Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Dowladda - Somali Government: Dowladda - Somali Government (Current): CABDIQAASIM BEENBEEN MADAXWEYNE ,MA KU NOQONKARO
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Soomaali Soomali dhalay iyo ina adeerkiis

Saturday, April 14, 2001 - 08:55 am
Inta taageerta Cabdiqaasim waxaan oran lahaa lahaa NIMAN YAHOOW BEENBEEN DAWLAD LAGUMA NOQDO EE MAAD DANTA SOOMAALIYEED DHAB UGA SHAQAYSAAN.

Waxaan arkaa maalin walba iyagoo wareegtooyin iyo go'aama soo saara oo BBC oo noqatay xero mooryaan ka sii daynaya.
Waxaan ka ligay iswaydiiyaa niman Hotelka Ramadaan ka soo bixi waayay sidee ku noqonayaan dawladaan ay sheegtaan ee Soomaaliya.
Waxaan naftayda waydiiyaa markaan akhriyo Honafrik,ayaama iwm ma riyaa waxaani mise caqligooda waa la dhab waa markaan xaqiiqda Soomaliya u eego ragaan siday u hadlayaan sidiiyoo ay yihiin dawlad xukunta dalkii oo idil.
Runtu ragoow walama dhaafaan ee dhawrka ninee lacag doonka ah guryahay ka yimaadeena aan wajigu u ool ma lagu noqon karo qaran ee fadlan riyada iyo beenbeenta aad isku maaweelisaan carabahana aad ku tuugsataan inta iska daysaan maad xaqiiqda aragtaan oo ugu yaraan naftiina runta u sheegtaan tani Soomaaliyi idinka siisan maysee.
Bacbaan ku xaarayaa amaan daro darteed iyo dalkoodhan aniguu i hoos yimaadaa kala daaya.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sheqaal

Saturday, April 14, 2001 - 12:11 pm
OK waad hadashey

anigu ma ihi Isaaq maihi Hawiye iyo xataa Daarood balse waxaan ahay nin ku dhashey Xamar Xaafada Howlwadaag
waan fahmey in ay dowlada lagu soo dhisey Carta ay dad badani aysan raacsaneyn maanta waa dhibaato weyn
balse markii loo fiirsho waxa dowlada ku jiro qabiil ahaan dadku waa ay usimanyihiin Somali oo dhana qabiil lagama tegin xitaa Ciise Madooweha dega Jibouiti

aniga figrad ahaanteyda waxay tahay bal aanu siino chance ay wax ku hagaajiyaan Dowlada,
10sano ee lasoo dhaafey worlordhiska dowlad bey dhisi waayeen hada markii ay Somali heshey Dowlad loo wada dhanyahay dad baa wali qaswado

Tusaale markaan kuu sheego:

Dowlada uma ogolaato iney wadamada Yurub ay ku daadiyaan qashinka nuglierka badaheena balse waxa sidaa yeelo oo u ogolaado Yurub iyo america waa worlordiska sida C/Yusuf

Dowlada waxay isu keentey dhamaan Somali weyn,
worlordiskana saad ula socoto dhexdooda ayey isnecebyihiin mana isku keeni karaan Soomaali ee runta wa taas ee ogow

Dowlada ma afduubto Hayadaha samafalka si ay lacag uga hesho madax furashadooda, balse worlordiska ayaa sameeyo taas oo xaqiiq ah ee ha iska indho tirin taas

Dowlada uma ogolaato in Ciidamada Xabashida ay soogalaan wadanka qabsadaana magaalooyin . waxa falalkaas ku kacay waa Worlordhiska oo ku caawiyo xabashida iney sidaa yeelaan


Dowlada waxay siisey nimankaan worlordhiska ah chance oo tobon sano ah iney wax ku hagaajiyaanalse weey sameyn waayeen dadna wey isku keeni waayeen nasiibdaro
maanta wax noo dhaama heli karno waxaan dhihi lahaa maan ka joogno dagaal weynu ka daalney maanta
maan fiirino ama u daneyno caruurta yar yar iyo dumarka ku dhibaatooney sa xabadaha iyo jirooyinka
mar hadii aanu helney Dowlad laga aqoonsanyahay Aduunka waxaan u wada jeednaa faa'iidada ay noo dhashey sideedii bilood ee lasoo dhaafey oo xataa calankenii dib looga surey Newyork (United Nation)

aniga waxay ila tahay Dadaalka Dowlada waa mid weyn waxayna eegayaan danaha wadanka
nimankaan worlordiskana waa daneysato naftooda bis ka fakara.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xaange

Saturday, April 14, 2001 - 02:01 pm
fiiri wadanka aad joogtid nidaamkee ka jira
ha noqoto democ.socialis and mid diimeed waxaan kuu sheegayaa intaas oo dastuur qodobka ugu horeeya uu yahay u adeegida bulshada.
hadab fakar adoo keligaa ah maxaa kuu dan ah
ma,inaad dowlad wadankaaga ka dhalato mase inaad
ku fikrad noqoto midaan dan kuu hayn.