Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Dowladda - Somali Government: Dowladda - Somali Government (Current): Xal iyo Xaq ama Xaq iyo Xal ?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wiil-Qardhood

Wednesday, April 11, 2001 - 12:16 pm
Waxaan aragnaa in iskudaykasta oo la damco in soomaali lagu heshiisiiyo lagu fashilmo.
Waxaa ugu danbeeyay kii Carta!!!!
Sababtuhuna waa ay iska badanyihiin laakiin bal aan tusaale u soo qaato burburka kii Carta:

Maxaa keenay in shir ay ka qayb qaateen dad gaaraya ilaa 3000 oo qof oo soomaali ah oo qabiil walba iyo gobol walba leh uu keeno in dagaalkii sokeeye uu waji kale yeesho Tusaale: B/xaawo, Garbahaaray, Bakool iyo Xamar (caasimaddii hore ee soomaaliyeed), iyadoo dadka halkaas dagaa ay isku qabiil yihiin!

Shirkii Carta laguma Xallin mushkilooyinkii keenay colaadaha soomaaliya ka jiray oo kenay 10sano oo silic iyo rafaad ah iyo dawlad làaan. Iyadoo shirkii Carta loogu yeeray "shirkii dib uheshiisiinta soomaalida" wax lagu heshiisiiyay oo isdagaalsanaana majirin.

Hadaba sidee soomaalidu uga baxadaa dhibkan haysta?
Sida la og soonyahay soomaliya hadda kama jirto dagaal wayn oo ka dhexeeya Hawiye- Isaaq- Daarood-Digil&mirif, ee waxa kajiraa waa heshiis laàan hoose oo ka jirta degaano, sida tuulooyinka, Magaalooyin iyo Gobolo. Marka maadaama mushkiladu aytahay mid hoose sowma wanaagsan in arinta loo dhameeyo si hoose iyadoo laga soobilaabaay tuulooyinka kadib dagmooyinka kadib gobol kadib intii gobol ee israaci karta.
tusaale:
Kismaanyo waa magaalo wayn oo kamid ah meelaha soomaalidu aadka isugulaysay oo in xal loohelo maahee aan marna lagaarayn nabad waarta marka sida kaliya ee magaaladaas xal loogu helaayo ayaa waxay tahay in dadka magaalada deggen iyo kuwa kaqaxayba ay ka tashadaan danaha magaaladooda iyadoo aan ciidan kayimid Matabaan, ama Caabudwaaq ama Gaalkacyo/Qardho uusan shuqul kulahayn wixii dadkaas isku afgataan, kadibna dadka halkaas dagaa ay samaystan maamulkooda magaalada ee gaarka ah.

Markii dhibaatada iyo maamul laàanta hoose laxaliyona waxaa sahlanaanaysa in laxaliyo dhibaatada siyaasadeed ayadoo magaalo walba iyo
Gobol walba iyo intii gobol ee maamul wadaagi kartaba ay leeyihiin maamulkooda gaarka ah.

Markii la helo maamuladaas kuyimid rabitaanka dadka soomaaliyeed (from tuulo to Gobol/ gobolo)ayaa waxaa imaan kara shir wayne soomaaliyeed oo soomaali oo dhan u simantahay oo ladhihi karo SHIRKA DIB U HESHIISIINTA SOOMAALIDA, kaasoo la dhihi karo waa mid xaq kudhisan maadaama arinkii hoos laga soobilaabay.
Haddii arinta hoos laga soobilaabo waxaan dhicidoonin wixii kadhacay B/Xaawo iyo Gedo iyo ....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

eebow

Thursday, April 12, 2001 - 12:20 am
waa wax lagu farxo wiilqardhood inaad qiratay in shirkii carta ay isugu tageen dad gaaraya 3000 oo ka kala socda soomaali oo dhan. manna burbrin ee waa dawlad jirta oo haba xoogyaraatee.
sxb haddii aad ogolaatay in 3000 oo qof oo soomaali oo dhan ah oo cidkasta leh soo mafiicna inaad dawlad ahaan u qirati

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wiil-Qardhood

Thursday, April 12, 2001 - 06:57 am
To:eebow
walaale anigu marna ma diidin in 3000 oo qof ay tageen Carta ee waxaan diiday waa in layiraahdo dadkaas waa dad ka socda qaybaha siyaasadeed oo soomaalida.

Haddii magaalo kasta oo soomaaliyeed ay samaysan lahayd ama lagu caawin lahaa in ay samaysato maamulkeeda ma aysan dhacdeen dhibka haataan kajira soomaaliya.
Tusaale:
Haddii dadka daggan gobolka Gedo ay samaysan lahaayen maamulgoboleedkooda ( ama dawlad goboleedkooda) maamulkaas ama dawlad goboleedkaas ay soodirsanlahayd wafdi ay isku ogyihiin ma aysan dhacdeen dhibkii dhacay ayaantii dhawayd.
marka walaale eebow anigu waxaan qabaa in xalka hoos laga soobilaabo!