Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Dowladda - Somali Government: Dowladda - Somali Government (Current): Gangs and maleeshiya fights slops of boosaaso and danyarta oo dhagxyeeyey maleeshiyad boliiska isku sheegeyso
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Saturday, March 24, 2001 - 01:39 am
Saaka subaxnimadii ayaa Ciidanka Booliiska BL weerareen meesha la yiraahdo Geri hel oo ka tirsan Gobolka Bari Degmadda Qardho.

weerarkaas oo Booliisku ku qabqabanayeeen Koox dablay ah oo dhawaan dhacay Lacag caddadkeedu dhamaa 350, 000,000. (sadex boqol iyo konton kun oo Malyan) ahaydna Mushaarkii shaqaalaha ee ay lahayd Wasaarada Arimaha Guddaha BL.

qaar ka tirsan Saraakiisha Booliiska ee haatan ku sugan Degmada qardho waxay cadeeyeen in Weerarkaasu uu ka dhintay Nin, Nin kalena uu ka dhaawacmay Ciidanka Booliiska, halka Nimankii Dableyda ahaa uu ka dhintay Ninka la dhaho Cali Qooqane, uuna ku dhaawacmay Nin kale oo lagu magacaabo Jadhig, Ninkaas oo hadda lagu daweynaayo Cisbitaalka Degmadda Boosaaso iyada oo Booliisku haatan gacanta ku hayaan.

waxay kaloo wararku sheegayaan in isla saaka subaxnimadii koox dad ah oo ka careysan Hawlgaladii Booliiska ay Tuuryeeyeen Saldhiga Booliiska ee Degmada Qardho.

wararka ka imaanaya Degmadda Qardho ayaa sheegaya in Xaalada ay Haatan Deggan tahay kadib markii ay odayaasha deegaanku soo dhex galeen arrintii.

qaar ka tirsan Saraakiisha Booliiska oo ku sugan Qardho ayaa ii sheegay in Xaaladdu haatan degan tahay buuqii iyo dhagaxtuurkiina uu dhamaaday, Booliskuna ay hadda ku hawlan yihiin sidii ay u qaban lahaayeen labadii Dableyda ahayd ee Saaka ka baxsaday Hawlgaladii Booliiska.