gobolka Shabeellaha Dhexe, xilkaas oo ay muddooyinkanba si hoose ugu
hardamayeen isaga iyo Nuur Maxamed Maxamuud (Shirbow) oo ahaa Guddoomiyihii ugu dambeeyey ee gobolka. Intii uu ku sii jiray waddada u dhexeysa Muqdisho iyo Jowhar toddobaadkan waxa ay Maxamed Dheere iska hor yimaaddeen maliishiyada hoggaamiye kooxeedka Muuse Suudi. Hal qof ayaa la rumeysan yahay inuu naf ku waayey isku dhacaas, waxaana jira cabsi laga qabo xaaladda nabadgelyo ee gobolka, kaddib markii maliishiyooyin ay duleedyada Jowhar soo buuxiyeen.
Hadal qoraal ah oo ay soo saareen maamulka gobolka Shabeellaha Dhexe waxa ay ku cambaareeyeen booqashada Maxamed Dheere, waxaana joogitaankiisa oo welwel badan
ku dhalisay dowladda KMG ah habeen dhoweyd si gaar ah uga wada shiray Madaxweynaha KMG ah Cabdiqaasim Salaad Xasan iyo Xildhibaan Cali Mahdi, waxaana kulanku uu ka
dhacay guriga Mahdi Maxamed uu ku leeyahay degmada Kaaraan. Tafaasiil dheeri ah lagama bixin kulanka oo socday muddo dhowr saacadood ah.