Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Dowladda - Somali Government: Dowladda - Somali Government (Current): Ali khaliif galaydh oo ku hor ooyay wariyaashii ugi yimi hoteel-kiisa
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Patriot

Saturday, March 31, 2001 - 07:27 pm
Ra'iisal Wasaaraha kooxda Carta, Cali Khaliif Galayr, waxa uu dhaleeceyntii ugu kululeyd la beegsaday maanta dowladda Itoobiya, waxaana uu ku eedeeyey inay mar kale qabsatay magaalada Beled Xaawo ee gobolka Gedo, isagoo sheegay in dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmayba ay iyadu mas'uuliyaddooda
leedahay.

"Dadka la laayey waa dad ku dhintay dagaal xaq ah, loona dilay si xaqdarro ah" ayuu yiri Cali Khaliif Galayr oo sheegay in dadkii ku dhintay dagaalkii shalay ka dhacay gobolka Gedo ay ku jireen dad Keenyaan ah.

Isagoo maanta shir jaraa'id ku qabtay xafiiskiisa oo ku yaala hotel ramadaan oo ah halka ay kooxda carta degan tahay ilaa iyo intii lagu soo aasaasay jibouti , waxa uu tilmaamay in Itoobiya ay
ku hayso culeys iyo cadaadis siyaasadeed dowladdiisa, ayna ku soo hubeynayso kooxaha iyaga ka soo horjeeda. "Dagaal cad bay nagu soo qaaday Itoobiya" ayuu yiri. Ra'iisal Wasaaraha dowladda KMG ah, waxa uu si kulul u dhaleeceeyey daba ka soo riixa dowladda Itoobiya ay ku soo foofinayso Soomaaliya hoggaamiye kooxeedyada ku shiraya dalkeeda., waxaana uu Cali Khaliif ku celiyey cambaareynta ku wajahan Itoobiya inay tahay caqabadda keliya ee hor taagan natiijooyinkii lagu gaaray shirkii dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee Jabuuti.

Waxa uu ishaaray in Itoobiya ay doc wareeminayso dadaalka dowladda KMG ah ee Soomaaliya ay ku doonayso inay nabad kaga aslaaxiso dalka. "Fadqallo ayay rabtaa inay abuurto, iyadoo qadadka ay isticmaalayso uu kala duwan yahay, waana lafa Maroodi iyagaa la isku jebiyaa" ayuu yiri.

"Kama yeeleyno arrintaas, si allaale sidaan ula dagaallami karno ayaan uga hor tagaynaa" ayuu yiri Cali Khaliif Galayr. Waxa uu si caro leh u weeraray Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi oo uu yiri "wuu ka xun yahay Boqor Xayle Selaase iyo Mingistu Xayle Mariam." Cali Khaliif Galayr, waxa uu ku tilmaamay Itoobiya inay la mid tahay cudur aan bixin oo ku dhex jira ummadda gobolka. "Itoobiya baajada ha kala baxdo Geeska Afrika" ayuu yiri. "Gacanta Meles Zenawi ma qarin karto qorraxda" ayuu sii daba dhigay.

Waxa uu Galayr sheegay in madaxda Itoobiya ay ku marmarsiyoonayaan inay wadaan nabadeynta Soomaaliya, "adduunku maanta waa global village, waxayna dunidu kula hadashay Itoobiya diplomatic language" ayuu yiri Galayr.

"Hadday Itoobiya is leedahay dhowr iyo tobon warlord oo ay soo boqorto ayaa Soomaaliya u talin kara waynu arki" ayuu yiri Ra'iisal Wasaare Galayr oo ay ka muuqatay intii lagu jiray shirka jaraa'id caro saa'id ah oo uu u hayo taliska Addis Ababa.

Waxa uu ku nuuxnuuxsaday in Meles Zenawi iyo maamulkiisu ay yihiin koox tiro yar oo aan aqlabiyad ka wada haysan shucuubta Itoobiya, hase ahaatee waxa ay doonayaan ayuu yiri inay labada dal u abuuraan colaad fac ka fac ah, "nimankan Tigreega ee tirada yar way ku ciirsan tahay hadda" ayuu yiri. Cali Khaliif, waxa uu si kulul u weeraray qaabka miliqsan ee ay Itoobiya kula macaamilayso Soomaaliya iyo siyaasaddeeda wejiyada badan leh ee ay kula galgalanayso dalka, waxaana uu uga digay inay ka waantowdo falalkaas.

Waxa uu daleesha kale u jeediyey cambaareyn Wayne Long oo nabadgelyada u qaabilsan hay'adaha Qaramada Midoobay ee ka howlgala Soomaaliya. "Afar wiil oo security kala taliya UN-ka kama tala bixin karaan xaaladda dalka" ayuu yiri, isagoo qeexay in wixii hadda ka dambeeya aanay Muqdisho soo geli karin Wayne Long iyo raggiisa. "Waxay u soo tafa xayteen inay Soomaaliya ka shaqeystaan, ilmahoodana ay wax ugu bartaan Nairobi, tennis ugu ciyaaraan, lacag fara badanna iska qaataan, si aanay Muqdisho nabad u noqonin" ayuu yiri.

"Wayne Long kuma eka arrimo nabadgelyo, waxaana is leennahay dad baa ka dambeeya" ayuu yiri Galayr oo diiday inuu noo sheego dadka ka dambeeya ee uu ku tuhmayo. "Wuxuu isu haystaa inuu isagu yahay kan aqoonta u leh Soomaaliya dhinaca siyaasadda, dhaqaalaha iyo nabadgelyada, wuxuuna gadaal iyo horey u bartay afar qabiil magacyadood" ayuu ku daray.

Ra'iisal Wasaaraha dowladda KMG ah, waxa uu ku celiyey mar kale cambaareynta weerarkii maliishiyada Muuse Suudi ay ku qaadeen shaqaalaha hay'adaha UN-ka iyo MSF. "Falkaasi waa fal terror ah oo ay geysteen terrorists" ayuu yiri. Waxa uu ku sifeeyey dambiilayaal maliishiyada Muuse Suudi, waxaana uu sheegay inay u gudbiyeen arrintaas booliska adduunka ee Interpol loo yaqaan, "Addis Ababa kuma dhuuman karaan, Xamarna nabad kuma joogi karaan" ayuu yiri.

Waxa uu soo dhoweeyey warbixintii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ka soo saaray shalay arrinta Soomaaliya, waxaana uu sheegay in hoggaamiye kooxeedyada ku shiraya Itoobiya ay yihiin 20 nin oo is xushay. "Maxay tahay haddaba tallaabada ay qaadi karaan rag is xushay oo qaar ay maamulaan?" ayuu is weydiiyey, isagoo sheegay in howsha raggaasi ay tahay sida uu u adeegsaday haw-haw-baas oo uu ku macneeyey nin iska hadlay. "Muuse Suudi ma jirto cid uu wakiil ka yahay,
beeshiisa xitaa wakiil kama aha" ayuu yiri Cali Khaliif Galayr oo sheegay in beesha uu ka dhashay
Muuse Suudi ay taageersan tahay dowladda KMG ah. "Waxaan maqlayey Muuse Suudi oo leh dad baan u jarayaa exit visa. Haddii aanaan annagu Xamar u dhalan, Muuseba wuxuu ku dhashay meel Xamar u jirta 300km, sidaas awgeed dhammaanteen magaalada waan ka wada baxaynaa" ayuu yiri Galayr.

Dhanka kale, shirkaasi jaraa'id kaddib waxaa iyaguna shir kale oo saxaafadeed ku qabtay hoteelka Ramadaan ee magaalada Muqdisho Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cabdi Cali Xasan, Wasiir ku xigeenka Qorsheynta Cabdi Shire Warsame iyo Maxamed Cumar Ibraahim oo ah Wasiir ku xigeenka Beeraha, kuwaas oo dhammaantood ka soo jeeda gobolka Gedo.


Waxa ay sheegeen in xaaladda gobolku ay haatan qasan tahay, ayna ilaa hadda warka ku hayaan in tiro ka badan 30 qof ay ku dhinteen dagaalkii shalay dhacay, tiro intaas ka badanna uu dhaawac ka soo gaaray dagaalku. Xubnahaasi, waxa ay sheegeen inay ka xun yihiin dagaallada oo dhex maraya qabaa'il wada deggan gobolka, waxaana ay ku eedeeyeen Itoobiya inay hub isugu dhiibayso dadweynaha wada dhashay. "Waxaan ugu baaqeynaa waxgaradka in loo guntado sidii arrintan wax looga qaban lahaa, loona howlgalo dib u heshiisiin buuxda oo ku saleysan wada hadal iyo is qancin si loo soo afjaro xurgufaha jira, waxaanan diyaar u nahay inaan ka qaadanno arrintaas kaalinta nagaga aadan" ayay yiraahdeen.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Run-sheeg

Saturday, March 31, 2001 - 07:48 pm
aniga inta aan aad ugu qoslay, marka uu leeyahay waxaan u gudbiyay police adduunka ee interpol loo yaqaan addis ababa kuma dhuuman karaan hamarna nabad kuma joogi karaan.
waxaa horay loo yiri tiisa daryeelaa tu kale ku dara, inna khaliif galaydh waxaad iloowsan tahay, inay xamar ilaah ka sokow aad cayr madaxooda ku joogtid, marka ma waxaad is tiri cayr ayaa kuu soo qafaalaya dhamaan beesha abgaal, mise interpole ayaad is leedahay waa qolo aad contract la gashay oo bussiness-kaaga kuu fulinaaya, fulay baad tahay maantaad is cadaysay, shalayna muuse suudi xamar asagaa ka talinaayay, maantana wuu ka taliyaa, mar dhawna exit ayuu kuu gooynayaa oo aakhirkaa saddex meel midkood ayaad ku danbaynaysaa.
1- cayr oo kugu taga
2- xabsi puntland ama
3- xabsi somaliland.
doqon fowqal doqon. waxaad adoo kale lagu sifeeyaa shisheeye ka duul oo shisheeye u duul cid ku sheegatana la waa!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

C-waaxid

Saturday, March 31, 2001 - 09:24 pm
war waxani oohin ka badan, maxaa helay waa kaa inna galaydh qaylo afka ka buuxsadaye, ali kahliif galaydh ma project-gii baa qaldamay taad isku ogaydeen ismail, shuluq, abdi qasab. ee ahayd in magaca ummada wax lagu dhaco.

ali khaliif kolay wax heli mayside, yaysan mooryaan meeshaas kugu furan, ee intay goori goori tahay, america isaga soo noqo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

JOE MOHAMOUD

Saturday, March 31, 2001 - 09:56 pm
HEY LISTEN RUN-SHEEG; YOU DON'T HAVE TO DISRESPECT GALEYDH. AND DON'T TELL ME YOU SUPPORT SUDI AFTER WHAT HE'S DONE LAST WEEK? WHAT HE'S DONE WAS AND STILL DOING IS UNBELEIVABLE, CRAZY AND INHUMAN CRUELTY WHICH I NEVER EXPECTED FROM HIM OR NEVER EVEN CROSSED MY MIND, NOT EVEN FOR A SPLIT SECOND. I THOUGHT THE GUY STOOD OF WHAT ARTA PEOPLE DID NOT STAND FOR.
WAS HE PLAYING HARD TO GET? WHAT WAS HE TRYING TO PROVE? WAS HE THINKING THAT HE CAN TERORISE PEOPLE SO NO ONE ELSE COMES TO HELP THE ONES THAT ARE IN NEED IN SOMALIA? WAS HE TRYING TO ATTRACT A CERTAIN AMOUNT OF ATTENTION? DOES HE KNOW THAT HIS DECISIONS HAVE CONSIDERABLE EFFECTON THE LIVES OF ALL SOMALIAN CITIZENRY WHEREEVER THEY ARE. PLS; JUST TRY TO EXPRESS SIMPLE AND WIDELY UNDERSTANDABLE ANSWERS TO MY QUESTIONS. BUT TO TELL YA THE TRUTH I OBJECT STRENUOUSLY HIS POLITICAL REASONS AND HIS MORAL ONES FOR KIDNAPPING THESE MEDICAL STAFF. I SAID TO MYSELF:"HERE WE GO AGAIN! IT'S ALL OVER AGAIN." I WAS DISTRESSED BY HIS ATTITUDE OF THIS SITUATION. WHAT DID HE DO? INSTEAD OF TAKING ADVANTAGE OF HIS POWER TO OPEN UP TO UNIVERSAL DISCUSSION, HE FOUND NOTHING MORE PRESSING TO DO THAN TO SHRIVEL UP BADLY WITH THE NOTION OF TERORISM. HIS APPROACH TO THIS SITUATION EVEN HIS FELLOW BLOODLORDS COULD BE SUMMARIZED AS REJECTING ANYTHING THAT CAME FROM THEIR SO CALLED PEACE MISSION IN ETHIOPIA AND SEEKING ONLY TO INCREASE THE PROBLEMS OF THE SOUTHERN REGION. I FOUND THIS MOVING BACKWARD VERY SAD.
UNFORTUNATELY, THE POLITICAL CONTEXT OF THIS TIME ENCOURAGES SUCH A TURNING INWARD, ESPECIALLY AMONG THE SHORT-SIGHTED. BECAUSE THERE WAS NOTHING ATTRACTIVE ABOUT THE SITUATION AT THIS LEVEL. I MUST SAY IT ALL HELPED TO CREATE AN IMPRESSION OF MESSY-POWERLESSNESS AMONG ALL THESE GROUPS IN MOGADISHU. AT THE SAME TIME AS THE ARTA GROUP WAS PURSUING ITS QUIET REVOLUTION WITH AN ENERGY THAT WAS NO DOUBT DIMINISHING BUT WAS STILL PRESENT UNTIL THE KIDNAPPING WAS DONE BY SUDI'S GROUP (ITS DEFEAT). SUCH A CONTRAST BETWEEN THE TWO GROUPS DID NOTHING TO DEMONSTRATE THE BENEFITS OF SUCH GOOD HELP FROM THE AIDE AGENCIES. I DON'T WANT TO PRETEND THAT I'M IGNORANT OF HIS EXISTENCE; NOR AM I UNAWARE OF THE HYPOTHESIS ADVANCED BY CERTAIN WARLORDS BUT, WHAT'S THE POINT OF HAVING IMPRISONED PEOPLE HE KNEW TO BE INNOCENT? IN LIFE THERE'RE QUESTIONS AND THEY NEED ANSWERS WHILE AT THE SAME TIME MISTAKES ARE MISTAKES. BUT, SINCE THERE'S A DEMAND I HOPE THAT HE WOULD DO SOMETHING TO GET THE TERRORIST SITUATION UNDER CONTROL AND DO IT QUICKLY. MOST OF THE TIME WISHES DON'T CHANGE REALITY BUT I HOPE IN SUCH CIRCUMSTANCES THERE WILL BE MORE CHANGES AS NEEDED.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DEEQ

Sunday, April 01, 2001 - 01:55 am
Hello Runsheeg, Run ma aadan sheegin marka hore,
marka xigtana waa nasiib daro in dad Soomaaliyeed
wali saas ufikiraan iyagoo isticmaalaya qalabka casriga ah ee INTERNET ka, Saaxiib xageed wax ka arag tay? waxaad isticmaashay magacyo qabiil sida Abgaal,Cayr iyoIWM, fikirka noocaas ah waxba uguma
taraysid Abgaal iyo naftaada toona jiritaankeenana
waad aasaysaa.

Hadii lawaayo Qaran Soomaaliyeed khtarta ugu wayn waxaa kugu haya midka dad kuugu xiga. qaran,Qabiil
iyo Qoysba waa laysu laayay ee yaa kufaa iiday?

Maxay tahay baahida kuuhaysa in Qabiil kuumacaanaado? fikirada noocaas ah maslaxad ma aha
waa inaad badashaa, waxaan ubaahanahay xal dag dag ah, majirto wax wado ah oo Soomaalida ufuran
Dawladoo lataageero mooyee, waryaa markaad Abgaal iyo Galaydh ku meeraysanaysid away Soomaali-wayn barwaaqo ugu noolaata Bariga Africa? miyaad umalayn inaynu saas horu mar ku? waryaa C/qaasim iyo Galaydh waa 60 jiro oo bariba way socdaan soocawaaqib xumada adiga kuuma hadhayso haddaad tahay Somali-teenager.

Wadanka maslaxadiisa aan ka shaqayno cuqdada iyo xumaan tana hala ilaawo waa camal shaydhaan ee.
Aan ku tusaalo qaadano boqolaalka nabada diiday ee maalin kasta sida lama filaanka ah ugu dhimanaya Dagaalada alla yaa maanta wax waydiiya!,

waxaan urajaynayaa Soomaalida khayr iyo wanaag.
Deeq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wadani

Sunday, April 01, 2001 - 07:25 pm
KU Dhamaan inta miir qabka ah.

waxaan jeclahay inaan halkaan ka cadeeyo, inaanan ismail shuluq dad aanan waxba ahayn uusan soomaaliya uga dhigi karin madax, ali khaliif galaydh soomaaliya waa kala baxday, horta adi afkee lagu gula hadlaa ma af cayr baa mise sidii dameer-kii, haddii aad leedahay anigu waxaan ahay ama ha la igula hadlo sida kooxda maanta ka mas'uulka ah ee cayr kolay waa arin cusub oo soomaali ku cusub nin aan meel lagu abtirsiinyyo aan lahayn kuma aanan ogayn reer-ka aad ka dhalatay inay sidaas u yihiin mid magacooda looga tago, taas waa mid adi iyo dadnimo xumadaada ah iyo meel ka dhac reer-kaaga, waxaanse qirsan nahay in aadan ku talo ahayn dhulbahante ama daarood oo aad tahay waxaanan ahayn dameer cayr, sida dameerka loola hadlaa waa adigoo ul la dhacdid, kolay ushii waa la soo subkayaaye dhabarka sii dhigo, muuse suudi waa soo socdaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abgaal-cusmaan

Sunday, April 01, 2001 - 08:45 pm
aryaa xaa ku wadno weyni ah halka galayr la dhaho, muuse waa imaahaa ee isa sii diyaari dhabarkaaga si fiican u sii subko saysan sarbida kuugu dhegin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Sunday, April 01, 2001 - 08:52 pm
C/raxmaan Ducaale oo in kabadan laba bilood lagu haystay guri ku yaal degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho ayaan weli la siidayn.
Horay waxay ugu heshiiyeen nimanka haysta iyo beesha uu ka dhashay C/raxmaan Ducaale in ay bixiyaan $24000 laakiin beesha uu ka dhashay C/raxmaan Ducaale ayaa diiday arrintaas, iyaga oo sheegay inay arrintaas waddo ku furto, oo ay xubnaha kale ee beesha ee ka mid ah kooxda carta sidaas oo kale loo qafaasho.

Sida uu ii sheegay nabadoon ka tirsan beeshaas, beeshu waxay go'aan ku gaartay inaanay wax lacag ah bixin, "iyagu hasii daayaan ama ha dilaan" ayaa ka mid ahaa hadaladii nabadoonka.

Galaydh adna ogow in sidaas oo kale kuu danbayn doonto marka lagu qafaasho, ilayn wax kaa soo siidayn doona ma jiraane, kan ba ali mahdigii uu ahaa kaba qaadka waa diiday inuu lacag ka bixiyo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

askari

Tuesday, April 03, 2001 - 06:58 am
to qolada reera qafaal

waxaa la yaableh in wali dad fara badani ay
maskaxdoodu ka buuxdo qurun iyo wax aan loo
baahnayn,dana aan u ahayn inay wax ku xaliyaan
qasaaro moogiyee.war heedhe habar-gidir inay
dad la heshiiso iska daayee ayagaa naf jacayl
xukunimo jacayl futada iska jira oo isku diidan
laf ayaga ka mid ah inay jagada kursiga qabato.
hadaba waa su'aale goormaay habar-gidir ay
soomali wayn qabiil kasta ah leh ay la heshiin.
haday rabaan laf kasta oo habar-gidir inay
xukunka qabato taasi waa dhuuni raacato aan
damiir iyo maskax midna lahayn intay isku maqan
yihiina dhamaatay soomaali inteeda kale.
war daarood baa u ogal inay taliyaane hawiyuhu
maxay tahay maangaabnimadaan iyo xukun jacaylkaan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nacx

Wednesday, April 04, 2001 - 01:20 am
Galayr waa nin jaha wareeray oo saliidii iyo biyihii isku daray. Waa nin dalka ka maqnaa sanado badan oo aan warna u haynin halka ay xaaladu marayso iyo wixii dhacay . Waa nin xukun doon ah oo doonaya in uu kursi un helo, iyo inuu wax dhaco isagaoo ku adeegananya magaca Somali. Abgaal waa inuu Muruqiisa isticmaala uu Asaga , Hasan Abshir iyo Kingkong Haraati uga soo saaro xamar.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Haybe

Wednesday, April 04, 2001 - 09:23 am
I must agree with Mr. Joe Mahomoud. Warlords have been terrorizing the nation over ten years, and they have slaughtered innocent people. Its very disturbing to see so many of you support such ruthless behaviors. Listen to what so of you are saying! Do you honestly support, the killing, raping, looting, and terrorizing innocent people who cannot defend themselves for the sake of the tribe? On the other hand, you people are Critical the new government. I personally happened to think, the new government is the best thing that happened to us the last eleven years. Human being doesn't like to see changes, and most of all Somalis are afraid to change the warlords. why don't we want change those bloodsuckers? Is it because we don't know what's going to come next? Or we don't want to change because its not the best interest of our- individual tribes? Maybe it's little bit of both. But its sickening to think, situation would get worst we're already hit the bottom-any change would be better than the worlords.
Some of you even had the courage to disrespect honorable Pro. A. Khalif Glaydh. Just remember Mudane Glaydh could have any job in the world, but he decided to save this home country from getting rape by the warlords. Mudane Glaydh has every attention to rebuild the nation through peace-not violent approach.
The new government deserves its term, and we should give whatever support it needs, since we have given the warlord over ten years. The new government is temporary, and if you don't like what the government accomplishes-at the end of its term's it can be replaced with qualified leaders-people who are educated-not warlords.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hawiye

Wednesday, April 04, 2001 - 08:28 pm
NOOLOOW GALAYDH NOOLOOW
NOOLOOW GALAYDH NOOLOOW


Majeerteen iyo A/Awal Caaya ama ha Caayina koleyba ALI KHALIIF GALEYR waa Raiisul Wasaaraha Soomaalia ka naxow nafta waa