    Qamar | Tuesday, September 26, 2000 - 12:35 pm Dhamantin dhaliyarada aqrisata qaybtan waxan idinka baryayaa idinkoo daacad iila talinya inad igu cawisan rayigiina kala duwan ama qofkasta figradisa Qisadana waa mid si dhaba iigu dhacdaymarkaa fadlan qofkii talo igu birinaya ha ii dacad baxo. Waxana ahay gabadh walashina jecelna qofkay dhibato haysatoo kale inaan cawiyo. Qisaduna waa mid dhaba.waana personal life lakiin waxan rabaa inaan idinla wadago wixii i figrad dhama inaan wax talo ah aan ka kordhisto.Waxkasta aan idiinshegana waasidii ay u dhaceen waana iga dhab Walhay. Haben habena ka mid ah ayan waxan wada hadlayenay gabadh aan sxbo nahay dagana magalada Arizona markaa waxaa la joogay dhalinyaro badan mid ka mid ah ayaa wuxuu yidhi si kaftan ah yaa la hadlaysaa markas ayey waxay tidhi gabadh aan sxbo nahay oo dagan Washinton DC so markaa wuxuu yidhi ma i bari kartaa caadi waa layskayo baray barashaduna ma xuma markaa wuxuu iga codsaday inaan siyo tellphonkayga lakiin ma aan siin oo waxan siyey emailkayga . wuxuu ila soo galay inuu yidhahdo xidhiidh aan yelano markana runtii diyar uma ahayn inan xidhidh qof la sameysto lakiin waaba ay dhacday oo wuuba iga hadhi wayey tedakale waxan qadarinayey Biladanimada. Wiilkii magacisa Faysal ayaa layiraahdaa wuxuu garay inuu had iyo jeer ila xiriro malintina ugu yaran aan ka helo 5email kama aan walin wan uga jawabi jiray ilaa uu igu wareriyo waan ku jeclahay markan wada soconay 3bilood uuna sawiradisa iisoo diray runtii anigu maarnaba ma aan jeclaan ilaa aanu wada soconay 6bilod waayo wuxuu ahaa wiil aad u dadnimo fican yaqana sida loola dhaqmo gabdhaha jacaylkana si wacan u jili yaqana. Calakuli xaal waanu is jeclanay waxayna qisadu noo mareysay mid aad u wacan habenkastana horumar dherad ah ayanu garaynay heer waxanu gaarnay inaanu malin iyo habenba isla hadli jirnay xitaa 2:30am aanu gaari jirnay saanu isula hadlayno Jacaylkayguna uu ahaa mid xad dhaaf ah kuu igu aburaynay uu shiqsi ahaan uu dhab iga ahaa aana waxkasta si dacad ah ula dhaqmi jiray. Isaguna aan had iyo jeer garabkayga ayuu ahaa xil kastna aan u baahdo uu isoo weci jiray xitaa haduu ka maqan yahay magaladisa had iyo jeer wuu ii mujin jiray Jacaylkisa. ugu yaran waxanu wada soconay 1year habenkii ay noga hadhsanayd 10cisho sanadkii ayaa waxay tariqduna ahayd Augest15/2000 ayaa iigu wardanbeysay wiil kii Faysal ahaa waxaan ka waayey wax aqbar ah tellophonkisa gacantana lama qabanayo xitaa gurigooda ma joogo marka la iga qabtana waxaa la idhahayaa ma joogo meel aan kala xidhiidhona ma jirto waxan u diray warqado cadi wuuna helay kamana aan hayo wax jawaab ah . xitaa ma xuma marka labada qof ay is dagalan ama ay dhexmarto dhibato kale wax haba yaratee oo na dhexmarayna ma jiro dhinacaygana waxdhibato ahna kama sheganayo markaa waxaa iga yabiyey ma wuxuu igu dhurayeyayaa been ka ah oo wuusan ba i jeclayn maxase ku kalifay waxan inuu sameyo , Jacaykisana runtii fara xun uu igu hayaa sida aan ku heli karana wa ay adag tahay markaa qofkii talo haya ama rayigiisa ha ila taliyo inkastay waxkasta xaga eebe ka qoran yihiin lakiin inaad i cawisaan waa laga yabaa waad mahadsan tihiin dhamaan tiin. |
    KASAPOPOLARE | Tuesday, September 26, 2000 - 04:57 pm Horta aad iyo aad ayaan ugaxumahay mashaqada kugu dhacday.waxaad u hadlaysaa sidii qof daacad ah , inkastoo aan la garankarin waxyaabo badan oo internetka ku qoran inay run yihiin iyo in kale,hadii aan si daacad ah kuula hadlo waan ku rumaysanahy.Si aan talo kuu siiyo waxaan jeclahay inaan ku waydiiyo dhawr su'aalood. 1-wiilka iyo adigu marna makulanteen? 2-Imisa billd ama usbuuc ayaad is taqaaneen markii ugu horaysy e uu kuu sheegay inuu ku jeclahay? 3-marna ma'isku dayday inaad lahadasho gabadhii is kiin bartay? Hadii aan ogaan lahaa su'aalaha aan kor kugu weydiiyay jawaabtooda ,waxaan ku siin lahaa sida uu ra'ayigaygu yahay .Marka waxaan rajaynayaa inaad iiga jawaabto su'aalahaa. PEACE SISTER ,STAY STRONG TILL NEXT TIME. P.S hA'UQAADAN IN RAGA SOOMAALIYEED OO DHAN AY ISKU MIDYIHIIN. |
    ali | Wednesday, September 27, 2000 - 03:20 am TO; Qamar Walaal anna intaas wiilkaas uu ku waydiiyey waxaankuugu dari lahaa, marna ma isku dayday inaad wiilka noloshiisii inaad deristid oo inuu xiriir gabdho hore lalahaa iyo sida uu ula dhaqmi jiray waa hadii ayba jirto e dhaqanka iyo nolosha qofka ayaa ah mid aad baran kartid marka aad isku meel ku wada nooshihiin take care |
    TIINLE | Wednesday, September 27, 2000 - 04:17 am Dad waxaa u wacanoo kuuguna wanaag badan qofka waanadaadiyo wax ku qaato hadalkee naa anaa kuu waaramayee weedhayda maqaloo wadnahaagu yuu nixin naxariist weegii ....kala wareegoooooooo.... dadka laba wajiilaa ha la dhiganin wacdoo jacayl aanlagula wadin wakhtigaaga yuu lumin ....jacayl aanlagula wadn..... .....wakhtigaga yuu lumin..... waa beyj ka mid ah Heestii "Jacayl aan lagula wadin" Ereyadii Cabdalla Nuuradiin Qaysar Codkii Cabdulle Yusuf Hanuunye.. Markaa Sis ka samir Kaase rag waa badan yee midkale dayday.. |
    TIINLE | Wednesday, September 27, 2000 - 04:19 am Dad waxaa u wacanoo kuuguna wanaag badan qofka waanadaadiyo wax ku qaata hadalkee naa anaa kuu waaramayee weedhayda maqaloo wadnahaagu yuu nixin naxariist weligaa ....kala wareegoooooooo.... dadka laba wajiilaa ha la dhiganin wacadoo jacayl aan lagula wadin wakhtigaaga yuu lumin ....jacayl aan lagula wadin..... .....wakhtigaga yuu lumin..... waa beyj ka mid ah Heestii "Jacayl aan lagula wadin" Ereyadii Cabdalla Nuuradiin Qaysar Codkii Cabdulle Yusuf Hanuunye.. Markaa Sis ka samir Kaase rag waa badan yee midkale dayday.. |
    Jabril | Wednesday, September 27, 2000 - 05:15 am Qamar: Ani too ka xunaa igu dhacday. qofaan Internetka ka bartay oo aan kala joogno yurub iyo ameerika ayaan sidaa isku noqonay ilaa aan banaanka kasoo ogaaday in la qabo oo nin Africa jira ay is qabaan. Markaan weydiiyna waxay tiri run waaye ee inaa iga cararto aan ka cabsaday. Habeenkiii waan u qoqoslay laakin hada e-mailskeeda iyo fariimaheeda telka midna kama jawaabo. Hadaan kula taliyo waxaan ku oran lahaa xaafada lagaa baray qofta leh wac ciwaanka forumka soo sii hana akhrisato saaxiibkeed siduu kuu galay. Kadib ayadaa ku siinaysa wixii faalo ninkaas ku saabsan. Ama ka aarso oo gabar aad saaxiib tihiin ku dheh ninkaas raadi aduunkana kuw aal. Anaa nina ee i waydii nimanku dabaalyaal waaye oo maxkaxdooda naguhu way ku ciyaari karaan. Don't get angrry, get even with this dude. |
    Nin _Hore_u_Yaabay | Thursday, September 28, 2000 - 12:16 pm Salaan, Qamar sanad kaste taas oo kale ayaad raga ku samaysaan hadaad tihiin naago soomaaliyeed. Aniga way badantahay inaty waxaasi i soo mareen. Taan barto maanta uma dabco sabab qalbiga wax qof lagu aamino ma aha . Dhibaatadiisu way badantahay. Mid sidaas oo kale ay noo ahayd oo habeen iyo maalin taleefan ugu waashay oo aan ku iri walaal anigu diyaar uma ahi waxan aad doonaysid. Ayaan markay iga hadhi wayday u dabacay oo aan is iri ama aay tahay gabar fiican waanay ahayd runtii. Mudo sanad ah markaan wada soconaynay, runtiina aad bay u qurux badnayd, markii dambe ayaan jecaaday . Waxanu wadnaba maalintii dambe telefan ayay ii soo dirtay saqdii dhexe. Ku le aabahay ayaa nin i siiyay, ..haye.. markaasan waan ogalaaday...lol. Anigu waan yaabay. Waxan aad iyo aad iga dhaadhici wayday naagtii intaa aan iska fujin kari waayay ayaa sidaas iila hadashay. Ilaa imika way soo hadashaa ayadoo la qabo. Waa iska aduunyo, rag oo dhana taas ayaa haysata. Ee Qamar welcome to man's reality inuun baad maanta ka dareemaysaa dhibaatada na haysata. Teleefankeedi iyo E-mailkeedi iyo sawardeedi waxiiba waan gubay. Laakiin bal yaa wadanaha ka tirtiri kara qof aad jeceshahay . Meeshaan tagaba way i xasuusisaa , mar mar baan is yidhaahdaa dalka mawga tagtaa. Nabdeey |