    ahmed | Thursday, April 12, 2001 - 05:25 pm qudbadii madaxweynah ku meel ee gaarka jamhuuriyada u jeediyey sandguuradii 41aad ee ciddanka xooga dalka soomaaliyeed. Mudaneyaal iyo Marwooyin, Waxaa maanta sharaf weyn inoo ah inaan ka wada qayb qaadano munasabadan qiimaha iyo qaayaha u leh ummadda Soomaaliyeed oo ah sannadguuradii 41aad ee aasaaska Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Xogga Dalka oo la dhashay xurnimada dalka waxuu qayb weyn ka soo qaatay dhismaha iyo hor-u-marka iyo gaar ahaan difaaca qaranimada iyo sharafta shacbiga Soomaaliyeed. Waxaa iyagana ixtiraam iyo sharaf mudan Saraakiisha Sare, Saraakiil Xigeenada iyo dhamaan Alifleyda iyo Dableyda ciidanka Xoogga Dalka ee sida daacad nimo iyo hagar la'aan u gutay waajibkooda wadanimo, intii aanay dalku ku dhicin masiibada dagaalka sokeeye ee aannu ognahay waxa uu noo geystay. Xoogga Dalka waxuu ahaa hay'ad aad iyo u nidaamsan oo hawsh loo aasaasay, ka sokow, oo ah difaaca dalka, qabtayna howlo kale oo fara badan, sida dhismaha, Warshadaha, wax soo saarka beeraha, u gar-gaariddad bulshada xilliyada duruufta adag, sida abaartii daba dheer, daadadkii, duufaanadii iyo dacuunkii ka dhacay dalka intuu ciidanku jiray iyo marka dhanka ijtimaaciga loo eego qayb weyn ka qaatay higelinta baahinta wax-barashada, iyo dhismaha jirka ee dhinaca isboortiga iyo w.l.m. Dhan kastoo la eego, waxaa la oran karaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxuu gaaray isku filnaasho. Marka la eego dhanka tayada, aqoonta, iyo iskaashiga ciidameed, Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxuu ahaa midka ugu wanaagsan qaaradda Afrika, waxayna caalamka kaga muteen tixgelin iyo qadirin. Ciidankankeena waxuu gaaray in lagasoo doonto aqoon, tababar iyo waayo aragnimo. Waxaa xusid mudan ee lama illoobaan ah in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay hor-muud ka ahaayeen gobanimodoonkii qaaradda Afrika, ee laga xureynaayay Guumeysiga dalalka ee ay ka mid yihiin, Mozambique, Angola, Koonfur Afrika, Namibia, Jabuuti iyo kuwo kale ee maanta ku damaashaadaya xurriyadooda. Walaalayaal, Waxaan ognahay in Ciidankaas oo gaaray guulahaas taariikhiga ah ay muddadan toban sano ah ay la qaybsadeen bulshadooda burburkii soo wajahay dalkeenan Soomaaliya. Waxaase isweydiin mudan, haddii ciidan la waayo qarankeenu ma jiri karaa??? Jawaabtu waa maya!!! Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waa ilaaliyaha, badbaadiyaha, sharafta iyo haybadda qaran Soomaaliyeed. Waxaana hubaal ah in ciidan la'aan aannu qaran jiri karin. Sidaa awgeed, Sidaas awgeed waxaan hortiina ka caddeynaya in Dawladda Soomaaliyeed ay go'aansatay in dib loo dhiso Ciidanka Qalabka Sida, laga bilaabo maanta oo aanu u dabaal degeyno 41 guuradii Xoogga Dalka Soomaaliyeed, laguna bilaabay ciidankan maanta ka qayb galaya xuskan oo ka mid ah ciidamadii horey loo diwaan geliyay, iyadoo inta ka hartayna si heerar kala duwan loo howl gelin doono. Dhinaca kale dib u howl gelinta ciidamada qalabka sida waxaa ka qayb qaadan doona Miliishiyooyinka hubaysan ee xiryaha hadda ku jira. Dawladda kmg ah mudadii ay jirtay waxay iska xilsaaray in ay dib dhisto ciidankii amniga - Ciidanka Booliska - dhameystirka howgelintiisana ay meel fiican marayso. Waxaa ilaa haddeer howl galay, dhammaan saldhigyada Booliska, maka laga reebo hal Saldhig, iyadoo ay bar-bar socdaan diyaarinta ciidanka cusub ee Booliska oo laga soo xulay Milishiyoonka. Waxaa xusid mudan howlgaladii wax-ku-oolka ahaa ee ay naftooda ku waayeen laba shahiid, ee ka tirsanaa Cidanka Booliska Xamar, Allah ha u naxriistee, aannu u marno Faataxo, in Ilaahay ka abaal mariyo, Jannada ka waaraabiyo. Mudaneyaal iyo Marwooyin, Marka laga hadlaayo nabab-galyo, waxaa saldhig u ah dhaqaale, waxaadna la socotaan in aan la halgamayno dib-usoo-noleynta qaranka Soomaaliyeed gaar ahaa ilaha dhaqaalaha, si loo xaqiijiyo nabad-galyada iyo deganaashaha dalka. Nassiib darrose, waxaa jira rag ku gabanaaya magac ganacsato oo fulinaya dana shisheeye, oo lagu duminaayo dib u dhiska qaranka iyo jiritaanka ummadda Soomaaliyeed, kuwaas oo dalka soo geliyay lacag been-abuur ah oo lagu cunaqabateynayo ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaa dadka dan yarta ah ee dagaaladuu ay tobanka sano aafeeyeen. Dagaalna waxaa ugu xun kan dhaqaalaha. Dawladdu, ayadoo tixgelinayso dante iyo maslaxadda shacbiga Soomaaliyeed, waxay dariiq kasto u maraysaa sidii ay wax uga qaban lahayd, iyadoo isticmaalaysa hab kasta. Waxaase loo baahanyahay in aannu fahamno cadawgeenna oo siyaabo kala duwan noola dagaalamaya. Waxaan ugu baaqaya ummadda Soomaaliyeed inay midoobaan kana digtoonaadaan mu'aamaraadka cadawga. Shaki kuma jiro in shacbiga Soomaaliyeed ka guuleysan doono shirqoolada loo maleegayo, Insha Allah. Walaalayaal, Marka laga hadlaayo, siyaasadda dibadda iyo xiriirka dalalka deris nala ah waxaan goosanay oo aan caddeenay in aan bog cusub u furno xiriirka dawladaha deriska ah, si ummadaha ku nool Geeska Afrika ay ugu noolaadaan nabad galyo iyo xasilooni una yeeshaan wax-wada-qabsi dhaqaale. Anagoo hirgelinayna siyaasaddaas, muujineynana niyadsami, ayannu ugu tagnay guryahooda, Addis Ababa. Hase yeesee, Xukuumada Itoobiya waxay go'aasatay inay ku shaqeyso mid lid ku ah siyaasaddaas nabadoonka ah, iyadoo fulinaysa danaheeda gaarka ah ee kala qaybinta dalka Soomaaliya. Iyadoo ka faa'iideysaneysa bur-burka ku dhacay Soomaaliya, waxay weerar ku soo qaday gobolo ka mid ah Jamhuuriyadda Soomaaliya, sida Bay, Bakool, Gedo, dad rayid ah ku xasuuqday, welina ay xoog ku haysataa meelo ka mid goboladaas. Itoobiya iyadoo faraha kula jirto, falalkaas foosha xun, haddana waxay ku andacoonaysaa inay ku howlantahay sidii ay Soomaaliya nabad uga dhalin lahayd, taasoo xaqiiqada ka fog. Waxaan beesha caalamka u cadeynaya, gaar ahaan dalalka xubnaha ka ah urur Midowga Afrika, Ururka Jaamacadda Carabta, ururka Islaamka, IGAD, Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub in Itoobiya ay faraha kula jirto dagaalo cusub iyo xasilooni darro inay ka abuurto dalka Soomaaliya, gaar ahaan gobolada koonfureed sida Bay, Bakool, Gedo, Hiraan, Shabeelooyinka iyo Jubooyinka iyo iyo Banaadir. Ayada oo hub, rasaas iyo ciidamo intaba dalka soo gelisey. Beesha calamka waxaan ka codsanaynaa in si degdeg ah wax looga qabto falalkaas Itoobiya kuwaas oo kasoo horjeeda xadgudubna ku ah Axdiyada Qaramada Midoobay, ururka Midowga Afrika iyo kan IGAD intaba. Waxaan mar kale ku cel-celinaynaa in Soomaaliya ay doonayso in ay dalalka deriska kula noolaato nabad iyo xasilooni iyo in shucuubta gobolkan gaaraan nabad iyo hor-u-mar, waxaanse ka digeynaa in dhibaatada ka dhacda Soomaaliya, ay Itoobiya mas'uul ka noqon doonto, iyadoo ay saameyn doonto guud ahaan Gobolka Geeska Afrika. Walaalayaal, Si loo gaaro midnimo Soomaaliyeed, loona badbaadiyo jiritaanka qarankeenna, waxay Dawladdu ku shaqeysay siyaasadda dib-u-heshisiineed oo lagu soo dumayo kooxihii aan ka qayb gelin Shirweyhnihii Carta, Jabuuti. Ilaa haddeer, sida aad la socotaan, waxaanan ku guuleysanay in aanu heshiis la gaarno qaar ka mid ah Hogaamiyaasha, iyadoo loo maray habka wadahadalka iyo isqancinta. Taasina waxay guul u tahay shacbiga Soomaaliyeed ee nabadda jecel. Ummadda Soomaaliyeed waxay baahi weyn u qabtaa nabad, waxaayna ka daaleen xabbad, gaajo, cudur iyo toban sano oo waxbrasho la'aan. Annagoo taas tixgelinayna, waxaan soo dhoweneynaa cid kastoo u damqaneysa danaha iyo maslaxadda shacbiga Soomaaliyeed, inay ka soo qayb gasho gurmadka loogu jiro badbaadada ummadda Soomaaliyeed. Dhanka kale waxaa marag madoonta ah in shaqsiyaad magac Soomaali sheeganaaya ay dalka ku soo hogaaminaayan cadaw shisheeye ah si loo hor joogsado soo noolaashada Qaranka Soomaaliyeed, dalkana loo googooyo qaybo hoos taga shisheeyahaas. Waxaan hubaa in aan shacbiga Soomaaliyeed meel uu joogaba oggolaaneyn in la googooyo dalkiisa, gumeysi hor lehna lagu soo rogo. Sidaas darteed waxaan ugu yeereeynaa ummadda Soomaaliyeed meel ay joogtaba in ay u sara kacdo difaaca dalka, dadka iyo diintaba. Ugu dambeyntii waxaan ugu baaqaynaa Ummadda Soomaaliyeed, dalka gudahisa iyo dibaddiisa inay gacmaha is qabsadaan illoobaanna colaadii sokeeye ee ka dhex dhacay tobankii sano, una istaagaan dib-u-dhiska dalka Soomaaliyeed soona ceshadaan sharaftii iyo karaamadii ay lahaayeen. Source: www.SomaliGov.com |