Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Puntland Politics: Puntland Politics (Current): WASIIR WARIYE U JAWAABAY
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NUGAAL

Wednesday, April 11, 2001 - 09:23 am
WASIIRKA KALLUUMAYSIGA OO U JAWAABAY C/SHAKUUR-KA YOOLKA NOLASHA

Wasiirka Kalluumaysiga Dekeddaha iyo Gaadiidka Badda, Md, Cali Ismaaciil Cabdi Giir, ayaa C/shakuur-ka Joornaalka Yoolka Nolasha ee ka soo baxa Magaaladda Bosaso u qoray warqaddan hoos ka muuqata isagoo u mariyay WARSIDAHA PUNTLAND:-

DAWLAD G. PUNTLAND PUNTLAND STATE OF SOMALIA
EE SOOMAALIYA Date Abriil 08/04/2001
Ku: C/Shakuur Mire Aadan
Ujeeddo: Jawaab Qormada uu qoray C/Shakuur Mire Aadan ee Yoolk Nolasha Cadadka 18-aad ee 04/04/001

Cabdishakuurow, aad bay u wanaagsan tahay in aad isku dayday in aad wax qorto. Waa arrin wanaagsan in dalka Puntland laga helo joornaalo iyo qoraayaal sameeya qoraallo lagu saxayo mas置uliyiinta iyo bulshada isla markaasna qora dhacdooyinka dhabta ah.

Cabdishakuurow, waxaa aad u habboon in qoraaga qormadiisu ku salaysnaato dhacdo run ah iyo xog-ogaalnimo, ayna leedahay dhaqanka qoraallada, haddii kale waxay u muuqanayaan in la doonayo in qof la caayo ama la ceebeeyo, taasina ma noqonayso mid wax ka tarta saxitaanka khaladaadka mas置uliyiinta iyo danaha bulshada.

Haddaba, C/shakuurow qoraalkaaga waxaa ku qoran in aan ogolaaday wax hal mayl ka yar meel u jirta Dekedda Boosaso in maraakiibtu ka kalluumaysato, arrintaasi ma jirto. Habayaraatee wax laysinna iyo wax warqado ah oo aan ogolaaday ama saxiisay ma jirto. Haddii ay jirto, fadlan ku qora joornaalka oo bulshada u bandhigga.

Arrintaa labaad ee aad leedahay Golaha Dawladda Puntland waa danaystayaal, waxaa habboon wuxuu in ay dhabta waafaqsan yihiin, shaqsiyaad gaarana lagu tilmaamayo waxa ay samaysay, isla markaasna sharafta Golaha Wasiiradda Puntland waa sharfta dadka Reer Puntland ee yaan lagu ciyaarin.

Cabdiyow waxaa laga yaabaa in Golaha Wasiiradda Puntland yihiin wadaniyiin, dhib badannna ka maray horumarrinta Reer Puntland, taariikhduna waa tilmaami doontaa.

Qodobka 3-aad oo aad tilmaantay in aan wax laga qaban Dekedda Boosaaso, C/shakuurow hagaajinta iyo horumarrinta Dekedda Boosaaso waxaa ka mas置ul ah Dawladda iyo shacabka Puntland oo aad adigu ka mid tahay, waxaana si gooni ah uga xilsaaran aniga oo ah Wasiirka Dekeddaha.

Waxaan ku xusuusinayaa in maamulka Puntland uu yahay maamul Goboleed oo aaan Dawlad loo ictiraafsanaan.Sidaa darteed, heshiis horumarin oo labo dawladood ah ama Hay誕daha horimarinta adduunka cid la galaysa ma jirto.

Waxaa hadda la heli karaa waa waxyaabaha emerjensiga ah wax ka qabashadooda oo waxyaabo badan ku jirin.

Haddii aan intaas isla garanay waxaan u sheegayaa adiga iyo shacabka Puntland in sannadkii 2000 oo aan Dekedda mas置ulka ka ahaa laga qabtay waxyaabo badan oo muhiima, ayna ka mid yihiin:-

1. In la dhisay albaabada waaweeyn ee Dekadda, lagana dhigay hab casri ah.

2. In la dhisay xarunta Booliska Dekedda.

3. In Dekedda wareegeeda oo dhan la dhisay, laguna xiray silig casri ah oo aysan wixii khatar wada soo geli karin.

4. In la hagaajiyey nalalka nabadgelyada Dekedda, dhammaantoodna dibedda laga keenay.

5. waxaa la hagaajiyey dhammaan habka maamulka iyo shuruucda lacagaha, waana sababta keentay lacagta adeegga dekedddu qaado inay sanadkaasi gaartay US$ 720.000 (todobo boqol iyo labaatan kun oo doollar), dhammaanna gashay khasnadda Dawladda.

6. waxaa dhammaan shaqaalaha Dekedda la baray farsamada casriga ah ee Computeriska.

7. waxaa Dekedda laga sameeyey tira-koobka waxa soo degga iyo waxa dhoofa, tirada gaadiidka iyo dhammaan dhaqdhaqaaqa dhaqaalaha

( Imports, Exports, Transports Movement and all economic Statistics) .

8. waxaa dhammaan la suurto galiyey in wasaaradda loo helo qalabka xafiisyada oo ay ku jiraan computerada iyo footo koobiga casriga ah.

9. waxaa la dayac tiray dhammaan matoorada dabka dhaliya ee dekedda oo ay ku baxday US$ 10.000 ( toban kun oo doollar).

10. Cabdishakuur arrinta kale ee aad uga hadlayso badda iyo geedaha degmada Goldogob. Waa fakar qabiil ku dhisan mana ahan mid Puntland wax u taraya khayraadka badda iyo kan berrigaba ee degaanka Puntland wuxuu ka dhexeeyaa dadka Reer Puntland, haddii aad qabto badda waxaa leh Reer ama qayb Reer Puntland ah, sidaas ma ahan arrintu... Dadka Reer Puntland badda iyo dhulka midna ma kala leh, marka laga reebo kuwa Dawladdu siisay.

11. Waxaa lagu guulaystay in labo markab oo mid Dekedda yaalay dhowr sandood laga saaray dekedda, kuwaas oo xiri lahaa dekedda.

12. Waxaa la diyaariyey dhammaan mashaariicada dekeddu u baahan tahay adduunyadana loo bandhigay, iyadoo lala kaashaday Hay誕dda UN-ka ee UNCTAD, waxaana lagu guulaystay:-

A) Mashruuca maraakiibta lagu hago ee kuwa dheer-dheer?? Magaalada, kuwa haamaha iyo calaamadaha badda dhexdeeda ah oo hadda gacanta lagu hayo ( Navigation Air).

B) Mashruuca dab daminta (fire fighting equipment) oo ka kooban doon wadata pump ku xiran iyo kuwa gacanta lagu qaataba, doonta waxay dekedda iyada iyo qalabkeedu ku soo dhammaanayaa bisha Abrill 2001.

C) Mashruuca qaaliga ah ee xafaaradda lagu qodo dekedda iyo qalabkeeda oo dhammaan cusub oo lagu soo iibiyey US$ 120.000 (boqol iyo labaatan kun oo doollar)... Xafaaradda iyo qalabkeedu wuxuu ku soo dhammaanayaa gudaha dekedda bisha May.2001, waxay shaqo bilaabaysaa Bisha juun, waxaana shaqadu dhamaanaysaa Bisha luulyo 2001, iyadoo xafaaradda u ooli doonta dekedda.

D) Waxaa wali la dabo socdaa mashaariic badan oo ay ka mid tahay maqaasino loo dhiso dekedda, lana rajaynayaa in lagu guulaysto.

C/shakuur haddii hal sanno gudaheed Wasaaradda Kalluumaysiga, Dekedda iyo Gaadiidka Badda ay intaasi iyo in kale oo aan la sheeginba qabatay,waxaa kaloo caddaana in Wasaaaraddu waliba wax muuqda qabatay, taasoo micnaynaysay in wakhti kooban Puntland wax weyn ku qabatay.

C/shakuur aad baan kugu dhiiri galinayaa in aad dhaliil saxitaan ku samayso Dawladda, waxaan kaloo kugu waajib wadani ah Dawladaada iyo Dalkaaga in aad difaaco.

C/shakuur arrimahaas oo dhan waxay kaaga baahan yihiin run sheeg iyo xog-ogaalnimo dhab ah.

C/shakuur anigu gaar ahaan waxaan raali ka ahay in aad wixii saxitaan Mas置uliyadayda iga qori kartid.,xogna i waraysan karto.

Mahadsanid

Cali Ismaaciil Cabdi Giir

Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga, Dekedaha iyo Gaadiidk Badda