We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!
.
.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!
| | Friday, April 06, 2001 - 01:57 pm WALAALE WAAD SALAAMANTAHAY SALAAM KADIB WAXAANU GOOSANAY ANAGOO AH DHALINYARO AAD U FARABADAN IN AANU KU DADAALNO SIDII AANU U DILI LAHAYN DAGAAL OOGAYAASHA(ASSASINATION) WAXAANU SAMAYSANAY URUR LAGU MAGACAABO "DOOD". URURKU MACNIHIISU WAXAA WEEYE "DAGAAL OOGAYAASHA DILA" WUXUU SOCDAY SAMAYNTIISU ILAA 3 SANO WAXAANA MADAX KA AH DHALINYARO JOOGTA W. AMERIKA, YURUB AFRICA IYO CARABAHA. WAXAANU ISKU DAYANAA INAANU UGAARANO NIMANKAN AY SOOMAALIDU KA SEEXAN WEDAY DOWLADUNA KA HIRGELI WEYDAY. WAXAANU KU KHARASHAGAREYNANAA WAX KASTA OO NAF IYO HANTIBA AH: MACNUHU WAA IN IYAGA UUN LADILAA SIDII AY KU SUUROOBI KARTABA, XATAA HADII KUWA ILAALIYA BOQOLAALKUN OO DOLLAR LASIINAYO AMBA ISGOO BAYLAH AH LAGA HELAYO AFRICA, YURUB, AMERICA CARABAHA IYO DALKA GUDIHIISABA!!!!!! WAA INTA SOOMALIDA KAMAQAN EE DUNIDA KALE AY LEEDAHAY OO AH DILIDA QOFKII QARANKA IYO DADKABA DHIBAATEEYA AMABA IIBSADA WAXAA MADAXWEYNE KA AH XAGA W. AMERIKA- A. SHAHEEN, XAGA YURUB- Y. GUREY, XAGA ARABAHA -ABU ZAKARIYA. WAXAAD NAGALASOO XIRIIRI KARTAA : DOOD202@hotmail.com WAX FAAH FAAHIN AH BIXIN MAYNO ILAA AAN KU GUULAYSANO DILKA NINKA UGU HOREEYA OO NOO QORSHEYSAN DHOWAAN SIDAANU EEBE KA RAJEYNAYNO ASLAAAAMU ALIKUMMMMMMMMMMMM ------------------------------------------------------------------------
|
| | Friday, April 06, 2001 - 11:46 pm niyoow hadday run kaa tahay waan idinku jiraa wixee kartidayda ahh waa in lalaayaa tuugtan dadka isku dirta
|
| | Saturday, April 07, 2001 - 05:23 am Waxay ila tahay, Soomaalidu waxay tiraahdaa dab intaad ka carartaad mid kale dalaq tiraahdaa u malayn maayo dilka dagaal oogaha inuu sharci yahay la ugaarsado iyaga sidaasna lagu dilo waxaase sharci ah in marka hore dowlad la helo soo qabata ku soo ogta dambiga ay dadka iyo dalka ka galeen markaasna marka lagu caddeeyo dambiyadooda iska cad haddeerba oo ah "wax u dhimman oo ah oo aan jirin" in markaas dowladdu ku xukunto dambigooda kaddibna lagu qaado ciqaabta sharciga ah oo ay mutaysteen, dil ha ahaato ama xarig ama wax kasta, laakiin ugaarsi maya ma bannaana, sharciguna ma qabo.
|
| | Saturday, April 07, 2001 - 10:17 am Ku Dood202@hotmail.com Ka Cabdulcasiis Maxamed cisse (abdulaziz_isse@spray.se Waan idin salaamay dhamaan xubnaha ururka Dood. Salaan ka dib, walaalayaal xal kuma jiro in wax un la dilo balse wuxuu ku jiraa in lays fahmo. Nimanka aad magacawdeen ee Soomaaliya ay ka degi ladahay ogaada inay ayaguba soomaali yihiin ayse qaldan yihiin. Hadii aan dilno soomaaligii kasta oo qaldama ma idinla tahay in xal ku jiro? Anigu ma qabo haba yaraatee in dil wax lagu xaliyo, waxaanse qabaa in keena qaldan aanu siino kalsooni walaalnimo anagoo og inuu qaldan yahay isla mar ahaantaasna aan markasta xasuusino inuu qalad sameynayo. waxaan kaloo ii muuqata inay jiraan dad badan oo soomaaliyeed oo keena qaldan gacan ku siiya qaladkiisa, halkii ay u sheegi laayeen si walaalnimo ah inuu qaldan yahay. Hadaad dhisan urur wax dilaya waxaan idiin arkaa inaydaan ka rooneyn ku aad rabtaan innaad dishaan, maadaama aydan ahayn maxkamad ummadda soomaaliyeed si wadajir ah u dhisatay. Waxaan idin weydiinayaa. Laba dhiigya cab miyey kala roon yihiin? Mida kale xalka Soomaaliya waxaa wax ka qaban kara soomaalida Soomaaliya Jooga oo kaliya.
|