Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before Sept. 16, 2000): WALAALAHAYGA KU NOOL EUROPA AND NORTH AMERICA
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HAAJI

Friday, September 01, 2000 - 08:13 am
Marka hore waad salaaman tihiin
Marka xiga waxaan u maleeynayaa walaalahay ku nool europa and north america in ay u kala baxaan sadex qaybood sida badan oo kala ah dad waxbarasho u jooga halkaas iyo dad ka shaqaysta iyo dad oo labadaba aan haynin, marka waxaan ula talinayaa walaalahayga in ay ku soo laabtaan dalkooda hooyo labada qayb oo kala ah kan meesha ka shaqaysta iyo kan iska joogaba maxaa yeelay dhaqan kaa badan wayku saameysaa oo waxay saameynaysaa diintiina, nabigeena naxariista rabi iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee wuxuu yiri(dabka gaalada iyo dabka muslimiinta isma arkaan)oo micnaheedu ah islama dersaan hadaba waxaa iga talo ah in ay kusoo laabtaan wadankooda hooyo iyada ayaa u baahan, qaybta kale oo ah dadka waxbarasho ku haysta halkaas waxaan leeyahay wado dhamaystiro waxbarashadaada ka dib u soo laabo wadankaaga hooyo or wadan islaami ah.
intaas iyo nabadgalyo
waxaad igala soo xiriiri kartaan emailadeeda oo kala ah
sadiqalqa@hotmail.com
sadiq_q@yahoo.com
wassalaamu calaykum waraxmatu allaahi wabarakaatuhu