    Sanyarre | Saturday, April 07, 2001 - 05:54 am TO: Dhamaan dadka halkan isugu yimaada ee ka caytama; Horta anigu run ahaantii aad iyo aad ayaan ugu xumahay ninkii qabiil Somaliyeed oo an waxba kuu geysan, kuna aqoonin meesha aad aduunyada ka degen tahay iska caayya, aflagaado aan meesha qabbanina ka yidhaahda! Somalidu hore ayay isu dagaali jirtay, dhibaatona ugu kala dhex dhici jirtay, laakiin walligay ma aanan arag dad internetka u adeegsanaaya seef ay wax ku dilaan kana sheekeeyaan qabiil aan wax macno ah ku fadhiyin. Anigu halkan ugama jeedo inaan dadka ka (judge)gareeyo, laakiin marmarka qaar waxaaba igu soo dhacda Somalinet Forumka ba u daa dadkan muslinka isku sheegaya sidii ciyaala suuqna u caytamaya! Hadii aad rabto in aad si raggonimo leh/ ama dumarnimo leh u hadasho kana hadasho qabyaalada aan dhibaato lahayn ka hadal, fikradaadan ka dhiibo adiga oo aan nina wax ka sheegin, wax qabiil cay ahna aan meesha keenin. Tusaale ahaan: Anigu waxaan ahay nin Somaliland ah, waxaan ka hadlikaraa oo keliya sida aan u raacsanahay gobolkayga, ama aan kaaga dhaadhicinkaro inaanan koonfur waxba ku darsandoonin, aniga oo aan caayin dadka wallaalahayo ah ee Hawiye, Daarood, Raxanweyn ect. Hadaba Ilaahay ha ina soo hadeeyo (aamiin), dadkuna inay qabyaalada iska dhaafaan ayaa haboon. Hadii aan la dhaafikarina in sii fiican inta looga hadlo aan la caytamin, maxaayeelay dadku wey wadda dhasheen xilna waa la isku wadda leeyahay. Asalaamu caykum. Please write to me your opinion about this subjet (and this subject only). |