Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Puntland Politics: Puntland Politics (Current): C/yuuf=Ceebkama Xishoodey(Caruurteena ayuu Xabaashooda Qodayaaa)
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Barni

Friday, April 06, 2001 - 05:48 am
Waa wax laga yaxyaxo in Madaxweynaha Puntland uu ku bixiyo maal intaas dhan
shirkii ka dhacay Ethiopia ayadoo ay ka jirto baahi weyn G/W- Bari. Waxaa
jirta in ay Caruurta reer Puntland ay u baahantahay buugaag iyo Qalimo ay wax
ku bartan. Sida oo kale shacabka reer Puntland wuxuu u baahanyahay Isbitaalo,
Iskuulo, Waddoyin, Daawo iyo Biyo nadiif ah oo dad iyo duunyaba cabaan.

Maxaa ku kalifay in Abdullahi Yusuf uu ku tagrifalo maalkii laga soo qaaday
shacabka reer Puntland in loogu daneeyo? Xageebuuse ka keeney xoolaha uu ku
mani sheeganahayo, ma asakaa shaqaystay mase waa Canshuurtii uu dhiibay
shacabka dhididkooda maalaa?

Taasi waa caadada madaxda Africa lagu yaqaan waxaana filahayaa in ayna raga
ku jira Dowladda Ku Meelgaarka ah ayna ka dhicin wax taas lamid ah. Shacabka
Soomaaliyeed aad ayuu u bislaadey mana qaadandoono tagrifalid xoolaha
dadweynaha.

Waxaan aad u jecelaan lahaa in saxaafada Soomaalida Cusub ay indhaha ku
hayaan wax yaabaha khaldan oo ay ku kacaayaan masuulinta xilka loo dhiibta.
Ilama aha in Shacabka Soomaaliyeed uu u dulqaadandoono qof masuul ah oo
hadana boobaaya hantida shacabka. Taasi waa in ay u noqotaa digneen raga ku
jira maamulka cusub.


--------------------------------------------------------------------------------


Subject: Guusha Ina Yusuf

Wuxuu Ina Yuusuf sheegtay:-
1.Inuu xoolihii uu ka dhacay kana af xiray Ummadda
reer
Puntland ku maal geliyey shirka shar wadayaasha
Zinaawi
ka amar qaata.
2. Wuxuu kale oo sheegtay inuu Dawladda Ku Meel Gaarka
ah la maaganyahay caqado faraban ,waayo haddaanu
sidaas
yeelin Boqortooyada uu hadda ka yagleelay Garoowe ayaa
ka dumaysa.
3. Wuxuu kale oo sheegtay inuu ku guulaystey inuu dib
u
soo celiyo colaadii ka dhextaagneyd Beelaha wada dega
(Kismaayo, Baydhabo, Benaadir ,Hiiraan,Iyo Gedo).Waayo

xassiloonida degaanadaas ka hirgasha waxay waxyeelo u
tahay jiritaankiisa.
Waa kuwaas guulaha uu rabo inuu naftiisa iyo Zinaawi
ku abaal mariyo ,dadka Soomaaliyeedna ku waxyeeleeyo.
Allow dhibtiisa isaga ku sug.
Eebbow Amarkaa.
Walaalkiin
Maxamed Axmed.