Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Puntland Politics: Puntland Politics (Current): KING KONG OO SOO BAXSADAY!!!!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

GAASHAAN

Sunday, March 25, 2001 - 08:37 am
Waxaa isbuucii dhaweed ka soodagey Airport Frankfurt Cabdullahi Boqor Musse (KIng KOng)

oo ka yimid magaalada Madiina ee dalka sucuudiga asagoo halkaa u soo maray Xajka. Wuxuu King Kong sheegay inuusan Dib ugu noqon doonin Magaalada XAMAR asagoo sheegay intuu halkaa joogay inay in ka badan 50 jeer ay Cabdiqaasim Salaad Boy is jiireen, wuxuu yiri Xamar dowlad majoogto ee waxaa jooga LAHEESTAYAAL, wuxuu yiri Aniga hadii aan Xamar tagey waxaan u tagey inaan soomaali wax u qabto weyna ku faraxsanaayeen dadkii aanu u tagnay laakiinse dadkii aanu wada soconay ayaa waxaa cadaatay inay san dhab ka aheen soomaalinimo, wuxuu kaloo sheegay inuu intuu hayay jegeda Wasiirnimada had iyo jeer iska hor imaanayeen Saraakiil uu Cabdiqaasim soo magaacabay
King Kong wuxuu yiri aniga ma aaminsani sida wax loo wado waxaana go'aansaday maadaama aan la iiga baahneen Xamar inaan isga soo tago uuna Cabdiqaasim umaga cowdo jagadeeda ciduu rabo.
Wuxuu kaloo aniga ma aaminsani in wax walba Xamar lagu ekeeyo, hadii ciidan xereenaayona ina aan Xamar lagu ekeen oo soomaliya oo dhan laga aruursho laakiinse waxaa taas sicad ugu gacanjiiray Cabdiqaasim.
Waxaa la weediiyay sababta uu u aadi waayey dhanka Puntland, wuxuu yiri " Puntland maamulk bay kleedahay dhibaato taalna majirto, meesha dhibaatda ka jirto oo ubaahan in wax laga qabto waa Xamar, anaguna khasab maaha inaan tagno Puntland har iyo Habeen baanu wada xiriirnaa halkaasna dad baa had iyo jeer u dirnaa"
Waxaan weediinay sababta uusan u hadli oo ilaa iyo hada war looga waayey, wuxuu yiri taasi waxay la xiriirtaa go'aan aan aniga shaqsiyan qaatay kuna wajahan dad badan oo ay sameen ku yeelan karto wax kasta oo aan ku hadlo oo xataa dhibaato u geesan karta dad masaakiin ah.
Waxaa kaloo weediinay in uu isku soo sharixi doono madaxtinimada Puntland wuxuu yiri sidatan " aniga marabo inaan hada isku soo sharaxo Madaxtinimada hadii aan taas rabona waxaan kala tashan doonaa Reer Puntland markaan dib ugu laabto Puntland" Wuxuuna sheegay inuu heesto taageero kufilan haduu rabo inuu isa soo sharaxo.

King Kong ayaa la filaayaa inuu dhawaan u sii gudbo dhanka dalk Finland halkaas uu dagen yahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

GAASHAAN

Sunday, March 25, 2001 - 08:42 am
wuxuu King Kong hadalkiisa ku daray in markuu ka soo baxaayey magaalada Xamar dad badan oo LAHEESTAYAAL ah ka soo saarey oo soo galiyey dhanka dalka Sucuudiga, wuxuu kaloo sheegay in uu Ilaaladiisii iska badaley markuu ka soo baxayey Xamar uuna sheegay inaan la aamini karin uuna lahaa ilaalo u gaar ah, aana wax xiirii ah lalaheen maamulka Carta lagu soo dhisay iyo ganacsatada Xamar. "Xamar Illaah baa umaqan" ayaa kamid ahaa erayadiisa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hebel

Monday, March 26, 2001 - 02:02 am
King Kong horey buu usheegay wuxuu yiri wele Xargo farabadan baan isku soo xirxirayaa, waxaase qosal badan inuu si hoose ula shiray Caato iyo Muuse Suude oo kula taliyay inay Itoobiya aadaan meesha, marka waxaa aniga layaabana haya (Agenda)ha uu King Kong wato???

masidatan baa;

1- Kala qeebi oo isku dir hadhowna Diyaarad karaac.
2- soomaali isku keen haday soconweydana kacarar meesha.
3- Meesha tag wixii lacag lagu hayo ka soo dhac hadhowna Diyaaradaada ku dhac.
4- Xamar tag oo ishaada ku hay waxa lagu mulaaqaayo hadhona Basaasiin u dir Puntland oo sirta Carta kala faaqida?????

waxaan u maleenaa inuu agendihiisa uu ahaa Nr 4