Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Dowladda - Somali Government: Dowladda - Somali Government (Current): Soomaali Diid waa Doqon-nimo, Dowlad Diidse waa Danahaa.
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Osman Abdulkadir

Saturday, March 31, 2001 - 02:05 pm
Waxaad iga guddoontiin dhamaan Soomaaliyeey Sallaan aad iyo aad u wanaagsan anigoo magacayga la yiraahdo C/Qaadir Cusmaan, Sallaantaas ka dib waxaan rabaa inaan halkaan ka dhiibto Fikradayda ku aadan Dowlada maanta ku meel gaarka lagu magacaabo ee ka jirta Muqdisho inkastoo aan anigaba ka soo jeedo dadka reer Muqdisho oo hadana aanan ahayn nin diidan in dalku helo dowlad
ayaan hadana aan waxaan ka mid ahay in badan oo ka soo horjeeda maanta tan Xamar cadde taalo waayo
waxa aan uga soo horjeedo ma aha Siyaasad oo anigu Siyaasi ma ihiee waxaan uga soo hor jeedaa
1- Waxaanan weli arag wax loo riyaaqo oo wax qabad iska daaye aan ahayn wax dhihid quman.
2- Waxay xooga saartay in ay dibadaha ku wareegto oo ay hilmaanto tii gudaha marka laga reebo xod-xodashada ganacsatada iyo kuwa ay is leedahay ka soo horjeedkooda Siyaasadeed waa idiin dhib.
3- Iyo iyadoo aan u arko si uu u xoogaysto sii jiritaankeeda in ay ku tala galleen nimanka madaxda ka ah inay meeshay dooto hala gashee ay run iyo beenba ku dhaqmaan, waxaana ognahay in been iyo run laysku daray ay dumisay Dowladii hore ee Soomaaliya iyo weliba aan ognahay dhibaatada ay u geeysatay wadanka Keenya markii ay madaxdoodu ka been sheegeen waxa dalka ka jira.
Hadaba waxaan kula talinayaa dhamaan inta ka soo hor jeeda dowladaan in aysan isku qaldin Xukunka iyo Dalka iyo Dadka.
Qofwalbaa waa diidi karaa inta talada haysa haddii uu isaga wax dhaama keenaayo laakiin ma aha in la diido in loo daneeyo Dalka iyo Dadka.
Sidaas iyo Nabad gelyo. Mahadsanidiin