Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Dowladda - Somali Government: Dowladda - Somali Government (Current): Abdi-qasab oo suuqyadii xamar ku soo daynaya lacagihii beenta ahaa ee reerihiisa soo sameeyeen(cayr gaajo).
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sahal

Tuesday, April 03, 2001 - 06:52 pm
Sarifka doolarka ayaa maanta gaadhay halkii ugu saraysay. In mudo ahba waxaa kajiray suuqyada sarifka ee magaalada muqdisho sicir barar aad u sareeya oo tan iyo intii ay nimanka ganacsatada ahi ay soo samaysteen lacagaha been abuurka ah oo tii ugu tanbaysay ay keensadeen mudo hada laga joogo laba bilood ayaa waxay arintaasi dhibaato ku haysaa mar walba dadka dan yarta ah.
Wuxuu maanta gaadhay sarifka doolarku oo lagu kala qaadanayey halkii doolar 15,600 oo shilin soomaali ah, sida ay noo sheegeen qaar ka mid ah sariflayaasha suuqa bakaaraha. Mar ay ka hadlayeen sababta keentay in uu sidaas cirka iskugu shareero ayey ku tilmaameen in ay tahay dad ganacsato ah oo suuqyada soo galiya lacag shilin soomaali ah oo xad dhaaf ah oo mar walba bilaha dhamaadkooda ama bilowgooda ay keenaan suuqyada.