Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Puntland Politics: Puntland Politics (Current): WARSANGALI ma wuxuu galaa ABGAAL mise DAAROOD
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Odey yaaban

Saturday, April 07, 2001 - 12:02 pm
aniga waxaan layaabey labadaan qabiil ee Warsangali ee isu magac eg hadana ay sheegtaan labo qabiilood oo kala gadisan
anigu Warsangaliyaasha waxaan u aqoonjirey iney wada yihiin Abgaal balse waxaan kaloo maqley iney jiraan warsangali ah Daarood
Tolow ma hadeey noqdeen Daarood waateey ahaanjireenee Abgaal
Toloow madhici kartaa iney wada yihiin halqabiil balse kala raacsan yihiin Daarood and Abgaal

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

GAASHAAN

Sunday, April 08, 2001 - 01:43 am
to: odey

laba warsangeli iyo labo Harti baa jira.

marka ugu horeesa qabiil katirsan Daarood/Harti ayaa waxaa la yiraah Warsangeli waana walaalaha Majeerteen iyo Dhulhabahante waxayna badan kood dagaan gobolada Sanaag IYO Bari.

Qolada kale ee warsangali waxay ka tirsan yihiin Qabiilka abgaal, waxaana sidaas oo kale jira Qabiil Harti Abgaal la yiraahdo laakiinse aan aheen Hartiga Daarood ee>>> Majeerteen, Warsangali, dhulbahante etc.

MARAK ODEY KALA BARO DADKA HA ISKU KHALDINEE.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Odey yaaban

Sunday, April 08, 2001 - 10:15 am
TO: Gaashaan


okey waxaad tiri waxaa jiro Harti Abgaal iyo Harti Daarood
marka ereyga Harti saan ula wada socono waa nin magicii oo ay ka soo farcameen dad ah Soomaali

marka sow ma dhici karto ninkaas layiraa Harti inuu daganaajirey gobolada waqooyi kadibna ku aroosey Naag meeshaas oo sidaa qabiil kaga soo farcameen
kadibna isla asagii uu yimid gobolada koonfureed kadibna uu ku aroosey Naag kadibna ay sidaa uga soo farcameen qabiil
sababtaa sidaa u irina waxay tahay dadkii hore ee Somaliyeed waxay Aroosi jireen afarnaagoodaniga

aniga waxaan arkey nin Somali ah oo naag ku guursadey hargeysa asagoo naag iyo caruur ku lahaa Xamar balse uu dhintey asagoo aan is barin labada reer balse ay ogaadeen labadii qoys ee uu kadhintey mudo dheer kadib
caruutiisii labada reerba waxay is ku maleenayeen kala qabiil iney yihiin balse hada ayey ogaadeen iney isku qabiil yihiin oo ay hal nin ka imaadeen.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

GAASHAAN

Sunday, April 08, 2001 - 10:50 am
To: Odey yaaban

sxb arintaa lama socdo laakiinse waxaan kuu sheegi karaa HARTI DAAROOD taariikhdiisa oo dhan in lahaayo markii ugu danbeesayna wuxuu ku dhintay dalka Itoobiya, dagaal halkaas ka cay oo magaciisii aan ilaawey wuxuuna ku aasan yahay Gobalka SOOL iyo BARI meel u dhaxeesa meel u dhaxeesa Taleex iyo Qardho, laakiinse ma maqal xaas uu ku lahaa Koonfur, xaasaskiisa waxay kala a haayeen UBO LACAG (magaceeda runta ah maxasuusto) oo ah hooyada Maxamed harti ama (Majeerteen) oo udhalaytey qabiilka CIISE iyo Hooyada dhashay Warsangeli iyo Dhulbahante oo ahaa xaaskiisa labaad. Taariikhda waa lahayaa hadaad rabtid inaad wax ka ogaatid.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

BOOSAASO

Monday, April 09, 2001 - 04:41 am
WARSAN GELI WAA DAAROOD DHAB AH, HARTI DAAROOD DHAB AH EE ORDAYOO NACNACDA MEESHA KALA TAGA.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

BOOSAASO

Monday, April 09, 2001 - 04:43 am
WARSAN GELIGA KALE EE AAD SHEEGAYSO ISIM IYO FARAC ISKA DAA HARTI E , DAAROOD XITAA FARAC UAMA GALO, OO ORODOO HISTORYGA SOO BAAR INTAADAN NACNACDA MEESHAN LA IMAN.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Gaaloos

Thursday, April 12, 2001 - 04:23 am
let me tell u bro,, this ppl are confused,, he just asked a quastion idiots,, give an answer if u know it, and if not tell him that u don't know it,,,


waxaa jira warsangeli oo ah Qabiil daarood gala,,
iyo warsengeli Abgaal oo gala Abgaal Cosmaan ,,,,,,,,, marka saas ula soco sxb.....

still wanna more details about this two ask ppl from Abgaal & Warsengeli they should know ,,,,,,,,