Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Dowladda - Somali Government: Dowladda - Somali Government (Current): Halla taageero dawladda ayaduna wax haka badasho siyaasadeeda
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gacaliye

Saturday, March 31, 2001 - 04:28 pm
waa aragnay waxay dawlad la'aan tahay, iyo dhibka ay leedahay.
dad waynaha waxaan ku leeyahay aan taageerno naf iyo maalba dawladda aan 6da bilood carta u fadhinnay, yuusan dadaalkaas hal bacaad lugu lisay naga noqonin.
dawladdana waxaan leeyahay wax ha qabato.
ciidankii qaranka ha hubeeyso inta ay maleeshiyada qaadka u gadayso ciidankii qaran haku abaabusho.
qab qablayaashana waxaan leeyahay ilaahay ha idin qaado qeyr idinkama soo muuqdee, waxbaan dilaynaa, waxbaan afduubaynaa, iyo waxbaan dhacaynaa ayaad bannaan cid la ah la soo taagantihiin.
dadkii idinma rabaan oo waa idin diideen, ee Melles soomaali ha idiin noqdo oo wax ha idinka dhigo, cadaawa kal kaal inaad tihiin ilmaha 5 jirka ah ayaa og.
waxaad noqoteen koox argagixiso ah oo aduunkii uu arkay, waad dhimanaysaan oo naf lacaari ayad tihiin Rabbi nafta si dag dag ha idinkaga bixiyo ummadana ilaahay ha idin dhaafiyo meel xun iyo meel xaraarna ku danbeeya, duco waa la idinka daalay ee ilaahay ha idin qabto qabasho aadnan mar danbe fakanin.
gacan cadaw ku dhinta gacan soomaali waa idin qaban weeydee.
dhulkaa la idinka habaaray ee Rabbi samda haka ajiibo, awoodda shacabkuna waa intaas illeen waad dulleeysateene.
waxaadna ogaataan in waqtigiinni dhamaaday, ee si xun u dhinta.