Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Dowladda - Somali Government: Dowladda - Somali Government (Current): Fadlan qof walba cadayso qabiilkaaga!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Thursday, April 05, 2001 - 07:37 pm
Salaama,

Aniga waxaa marwalba iga yaabisa in dadka dibada ku nooli ay iska dhigaan dad aanan ku dhaqmin qabiil, hadana aad arkayso iyagoo intaa hoos ahaan ku dhaqmaya.

Hada aniga waxaa ila qurux badnaan lahayd in qof waliba oo soomaali ahi uu qirto waxuu yahay, ku dhaqmo qabiilka si isaga iyo bulshadiisa horumar gaarsiin karaysa. Qof walbaa ka kale hakala kaashado fikradaha si uu horumar ku yimaado. Sidaa waxaan u leeyahay, waan wada aragnaa kalsooni darada maanta dhextaala soomaali, qof aad ku kalsoon tahay mooyee qof kale wax u sheegan maysid, sidaa darteed miyaanay qurux badnayn in banaanka la soo dhigto isticmaalka qabiilku hadii aanu sidaa uga faa'iidaysan karayno.
Fikradani waxay sii dheeraynkarta sida imika loo isticmaalo qabiilka oo ah iskaashi lagu waxyeelaynayo qabiilkale.

Tusaale: bal eega inta aad arkaysaan mawduucyadan kala gedisan ee beeshan lagu soo qorayo. Gidigood waxay ka siman yihiin mid, waa ta qabiil uu doonayo inuu qabiil kale wax u dhimo ama wax ku yeeleeyo; su'aasha in la is waydiiyo u baahanina waa qofkaasi muxuu ka faa'idi xaasid nimadaas?

Waxaan jeclaan lahaa in aad si daacadi ku jirto aad isku daristid naftaada sida aad u aragto su'aalan soo socta adigoo eegayana waxa maskaxdaada ku soo dhaca markaad su'aasha akhrisid:

Qabiilkee ugu neceb tahay?

Qabiilkee ku haboonaan lahaa inay dawlada hogaamiyaan?

Qabiilkeenan aamin galin?

Qabiilkee aadan inama ka guursan laheen?

Gobolkee ku haboonanaa inuu caasimad u noqdo somaaliya?

Qabiilkee ugu aftahansan?

Qabiilkee ugu cilmi badan?


Hadii aad xumaan oo dhan siisay qabiilka ay xurgufi idin dhextaalo, fiicnaan oo dhana siisay kuwa aad ka dhalatay, kaligaa ma tihid.

Fadlan naftaada daacad u ahow markaad dood kaste ka qaybqaadanayso, oo wixii ay waalidkaa ama dadka aad ka dhalatay kugu akhriyeen markaad yarayd dib ugu noqo ee fiiri waxa runta ah iyo waxa lagugu nacsiinayey qabiilkale.

Dood furan,

Isaaq ( waa qabiilkayga)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Canab

Thursday, April 05, 2001 - 07:42 pm
Walaal runaa sheegtay waa fiicnaan leheed hadii aan si faa'iido iyo is jeclaan ku jirto aan u isticmaali laheen qabiilka oon naceebka ka dhaafi laheen.

Nabadey,

Canab