Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before Sept. 16, 2000): Aqoonyahano soomaaliyeed oo loo diiday in ay shirka jabouti ka qaybgalaa
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ahmed madar

Unrecorded Date
walaalayaa waxaa jirta in dadbadan oo aqoon yahano soomaaliyeed ah oo ku kala nool wadamada canada iyo marykanka iyo wadamo kele oo ku yaal qaarada eroupa (yurub) loo diiday in ay kasoo qayb galaan shirka ka dib u heshiisiinta ee dhawaantan ka furmi doona magaalada jabouti. waxaa jirta in dad kaasi loo diiday in ay ka duulaan wadamadaasi ay ku nool yihiin ayna ku jiraan (house arrest)amaba loodiiday in ay dalaalkaa ka dhoofaan , too soo si da muuqata ay ka danbyso dawlada jabouti oo ka codsatay dawladahaa in ay na u ogolaan aqoon yahanadaa ina ay soo dhoofaan. aqoon yahanadaa waxxa kamid ah nin layidhaahdo doctor omar isman rabbi oo ku xaniban dalka kenada. hababa anigoo tix raacaya qudbadii uu madax weynaha jabouti ka jeediyay golaha shirka lagu qabanayo bishii march 21 keedii oo uu ku xusay in uu shirku u furan yahay qofkasta oo soomaali ah, maxaa keenay in dawlada jabouti ay ka codsato in aan loo ogolaan aqoon yahanadaasi in ay si xor ah uga soo qayb galaan shirka jabouti. waxaan jecelahay in aan ku baraarujiyo dhamaan umadda soomaaliyeed meel kastoo ay joogaanba in ay qaadacaan shirka jabouti ilaa iyo inta ay dawlada jabouti arritaa ka soo saarayso war cad canbaarayntaa iyo sida ay lug ugu leedahay is hortaaga dadkaa aqoon yahanada ah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hussein

Unrecorded Date
To:Axmed Madar

Salaan ka dib Saaxiib Mas'alada way kaa Khaldantahay, waayo marka hore Aqoonyahanada doorkoodii ugu waynaa wuxuu ahaa shirka ka hor haddii aad rabtidna in aad soo dhooftid ama qofkii raba in uu u dhoofo Jabuuti laguuma diidi karo, meelo badan ayaa loo soo maraa haddii adan ka warqabin dalbo fiiso Dubai ah ka dib toos uga deg AirPorka Jabuuti VISO waxaad ka qaadanaysaa Air-Port.ka, sidaa darteed shirkan waxaa rabbi ka baryeynaa in uu noqdo kii Somaaliya mideen lahaa

Walaalkiis ha noqon sidii qab-qablayaasha diidan shirka dad badan ayaa sidaa ku galay

Raali iga noqo wixii khaldan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ahtisaari

Unrecorded Date
Waad salaamantahy ahmed madar.
runtii adoonan qalad iga fahmin.markale isku day inaad si fiican wax uhubsato waxaad sheegeeysano waa waxaan aqli gal aheyn kaftanba ha iga ahaatee ma waxaad tahay nin diidan shirka nabadeeynta oo dacaayadbaad sameyneeysaa mise nin isaga dana kale wada ayaa si qaldan wax kuugu sheegay? nabadeey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

helsinkilainen

Unrecorded Date
Salaam;

Moi Ahtisaari,

Million sä ent.Presedentti ollut opiskellut somalian kieltä?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xildiid

Unrecorded Date
ku dhamaan dadka halkan wax kusoo qoray waar shirka jabuuti wax kasoo baxayaa ma jiraan ee munaafiqiin baa isugu tagtay ilaahow nimaan wax ogeyn ha cadaabin
soomaaleey gidhidhi gidhidhi ilma geesa riyaad.

igana raali ahaada khiyaaligiinii baan idinka dhexgaley
waa inoo marka khiyaaligu dhamaado.

nabadeey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wadani

Unrecorded Date
KU dhammaan
gaar ahaan Ahmed Madar

Salaan kaddib walaalayaal, waxaan aad ula yaabay, sababaha bulshadeena ugu wacan, inay wax kasta dhinaca xumaanta ka eegaan halka bulshooyinka kale isasiiyaan fursado kana baaraan degaan arrimaha u dhexeeya waxna ku qaybsadaan go,aanka.

Axmedoow adna waxaan kugula talinayaa ama talakeen noqo ama tala raac noqo wixiise u dhexeeyaa, waa DIBIGA GEESAWEYNE GEEDKANA MAHADHSADO LODUNA KAMA HADHSATO.

Wasaalaamu calaykum

Said Jama

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

fariid

Unrecorded Date
to xildid
Ma jirin munaafaq aan adiga aheyn kaana caqli yar .
mawaxaad run moodey beentan la idiinku sheekeynayo ee somaliland. waar yaan lagu waalin doqonyohoow ragbaa maqaayadu si gaar ugu shidantahayee dana gaarana wada nabadana hooyadaa iyo walaaladaa baa ku badbaadi ama qaraabadaada .

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xildiid

Unrecorded Date
TO NACAS
waxaad tiri fariid baan ahay laakiin fariidnimo kaa dheer horta adiga cidina waxkaa weydiinmeyso soomaliland waayo horaa loo yidhi (doqontu intay gude naag kale nadiifinayso baa keedu uraa) maxaan kaala hadlaa idinkoo idinkii naftaagan baad xal ka raadinaysaan meel qaldan somaliland waa dowlad nabadgelyo leh ee adigu wax noqo markaas hadal
haddii kale halkaas afka dabayshu hakaaga dhacdo
soomaali koonfureed ha hagaagto kama xumi
laakiin somaliland ka naxow nafta waa.
intaasi haina kala gaadho yaa daciif.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mohemed farah

Unrecorded Date
somaliland ma hargeisa intii kale waye tageen ee
hal keey joogan borama waxay racaadey somali weyn
bucoo waxay racaaday somali weyn goobalkee siinag iyo toog dheer isna wuxu racey somali weyn ini koo hal ka jooga ayaa la iniga tagidoona ee dadka dhinaca karaaca hargeise waa guri qudhaata ha utaye ma la'anin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Shire

Unrecorded Date
Asalaamu calleykun,waan idin sallaamey dhammantiin,iqyaarta wax ku qorta boggan iyo kuwa soo booqdabba. Run ahaantii, waa markii iigu horeysay ee aan booggan soo booqdo, so far, wan la dhacay.
Waxaan soo jeeddin lahaa fikradeyda Somalinimo;yaanan laga tagin is ixtiraanka haddii xitaa la kala fikrad duwan yahay. Somalina maanta iyo maalin kalaba waxba isma dhaano'e yaanan leys xumeyn.
Waan la socon doona Websiteka.

Macasalaama.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

GALHAREERI

Unrecorded Date
Axmad madar
Saaxiib ma waxaad leedahay rag ayaa shirka loo diiday ee soomaaliyeed ku taageera oo dantiina iyo tan dalkiinaba u burburiya mida raggaas, aniga kula hadlaya hadii aabahay iyo awoowahayba loo diido shirka waan taageersanahay 100%, ilaahay casaa-wajala waxaan ka rajaynayaa inuu shirkani guulaysto.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Garyaqaan

Unrecorded Date
Ku Axmed Madar.
Dhammaan raga halkaan wax ku qoray iyo aniguba ra'yigaaga kuguma raacsanin. Sababaha soo socda owgood.
1. Umadda somaliyeed intii badneyd shirkaan wey taageersantahay, suurta galna maaha in indheer garad, odayaal, dumar aan ognahay in ay kheyr doon yihiin waayo cidda wadankeenii gubtay waa ragga ee dumarku eed kuma laha, iyo culimadiiba ay taageeraan shir khiyaano iyo xaqdaro.
2. Ilaa hadda ma aanaan maqal adiga ka hor cid loo diiday waayo xataa waxaa jooga cumar xaaji masalle iyo rag dagaaladii sokeeye ka qeyb qaatay, kuwa ka maqanna ayagaa diiday in ay yimaadaan ee cidi uma diidin.
3. Suurto gal maha aha in shirku qanciyo 100% dadka soomaaliyeed, waayo dadkeena waxaa kamid ah kuwii heerkaas ina soo gaarsiiyey, haddii ay kheyr doon yihiinna halkaas nama gaarsiiyeen ee sharta ayaa kheyr ula muuqata.

Haddaba waxaan kugula talin lahaa sida ragii iga horeeyey in aad Alla ka barido in shirkaan kheyr ku dhamaado dhibtana ilaah inaga qaado.

Waad mahadsantahay

garyaqaan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

fariid

Unrecorded Date
to xildiid
saaxiib waad iidiidey inaan ahay fariid .hadaanan fariid aheyn sideen ku gartay inaad tahay ina cigaal ? waase tee somaliland aaweyse nabadaad sheeganeysid ileyn anigu ma ihi nin ajnabi ahee,waqooyina waan kaaga aqoonbadnahay hadaadse somaliland moodo hargeeysoo qura kuu diidi meyno ilaa ragii lahaa hargeysa imanayaan,kadibna markiina sida c/raxmaan tuur oraneeysaan soomaali baan nahay ,saaxiib dadkii idinka dagaanka weynaa idinka awood badnaa idinka dhaqaala badnaa idinka nabad badnaa baa soomaalinimo ogol

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hanadyare

Unrecorded Date
To Ahmed Madar and other brothers,
Walaalayaal waa idin salaamey,
Salaan kadib waxaan u maleynayaa in warka uu saaxiibkeen Axmed Madar sheegey ay wax ka qaldan yihiin waayo ma fahmi karayo sida qof muwaadin oo dhashay dal kale oo waliba ka mid ah dunida dimuqoraadiga ah loo geliyo xabsi guriyeed(home arrest). Saaxiib jabuuti qof walba oo soomaali wuu tagay mid wax inuu saxo rabo iyo mid si toos ah u taageersanba qorshaha nabada ee GEELE marka warkaas waa beentaa ku oran maayo waayo ILAAH ba iga og xaqiiqda laakiin aniga oo ku nolol dunidan dimoqraadiga ii cuntami meyso muwaadin ayaa lagi caburiyey rayigiisa , war meeshu ma aha afrika iyo dunida carabta ee sidaa u garo.
Jabuutina intii soomaali wax garad aheyd wey tagtey mid ogol iyo mid diidanba.
Midda waxaan idinku oran lahaa dhalinyarada kale ee ka doodeyso diidmada soomaaliland, war marka hore inta isagu tagtey meesha ha heshiiyaan oo wax ha soo saaraan markaa kadibna ha raadiyaan bal inta maqan waayo cay iyo aflagaado xal ma aha.
Laakiin aniga waxey ila tahay beesha caalumku mid cad iyo mid madowba ay diidan tahay in qaabka juqraafi ee soomaaaliya aheyd 1990 wax laga bedelo laakiinse siduu ILAAHEY DOONO AYAY NOQONEYSAA.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xildiid

Unrecorded Date
to nacas

odey waxaad tiri waxbaan gartay waxba maad garan waxgaradkuna sidaas uma hadlaan waxaad sheegtay keli ah halkii ku bugtay ( ninba meesha bugtaa isagay belbeshaa) waxaanan ku leeyahay khashiinyahow nin is faanshay waa ri isnuugtey.
haddaad iga xoog badantahay waa inoo markaad igu
muquuniso adigu fikaradaad qabto waxaan ku leeyahay isu naalee, somaliland wadan sharafleh dheh waxaan ku idhi waraabe ulla lala gaadhi waa afna waxba lagaga tariwaa.

sorry waxmagarad

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

snm

Unrecorded Date
marka hore iga gudooma salaan
marka labaad maxaa dhacay saaxiibayaal miyaad ilowdeenwaxyaabihii somaliland ka dhacayey 80nadii
oo aanay soomaali ka hadlin ilaa ninwalba hada kulaylku soo gaadhay ayuu qaylinayaa .
miyaad ilowdeen diyaaradihii duqaynayey dadkii masaakiinta ahaa ee qaxayey ee koonfur laga dalbayey. miyaad ilowdeen masaakiintii lagu xasuuqay jasiira iyagoon waxba geysan
iyo kuwa hada maalin walba meydkooda laga soo guray xabaalaha iyagoo isku xidhxidhan ma kuwii waxaas ooo dhan ka danbeeyaan la midoobaa
saaxiibayaal xa xiiqina somaliland waa wadan ka goay koonfurtii foosha xumayde iyo madowga badnaa
ma waxn la midoobaa kuwa guryahooda xashiishad ku beera ma waxn la midoobaa kuwa foojariga ka shaqeeya ma waxn la midoobaa kuwa doonaya adoo taagan inay ku khiyaameeyaan ma waxan la midoobaa kuwa bakhayliinta ah een koobka shaaha isu shubin ma waxan lamidoobaa kuwa dhilooyinka keenay xaramka ma waxan la midoobaa kuwa aduunka meel kastay tagaan magaca soomaali ku ciyaara ee xumaan mooyee wanaag samayn
sxb ninka feriid isku qeexoow
baryo meesha ma taal dhalinyaraa igaga dhimatay somaliland xoriyadeedi xabad baan ku furtay waqooyi ee maanbaryoo tamin kuwa ila degen aad ka hadlaysaa waa kuwii xabada ila dhacayey haday dagaal noqotono hubkii farash anaa gacanta ku haya mays weydiisay mee hubkii 26 juun ciidankeedi
soomaali shalay ii may kala hadhin hadh cadbaana waqooyi ka baacsaday soo barro taariikh somaliland

halkaa haynoo joogto

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Salaam;
Waxaan ku daalay sidaan u doondoonayay, dad Soomaali ah oo caqli iyo maan ku wada hadla, mar mar waxaan is idhaa adigaa waalan oo dadkani waa fayowyahay, marna waxaan isku maaweeriyaa, duulkani waa duul la maran habaabiyay oo waa dilan yihiin oo ma caafimaad qabaan. Waxay dhaxleen gumaysi fool xun dhaqankii, waxaana uga danbeeyay Hantiwadaag qadhmuun, oo bani aadamnimadiisii badaly.
Waxaan hubaa in badan oo idinka mid ihi inuusan akhrisanayn hadalkan, sababtoo ah waxaan jecelnahay wax kastoo dhib lahayn oo dhayal dhayal ah.

WAXAAN BAADI GOOBAYAA SOOMAALI CAAFIMAAD QABTA, ARAGTI LEH, SI DAGAN U WADA HADLAYSA, QOFK DAY II MEEL KU OGOOW WALAA, ADOO MAHADSAN IILA SOO DAG.
WAA MARKII KOOWAAD EE AAN KU QORO SHABAKADAN QATBTA SOOMAALIDA, WAASAN AKHRIYAA WAANSE CALAACALAA MARKAAN ARKO MEESHA AY DADKANI MARAYAAN.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ali

Unrecorded Date
Ku ahmed Madar,

Walaal waan ogahay inuu hadalkaagu run yahay waanan aqaanaa Dr. Omar (He's a great guy and should be Somalia's future president!).

Ku kuwan kale ee aan sheekada ogayn,

Khalad ha u fahmina sheekada ahmed madar waayo runtuu sheegayaa. Isaga uma malaynayo inay ka tahay ka soo horjeed shirka Jabuuti laakiin sheekadiisu waa run. Qaarkiina waxay u qaateen in uu leeyahay in isaga loo diiday in uu shirka ka qayb galo laakiin markaan akhriyay dhambaalkiisa mar kaliya kuma arag inuu isagu iska hadlayo.

Haddii aad joogtaan Ontario, Canada waad maqli doontaan sheekadu inay run tahay!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

wasakh

Monday, June 19, 2000 - 09:19 am
to;tuug iyo tuug kalkaal(madar & ali)
waryaara saad uga timaadeen burco aad tihiin haye?gurigaa lagu maxbuusay kulahaa,aryaad u sheegaysaan maxaad moodeen meeshaan inay tahay africa?aar isku xishooda oo wax kale ka hadla.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

labo wadani

Friday, June 23, 2000 - 01:14 am
To dhamaantiin>
war dhalinyaro iyo wayeel waxaan idiin sheegi laha dhamaantiin waxaad dooneysaan inuu dalku deego lakiin inta dhanxiir idin dhex joogo iska kala shaha?

Waxaan u jeeda iska dayaa laba wajiileynta ruunti waxaa idin ku jira rag fekeraya oo indhergarad ah sida xildid iyo raga kale lakiinse ciyaalka caytamya iska ilawaa oo daha u xidha halaka ha ka cadhadhqleyeene.

sidaa iyo nabad gelyo iyo nooli kukaante

waxaa qoray captain Fu'aad iyo student Ali

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Shariif

Saturday, July 01, 2000 - 05:15 am
To Axme Madar

Inkastoo qoraalkeygani dambeeyo oo shirkii Jabuuti guulo fiican laga gaarey laguna rajo weynyahay in soomaaliya arinkeeda xal laga gaaro, waxa aad ku andacooneysid wax suuro gal ah ma aha, oo Canada ma sameyn karto ama ma faragashan karto arimaha aad sheegtey, waxaana laga yaabaa nika aad sheegtey iyo adigaba inaan la idin aqoon. Jabuuti waa u diidi kartaa wadankeeda cidii ay u aragto inay burburinayaan shirka nabada. Qaadicidda shirka ama danta soomaaliyeed loo baab'in maayo hal iyo labo shaqsi waxkasta oo ay yihiin. Mida kale, aqoonyahano xal keeni kara waa loo ogolaadey shirka.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mohammed

Wednesday, August 02, 2000 - 02:03 pm
TO AHMAD MADAR


sxb waxaa halkaan kacad in aytahay waxaad sheegayso been sababtoo ah dawlada jabuuti maxay tahay sababtay sxbadaa udiidayso inay yimaadaan dalka jabuuti waxaa halkaan kaaga sheegayaa hadaa tahay shaqsi raadinayo nabada somaliyeed qofna kaama xigto shirka jabuuti oo aad tycketkaada aad baxsanayso dowlada jabuuti tycket kuumasoo dirayso sxb.hadaa tihiina dadkasoo horjeeda nabada dalka iyo shacabka somaliyeed waa gooni oo aad raacsantihiin baniitayaasha qasay dalkeena hooyo ayadana waa warcad oo aan nagu cusbayn
waxaase nasiibdaro noqotay sidii isticmaarkii somalia utalinjiray ianay nimankaan burburiyay wadanka iyo shacbka somaliyeed ay kuqaraabtaan waxa layiraahdo qabiil ayna kusoo dirsadeen
waanka xumahay mr ahmad

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AXMED

Thursday, August 03, 2000 - 07:38 pm
to somaaliweyn.
after salaan dhamaantiin waadku mahadsantihiin sida aad kuwa waxmagaradka ah aad isaga dhiciseen balse aniga waxaa ila gudbooneed inaanan waqtiga iskaaga lumin raga meesha isaga hadlay sida xoolaha oo kale qaas ahaan ma wada ahan xoolaha qaarbaa caqli badan kuwaasna waa ka sii liitaan marka yaanan kuwaan oo kale waqtiga leeskaaga lumin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

WARFAA

Thursday, August 03, 2000 - 07:43 pm
TO XILDIID. WALAALOW WAXAAD RABTAA IN LAGU DHAYO WAA KAN ADIGA DHAHAYA DOWLADBAAN NAHAY OGOW INAAD EBER TIHIIN SOMAALI OO AAN DOWLAD KA DHALANA ARKI MEESIN NABAD .
TEEDA KALE MA WAXAAD MOODAY IN AAD SOMALI KA MAARANTO OGOW KUWA AAD CAAYNEESO WAA KUWII XURIYADA AAD KU JIRTO KULA GARAB GALAY MARKA DOQONYAHAW WAXAAS BULSHADA HALA SOO DHEXGELIN ADIGA OO KALE WAAN AQAAN WAXAAD TAHAY KUWII AAY SNM INDHAHA U FURTAY EE ARKAY MAGAALO MARKA SOO BARO MACNAHA DOWLADTAHAY .EE WALAALKAYOOW DADKA SOMAALIYEED DHINAC KA SOO RAAC

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mohammed

Saturday, August 05, 2000 - 10:14 am
to ahmad /warfaa
waxaa iga gudoontaan salaan walaltinimo salaankadib aad ayaan ugufaraxsanahay jawaabtaad usoo jediseen waxmagaratada aan waxba ka ogayn qimaha mushtamaca iyodalka somaliyeed waad mahadsantihiin marlabaad walaalkiin mohammed
fr swedan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xildiid

Tuesday, August 22, 2000 - 02:27 am
to warfaa

iska hadle xaasid ah waa naqaan nogob ilaa nogob annaga waxba adiga oo kale nooma sheegi karo waayo waxaad tahay ( nin nafwaayey baa janooy leh) waar anigu kuuma baahniye isdeber daciifyahow.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Thursday, August 24, 2000 - 06:47 am
Warfaa qabqable adigaa isku gubtey soomilada....UNOSOMna sidii la ogaa yeeshay..... ee iska nin wayn aad tahaye....waxaad ku jirtaa waqtigii aad soo noqon lahayd....okkk..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, August 25, 2000 - 12:54 am
Meesha AQOONYAHAN loogama baahna.... Qabiilaa ku shiraya.... Sidaas miyaadan u ogayn. Hadii aad HUB iyo HANDADAAD leedahay marhoraa laguu yeeri lahaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Canada

Saturday, August 26, 2000 - 09:52 pm
Ahmed Madar

waa runtaa ninkaas waxaa lagu maxbuusay gurigiisa ee ku yaala magaala la yiraahdo Windsor ee ku taala xuduudkeeyga dariska la ah xuduudka USA dhanka Detroit.

Dadkaan iska hadlaayo waxba ma oga ee dhag jalaq ha u siin..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abu-muscab

Sunday, August 27, 2000 - 07:28 am
waxaan rabaa in aan warkayga soo koobo
maanta oo taariikhdu tahay 27/o8/00 waxaa lagu caleemo saaray magaalada CARTA ee wadanka DJABUUTI madax waynaha ku meel gaarka ah ee wadanka soomaaliya MUDANE C/QAASIM SALAAD XASAN
Waxaan rabaa in aan usheego ninka SAFXADAAN FURAY
in uu ogaado meesha wax marayaan shirka cartana cid loo diiday ma jirto, marka walaalayaal gacamaha is qabsada oo taageera dawladiina raga doonaya somaliland in ay go'dana walaal taas qalbadiina ka saara oo ogaada soomaali weyn in aysan kala go'aynin marnaba, taas ku seexda
waxaan idinleeyahay mar labaad somaliya in ay dowlad yeelatay, wax kale la'idiinkama baahna aan ahayn in aad taageertaan dowlada cusub
SOMALIYA HA IS RAACDO SOMALIYA HA MIDOWDO
SOMALIYA HA NOOLAATO SOOMAALYEEY TOOSOO
TOOSOO ISKU TIIRSADA EE HADBA KIINA TAAGDARANEEY
TAAGEERA WALAGIINEE