    ASKARI | Wednesday, April 04, 2001 - 10:33 pm Waxaa shalay shir isugu yimid gohala Wasiirada iyo Nabadgalyada ee Puntland kuwaas oo halkaas khudbad uga jeediyey wixii ka soo baxay shirarkii uu kaqeeb galay M/W Cabdullahi Yussuf oo sheegay in shirka Dowlada soomaliya lagu dhisidoono lagu qaban doono Garowe, sheegayna shirkii Itoobiya inuu asaga KHarashkii ku baxay uu baxshay, taas oo kor udhaafaysa 200.000.00(labo boqol oo kun oo dollar) wuxuu gabagabadii golaga wasiirada soo dhexdhigay in doorasha Madaxweeninimada hal (1) sano dib loo dhigo, oo wuxuu taas daliil uga dhigay in aa Kharash loo heen, isla markaasna waxaa layaab leh inuu sheegay inuu bixindoona Kharashaka ku baxaaya Shirweena Garoowe ka dhicidoona kaas oo la sheegay inuu ku bixindoono lacag kor udhaafeysa 5milyan oo dollar. Waxaa taas lasheegay ineysan wax jawaabo ah aysan kabixin Wasiirada iyo Guddiga Nabadgelyada, M/W Cabdullahi Yussuf wuxuu arintaa soo hordhigi doonaa Isimada Puntland lamana garanaayo waxay arintaa ka oran lahaayeen. Waxaa islamaraak magaalada Garowe dood uga socotaa golaha Baarlamaanka oo kadoodaaya Dastuurka sababaha loogu soo bandhigi waayey shicibka oo aftida looga qaadiwaayey. Xubno farabadan oo Baarlamaanka katirsay ayaa waxay dhaliil u soo jeediyeen guddiga Dastuurka oo ay ku sheegeen in ay Dastuurkii P/L jeebkooda gashteen meeshii shicibka looga soo bandhigi lahaa. Hada waxaa ka haray doorshadii 2 bilood iyo bar ilaa iyo hadana waxa afti lagqaadey shicibka majrito taas oo wakhtigeedii lasoo dhaafay (3 bilood ka hor) Waxaa cad in wakhtiga ka haray Doorshada aan afti Dastuurka looga qaadi karin shicibka taas oo u baahan wakhti heer ugu yaraan 3 bilood. Waxaa halkaas ka cadaankarta in waxa Doorsha ah aysan kadhicikarin Puntland taas oo ku khabeesa indib loo dhigo Doorashada P/L. (arintaan see u aragtaan maxaase ka dhihilaheedeen ninkii rababa Cay iyo aflagaado wuxuu aadikaraa FORUMKA (AFLAGAADAD) |
    Booteeye | Wednesday, April 04, 2001 - 10:49 pm ASKARI Waa su,aal iswaydiin leh, laakiin waxaa muuqata in qofkii yirahda waa ku qaldan tahay dowladu ama madaxwaynuhu in la dhih doono MOORYAAN aya tahay marka waxaad sugataaba Dood maran, |
    Caaqil | Thursday, April 05, 2001 - 12:02 am To: Askari sxb su'aashaada waa mid macquul ah Laakiin waxaad u hadlaysaa sida reer galbeedka anigu ma aamin sani in ay doorasho ka dhacdo Puntland sababta oo ah waxaa i maankara colaad ay reer puntland dhexdooda ay ukala qabsadaan, kuma noolin dal dimuqraadi ah meeshu waa africa. sxb waa kugu raacsanahay in uu yahay kaliye taliya xagjireen ah laakiin xaalada hadda lagu jiro ayaa saamaxeen in laga soo horjeesto, hadii lag asoo horjesto waxa alagayaabaa in ay dhexdeena ay k abelaabato sida xamar oo kale ee marka hore seef hala soo boodin dhagaha u dhig waxa ka jira somalia, runtii sxb doodaada aad ayay ii qancisay ee xaalada ayaa aad u adag waqtigaan ma aamin sani in doorasho dhacdo. |
    ASKARI | Thursday, April 05, 2001 - 10:02 am Hadii hada halka sano uu M/W cabdullahi Yussuf u codsaday loogu daro, wax ma iska badali doonaa siyasadiisa mise sidaas buu ku sii socondoonaa??? taasi waa su'aal kale oo la isweediinaayo, dadka qaarkiis waxay ka cabsi qabaan in Cabdullahi uu diido inuu jegeda kadego, sababtoo ah dadka waxay arkeen cilado farabadan uu maamulka leeyahay kuwaas oo mararka qaarkood u ekaada kuwii Siyaad Bare, waana taqaanaa reer Puntland dhibaatadii ka soo raacday kahortagii ama kacdoon kii ay ku qaadeen Siyaad Bare lamana tuso DIKTATOOR, taasi ayaa waxay keeni kartaa in dadka ayasan u adkeesan ama udulqaadan sii joogista Cabdullahi Yussuf, laakiinse waxaa lagama maarmaan ah in lasheego in uu cabdullahi Yussuf laftiisa leeyahay taageerayaal haba lagabatee, arinta hadee saas noqoto waxa kaliya oo looga bixikaraa ayada oo laraaco CAHDIGA U YAAL PUNTLAND laguna socdaa, taas ayaa dadka iyo taageerayaasha labada dhinacba kala saareesa, laakiin waxaa cad in CAHDIGII QODOBO ku jirey lagu tuntay, marka taasna ciladeeda ayey la imaankartaa. M/W Cabdullahi Yussuf markuu jegeda qabanaayey taageero xoog leh ayuu heestay welina la isma weediin taageeradaa xoogaas leh sidii uu kulumiyey????? Taasi hada faraha lagalimaayo oo hadaan biloowno waligeen ka biximeeno. Laakiin waxaan aniga qabaa in Cabdullahi Yussuf uu yahay nin aad iyo aad u fursadbadan una nasiib badan, sababtoo ah asagoo leh mucaarid aad ufarban haba ugu badnaadeen reerka uu kadhashay, hadana weli lama hayo dad qorya soo qaata oo yiraaha Cabdullahi baan meesha ka qaadeenaa, fursadaas fiican waxaan qabaa inuusan ka faa'iideesan, sababtoo aha maalin walba mucaaridkiisa waa sii kordhaayaa, hadiisaas ay kusacotana waa laga yaaba arinka inuu isbadalo. TO: Caaqil walaal anigu waxaan ahey reer Puntland dhab ah, waxaan kaloo ku weediinahayaa hadii aad tiri ninka maanta malaga hor imaan karo oo daruufaha ayaa khasbaaya inuu meesha Cabdullahi Yussuf siijoogo, ma ogtahay goorta munaasibka ah oo Daarsaho laqaban karo?? Puntland DOOrashadeeda se ma sugi kartaa inta fowdada soomaliya ay ka dageeso???? Mucaaradka iyo dadka faraha badan oo udhuun daloola Doorashada iyo isbadel laftooda malaga yaabaa iney sugaan intii uu cabdullahi uu kadiyaar garoowaayo??? Aniga waxay ila tahay shaqsiyan, hadii laraaci lahaa CAHDIGA P/L waxaan oo dhibaato ah ma imaadeen, hadse hadaanu BEERTA ku jirno sidee baan uga baxnaa ayada oo aan dhiig ama dagaal uusan ka imaan arintaan???? Waxaan qabaa ina arinta lagu wareejiyo Isimada kana tashadaan hadii (1) sano lagu daraayo iyo hadii kaleba meesha ay inoo gooyaana aan raacno xataa hadaana ku qanacsaneen. Sababtoo ah Isimada waa lafdhabarta Puntland. Laakiinse maxaa dhici hadii ay Isimada go'aanshaan in Doorshada laqabto taasna uu Cabdullaahi ka diido??? ma ganarankarno waxa kali aan hubaa inaga shaqsiyan in uu Cabdullahi Yussuf si dhakhso ah uusan uga dageen kursiga. Taasina dhibaatadeeda ayey la imaan kartaa. |
    Badhan | Thursday, April 05, 2001 - 11:07 am Askari; Hadii Mr. Tony Blair, British Prime minster, uu dib u dhigay doorashadii wadanka weyn ee Britain cudurka foot and mouth darti maxaad ku la yaabin Mr. Abdillahi Yusuf???. Doorashadu way dhicin kol ay noqotaba ee adigu diyaar noqo hadaad doonin inaad ka qayb qaadatid noona sheeg caqliga aad nagu biirin.... Octobereey na furo.... Puntilander forever... |
    Ahmed | Friday, April 06, 2001 - 08:15 am Sida muuqata Askari waa nin magaca un askari ka ah, caqligiisuna ka sareeyo inuu ku dhaqmo waxyaabaha ay askarta Africa maanta xukuntaa ku dhaqanto. Si kastaba ha ahaatee waxaa xusid mudan dhibaatooyinka soo siyaadaya oo maanta Puntland dhexdeeda ka jira iyadoo intooda badana loo aaneeyo inuu Abdullahi Yusuf lug ku leeyahay. Haddii aan iska ilaaliyo inaan u hadlo sida u caadada ah shakhsiga la baxay badhan oo ah, ma wase lagama wase, ama nin aan talo keenin dadka talada keenana ka soo horjeesta, anigu waxaan 100% aaminsanahay in isimmada arinta loo daayo. Xaqiiqdu waxay tahay, inuu maamulka Puntland hadda ka jiraa u fashilmay si lamid ah kan Abdiqasim ee xamar, waliba waxaa xusid mudan in kan Puntland uu sababteeda leeyahay Abdullahi oo kaliya maadama doorasho aqlabiyad ah lugu soo doortay uuna isagu lumiyay kalsoonidii dadka sidii horayba Askari u sheegay. Waxaa jira warar badan oo isa soo taraya oo sheegaya inuu Abdullahi qalab iyo maal aruursanayo si uu kursiga u sii hayo amaba uu qalalaaso uga rido meesha. Waxaan hubaa anoo ku hadlaya magaca reer mudug, inuu heli karo geel jire farabadan oo arintaa ku raacda haddana sida la ogyahay ku mushaar qaata kuna hubaysan Puntland qalabkeeda. Haddaba waxaa lagama maarmaan ah inaan loo seeto dheerayn Afguduud uuna isagu sababteeda leeyahay maxaa yeelay isagaa lumiyay jaanis kale oo ay dadku ku cafiyeen una xil saarteen maamulkooda iyo hoggaankooda. Nasiib daro, horaa loo yiri, waxaad baratid waa baskaa, Abdullahi sidii uu SSDF u rogay hantidii jamhadda xoraynta badbaadada soomaaliyeedna ugu wareejiyay koox yar oo isaga abtirsi lawadaagta, ayuu ku wadaa Puntland. Arintu waxay u taalaa isimada, wax garadka, aqoonyahanka, iyo bulsha waynta reer Puntland sidii ay uga hortagi lahaayeen masiibo kale oo uu dhaliyo Abdullahi Yusuf. Waxba ha is oran ninkani Abdullahi buu ka soo horjeedaa waxaanuna kama suurtoobaan odayga. Xaqiiqdu waxay tahay, Abdullahi waa dictator askari ah lana mid ah Siyad Bare iyo Caydiid oo labaduba ku caanbaxay inay ka wal-walaan dantooda khaaskaa more than danaha ummada taageerta. Badhan: We are not here to discuss Tony "Frickin" Blair's postponement or whatever. Ha ku ciyaarin fikrad is waydaarsi macquula xiisana leh. Taageer Abdullahi as a man but don't spoil our lovely discussion, Idiot once again!!!!!!!! ahmed |
    Badhan | Friday, April 06, 2001 - 04:47 pm Ahmed; Isimo dawlad ma maamuli karaan oo waanu odnahay, President Abdillahina caydiisa micnaha yar baad nagu asqaysiisay kolka bal noo sheeg adigu cidaad wadato adoon sidii islaan awr labuubay noo balanbalin. Hadaad noo sheegto ruuxa kuu sharaxan uuna ruuxaasi cadeeyo mowqifkiisa iyo siduu wadanka wax ugu qabanayo waxaa laga yaabaa in aan aniga noqdo ninka ugu horeeya ee taageera. Hadii micnahaaga yari yahayse Abdillahi baa wax dhacaye maxaa adeerkay ama walaalkay kolkiisa wax u dhici waayey SXB waxaan ku odhan waar naga aamu caqli digaag waa kii reer cad-cade halkaas dhigaye.. Waxaad kaloo sheegtay in aad ku hadlayso afka reer Muduga.Malaha reer mudugyadaa badane waxaad u jeedaa Caydhka iyo Sacadka waadigan sidoodii u hadlayee..... Octobereey na furo.... Puntilander for ever...... |
    ASKARI | Saturday, April 07, 2001 - 12:33 am TO: Badhan marka hore waxaan kuu sheegayaa maaha arinta yaa lawataa oo la sharaxayaa iyo yaa cabdullahi ka soo horjeeda. Waxaa laga hadlayaa sidii looga hortagi lahaa dhibaato iney ka dhacdo wadankeena aanu jeclnahay, maamulka hada jooga wuxuu lumiyey kalsoo nidii dadka taas hadee timaadona waxaa imaan kara dhibaato aad iyo aad uween waxaana erayadaada ka gartey in aad dhibaatodaas aanu ka walwaleeno aad yereesatay. Walaal dhibaatada aanu ka walwalsanhay maaha mid layareesto, waxaan ogaataa maalinta dhibaato ka bilaabato Puntland inuusan Cabdullahi Yussuf uusan xalin karin. Aniga cabdullahi waa aqaan waa nin askari ah aadna ugu dheereeyo xagga dagaalka, waxaa lagayaabaa hada haduu sii dheeresto kursiga in halkaas mucaarad hubeesan uu yimaado cabdullahina ku jawaabo xoog iyo muruq, halkaasna uu dagaal si fudud uga biloowdo, waana ogtahay dagaal sida lagu bilaabo aad iyo aad ayey u fudud tahay, laakiinse joojintiisa waa mid aad u adag, kuna cimriqaado dagaalada weli ka socda soomaaliya inteeda kale. Aniga nin askari ah baan ahaan jirey waxaana soo maray mar xalado kala gedisan Cabdullahi yussufna waan arkey WHEN HE WAS IN ACTION. marka walaal lagama hadlaayo YAA la taageer san yahay, ee waxaa laga hadlayaa sideebaa looga shaqeeyaa sidii halkaas aysan dhibaato uga dhicilaheen oo nabbad loo sugi lahaa laakiinse hadii maamulkii laftiisi lagu dhaleeceenayo inuu carqalado iyo musuqmaasuq waxaan wadda ognahay iney dhibaatadeeda leedahay oo waad u jeedaa meesha ee maanta soomaali taal waxaana halkaa dhigey maamul xummo. |
    Wiil-Qardhood | Saturday, April 07, 2001 - 01:15 am To: Askari wariniyohow maad dacaayadda iska dhaafto 200000 (lababoqol oo kun ) oo doolar baa puntland ku bixisay shirkii Adis! waxayna ku bixin doonaan 5000000 shirka garawe lagu "qabandoono" xageedse kakeentay in shirkii Adis ay Puntland bixisay kharashkii ku baxay? hadalkaaga waxaad ila mooddaa mid aan Ayaamahapress.com forumkooda ka akhriyay oo ahaa dacaayad aan aasaas lahayn oo nin iska qoray marka Askariyow dacaayad iyo dood waa kala labo. waxaa kufiican in laga doodo wixii cadayn tooda lahayo. Midda kale waxaad moodaa in aad puntland ka ogtahay wax aysan dadku ka ogayn oo waxaad tiri waxaa lagayaabaa in C/llaahi ay ka horyimaadaan dad hubaysan oo mucaarad ku ah, taasi armaytahay waxa aad lajelaanlahayd Puntland? (waana iga suàal). Dawladdu iyadaa qorsheynta dhaqaalaha samaysatay iyadayna utaal sidii 3-da sano oo soosocota(ama tagay)ay u maamulilahayd dhaqaalhaha Puntland haddii ay si xun u isticmaalaan oo ay ku caddaato wax dhib ah maleh oo waa labadalayaa, Midda kale Ina Yey waxaad rabtid oo kale ku edee laakiin lacagbuu dhacay iyo reerkiisuu u roonyahay labdaasba laguma yaqaan. |
    Badhan | Saturday, April 07, 2001 - 05:26 pm Askari, Inaeer wali macne saas u weyn ma samaynasid waayo waxaad noo sheegtay in qudhaadu aad tahay askari islamarkaasna in President Abdillahi cillada ugu weyn ee uu qabo ay tahay in uu askari yahay. Kolkaa bal noo sheeg sababta aan adiga oo iminka qirtay in aad askari tahay askarina uusan lahayn caqli lagu raaco aanu warkaaga ku qaadano. Mida kale, mu'aamaradan iyo waxaan aad noo akhrinayso, anigu barigii dhoweyd een tagay Puntiland ma arag mana maqal ee malaha waa mid adiga iyo saxibadaa aad iminka wadaan. Haday saas tahay, waxaan kuu sheegin in shicibka reer Puntiland uu ka guulaystay quwado idinka aad idiinka awood sareeyey...Uma liicaynee taa caqligaaga gali... Waar nimanyahow ma anaa waalan mise Dirirdhabaa laga heesayaa!! Waar madaxweynha oon wakhtigiisii dhamaan miyaad naga dhaadhicinaysaan aanu afgambino.... Waar heedhe cawaan ma nihin waxa aad maskaxdaada yar ee koonfurta laga charg greeyo aad ku haysana waanu ka shisheynaa ee ineer ula tag bahaa-bahaada macnaha yar waxii kaa akhrisanaya... Shicka reer Puntiland waa bislaaday oo iga walee hadaad waxaas ula tagto hablahaa dhagax kugu dilaya..... Gidaaradaada waligaaba ka qayl-qayli |
    ASKARI | Sunday, April 08, 2001 - 01:36 am To: Badhan iyo W/Qardhood horta idinma afgaran waxaad ku hadleesaan oo waxaan idiin maleenaayey dad maskaxfuran oo doodi kara ayaga oo aan dad aflagaadeen, intii aad hada soo qorteen aflagaadO ayaad la timaadeen, oo waxaad meesha keenteen arin aan aniga ka hadlin, Sida afgambi iyo dhibaato aan la rabo Puntland, inaga waxaan ka hadlaayey waxay aheed sidee khaladaadka loo saxaa oo looga hortagaa in ay dhibaato ka dhacdo Puntlad. Hadii aan aniga halkaan ku qoray xisaabaad aad idunku aydanhayn ama aadan la socon, walaalayaal taas maaha iney khaldan yihiin ee waxaa cad ineydan waxna kala socon arimmahaas. Aniga halkaan waxaan u imid in aan arintaan sidii aan uga bixi lahayn kala doodo dad madax furan oo dhexdhexaad ah sababtoo ah aniga nin reer Puntland ah baan ahay adinkana waxaad qiraneysaan inaad reer Puntland tihiin cidna cidkale ugama sokeeso wixii dhibaato dhacana wey ina wada taaban, laakiinse waxaa aniga halkaan iiga cad labadiinuba inaad tihiin TAAGEERYAAL xagjira oo Cabdullahi Yussuf taageeraya aniga halkaan uma imaan inaan taageerayaasha cabdullahi wakhtigeyga ku dhumiyo ee waxaan u imid inaan dadka maskax furan ka wada haddalno sidii looga hortagi lahaa iney dhibaato ka dhacdo Puntland. Marka aniga waan gartey labadiina meesha aad joogtaan waxaadna ii cadeeseen in tageerada Cabdullahi idinkala weentahay mida danta guud ah ee reer Puntland. MIda kale aniga askari waan ahaan jiray manase oran askari maskax maleh oo waxna mayaqaan ee waxaan ku iri askariga hadii maamul loo dhiibo si kaduwan mida shicibka ayuu u fakaraa ama wax umaamulaa, waxaan ka hadlaayey xagga maamulka, ee BADHANOW bal wax hubso intaadan weerka gelin. Badhan iyo wiil qardhood waa ku mahadsan yihiin aragtidooda ee dhiibteen. Laakiinse lameysan imaan dhexdhexaad nimo iyo maskax furan taasina waxay keeni kartaa inaan wakhtigeega ku dhumiyo dad aan diyaar u aheen iney dhibaatada dhabta ah oo puntland taal ama laga yaabo iney ka dhacdo diyaar u aheen inay fiiro gaar ah uyeeshaan. Waxaan Illaahey ka baryayaa in walaalaheen indhaha u furu oo waxa runta ah tuso. F.G: waxaa laga hadlaayaa sida dhibaatooyinka ay tabanayaan reer Puntiland looga bixi lahaa waxna looga qaban lahaa, ee waxaad ka oraneysaan waa idiin banaan tahay, ee iska daaya QARARKA aad fuuleysaan iy o QAACA aad isku qarineysaan markii lasooqaado qaladaadka maamulka uu sameeyey. |
    REAL PUNTLANDER | Tuesday, April 10, 2001 - 08:47 am Dhakh-dhakh iyo waxbaan baddalaynaa iyo waxbaan halkan ka qabanaynaa..."isma oga, aqalkii bay aslaysaa" yaysan nagu dhicin...waryaada ma ogtihiin inta cadaw ee maanta Puntland leedahay...mise ogtihiin in dad badani ay ugu jiraan dadaal ba'an sidii loo kala dhantaali lahaa Puntland... Wallee markii ay talo faro ka haaddo ayaan is eedenyn doonaa!!! Nabadda iyo barwaaqada yaysan been inoo sheegin...Aniga shaqsi ahaan waxaan qabaa in Cabdullaahi faraha laga qaado, oo aan la qod-qodin, isagaa iska tagi doona... Somalia haddii Afwayne faraha laga qaadi lahaa isagaa iska dhaqaajin lahaa, dhibka maantay Somalia soo gaaray 1/5 xitaa ma soo gaari lahayn. Cabdullaahi wax dhaama xag siyaasad, ad adayg, amaba moqif ma uu jiro...ma waxaad na leedihiin kuwakan maanta raba inaan Hawiye hoos tagno ha ina maamuleen!!! Waxaasu caqli ma ahan, ee hoooooooooooy aan kala ogaano the real cadawo and the real friend midkaasoo xoogaa la kufay ama la turun-turooday maamulkii...wallee waa inaan xajisannaa YUUSUF intaan afka u gali lahayn MOORYAAN!!!!!!!!!!! Dhakh-dhakhda intaan iska dayno aan danaheena raacanno...ama waad ogtihiin waxa Koonfurta maanta haysta...kala dambayn la'aan, xasilooni darro, jah wareer....kuwo badan baa sidaa nala raba "NIMAAN KUU FURI DOONIN, YUUSAN KUU RARIN!!!" Real Puntlander |
    xasan cali | Thursday, April 12, 2001 - 04:36 am realpuntlander looooooool actually, a bad administration is better than nothing,,,, in that case u right,,, but what about if mr: Yuusuf ain't doing anything 4 puntland but ethiopia? let's be realistic for one moment and look the fact,,,,,,, peace |
    Ahmed | Thursday, April 12, 2001 - 07:26 am RealPuntlander: Waa kugu raacay in midnimada Puntland la ilaaliyo cadowgeenana aan iska ilaalino si aysan noo kala dhantaalin. Waxaanan kugu raacin waa C/laahi yaan la qod-qodin. Maxaa loo qod-qodi waayay? C/laahi meesha ma xoog buu ku yimid mise dadkaa doortay? Jawaabtu waa dadkaa doortay. Haddii aad leedahay dadkii horay u doortay kama hadli karaan wax qabad la'aantiisa iyo maamulxumadiisana, waxaad cadaysay inuu isagu mashaakilka maanta haya Puntland iyo kan ka wayn ee ku imaankaraba uu isagu masuul kayahay. Tan kale ee aad ka digaysid rag Hawiye hoostagay, inkastoo aanan kooxda carta raacsanayn, ma ogid miyaa inuu C/laahi ahaa kii xamar caydiid ugu tagay iyadoo aynu Xamar wanted ka nahay Sacadna gaalkacyo ku soo celiyay? Taariikhdan yar waxaan usoo qaatay oo kaliya inaadan noqon doqon ilawsho dhaw oo shalayna C/laahi u riyaaqay markuu xamar iyo Hawiye u tagay maantana kuwa jira ka digaya. Siyaasadu waa chessmatch maalinbana meel bay ku geysaa. Waxaa haboon in laga wal-walo waxa aynu inagu Haysano taasina waa maamulka Puntland. Wixii Hamar shar iyo khayr soo wado, waxaa looga hor tagi karaa iyadoo lamidaysanyahay Not markii lakala qaybsanyahay. Peace |
    Gantaal | Thursday, April 12, 2001 - 08:45 am To; Ahmed si wanaagsan oo caqli ku jiro ayaad u hadashay. well done. To: Real Puntlander nin yahow waad la socotaa nin ninka kale ka xoogbadan majiro, waxa lagu wada nool yahay waa is qadarin iyo is xaqdhoor, hadii taas laga tago WALE WAA LA IS QODQODAAYA meesha ugu danbeesan waala isla tagaayaa, socon meeso in uu Cabdullahi yiraahdo anaa idoorateen mana iga daba hadli kartaa, taasi hadaad aamin san tahay wale Jaahilnimo baad meesha la yururtaa ee wax aan kuu sheego, waxaa horey loo yiri nin XILAQAADAY EED QAAD ninkaan wax AMOONO ah ayaa loo dhiibtay meesha maaha guri uu asaga leeyahay ee dadba leh iyo tol, hadii uu khaladkiisa qaadan waayo uu kaliyiitaliye aan dadka la tashan noqdo wale harcad ayuu kulaaban meesha uu kayimid cid uu xoog iyo cudud uu ku muquunin karo majirto ee hala is xaq dhooro, hadii kale waa lagu kala tagi meesha. Ee masoconey so yaa la ila hadlin iyo yaa la ifiirinin iyo yaa la iqodqodin. |