    tutsi | Friday, March 23, 2001 - 09:50 am to; dhamaan umada somaliyeed baaq ku aadan raga shiraya ee amxarada wadato ,ma garanayaan waxa ay ku dumiyeen dalka 10kii sano ee aanu soo gudubnay ,garan mayaan waxey u xasuuqeen walaalahood,bal u fiirso ragaas mid mid ,waxaa yaab mudan ragii xasuuqey kumaan maato ah walina aaminsan in ay jihaad ku jireen waqtigii dagaalka ,hadana ay ku faanaan dilkii ,dhacii ,kufsigii,dal burburintii ay ku hayeen umada gaar ahaan daaroodka sida ina ceydiid ,caato oo caadeystey in dhiiga umada ay xalaaleystaan ,waxaa iyana mudan yaa muqdisho burburiyey ,waa labadaas nin ,marka odey muuse wma falan yahey see buu kula heshinaa ragii diley kumaanaan abgaal ,kumaan curyaan ka dhigey,xamerna xabaalo ka dhigey ,soo ma aha ragii dalka fiiqdey bool bool ,daroogo ku abuurey,marka maantey intey shiraan ,hadana wax cusub noo abuuraan ma aragno mana dhici karto,waxaa la yaab leh ina yeey in uu ahaa isaga iyo masele kuwii kismaayo isku direy dadka ehelka ,hadana maantey is hor fadhiya taasna waa maxey waxaa la yaab leh in shaati gaduud uu ina ceydiid u dhudhunkado kaas uu oran jirey in uu yahey cadowgiisa kowaad hadaba waxaan la yaabanahey in daaroodka taageersan nimankaas cadowga ah in ay yihiin kuwa alle ka furtey oo la mid ah mooryaantaantaas, see ku dhacee in wareegto wax loo qeybsado ,hadana booska shanaad aan qaadano , waa wax lala yaabo ragii 1000 galkacyo ku diley in garoowe oodkac lagu siiyo ,iyagoo la weydiin sabatey rageenii u dileen,waxaan qabaa in shirka carte natiijadii ka soo baxdey lagu qanco ,waayo waa midka kaliya lagu kala badbaadaayo nimankaan amxarada wadato danteeda ayey ka leedahey ,iyagana dantoodu waa nin walba meeshiisa ha dhuuqa dadkana gaajo ha u dilaan bal xasuuso shirkii qaahira ee ugu dambeyay ee la isku arko ,waxaa lagu heshiiyey in bari shir lagu qabto ,yaa diidey arintaas ,waa raga maantey ku shirsan dhul gaalo saaxiibayaal anoo ku hadlaya magaca daarood waxaan filayaa in ragaas aysan na matalin umada somaliyeed waxaan ugu baqayaa in dhamaan asxaabta jaajusiinta in aan iska qabano waa kuwii dalka rogey ,hadana raba in ay na rogaan umada waxaan ugu baqayaa in dowlada la raaco hiil iyo hoo wabilaahi towfiiq tutsi |
    Amaar | Saturday, March 24, 2001 - 06:37 am Warkaagu ma xuma, Allaylehe intaas haddaad garatay rag baad tahay. Hadalku waa sidaad u tiri, anigu waxaan ahay Hawiye, dalkana Daarood, Hawiye, Dir, Raxanweyn iyo Soomaalida kale oo dhan baa leh. Su'aashu waxay tahay, haddii qolada Majeerteenka "Warlord"-kooda u arkaan malag cirka ka soo dhacay amase, waa siday moodeene, inuu Hawiye/Habargidir ka hor taagan yahay inay ku soo duulaan, qolada Caato iyo Ina Caydiid taageerta u arkaan inay iyaguna jannada gelinayaan, qolada Muuse Yalaxoow u arkaan inuu yahay Amiirka Muuminiinta, Raxanweyntu u arkaan Shaarguduud inuu yahay mahdi samada ka soo dhacay, Isaaqu moodaan dalka kala goyntiisa in ajri iyo xasanaad ka helayaan, Dowladda KMG loo arko dhurwaayo dhiigga ummadda cabaaya, maxaa talo noo ah, sideese dadkaan Soomaaliyeed ee foorara talo ku wadaagayaan. Ilaahay ha yasiro. |
    Badhan | Saturday, March 24, 2001 - 07:46 am Nooooooo response. Do you guys wonder why?.Coz you're wayyyyyy below my standard.. |
    Saalax | Saturday, March 24, 2001 - 11:47 am Tutusi Qoraalkaaga intiisa hore wuxuu u muuqday mid nah oo meel la raaci karo u socda. Laakiin intaa xumaanta daroodka loo geestay adigoo ogsoon caqli xumadaada maxaad iskaga dhaadhicinaysaa inay kku biiraan dowlad uu Hawiye u taliyo? Gaajo baqti looma cuno, dowlda hawiye ee Carta ka soo baxday wax soconayo ma aha waqtiga ay dhamaan lahaydna wuu soo dhawyahay. Raga Itoobiya kuwada shirayana ninba ninka kala meeshuu yahay waa uu ogayahay. Ninam Hawiye oo kuula diyaara in ay dowlad u dhisan kula burburshaan maxaad uaga hor istaageysaa? Soo kama ay daraateen kuwa jabhadahooda u talsha iyo dowladooda hubka maalinkeer uu u yimaado inaad dhufeys la gasho. Oodkaca waa in subag loogu daro. |
    tutsi | Sunday, March 25, 2001 - 06:31 am to; dhamaantiin waad mahadsan tihiin ,laakinse waxaan isin sheegayaa in raga ku shirsan ay yihiin kuwii dalka iyo dakaba burburiyey , daarood ka waxaan leeyahey saaxiibayaal ,yaa ku diley ,yaase ku dilin an ku baro kii ku diley waa ina ceydiid iyo caato ,shaatigaduud iyo wixii la halmaala ogoow in dowlada ku meel gaarka ah ay tahey wadada runta ah ee lagu kala badbaadi karo waayo hadii la yiri ragii dalka dumiyey nin walba ha ahaadee yaan wax la siin ma xuma,hadii aqoon wax lagu qeybsadey iyadoo xeerka qoyska la raacaayo ma xuma iyadana ,waxaa intaa dheer in sharci iyo maamul la dajistey 6 bilood laga shiraayey saaxiib nimanka hawiye ee mucaaradka ah waan naqaan waa kuwii hawiye iyo adigaba ku kala reebay ,iyagoo aan cidna naxariis u heyn ayey fiirsadaan dantooda ,waa kuwa maana mooryaantoodii ayaa soo ceyrisey oo amxaaro ayey hoos fadhiyaan kuweenana waa la mid waa mooryaan kale ,waa kuwii oran jirey kuwaas la hadli meyno ,maxey maanta oo wanaag ah noo hayaan bal u fiirso,ragaas maxey yaqaanan aqoon ahaan ,dadnimo ahaan ,aduunka waa laga yaqaan waxey yihiin ,bal fiiri magacooda waa qab qable marka somali wey tashatey kuwaas caqligooda wey baratey waana ognahey meesha ay ku danbenayaan saaxiib waxaa lagu heshiiyey in aqoon wax lagu qeybsado ,in deegaan walba uu is maamulo , waxey ila tahey dadka kuwaas habaaran ninkey ahaadaan ha ahaadeen ,ninka wax ka sugaayo ayaaba ila liita ,waxaan filayaa war wey shireen ,maxey soo saareen dastuur laaan , maamul been ah oo wareegto ah ,saaxiib dowlada cusub iska taageer intii aad taageeri laheyd tuug ,dhiigyacab, iyo qaatil raba in somalia jasiirado yar yar oo xabashida gumeysato noqon laheyd saaxiib waa la is laayaa waana la heshiyaa yaa la heshiinee ma kuwii dalka burburiyey hadana tolkood soo eryey maa la heshiinee iyagoo aan wali garin waxey dalka iyo daka u burburiyeen maanta wajigee bey ku shirayaan yaa u dirsadey yaa uga baahan jawaabtu waa tuke madoow oo hilibkii laga dabooshey oo geed saaran somalia ha waro ha dhaceen jaajuusiinta qabiliistaha tuuga qaacinka byeeeeeeeeeeeeee |
    MAGABADE | Sunday, March 25, 2001 - 08:14 am Adeer raggaan Itoobiya ku shirsan iyo kuwas Hoteelada Xamarfadhiyaba waa DAMEER IYO LABADIISA DHAGOOD oo waxay iiga kala dawunyihiin majirto, ee igala tag Cartadaan iyo Itoobiyaad aad sanka naga galgalineysaan, Daarood uma baahna Ragga hada itoobiya ku shirsan umana baahna Ragga Hoteelada ku jira dantoodana labadaa meel kuma jirtee meelkale ayey ka doonan doonaan. Ee saaxiib iska iloow inaan Hawiye dabo galno Ha ahaado INa Caydiid ama Ina BOY waa dameer iyo labadiisa dhagood isma dhaamaan oo waa UL iyo DIIRKEED laakiinse waxaan aniga layaabanahay ragga labbadaan GROUP kala taageeraaya?????!!!! |
    TUTSI | Sunday, March 25, 2001 - 09:15 am TO; DHAMAAN WAAN FAHMEY BAL OGOOW 2DA GROUP IN AY KALA DUWAN YIHIIN I - KOOXDA JAAJUUSINTA AMXARADA WAA LA YAQAAN WAXEY GUDAAN IYO WAXEY YIHIIN 2- KOOXDA CARTE WAA WAXEY KA KOOBAN YIHIIN SOMALI OO DHAN WAA AQOONYAHANO ,SIYAASIYIIN WAAWEYN .WADAADO AQOON YAHANO ,DHALINYARO,HAWEEN ,UGAASYO MALAAQYO ,NOOC WALBA ,LAAKINSE QOLADA JABHADAHA WAA LA YAQAAN WAA DAMEER IYO TUUG IYO DHIIG YACAB IYO MACANGAG MIIRAN MARKA SAAXIIB RUNTA WAAD OGTAHEY , INA CEYDIID WAA WIIL YAR OO KU RIYOONAYA WAX UUSAN AQOON INA SALAAD WAXAA DOORTEY SOMALI OO DHAN ,XOOG LAGUMA DOORAN ,LACAG LAGUMA DOORAN EE WAXAA LAGU DOORTEY WAA NIN AQOON U LEH XALADA MAANTEY JIRTE SAAXIIB DOWLADA DHINAC KA RAAC |
    C/xakiin | Sunday, March 25, 2001 - 01:32 pm To: Magabade sxb waa hadashey oo hadashey balse meelna adigu maraacsanid, okey waxaad tiri anigu labada dhinac midna maraacsani talo cusubna maheesid, anigu waaxaan arki jirey dad sheego arinta meesha ay ka qaldantahay oo yiraahdo meel hebel ayey arintaas ka qaldantahay ama meelhebel ayey arintani ka qaldantahay, ee arintaan ayaan soo jeedinlahaay ee bal ila arka, marka doodaadu waxay noqonlahayd mid macquul ah laakinse waxaad noqotay macangag aan labada dhinac midna raacsaneyn hadana figrad cusub la imaan meesha ogow saaxiib meesh doodu dhextaalo waxbaa lagu kala faaiideystaa oo aduunka oo dhan ayaa aqristo ee hada ka dib doodaadu ha noqoto mid meel ujeedo. anigu inkastoo aan ahay Daarood balse qolooyinkaan ku shiraya Ethiopia uma arko iney xal unoqoneyso Somalia balse waxaa macquul ila ah Dowlada KMG ah maxaa yeeley waa Dowlad Dimoqraadi ah. |
    MAGABADE | Monday, March 26, 2001 - 03:17 am to: C/xakIIN sxb waxaa tiri meelna maraacsanid laakiinse arintu saasmaaha, aniga marka hore maraacsanin ragga ku shiray Itoobiya sababtoo ah waxaayalo faraban oo aan cidna uga sheekeeneen ayey ku soo sameeyeen soomali weyn gaar ahaan reeraha aan ku afitirsano. Oo macquul maaha inaan wixii shalay nalagu soo dhigay aanu niraahno XALEY DHALEY taasi socon meyso sababtoo ah waa nacasnimo cad oo maanta haadaad ogolaatid raggii shaley saas kuu lay inay Beritona tii ookale ku sameendoonaan. teeda labaada maaha dad la aamini karo waa dhiigyacab aanu wada naqaan iyo Daroogiiste wareersan, Teeda labaad manoo cuntameyso inaan hor fariisano dad dhulkaadii heesta oo maalin walba Gabdhah ku kufsada Kismaayo iyo magaalooyinka xooga lagu heesto. Tankale aniga maraacsani Ragga Xamar dhexfadhiya aad arbtid inaad ii QURQUR XISID, aniga maraacsani sababtoo ah maamulkaan waa maamul la rabo in HAWIYE lagu dhiso oo aan waxana u heen Soomaalida kale taasna waxaad si cad uga arki karaa ficilada Qolad Carta ay had iyo jeer ku kacaan, Daarood Carto gun baa lagu soo dhigay oo socon meeyso in ay iska ilaawaan wixii lagu soo dhigay ayadoo aan xataa laga siin RAALI gali run ah. oo dadka aad ii sheegay sid oo ugu horeeyo CABDIQASIM salaad u wuxuu ahaa raggin ka danbeeyay KACAANKII YEYDA XAMAR oo lagu xasuuqay kumanaanka masaakiinta ah, hadaa hadaweediisidna wuxuu ku leeyahay dadkii waxaa dhigay waxay ahaayeen MUJAAHIDIIN AFWEENE DALKA kasaaraayeen, tankale maamul Carta ma isweediisan maalin walba sababta ay dadka uga siibaxayaan aan haweyi aheen??? sababtoo ah waxaa la wada arkay in waxaan Hotel Ramadaan lagu hayo inaysan soomaali dan aysan u aheen, tankale waxay qoladaan carta sicad noo tuseen inay raali ka yihiin dhibaatada lagu hayo dhaamaan dadka dagen J/HOOSE,J/DHEXE, SH/DHEXE iwm oo ay dhibaato xun ku hayaan taageerayaasha Ina BOY oo xataa maamul ku sheegaan uu gaaray heer uu taakuleeyo MUNAAFIQIINTA dhibaatada dadka ku heesa. Teeda labaada anigu waxaan ahay nin reer Puntland ah carta markii lajoogeyna waxaa go'aamada lagaaray ayada oo aan reer Puntland waxna laga weediin, waa tuu yiri SULDAAN GARAASE "gashaanti aamuskaa lagu meheriyaa " wuxuuna ula jeeday in go'aanada la iska gaaray ayada oo aan loo dhameen. Marka maxaad iga filaysaa inaad maamulkaas ku soo fashilay meeshii lagu dhisay inaan u cararo oo tii shalay la iigeestay dib iigu dhacado???? Cadbiqaasim salaad haday wax kadhabtahay muusan jabiyeen 46 qodob oo kamid ah Dastuurkii carta wiigii ugu horeysay oo lamaga caabay. Manageeyeen Maamulka Carta Xamar haday ka dhabtahay soomaalinimada iyo wixii lagu gaaray Carta, oo taas baana tu saysa caqliga iyo sida uu ufakaro ninkaan aad leedaha madaxweene. Inaan iyo in kale oo aan soo koobi karin baan ku diidanahay carta. Waxaan kuusheegayaa Labadaan Group hadaysan ii heen waxa danteeda ah Illaahey iguma khasbin inaan raaco, iniga waxaan aamin sanahay inaan dhulkeen dhisanno iskana deeno wakhtigaan iyo kharashkaan aan ku dhuminayno dad aan ayaguba diyaar u aheen inay hishiiyaan, oo hadii aan saan ku sii sacono anaga lafteena yey inala degidoonaa. Waxaan aamin sanahay kharajkaan lagu bixinaayo Jaahiliintaan inaan dhulkeen ku dhisano, markii ay diyaar soo noqdaana dib la isugu yimaado. Aniga waan aaminsanhay SOOMAALIweyn laakiinse waxaan kaloo aaminsanahay PUNTLADN iyo jiritaankeeda soomaliweyn hada weli diyaar uma aha inay isku soo laabatoo, waxaan heesano aanu ku dhagno ayaan qabaa (QUDAAN JIRIN QORYO HA UGURAN) Cabdulahi Yussuf haduu asaga ay lanoqotay inuu horfriisto Ina Caydiid iyo Caato asgeyjirtaa laakiin waxaan Itoobiya lagu soo dhoobdhoobay maaha mid inoo cuntanta asaguna waa ogyahay. |
    Amaar | Monday, March 26, 2001 - 09:10 pm To Ma Gabbade (magacaaga waa heer sare waa loo baahan yahay geesi aan gabban, laakiin aaway!!) Ninyahow anigu Daarood maahi. Waxaan u dhashay Hawiye. Adigu qabiil baad tahay, aniguna qabiil baan ahay. Adigu dhul baad leedahay, aniguna dhul baan leeyahay, Soomaali baad tahay aniguna Soomaali baan ahay. Inta adigu aad dooneyso in la mid ah ayaan doonayaa. Haddii aan dagaallanno adiga iyo aniga midna ka faa'iidi maayo. Adigu nolol iyo wanaag baad u baahan tahay aniguna sidoo kale. Waxaad sheegeysaa inaad Soomaali weyn dooneyso, aniga anigoon Hawiye u hadleyn laakiin qof ahaan u hadlaya arrintaas waa wax fiican. Dalka Soomaaliya waa dalkeennii waana naga dhexeeyaa, waxaa fiican inaadan gabban oo adan cabsan laakiin aad runta abbaartid, sidee iyo qaabkee Soomaali xalaal ah oo caafimaad qabta oo aan qabiil iyo najaaso ku jirin, wax walbana ku nabadgalayaan, dadkuna ku baraarayaan dalkuna ku hagaagayo aynu u sameynaa dalkayagana xaaladda uu marayo haddaan dadkiisii nahay uga gudbin karnaa?! |
    MAGABADE | Tuesday, March 27, 2001 - 12:43 am To: Amaar waa fiican tahay hadaad soomaalinimo dooneysid, iyo nabad, marka maweysan kula aheen in cidwalba ayada isa soo dhisto kadibna la soo wadafariisto??? aniga taas baan qabaa soomalina dib isugu imaankartaa, markii Hawiye iska soo qabtaan Tuugadooda sidoo kale Daarood Tuugadiisa iska soo qabto Qabiil walba asagoo wixii sii soodhistay la isa soo horfariisto wixii dhacay laga wadda hadlo oo markaa hadii wax lawado qabsan karo lagu dhaqaaqo, xoolaha iyo wixii laka dhacay la isku soo cesho waxaan soonoqon karin raali galin laga sameeyo!!! Taasi adiga maxaad ka qabtaa????? |
    Amaar | Tuesday, March 27, 2001 - 06:23 am Ma Gabbade, haddaan runta ka hadalno oo been meel iska dhigno oo aannaan gabban si ragannimo lehna u wada hadalno waxaan u maleynayaa in xal la gaari karo. Kolley iyo kolley xalku inuu imaanayo waan hubaa haddii Alle ka dhigo mar dhow iyo mar dheer midkuu doono ha yimaado maxaa yeelay waa lagama maarmaan. Laakiin marba haddii la doonayo xal, in la gaarana la rajeynayo, maan iska soo dedejinno oo an xal keenno, maxaa yeelay Hawiye iyo Daarood waa aniga iyo adiga iyo mid kale iyo mid kale. Runtii ninyahow sida badan runta iskuma sheegno been uun baan isku sheegnaa. Hawiye iyo Daarood markaad leedahay waa laba qowmiyadood oo aad u waaweyn oo qabiillo badan ka sameysan oo iyagana qowmiyad kasta iyo qabiil kasta dhexdiisa ka dirirsan yahay, wax dhammaayana ilama aha haddii la yiraahdo Daarood ha isa soo xalliyo oo meel ay Daarood ku midaysan yihiin ha la helo sidoo kale meel Hawiye ku mideysan yahay ha la helo, waa dhici kartaa laakiin si deg deg ah oo dhib yari ah laguma gaari karo bay ila tahay. Bal fiiri Daarood gudahiisa Majeerteen iyo Marreexaan, Harti iyo Absame, ...etc, so on, bal fiiri Hawiye gudihiisa Habargidir, Abgaal, Xawaadle, Murursade, so on, ..., way dhici kartaa in qabiil ahaan la yiraahdo Hawiye meeshaas buu ku mideysan yahay hase yeeshee ma sahlana sidoo kale Daarood. Marka qabiilladaan Ilaahay baa naga dhaliyay, anigu kolley qabiilkayga daacad uma ihi maxaa yeelay wax daacad loo noqon karo qabiil ma aha, waana dad tira badan Ilaahay baana u talin kara, waxaanse hubaa in dad waxgal ah ku jiraan fahamsan dhibka jira Soomaalinnimada islaannimada dadku dad muslimiin ah oo walaalo ah inay yihiin. Waxay ila tahay haddii xisaabaad badan oo qabiillada dhexdooda ah la furo inaan laga dhammaan karin. Xalka markaan soo koobo waxaan u arkaa in la yiraahdo qabaa'ilku ha heshiiyeen Hawiye iyo Daarood iyo qabiil walba oo kale oo Soomaaliyeed, wixii dhacayna ha laga tanaasulo hana la iska raalli geliyo, hana la qorsheeyo sidii mar dambe uusan u dhici laheyn wax dagaal sokeeye ah, qabiil walbana degaankiisa iyo gobolladiisa la caddeeyo dhulka Soomaliyeedna ninkastoo Soomaali ah qof ahaan meeshii asaga la qurxoonaata iyo cidduu deris fiican moodo ha la dego, qabiil waliba maamul hoose oo isagu leeyahay oo gaballada uu dego ah ha loo sameeyo. Sidaas yaan u arkaa in dadku ku wada noolaan karaan, ummadduna ku wada degi karto. |
    MAGABADE | Tuesday, March 27, 2001 - 07:39 am Marka hadaad ogolaatay in nin walba marka hore dhulkiisa soo dhisto, maxaa taa u sameen weedeen oo dhulkiina u dhisan weedeen, oo amaanka u sugi weedeen, Maamul idiin gaar ah u sameesan weedeen sida Puntland ama Somaliland oo kale??? Waa hadii reer tolkaa diyaar uyahay horumarka aad adigu sheegaysid, taas ma uqaadan karnaa in reer tolkaa intiisa badan aysan kugu raacsaneen horumarka aad adiga shaqsiyan dooneysid???? Sababtoo ah hadii intooda badan diyaar u ahaan lahaayeen waxay kadaba hari lahaayeen Munaafiqiinta qarka karida maalin walba oo dhibaatada har iyo habeen ku haya oo caruurtooda maalin walba laaya, maxay iskaga qaban waayeen??? Marka saxiiba aniga sidaa ayaan u arkaa reerka aad ku aftirsatid marka hadaan qaldanahay saxiib isoo qanci oo wax lataaban karo ii sheeg, oo itusaaya reerka aad ka dhalatay iney diyaar u yihiin nabbad? Hana ila yaabin sababtoo ah waa yar yihiin dadka aan arkay oo ku aftirsada Hawiye oo sidaadoo kale u fakaraaya. waa fara ku tiris intaan aniga arkay. Hadaan u fiirsadayna ficiladooda waxay iskay tuseen inaysan rabbi nabbad oo fowdadaan ka jeclaadeen nabbada iyo maamul iyo kaladanbeen. In badan baa u arkay iney siday ku jiraan dhaanto sidii hore ay soomaali kudan beesay, taasina waa wax lalayaabo, oo qaarkood waxaan umaleenayaa inay ku indha furteen dagaaladii sokeeye iyo bililiqadii qaranka, oo maba rabaan in la xisaabtamo oo runta la isku sheego, waxa ugu horeeya ay kuleeyihiin iska iloow wixii dhacay, oo seebaan u iloowaa GURIGEYAAGBA dagen tahyee!!!! Marka saxiib tan ha uqaadan mid adiga shaqsiyan kugu socota laakiin waxaa weeye waxa dhabta ah oo reerka aad ku aftirsatid heesta oo ay lasoo taagan yihiin. MARKA WALAAL SOOMALI MAQAN CIN KARTAAN INAAD NABBAD DIYAAR U TIHIIN IYO XISAABTAN |
    Garoowe | Tuesday, March 27, 2001 - 08:19 am To; Amaar, Adiga waa kuu dagaal sokeeye anagase waa noo xasuuq. Marka laga reebo ragii Darood ee konfur ku noola ee intooda badan reer magalka ahaa, yaa kula diriray? Maxaa lagu maagay maatadii magalooyinka konfurta Somaliya deganaa oo ay dhimeen? Meeday hantidoodii? Maxay masaajidadii iyo Kaniisadihii ilaah lagu caabudey geysteen oo dhulka loo dhigay? Maxaad intaad Siyaad u nacdeen Kulmiyena baarlamaanka ha loo sii dhiibo u tiraahdeen? Maxaa Cabdela Faadil loo googooyey Maxed Sheikh Osman Hamar uu nabad ugu noolaa? Maxaa dad maata ah intii magaaladoodii loogu tagay oo habeen madow loogu guureeyey sida wa xuushnimada ah loogu xasuuqay? Hadey Somalinimo daacad tahay maxaa hantida dadka iyo tan dowlada loo ilaalin waayey? Bal nin yahow waxaad u hadleysaa si macquul ahee noo sheeg siday wax u dhaceen iyo sababtii keentay in USC loo ogolaado inay wadanka sidaas u xasuuqdo? Tan kale wada hadalka iyo run ka sheegaagu maxuu ku saabsan yahay reer carta raaca iyo waxaan u raaci la'a nahay? Mise anagoo wada jirna aan Somalinimo iyo cadaalad doono? Tan hore ma aha mid naga suurtowda hana u soo fadhinin. Waa marka horee, ragii tuugada ahaa wadankana xaday uun baa hadana meesha horboodaya. Waxaase ugu sii daran in meeshii aabayaasheen half centuriga dhisaayeen oo aan ku dhalanay oo aan ku barbaarney hadan sidii la ogaa maatadayadii iyo reer magaalkeenii aan waligood qori arag miday qaadan daayee la rabo in mar kale la nagu furo oo nalaga maamulo taana ha u soo fadhiyin. wacad alla iyo wacad rasuul inaan mar danbe Hamar dhiseen oo aan ku noolaaneyn. Intaan noolahayn Hamar in ay wadanka mar danbe magaalo madax u noqoto waan ka daagalamayaa. Tan danbe, Somali waan ka dhalanay. Somali waxay tiraah Fartaada xun fligflig kagama go'do. Ilaah ayaa naga dhigay Somali dheef iyo dhiba waan la qeybsaneynaa, lakiin xasuuq danbe raali kam noqoneyni, mar danbena nala dagimaayo. Waa runtaayee Darood waa dad tiradaa ah meelo kale fogfogna wadanka ka dega. Waxaan jeclahay in inta badan ay igu ra'ayi yihiin qaarse waa iga bar, qaarna hawshaan kumaba jiraan, sidaa awgeed wey adeg tahay inay meel ka soo wada jeestaan oo ay dantooda doonaa. Lakiin waxaa cad ah in maanta ay kalsooni iyo isaamin dhumay. Dadka qaar ayaa yiraahda waa taa maanta Darood hamar ku noqdayee maxaad ku qaylineysaa, War yaa Hamar ku noqday? ma labada siyaasi iyo Odayga uu ilaahay Somalinimo ku sixray ayaad ka hadleysaan. Reer Carta haddii aaminka lagu qabo waxaan arki lahayn Somali oo dhan oo wadankoodii ku noqoneysa, hayada caalamiga ah iyo UN ayaa dig ugu celin lahaa Somalida xeryaha ku silicsan wadankoodii iyaguna maanta wadanka madeganaadeen. Marka Walaale dhibaatada ugu weyn waa in is aaminkii meesha ka baxay taana Hawiye ayaa eedeeda leh, hadan iyaga uun bey ku xiran tahay in aan mar danbe is aamino.However, The best start would be to say We are sincerly Sorry for the massacre and the other heinous atrocities commited by our men and women against the innocent Darood people who lived amongst us for decades if not centuries. |
    Warshiiq | Wednesday, March 28, 2001 - 09:38 am To: Garoowe sxb waxaad sheegtay waxbaa ka jira actually it amkes sense, laakiin markuu dagaal dhaco wax badan aas dadku iloobaa, tusaale ahaan; Diinta, walaalnimada, Darisnimada i.w.m Sxb aniga xamar aan joogay markii dagaalka dhacay, canu believe biloowgii sheekada dhanba lama socon ilaa mar danbe aan maqlay. Marka sxb maahan in qof walba hawiyye uu wax dilay amaba dagaalka galay. aniga waxeey ila tahay ineey saas aad u fikireeysay eesan aheen. sxb fiiri dagaalkii abgaal & Habargedir,,, H/gidir/Murudsade,,,,,,,,,,,,,,Xawaadle &habargidir and many more. marka hadii adi kaliya aad fiirineeysid ninkii Daarood ah ee dhintay ee aadan rabin inaad ogato in dhibka qqolo kasto kula qabto waa wareer,, sxb ameerikaanka aa hadii hal askeri ka dhinto maantoo dhan sheegsheegaayo waxaa laga yaabaa ineey iyaga 100 qof dileen just halkaas dhintay aa warkiisa la wadaa,,,,,,,,,, war iyo dhamaantiis sxb aan gaarno marka qof kasto uu ogaado in dagaalka uusan qolona u rooneen, cid walbana wax badan uga dhinteen oo la is cafiyo,,, sxb taas aa muhiim ah hadii kale waligaa waxaa dhahdaa waa la'i laayay. who is not? One more thing, i would like to remind u that i'm abgaal and my family lost more men than anyone else if that makes u feel good,,,,,, |
    MAGABADE | Saturday, March 31, 2001 - 02:39 am WARSHIIQ Maxaa tiri waligey ma maqlin Daarood lalaayey intaad xamar joogtey????? weligey ma maqal been taas oo kale ah, maashaa ALLAH, laakiinse waan idinka filanaayey. Aniga 1991 waxaa joogay Xamar, laheestana ku ahaa Illaahey iga nabad geliyey burcadii reer tolkaa ahaa oo dadka leenayeysay, indhaheegana ku soo arkay dad daarood ah oo maasaakiin ah oo intii indhaha laga soo xiray durbaan laga daba tumaayo oo la leeyahay INDHA XIRANE DAAROOD, maxasuusatid inta qof oo aad maalin walba soo dhigi jirteen TEREEBUUNKA ???? ogow kaligiin ha umaleenina inaad Xamar joogteen oo ceebtiin kaliigiin ma oga ee anagaa indhaha ku soo aragnay, teeda labaad ogow inaysan macquul aheen dhacdo noocaas ah oo saas uween oo dad lagu ugaarasanaayey Xamar dhexdeeda oo maalin walba sicad loo leenayey inaad tiraahdo waligeey mamaqal intaan Xamar joogey??? WAXAY ILA TAHAY INAADAN ADUUNKA OO DHAN MARKA AADAN LA SOCON. MISE MARKAAD DIBADA TIMAADAAN MAA WAXAA IDINKU DHACA MASKAX FALUUQ??? MISE QAADIRIYO BAAD KU JIRTAY?? MISE WAXAAD KU JIRTAY RAGII DURBAANADA KA DABATUMAAYEY????? Aniga garan maayo meesha aad ku AASNEED laakiin waxaan kuu sheegayaa iney waxaad ku hadashey aysan caqliga gali karin, mise adiga waxaad uun soo miirsatay markii HAWIYE dhexdiisa ay ka bilaabatey oo markaas uun baad dareentay XANUUNKA??? Waxaan aniga kuu sheegayaa wixii dhacay waa dhaceen kaaliin waxaan kuu sheegayaa inaad weli dadkii aad leeseen iyo inta joogtaba GURYAHOODII ku jirtaan oo aad leedihii ANAA XOREYSTAY marka mukulatahay adoo ficilkaa sameenaya in lagula hishiiyo oo intii aan isdhunkano aan niraahno XALA DHALAY taas saaxiib socon meyso, marka kaliya oo la hiishaaneyo waa marka ay Reer tolkaa ka kaaftoomaan xoola dadka ay har iyo habeen dhexhurdaan, markay dhab ka soo noqoto nabbad daayaana dagaalka ay ku hayaan Daarood meelkasta hajoogeen gaar ahaan Kismaayo iyo magaaloo yinka aad xooga ku heesataan, sidoo kale daarood kaliya dhibaato kuma heesaan oo soomaali oo dhan baad dhibaato ku heesaan laga bilaabo Kismaayo, Baraave iyo ilaa meel walba oo MOORYAANTIINA soo taabatay, OGOWNA HADII RUN IDINKA TAHAY NABBAD IYO WADA DAGANAASHO WAXAAD RAALI GALI LAHEEDEEN DADKA AAD SIDA XUN UGASHEEN. waa jirtaa inaad idinku dhexdiisa isleeseen, laakii qabiil walba dhexdiisa oo Daarood waa islaayey laftiisa laakiin ogow inay san lamid aheen XASUUQII XAMAR IYO KOONFURTA SOOMAALIYA oo cagta lamariyey dhamaan maatadii soomaaliyeed. waxaa kaloo arintaan ku arkay dad badan oo aad TOlwad tihiin, markaa Xamar Joogay habeen walba waxaa laleenayey dad masakiin ah oo intii guryahooda loogu dhaco sida larabo lagayelayey, waxaa kaloo lasii yaabay WADAADA ISKU SHEEGA HAWIYE markii dadka masaakiinta ah oo daarood laleenayey juuq madhihin oo dadka xataa uma sheegin danbiga iyo wax ay ku dhexjiraan, waxaan kaliya oo aan ka xasuustaa 1 WADAAD oo yiri Hawiyow waxaad ku jirtaan waa khalad oo wuxuu yiri "SALAADIINa LA IDINKAMA AQBALI DOONO SABABTOO AH MACAWIISTA AAD WADA QABTAAN WAA BILILIQO" Wadaadkaas aan hada magaciisa ilooway laakiinse aanan ilaawidoonin ayaan ka arkay wax Hawiye runta u sheegaya oo hawiye ah. Iyo wadaadkii kale oo MURUSADE oo aad ubixiseen DARBI DAAROOD oo garaashka lahaa dadka maasaakiintana ugur majiray, ninkaasna waa arkay qofkale oo HAWIYE ah ma soo raacin karo aniga oo runta u sheegay Hawiye markay xasuuqa ku jireen. Inata kala waxay noqdeen kuwa kaqeebqaata XASUUQA kuwa ku raaxeesta guryaha oo isdhahayey dhibaato idin maasoo gaareeso oo DAAROOD SOOMAALIYE waa laga saaray, iyo kuwa kale oo Baqdin meel lagay. waxaa kaloo la yaab leh markii ABGAAL IYO HABA GIDIR isdirireen waxaa soo baxay kumanaan WADAADO AH oo leh " YAA LA ISKU DAADIN DHIIGA MUSLINKA" oo dhiigii DAAROOD oo la daadiyey MUSLINA MAAHEEN MIYAA??????????? oO YAA IDIIN XALAALEEYEY?????? Marka socon meeso inaad hada wada tiraah daan aniga waxana arintaa kalama socon, aniga waxaan hubaa qofwalaba inay si wax ugu la heed si dadban ama si toosanba. waXaad kaloo diirateen wixii qaranka oo dhan lahaa hadana weli diyaar utihiin inaad wax diirataan, marka ii sheeg bal sida loola heshiinkaro dad aysan dhab ka aheen nabbada iyo soomaalinimado oo wax walaba ka horeesiiya QABIILkooda HAWEYI??????/ |
    buuloburte | Saturday, March 31, 2001 - 06:51 am TO: warshiiq sxb waa lagaa sax san yahay, garna eexo ma leh. sxb aniga waxaan jiray 17 sano markii dagaalka xamar ka dhacay inkastoo aanan active oo aanan xiiseeneen arimahaas hadana waxaa xamar lagu dilay dad faro badan oo masaakiin ah aana dagaal ku jirin tusaale yar aan ku siiyo: Maalin ayaa waxaa lagu qabtay jidka sodonka 4 nin oo daarood ah ka dibna indhaha laga xiray oo waxaa loo waday dhanka warshadaha. sxb dadkaas waxaa lagu eedeeyay ineey radio wateen oo jaajuuseen ahaayeen taasoo aheed been, waxeey wateen dhar iyo bustayaal eey kasoo qaateen guryahoodii la bililaqeeystay, markaas ka dib ayaa la dilay , aniga ma joogin laakiin waxaa ii sheegay saxiibkeey oo goob joog ahaa. Tusaale kale hadii aan kuu sheego maalin ayaa sidoo kale nin iyo sadex gabdhood ayaa la qabtay waxaan la rabay in la xoogo, markaas ka dib ayaa ninkii wuxuu yiri " war gabdhaheeyga hadaad rabtaan 3 nin iska soo bixiya aniga ayaa ku mehrinaaya oo xataa guri iyo lacagba anaa haaya, sxb ninkaas hortiis ayaa lagu xoogay gabdhihiisa waloow aanan joogin laakin waa wax dhacay. ugu danbeeyn waa hubaal in wax fool xun uu ka dhacay wadankeena hadaan nahay hawiyyena waa inaan soomaalida kale raali galinaa oo aan si fiican uga raali galinaa dhibkii iyo boobkii lagu sameeyay. abti runta waa lagama maarmaan hadii aanan runta laga hadlina wax xal ah oo la gaaraayo ma jirto. peace,,,, i'm out sxb aniga waxaan ahay Hawiyye qaas ahaan Baadi-cade |
    Caloofi | Saturday, March 31, 2001 - 07:03 am i agree with my homeboy buulo. there must be Reconciliation in somalia and also forget & forgive is needed. Hawiye has to appologise to all somalians specially to daaroods. we as hawiyye is no doubt that we indiscriminately killed innocent daaroods and looted there properties, houses and more. 1: all acuppied houses must be withdrawn. 2: personal landscapes must be returned to the owners. 3:Kismaayo must be a multinational city, Gaaljecel,shiiqaal, Biyomaal are the most settelers in the region,, Ogaden and Mj also reside in Kismaayo. habargidir and the rest of hawiyye and all somalians can live in the city. |
    Badhan | Saturday, March 31, 2001 - 08:59 am Calofi; Well said, but what about in the future? . Like I mentioned many times, the average Darood person wants to make sure that history does not repeat itself. Apologizing and returning the wealth, even thought I'm not sure if there is any wealth left in Mogadishu, are steps to the right direction, but what about tomorrow? . Calofi, even if the new "Gov." gets off the ground, it's possible that we see in the future another military coup, most likely by young dissatisfied generals from Hawiye Clan who would pick up the massacre from where Gen. Aidid left off. In my humble opinion, if we give a second opportunity they will definitely do it right this time around. The solution is simple, balanced federal system is the only way that we can insure the security of people (All Somalis). Each region should have its own national guard which receives command from the federal government, and God forbid, but if some thing happens and some crazy generals stage a military coup, then the national guard will go under the regional authority. This way there will never be one single powerful person or group who could destroy the country single handedly. This could be a long shot, but I even believe that we should have a rotating capital city, every five years or so. My friend, (example)let us say that we have some important issue to solve, and we must sit down in some place. In your view your house is a perfect place for us to meet and you insist that we should meet there. On the other hand, for me it is not, and I refused to go into your house again, because I remember what happened to me the last time I was there, and were so naive to build nice houses in Mogadishu like it was our country or at least part of it.. Likewise, until Hawiye communities recognize our legitimate fear of going back to Mogadishu, and agree to meet us halfway between our houses and their houses, I'm afraid that there will be no peace in our country ever. |
    Deeq | Saturday, March 31, 2001 - 04:00 pm Ku:Warshiikh Looma bahneyen in aad shegtid qabiilka aad ka dhalatay qoralkagga yaa nagu filnaa si laguu garto in aad Abgaal tahay. Tan labaad hadii reekaga la layay waxaa lagaga adkaday dagaal madama aysan WARAN KAR aheyn xirfadda dagalkana ay ku litaan. Marka ha barbar dhigin maatidda DAROOD ee Xamar iyo qeybo ka mid ah Konfurta Soomaaliya lagu xasuuqay. Darood, sida Abgaal dagaal loogama adkaan. Dalkiisa ahna qolo kale ma dul degin,Abgaalse waxaa lagaga badiyay dagaal ay kaga adkadeen rag mudug ka yimid welina dul dagan. Beesha kaliya ee Soomaaliyeed oo ilaa iyo manta dhulkeeda ka maqan kana samirtay in ay dib u qabsato waa Abgaal waxa soo racana waa Reer Xamar. Ugu danbeynti ma diidani in rag fara badan kaa dhinteen lakiinse ha iloobin in dagaal lagaga adkady hana barbar dhigin maatida rayidka ah ee guryahoodi iyaga oo jooga ama iyaga oo qax ah la xasuuqay. Abgaalna ahaa qabiilki ugu xumaa hawiye ee sida axmaqnimadda ah u layay rayidka. |
    warshiiq | Sunday, April 01, 2001 - 04:05 am Deeq wasaq sxb aniga guri aan lee yahay kuma jirto habargidir,, guryihii oo daaroodka lee daganyihiin marka aniga sxb wax iga galaa is ka yar mida kale aniga xamar kala bar aan daganahay, ogsoonoow in mar walba aan shaki ku jirin cida xamar iska leh taasna waxaa kuugu filan tusaale markasta oo wax maamul ah la dhiso yaa waaye dadka maamulka xamar qaato? sxb abgaal ayaa mar kasta iska leh jagooyinkaan 1: wasiirka arimaha gudaha 2: Gud. gobolka Banaadir 3:Duqa magaalada iyo kuwa kale oo badan tan madaxweene nimadana waxaa seembari iska leh waa Hiraab,,,,,, ama Abgaal ama Iljeex. Marka waa adiga sxb ninka la rabo inuu wax iska celiyo,,, qaasatan waxba hawiyye kale ha eedin just waa iljeex waxa idin laayay. sxb hadii aad xasuusatid waxeey ahaa cali mahdi iyo cosmaan axmed rooble odoyaashii sida cad cad uga soo horjeeday dagaalkii kismaayo iyo koonfurta oo rabay in la heshiiyo,,, ii sheeg Hawiyaha kale oo sidaas idiin difaacaayey. war iyo dhamaantiis sxb saan aan ku kala joogno, habargidirna anagaa wada dhalanay, amaa aan dagaalno ama heshiino,,,,,,,,, ma kula tahay in doowlada cabdi qaasim eey hal maalin taagnaan laheed hadiii eeysan abgaal raali ka aheen. peace |
    Caloofi | Sunday, April 01, 2001 - 04:44 am To: Badhan sxb, in the future nobody can forecast it, it's only allah who knows in the future. well there is one thing which is injustice and if i remind u, sxb the old regime has created cities and regions for ur ppl(Daarood) Do u approve it's justice that small regions has equal rights than the big one's? In Hiiraan there are more than 8 tribes in this region and has got more papulation than any other region in the country. we have already witnessed that idea during Arta conference and if that is the system u r ppl prefer than you r asking more than enough. Onother thing i disagree with u is: U mention a rotation capital city, cammon never ever head that kind of proposal, acountry needs one capital nomatter which city it's. as far as i'm concern the three big cities in our country can compete for capital,, Xamar, Hargeysa and Kismaayo. hear u ,,,, |
    tutsi | Sunday, April 08, 2001 - 04:45 am to ; dhamaantii waad mahadsan tihiin sida wanaaga leh ee aad u wada hadleysaan ,idinkoo is aflagaadeyn ,ninkastana waa in lagu tixgaliyaa afkaartiisa amase rayigiisa, salaan iga gudooma dhamaantiin aniga waxaan ahey ninka boga furey ,laakinse waxaan jeclahey in aan idiin sheego dhamaantiin waxaan ahey nin daarood ah oo la yaqaan balse waxaan taageero buuxda u hayaa dowlada kmg ah ,waayo waxaan u arkaa in xalka kaliya ee maanta somali la isugu keeni karo in uu yahay ,waan ognahey 10kii sano wixii nagu dhacey dhamaanteen ,qasarihii maal iyo moodba lahaa ee nagu dhacey ,waxaa loo bahan yahay in lagu tusaalo qaato,waxaan idin shegayaa in sheekada ah daarood iyo hawiye iyo isaaq in aan ka wada dharagsan nahey wixii ay na badeen idilkeen,cid walba waa is cuntay ,waa la is wada dooxey ,kadibna wax la kala qaadi waayey ,nin nin ka wanaagsan ma jiro ,tusaale asbuucyadii aan soo dhaafnay ,baladxaawo waa la isku laayey yaa is laayey waan naqaan,gaalkacyo waa la is ku laayey ,muqdisho waa la is laayey ,baydhabo waa la is ku laayey ,yaa is laayey ,waxaa is laayey waan wada naqaan waa dad isku jifo ah ,maxey isku laayeen xaqdaro,marka qabiil wanaagiis waan aragnay ,hadii aan la isdaba qaban waxaan ogaan doonaa in aale noo caroodey dambi dhaaf aan waydiisano ,xaasidninmoada aad deyno saaxiibayaal waxaan dowlada ula jiraa waa nabada iyo islaaxa ay doonayaan , ma donayno nin ee waa in aan garanaa ujeedada lixda bilood carte loo fadhiyey ,waxey aheyd in somali dowlad loo helo waad garan kartaan dhibka maanta somali heysata ,qofkii maqla somali waad garan kartaa wuxuu ku sifeynaayo,aduuyada waa naga daashey yaa muslimiin heshiisiinta ha la taageero ,xaasidninmada aan deyno ,beenta daaya iyo war xumo tashiilnimada waxaan ku shegayaa in raga ku shirsan etopia in aysan wadin maslaxo waa rag aan naqaan oo hadana dhaxfooda ma heshiin karaan ,shacabkana waa og yahey damaaciigooga ,war hadii ay xal wadaan maxaa tigreega hoos fariisiyey maxey goaano u gaari waayeen ,maxey dalka iyo dadka u laayeen ,maxey wax uga maqli waayeen dadkooda ,macadaalika xabashida waxey rabtaa in somalia aan waligey dowlad ka dhalan ,iyo 100 jaajuus 100 kaabo qabiil oo tuug ah in somalia loo googooyo loona qayb qeyb qeybiyo taasna yeyli meyno war hadii aay wanaag rabaan meel kasto iyo saacad kasto waan la hadleynaa ee soo fariisiya miiska wada hadalka sharuud laan waxaan idin shegayaa in in dowlada kmg ah ay diyaar u tahey wada hadal sharuud laan ah ee saaxiibayaal ragaas waan naqaan dhurwaa aamin ma leh in la dilo mooyee anagana dili mayno ee shacabka ayaa arki doona shekada qabyalada raqiiska ah joojiya waa iga talo somalia ha israacdo ha dhacaan jaajuusiinta macsalaama |