Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Puntland Politics: Puntland Politics (Current): PUNTLAND NEWS (Go'aan Omar Maxamuud)
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

WARIYE

Sunday, April 08, 2001 - 11:42 am
GO’AAN KA SOO BAXAY GUDDIGA SARE EE CUMAR MAX’UD EE GOBOLKA BARI OO KU SAABSAN DILKII LABADII SARKAAL EE DHAWAAN LAGU DILAY MAGAALADA BOOSAASO.


Bosaaso PL. Soomaaliya.

Waxaa taariikhdu markay ahayd 31/3/2001 na soo gaaray Nuqul ka mid ah Qoraal dheer oo ay ka soo saareen Gudiga Cumar Max’ud ee ku dhaqan Magaalada Boosaaso Dilkii loo geystay Labadii sarkaal oo la kala oran jirey Marxuum G/sare C/risaaq Yuusuf Dhenged iyo Banker Bashiir cabdi Madoobe oo 9/3/2001 uu Nin dhalinyaro ah ku toogtay meel ku dhaw Hotel Yamayska oo ku yaal Magaalada Boosaaso. Iyadoo uu jirey Tuhuno badan oo ka dhashay Dilkii Labadaas Nin, shaki weyna ku abuuray Xasiloonidii iyo deganaanshihii Magaalada, ayaa waxaa ay taasi dhalisay Beesha ay ka dhinteen labada Marxuum in ay magacaabaan Gudi ka kooban 9 Nin, kuwaas oo arinta looga dan lahaa ay ahayd inay ka gun gaaran sababihii dhaliyey Dilkaas iyo sidii ay Beeluhu uga wada Xaajoon lahaayeen Go’aan mideysana uga qaadan lahaayeen wax qabashadiisa.

Si kastaba ha ahaatee Qoraakoodii ugu horeeyey ee ay ka soo saaraan ayaan halkaan idinku soo gudbinaynaa waxaana uu u qornaa sidatan:-

Ku: Wasaarada Arrimaha Guddaha ee D/G/PL.

Ku: Taliyaha Ciidanka Booliiska D/G/PL.

Ku: Isimadda iyo Waxgaradka Beesha Cismaan Max’ud.

Ku: Isimada iyo Waxgaradka Beesha Cumar Max’ud

Og: Gudoomiyaha Gobolka Bari

Og: Saxaafada Madaxa Banaan ee Puntland

Ujeedo: Go’aan ka soo baxay gudiga sare ee Cumar Max’ud ee Gobolka Bari.

Ê Anagoo tixraacayna Dilkii waxashnimada lahaa ee Jimcihii 9/3/2001 lagu dilay labada sarkaal ee kala ahaa Marxuum G/sare Abdirisaaq Yuusuf Dhanged iyo Banker Bashiir Cabdi Madoobe, gacan ku dhiiglihiina oo ahaa Cabdi Saciid Yuusuf (Qalbi) ay Gacanta ku hayaan Booliiska Gobolka Bari Saldhiga Dekadda Bosaso, isla markaana ay Kiiska baarayaan gudi Maamulka Puntland u xilsaartay.

Ê Sidaa darteed Gudiga Cumar Max’ud ee Gobolka Bari, markuu dhageystay aragtidii iyo Talooyinkii waxgaradka (Gudi hoosaadyadii) labada Jifo ee dhibku sida gaarka ah ugu dhacay.

Ê Markuu dib u eegay wadooyinkii looga xaal gaari jirey faldanbiyeedyadii noocaan oo kale ahaa iyo sababihii keeni jirey in Fidnadu sii fido.

Ê Markaan tixgalinay aragtida guud ee Bulshada labada Beelood ee dhibka kala gaaray ka qabaan fal danbiyeedka.

Ê Markaan tix galinay Kaalintii ay ka qaateen qabashadii Gacan ku dhiiglaha D/G/PL iyo eheladii danbiilahaas.

Ê Markaan eegnay Xaaladda guud ee xasiloonida iyo nabad galyada Dalka iyo Bulshada Reer Puntland ku sugan tahay.

Ê Markaan ka fakernay iskaashi inay ka yeeshaan labada Beelood xal u helida fal-danbiyeedkan ahmiyada ay leedahay.

Ê Markaan ka cabir qaadanay hadafkii gudigan Beesha u sameysatay oo ahaa in ay iyaguna midoobaan, walaalahooda dhigooda ah ee Reer Puntlandna la Midoobaan.

Arrimahaa iyo kuwo kaleba markuu Gudiga Cumar Max’ud falanqeyn iyo wada tashi ka sameeyey, isla markaana ay tuhun weyn ka qabaan in falkaasi yahay mid siyaasadeed, wuxuu gudigu go’aan ku gaaray qodobada hoos ku qoran.

1. in dhacdadaas wada xaajood heer cismaan Max’ud iyo Cumar Max’ud laga furo.

2. in ay iska kaashadaan sidii Maamulku ugu gaari lahaa Natiijo lagu wada kalsoon yahay Baarista Kiiska.

NB: waxaan Bulsho weynta Reer Puntland ugu baaqaynaa inay isku meel ugu soo wada jeestaan fikrad kasta iyo ficil kasta oo halis galin kara Nabadgalyada, Xasiloonida iyo Midnimada wada jirkooda.

Isla markaana, il gaara ku eegaan fariimaha dhiiga xambaarsan ee dhaghooda lagu habayo oo ah dhaqamadda Bu8r-burka laga bartay, waana in la ogaadaa in dhaxalkeedu yahay waxa ka socda Gedo, Muqdisho iyo Barakicii Kismaanyo.

Waxaan soo dhaweynaynaa iskaashi iyo wada xaajood marxalad kasta in looga gudbo. Cidii masiir rabtana fikirkooda ka gadaan Bulshadda iyaga oo aan dhibaato u geysan.

WABILLAAHI TOWFIIQ
Magacyada Gudiga Cumar Max’ud Gobolka Bari ee Saxiixay.

1. C/qaadir Daahir Afrax Gudoomiuye

2. C/raxmaan Cali salad Xoghayn

3. C/salaan Farax Hoolif Xubin

4. Max’ed Muuse Bille = =

5. Cabdi Daahir Faarax Bootaan = =

6. Yuusuf Abyan Cigaal = =

7. Max’ed Warsame Jaamac = =

8. C/laahi Faarax Max’ud = =

9. Cosmaan Axmed Yuusuf, = =

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Sunday, April 08, 2001 - 08:52 pm
war orodoo shaqo yeelo haka dhex shaqeen labo qabiil'e

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

iBNU hEBeL

Monday, April 09, 2001 - 12:38 am
TO: anonymous

war doqon yahoow warbaa la soo tabiyey waa maxay cayda aad latimid, war arodoo isa soo daawee.

To: wariye

waad ku mahadsan tahay warka aad inoo soo tabisay, soo dir wixii war ah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

BURTINLE

Monday, April 09, 2001 - 04:45 am
LOL LOL LOL, KII GABYAY WUXUU YIRI ANAGA IYO SALEEBAANADII WAY NA SIDATAAYE. BAL DHAMAYSTIR NINKII GABAYGAA HAYOOOOW.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CIRBIYE

Tuesday, April 10, 2001 - 04:49 am
TOwariye iyo inta lafigrada SAAXIIBAYAAL WAXAAN U ARKAA WARKA AAD HALKAAN KU SOO QODHEEN INUUSAN MUNAASIB AHAYN WAAYO MEESHAAN MAAHA GURIGEENII EE WAA MEEL UMADA KADHAXAYSA SIDAA DARADEED ILMA HABOONA INAAD KU SOO QODHAAN HALKAAN HAWLAHA INOO GAARKA AH WAAYO WAXAA AKHRISTA HALKAAN DAD BADAN OO XUMAHA JECEL SIDAA DARAADEEDYAN LAGU SOO QORIN WAXYAALAHAAS OO KALE HADAAD SAX UARAGTAAN IYO HADII KALABA HADAAD HADALKAYGA KHALAD UFAHANTID RAALI IGA NOQO ILANA SOO XARIIR NABADEY

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Badhan

Tuesday, April 10, 2001 - 05:08 am
I agree with Cirbiye. We need this sort of information, but we don't want to educate non Puntilanders about our internal matters......, because they will use against us...with out a doubt..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Caaqil MJ

Tuesday, April 10, 2001 - 07:50 am
well said Cirbiye and Badhan...ma rabno cadawgeena inuu ogaado "our internal affairs" cirbaddii ka dhacda Puntalnd dad baa ku farxaya...dad baa farta dhexda ka qaniinsan si ay mar un uga qarxi lahayd Puntland...laakiin mahadda waxaa iskaleh marka hore ALLAAH marka xigtana odayaasha sida hagar la'aanta ah ugu hagar baxay nabadaynta iyo isu keenida ummadda reer Puntland!!!!!!!!!!

MJ>.>.>

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

WARIYE

Tuesday, April 10, 2001 - 09:15 am
To: Cirbiye

waan gartay waxaad ka wadid waan ku guraacsanahy waan ku mahadsan tahay fikradaad, waxaan kuu sheegayaa arintaan aan halkaan ku soo qorey ineysan aheen mid qarsoon oo waamid dhamaan Jornaalada ka soobaxa Puntland lagu soo qorey, waana ka akhrisan kartaan.
Laakiin hadaad iga codsateen inaan ku soo qorin wararka noocaas ah waan idinka aqbalayaa oo ku soo qorimaayo.

Laakiin waxaa la soco taan arintaan ineysan ku jirin wax dhib ah ama wax dhibaato u keeni karta dadkeen.

WARIYE
BOSASO

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

aahiyaa

Wednesday, April 11, 2001 - 12:04 am
hadeer ma waxaad ileedihiin bosaso maaha amin sababtoo waxaan jeclaa inaan aado end of the year .
laakin hadeer waan ka fiirsaanayaa inaan la iidilin ralaliation. ama aargudasho alaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaa masaan xaaladuba walee kuma tago goor dhow .

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wiilboosaaso

Wednesday, April 11, 2001 - 06:21 am
tagis iyo tagis laanba waa goaan aad adigu leedahay, balse waxaan ku oran lahaa ama kuu sheegi lahaa wiilow in magaaladu nabad tahay imaanshahaaga iyo baaqasahaadana inaan midna laga dareemayn, magaalada waxaa degen dad xadaari ah ha u badnaadeen calisaleebaan iyo disheeshe, qadiyaduse waxay dhex taagan tahay (maxamuud saleebaan)labada nin ee ladilay waa cumar maxamuud kan wax dilayna waa cismaan maxamuud, waxaan arinka ku dhaafaynaa inay labada qabiil ee wax iska dilay iyo dowlada puntland wax ka qabato, waxaan kaloo kuu sheegayaa ninkii dad leh been been laguma dilo ma aqaan hadaad midgo adigu tahay.
nabaday.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

aahiyyaaa

Thursday, April 12, 2001 - 02:02 am
to wiil bosaso adiga xataa cismaan maxamuud waad xaqireysa iney maxamuud saleebaanka bosaso degan ugu badan yihiin oo cumar iyo ciise madaxooda ku daaqaan hadaad wax ogaan laheyn horta bosaso yaa ubadan ok dishiishe ayad tiri waan kugu raacey laakin cali saleeban makugu raacin .
cismaan baad xaqirtey nimanka la dhaho bahgareen sheerbi joogta shib ka dheh ma maqal miyaa
oo cusmaan maxamuudka ubadan mise xaqiraad baad meesha ku heysaa war aan runta kuu sheegee dadka bosaso loogu yimid waa laf dishiishe ka mid ah oo la dhaho saleemaan iyo laf cismaan m ah oo bahgaren ladhaho .
inta kale waa koyto cumar fitnoba ha u fogaadee oo gaalkacayo ka yimid oo xoogtamaya .
cali saleebaan ayaga waa buuraha casha ayey degaan bosaso maahan meesha la dhaho uur caleed
dee maxad lee dahey hadaan sas kuugu sharxey .
mida kale m saleeban ayaantaan xaaladoodu caadi maahan waa is heystaan sidey tahey sababtoo ah raga horbooda ayaan heshiis aheyn marka duqa qeyr u rajeey osman iyo omar ccise asagu waa lax caadiya oo sida walaalahood hadey is qabtaan loo heshiisiiyo ma yaqaan marka waxa kaliya oo uu sameeyaa wuu ku qoslaa kolkey is qabtaan .
war anigu midgaan miihi ee nimankii odeyaasha ahaa ayaan ahey adiguba garo qiyaas yaa kale
fahan dee jaaaaaaaaaaaaaaaaaaw bda waan tegi kolaan stafffffff sameysto oo lacag badan baxsho sida madaxweene abdi anigana kow labo pistoolad baan xiraan inta kalena aakee ayaan u dhiibi kadibna dadka ayaaba baqaya oo wax ila hadli kara maleh .

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yeelkaa

Thursday, April 12, 2001 - 07:14 am
Aahiyyaa:

Laxda caadigaa oo aad Ciise Maxamud ku sheegaysid alleylehe adaa ah. Maxamud Saleebaan baa Boosaso madaxaaga ku jooga. You have to be kidding. Waxaad ku matalantahay boqortooyooyinkii waa hore xoog badnaan jiray oo kadibna markii magac un kasoo haray, wax kale inta waayeen xaasidnimada iyo xaqiraada howsha ka dhigtay. Cumar iyo Ciise-ba maanta ilaah mahaddii cid kor u fiirisa mooyaane cid hoos u fiirisaa majirto. Marka walaale xaasidnimada waa lugu gumoowaaye, dadaal oo tar-tanka dhinac ka raac. Cumar iyo Ciise midna maanta muruq iyo maal midna kuma dhaantid.

Silly boy

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Caaqil Cumar

Thursday, April 12, 2001 - 02:53 pm
TO: Yeelka....sxb waxaad ogaataa in maanta dadka qaarkii ay iska dhigaan Cismaan maxamuud ayagoo ka dheregsan inay xurguf yar dhex taalo Cismaan iyo Cumar. Marka walaale waxaan ku oran lahaa ruuxa aad u jawaabayso ma garanaysaa horta dhabtii cidduu yahay iyo inuu iska dhigayo Cismaan Maxamuud...

Waligaa iyo allahaa waa layska ilaashaa dadka qabaa'ilka kale sheegta ee EHELU NAARKA ah eena raba inay dab ka dhex huriyaan Majeerteen dhexdiisa...marka walaale waxaad ogaataa in maanta Cismaan la'aantii Cumar uusan waxba ahayn sidoo kale Cumar la'aantii Cismaana uusan waxba ahayn. Majeerteen waynana la'aantii Cusmaan iyo Cumarna waxba ma ahan...marka waxaa la jecel yahay in lagu kala dhantaalo...

Maalin baan waxaan isla daawanaynay dad faro badan dabbaal deggii Puntland....dadkii aan isla daawanaynay cajaladda markii ay arkeen sida habsamida leh ee ciidanka meesha u marayo iyo inta uu tiro le'egyahay, qaarbaaba sarajooga ka dhacay oo meesha ku suuxay ciil dartii iyo masayr...mara dadna sidaasay kaaga xun yihiin idinkana Cumaraa sidaa yiri iyo Cusmaan baa sidan ah iska daaya ee cadawgiina arka...

Intaasaan uga baxay, one more thing, waligiin Cumar iyo Cismaanoow ha ku dagmina dadka iska dhigaya qabiil ayan lahayn...

United we stand, divided we fall!!!!!!!!!!!!!

Caaqil Cumar!!!!!!!!