Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Dowladda - Somali Government: Dowladda - Somali Government (Current): ARE YOU A NATURAL LEADER?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

THETELLER

Thursday, March 29, 2001 - 11:05 am
IF YOU WERE GIVEN THE OPPORTUNITY TO LEAD THE SOMALI NATION. HOW WOULD YOU LEAD THEM TO PROSPERITY? AND HOW WOULD YOU REACT SOLVE THE UNGOING PROBLEMS IN SOMALILAND?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Daahir

Thursday, March 29, 2001 - 04:33 pm
Aad baan arintan kaaga mahad celinayaa waayo waa mowduuc aad muhiim u ah.walaal marka hore umad waxaa hogaamiya shakhsi leh aragti fog waana shakhsi ka duwan umadda inteeda kale dhowr arimoodba waa ta koowaade waa haybad iyo sharaf ilaah qofkaa siiyay,sababta aan saa u leeyahay waa xirfadaasi oo ah xirfad aan la mid ahayn xirfadaha kale ee ay aadanuhu yeeshaan,waayo qof walba gaari waa uu baran karaa, dawaarluu noqonkaa,engineer buu noqon karaa,oo dhakhtarbuu noqon karaa laakiin hogaamiye qof walba ma noqdo.
tusaale ahaan eeg maraykanka 200 oo sano ka badan bay haystaan qaranimadooda waxaa soo maray 43 madaxweyne canada waxay jidhaa 130 in ka badan 13 ra'iisal wasaare ayay yeesheen.
Hadaan u soo laabto su'aashaadii walaal soomaali uma baahna hogaamiye waxay u baahan tahay shakhsiyaad u hura naftooda qaaliga ah,waayo waxaynu aragnaa heerka uu le'eg yahay khilaafkeena umaddeed,waxaynu u baahan nahay in wax walba hoos laga soo bilaabo si ay taxadar iyo feejignaani ku jidho,oo aynu qaadano wadadii lagaga bixi lahaa mugdigan.wadadaasi oo ah mid aan sahal ahayn una baahan aqoon,karti iyo geesinimo.waxaynu u baahanahay in la dhiso gudiyo kala duwan oo heer qaran ah oo soo darsa arimaha isku murugsan ee ka dhashay burburka ama jiray burburka ka hor iyo sidii loo wacyi gelin lahaa umadda soomaaliyeed.arinta waqooyiga soomaaliya waa arin aad xasaasi u ah waxayna u baahan tahay in si ay ku jirto degenaan looga hadlo,loona darso iyadoo la qadarinayo aragtida dadweynaha waqooyi iyo rabitaankooda midowga soomaaliyeed ka hor.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Shiil

Thursday, March 29, 2001 - 08:47 pm
Waa hagaag.
waa siduu Daahir kagadhawaajiyayee arrintu arrin sahlan ma'aha, maxaa yeelay meesha ay waxmarayaanbaan ahayn meel sahlan.
Inkastoon aaminsanahay in haddii dadkeeda lahelo laxallin karo "Somali political crisis" hadana waysii cuslaatay oo Itoobiya ayaa udhacday garaadkii soomaliya oon ulajeedo sixunbay ufahantahay caqligayaga iyo intuu dhanayahay, waagii hore waxaa itoobiya utalin jirey Amhara oo ahaa dadaan saa usii fogayn, haddase waxaa yimid Tigray oo ah dad aad u caqli badan una dagaalyahan ah taageerana uhaysta siyaasad kasta oo ay somalia kaqaadaan.
Marka arrinta hoggaaminta soomaaliya waxay ubaahantahay daraasad dheer waayo aqoon kasto ood leedahay khibrad kasta ood leedahay mamidayn kartid soomaaliya, dad badanbaa iskudayey lagasoo billaabo Imaam Axmed Gurey ugu danbaysii Siyad Barre waa luguwada fashilmay, waliba fashilaad aad uxun oo la'eeday ayaa lugu fashilmay:
Arrinta xalka soomaliya waa Italian somaliland waxaan dhihi lahaa sidan:
1- maadaama ayna jirin dareen walaaltnimo iyo dareen qaranimo oo la'iskuhallaynkaro maanta sidoo kale ayna dadku fahamsanayn qaranimo waa in waxloo dhiso gobol gobol oo marka ay noqoto in loo tartamo gobol qolo walbana ay doorato shakhsigay kuqnacsantahay si tartiib tartiib loosoo dhiso gobolaysi intii iyadu iskuqanacsan xaaladana xasisho oo kadib markaa lasammeeyo xidhiidh udhaxeeyo gobolada oo arimahooda kadhaxeeyo maamulo wadana xidhiidhiyo.
Sidoo kale maamul walba madaxdiisa ay hubka kadhigto dadkeeda si colaadda qabiilada udhxaysa uyaraato halkaasna horey looga socdo oo sanadba sanadka kadanbeeyo lasii gaamuro illaa marka danbe lagaadho heer layidhaa aynu dawlad dhisanno hadda waynu qaangaadhanay, waxaan dhihi lahaa waa hawl ay qaadanayso ugu yaraan 25. Qof walbana waa inuu ogaado inuusan shaqaynin heshiis ay soomaali kalasaxiixato wakhti yar gudihii maxaa yeelay nolosheennu malaha saldhig waxwalba waa kumeelgaadh.

2- Inaan Itoobiya laheshiinno una fulino shuruudaha ay rabto sida dakad xor ah iwm. lana gallo heshiis ah inayna faraha nalasoo galin sidoo kale aan ballan qaadno inaan annagana kadanbaynayno illeen nimnku waa "Masters" annagana waxaan nahay masaakiin aan qiyaasi karin waxa barri dhici.
Colaad kasta oon Itoobiya umuujinno dhibaato waynbay noo keeni marka waa waxaan kukhasbannahay inaan anagoo jirro adeecno ama waxay noqoni inay naliqdo anagoon jirin waana sida ay hadda wax u muuqdaan.

Arrinta Britsh somliland iyada xalkeeda wuxuu ubaahanyahay labo shay:
In dawlad la'ictiraafsanayahay oo shacbiyad leh kadhalato koonfur.
Iyo in qabiilada dego dhulkaa uwada dhanyihiin go'aankooda.
Haddii labadaa lahelo qadiyadda British somaliland waa wax aad ufud siyaasi kasta oo garaad leh wuu xallin karaa waliba xal abadiyan ah luguna wada qanco.
Intaasaan ugabaxay waa inoo ismaqal danbe oo xiiso leh.