Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before Sept. 16, 2000): Turaanturooyinka C\aasim Salaad Xasan
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ahmed

Wednesday, September 13, 2000 - 07:01 am
Laga soo bilaabo tan iyo intii loo magacaabay Madaxweynah KMG ee Soomaaliya, C\aasim waxaa ka muuqda fudeyd iyo karti la'aan. Howsha ugu weyn ee laga sugaayay waxay aheyd inuu mideeyo qowmiyada soomalida oo kala daadsan, inuu isku dayo inuu si dublimaasiyad ku jirto u qanciyo dadyowga kasoo horjeeda xukunkiisa sida Cigaal, C\aahi Yuusuf, Suudi, Caydiid, Caato, Bood. Illaa hada wax guul ah kama gaarin haba yaraatee. Waxaa la filaayay inuu soo magacaabo Ra'iisul wasaare kaasoo soo dhiso dawlad cusub ilaa hadda falkeeda muusan bilaabin.

Dhinaca kale waxaa muuqaneysa qaladaad iyo turaanturooyin badan oo uu ku dhacay. Markuu tagay magaalada Xamar, C\sim wuxuu magacaabay guddi soo dhisa nabadgelyada iyo ciidamada qalabka sida iyo kuwa boliiskaba. Lama oga tirada gudiga laakiin waxaa sugan inuu madax uga dhigay nin ku qabiil ah waa Jan. Galaale. Gudigan muusan ansixin baarlamaanka lagamana doodin ciduu hoos imaan lahaa. Hadaba maxaa qasbay inuu c\aasim magacaabo gudigan oo uu weliba madax uga dhigo nin la wadaaga heybta Ceyr???. Miyuusan ku socon jidkii Afweyne??

Tan kale waxaa noo muuqaneysa seef laboodnimo xaga dimuqraadiyada ah. Dad badan ayaa waxay farta ku fiiqeen in C\aasim ku dhow-dhowyahay wadaadada. Si uu iasaga fogeeyo tuhunka noocaas oo kale ah wuxuu bilaabay inuu adeegsado fikradaha reer galbeedka. C\aasim wuxuu aad u buunbuuniyay inuu ilaalin doono xuquuqda dumarka iyo xuquuqda banii'aadanka taasoo khilaafsan diinteena Islaamka. Marka laga fiiriyo dhinaca Islaamka: hadii gacanta la gooyo qofkii wax-xada waxay leeyihiin waxaa lagu tuntay xuquuda Banii'aadanka!! hadii la karbaasho qofkii sineysta waxay leeyihiin xuquuqda banii'aadanka ayaa lagu tuntay!! hadii la faro inay xijaab xirtaan oo guryahooda joogaan waxay leeyihiin xuquuqda dumarka ayaa lagu tuntay!!! hadaba C\aasimow xuquuqda dumarka iyo banii'aadanka ee aad difaaceysid waa tee!!!!!!! miyaadan ogeyn inaad ku socotid jidkii uu ku halaagsamay tababarahaadii iyo Macallinkaadii???!!!

C\aasimow intaad is leedahay wadaado ka fogow Islaamka meel ha uga dhicin!!!!!!!!!!!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

911

Wednesday, September 13, 2000 - 08:09 am
Mad mulah

kalaa soo galay xeradii

salaad boy ta kaliyee uu ka soo bixi waayay waa isgoo wali dooran rasal,wasaare

waxaan ku dhahay adi maxaa gabar somaliyey xuquuqdeda ugu didee adna u rabtaa in taadada lagu siyo waxaan ku shegaa cmputark kaan aa wax ku qoraysid laga yabee inay gabar samysay markaa ogow nin iyo naag ilaahy inuu abuurtay aana la is cadaadin mise abuse aad rabtaa iyo xijaab xiro iyo nin wadaad walan oo madanka xukuma, kalan saar siyaasad iyo diin


alow yaa gacan tayda ku soo gasha 911 lee kugu wici lahaa