    Anonymous | Friday, April 06, 2001 - 08:45 pm Xamar soo tan ma ahan ummada fawdada ah ku nool yihiin, bal marka hore adinka dheefteeda hela ka dibna ummada miirka qabta ugu yeera. (SomaliNet) Way adag tahay in la xaqiijiyo oo laga jawaabo su'aashaas, in laga beero daroogooyin kala duwan dalka Soomaaliya oo waxaan kuu suurto galayn inaad wada marto meelo badan duruufaha colaadeed ee dalka kajira awgood waayo meelaha lagu tuhmayo in lagu beero ayaa ah meelo ayna dadku ku badnayn, aysana gali karin, oo looga caagay kooxo budhcad ah oo ku badan aagagaas, waana meelihii waqtigii beri samaadkii ugu cammirnayd magaalada Muqdisho. Hase yeeshee waxaan isku dayay, anigoo u kuurgalaya xog waraysi badana la yeesahy dadka la socda beeridda iyo ka ganacsiga daroogada waxayna ii sheegeen inay jirto beeriddeeda iyo ka ganacsigeedaba, siyaabo kala duwana loo isticmaalo, nasiib darro waxaa ahayd markii aan booqaday meelihii lagu tilmaamay oo magaalada Muqdisho dhexdeeda ah in la ii diiday inaan sawir ka qaado ama aan sheego magaca qofka leh beerta xashiishka ah. Si kastaba ha ahaatee daafaha magaalada Muqdisho meelo kamid ah waxaan ku arkay geedo yar yar oo aanan wax micno ah aniga ii lahayn oo la ii sheegay inay tahay xashiishad la beeray oo uu qof dhaqaalaysanayo dadaalna uu ugu jiro siduu u goosan lahaa tabaca meeshaas uga soo go'a, meelaha aadka looga beero xashiishka ee magaalada Muqdisho dhaxdeeda waxaa kamid ah Degmada Hodan, gaar ahaan inta u dhaxaysa jidka Bakaaraha iyo xaafadda Bermuuda, Bar Karaash oo waqooyi ka xiga Hotel Ramadaan, Manaboolyo, Ceelgaabta iyo meelo kamid ah degmada Madiina, agagaarka Istaadiyo Muqdisho. Meelaha ka baxsan magaalada Muqdishana waxaa kamid ah tuulada Mugaambo ee gobolka J/hoose oo iyadu markii UNOSom joogtay ay ku yaaleen beero waawayn oo xashiish ah kuwaas oo Somalinet dad deegaankaas ah oo u warramay ay u sheegeen inay leeyihiin beerahaas qaar kamid ah hogaamiye kooxeedyada oo uu sanad walba ka soo galo dakhli aad u fara badan, oo uu u adeegsado dagaalda qabiilka, meelo kamid ah gobolka Sh/hoose ayaa iyana aad looga beeraa. Waxaa kale oo jirta sida ay ii sheegeen dad lagu kalsoon yahay in guryaha qaarkood lagu dhex beero, hase yeeshee aanay garanayn dadka deggan xaafadaas ama gurigaas oo ay u malaynayaan geedo yar yar oo ubax ah, marka ay gaadho xilligii ay go'i lahayd ayuu inta geedka rujiyo dabadeedna dadka ka dhaadhiciyo dadkii meesha kula noolaa inuu ubaxani qalalay, sidaas daraadeedna ay tahay in lagu bedalo ubaxyo kale oo cusub, masaakiinta meesha deganina ay markaa iska rumaystaan hadalkaas uu u sheegay, sidaas ayay hawshiisana ku socotaa mar walba. Geedkan ayaa marka la isticmaalayo u qaybsama dhowr nooc sida ay ii sheegeen khubarada ku xeel dheeraatay isticmaalka geedkan, waxaa kamid ah dadkaas istimaala ee iiga warrama nin magaciisa ku soo koobay A. B. Madaxey, wuxuuna yiri "adeer waxay u kala baxdaa bahasahn (xashiishada) dhawr nooc oo kala ah xashiish oo ah caleenta geedka oo loo isticmaalo in loo cabbo sida sigaarka oo kale, waxa kale oo kamid ah murjuwaana oo ah geedka caanihiisa ama dheecaanka ka yimaada marka laamihiisa la gooyo waana wax caano oo kale u eg, markaa taasi waa qaali qof walbana ma heli karo, inta badana waa la dhoofiyaa, waxaana loo isticmaalaa in la isku duro, kadib marka lagu daro noocyo kale oo loo yaqaan Cocaine", waxaa kale oo kamid ay ayuu Mr. Madaxey ku sii daray "geedaha daroogada mid la yiraahdo binji oo ina badan mooryaantu isticmaalaan inay qofka biyo ama shaah ugu dhex daraan, gaar ahaan markay rabaan inay gabdhaha fara xumeeyaan, markuu qofku cabbana isla markiiba wuu kala wareegayaa oo dharkuu tuurayaa, wax lagu sameeyayna ma oga". Nin kale oo magaciisa la yiraahdo C/weli ayaan weydiiyay halka loo dhoofiyo darooagada ka baxda meelo kamid ah Soomaaliya, wuxuuna ku jawaabay "waxa lageeyaa dalal ay kamid yihiin Kenya, UAE, Sacuudi Carabiya iyo dalal Yurub ah oo uu ka gaabsaday inuu magacooda sheego" Sidee lagu geeyaa ayaan sii waydiiyay wuuna iga diiday inuu su'aashaas iiga jawaabo, kuwo kale oo diiday inay magacooda ii sheegaan ayaa si cad iigu sharaxay siday daroogadu uga baxdo Soomaaliya una gaarto suuqyada aduunka intiisa kale. Dhinaca kale xayawaanada lagu shaqaysto qaarkood ayaa lasiiyaa daroogada gaar ahaan dameeraha iyo baqalaha oo ay kuwa ku shaqeeya dameeraha qaarkood ii sheegeen inay iskugu daraan dameerka laba kiniini oo kala ah Diazabam oo ah kiniinka hurdada loo isticmaalo iyi femadol oo neefta loo isticmaalo, marka labadaas la isugu darana wuxuu dameerku u shaqaynayaa sidii wax waalan oo kale, laakiin waxaa suutowda ayay yiraahdeen inuu dameerkaasi horey ka dhinto maxaa yeelay cunto badan ma cunayo, aadna wuu u ordayaa oo waxaa ka baxaysa tabar badan, ayay hadalkoodii ku soo koobeen. Inta tirakoob sax ah laga bixiyo dadka daroogada isticmaala aad ayay u adag tahay mana jiraan hay'adihii u xilsaarnaa la socodka anshax xumada iyo dhaqan bedelka ku dhacay umadda Soomaaliyeed sanadihii jahawareerka iyo burburka lagu jiray. |